Abaaro 05:40 daqiiqo ee Galinkii danbe ee xilliga Muqdisho Dagaal xoogan oo hubka noocyadiisa kala duwan la isu adeegsadey waxa uu ka qarxey qeybo ka mid ah Jidka Warshadaha gaar ahaa Degmada Yaaqshiid.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii xoogaga Al-shabaab weeraro xoogan oo kedis ah ku qaadeen fariisimada ciidamada Gumeysiga Itoobiya ka degan yihiin qeybo ka mid ah Jidka Warshadaha, sida Isgoyska Ifka Xalane, kan Miisaanka Dhuxusha, Xarunta Isbitaalka Carafaat iyo sidoo kale dabaqa Sport-ga ee Stadium Muqdisho.
Dagaalkan ayaa markii hore ku bilowdey Madaafiic xoogan gaar ahaan kuwa garabka laga rido, Daqiiqado yar ka dibna waxa uu isu bedelay Dagaal xoogan oo ka fool ka fool.
Dagaalka ayaa soo gaarey agagaarka xilliga Salaada Makhrib, waxaana in muddo ah ka dib la sii maqlayey rasaas ay ridayeen ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee weerarka lala beegsadey.
Inta la arkey, waxa ay Dadka deegaanku xaqiijiyeen dhimashada ilaa 2 Asakri oo ka mid ah kuwa Gumeysiga Itoobiya ee sida kediska ah u dagaalku u qabsadey.
Dhanka Rayidka si rasmi ah looma oga khasaaraha dagaalkii Galabta ka soo gaarey basle wararka qaar ee la helayo ayaa sheegaya in ay ilaa dhowr Qof oo rayid ah oo khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba leh ay soo gaareen jiraan, kuwaas oo ku waxyeeloobey madaafiic ciidamada Gumeysiga Itoobiya ku garaaceen xaafado ka baxsan halkii dagaalku ka dhacey sida xaafada Tawakal ee Degmada Yaaqshiid.
Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee lagu weerarey Isgoyska Miisaanka Dhuxusha ayaa qeyb ka ah kuwo halkaas Xaley soo degay, ka dib markii ciidamadii horey ugu sugnaa ee DKMG ah laga rarey.
Dhanka kale dagaalkii Galabta ayaa qeyb ka ahaa weeraro joogto oo maalmihii ugu danbeeyay Xoogaga Muqaawamadu la beegsanayeen fariisimada kala duwan ee ciidamada shisheeye iyo kuwa DKMG ah ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ka soo gaareen khasaarooyin xoogan oo Naf iyo Maalba leh.
Wuxuu sidoo kale dagaalkii Galabta ku soo aadaya iyada oo wakhtigii loo qabtey ciidamada Gumeysiga Itoobiya in ay uga baxaan goobaha Dadka rayidka ah degan yihiin sida ku xusan heshiis dhawaan Isbaheysiga Dibu Xoreynta Garabka Jabuti iyo DKMG ah ku kala saxiixdeen, ay ka harsan tahey Beri oo keliya oo ku beegan 21 November.

Related posts:
asc,
Waa talo xumo in laga war sugi waayo bal inta dhowrka saac oo ha ka hartay markii la yiri waa baxayaan. Mase kuwaaan waxay rabaan in ethiopianku aysan meesha ka bixin oo ay sii joogaan, si ay buriyaan heshiis aysan ku jirin ayankoo leh “looma dhama”. Mise caawa ayey heleen wixii 3sano ku dhawaad aysan helin oo koox yar ku jabi karaan ethiopia? Mise waxay rabaan sidii indhacadde yiri inay yiraahdaan “xoog ayaan oga saarnay”?
War suga ilaa berri, haddii ay bixi waayaan qoryihii waa heysannaa sheekaduna meeshii ayey ka billaabaneysaa ayankoo marmarsiiyo heysan. Waxaaa laga yaabaa inay hadda marmarsiyo helaan oo yiraahdaan anakoo xabad nalaku wado ma bixi karno sababtoo ah dhabarka ayaa nalaka tooganayaa. War maciin jirye dhowrsaac u suga oo siiya nifaas ay ku baxaan haddii ay rabaan inay baxaan.
w/a
w/a
Asc wr wb Dhamaan,
Nuur ninka watoow laf cad ayaad toobin ku haysaa walee. Ma weli Jibuuti iyo kuwa is dhiibay baad aaminsan tahay? Itoobiya beri hadday baxdo iyo sanado kadiba hadday baxdo inay xabad looga saray ayaan aaminsanahay, ayagoo dulaysana ka baxayaan waba dulaysan yihine haddaba. Soow ayagan meel walba ka qiranaayo war maxaa umaddan si ka ah waban yabanahaye aniga
Mahadsanidiin,
Alwalaa Wal Baraa.
markaa nafis siiya leedahay si ay u baxaan yaba rabo ayagoo nabad qaba inay baxaan waba in la soo qabqabtaaye umaddaan maxa si ka ah
asc,
Oo Yaa la aaminaa, ilaahay ka sokow kuwa jabuuti jooga haddii aan la aamin? Ma Al-shabaab oo Muslim iyo Gaalo u kala aaba yeeleyn oo isugu midyihiin wixii aan al-shaab aheyn. Mise daahir uweys oo wax cad iyo wax madoow midna meesha ku heyn. oo talo xumo iyo Afewerki isugu darsameen. Mise indhacadde oo meel uu jaan iyo cirib dhigay la ‘ayahay kadib markii ay al-shabaab ka xishoo waayeen. Mise waxaan raacaa abdullaahi yusuf oo la’ meel uu soo caga dhigto. Mise qabiileyga ayaan si indho aan leheyn isaga daba galaa?
Qolada jaabuuti isma dhiibin ee waxay keeneen caqli somaliya lugu badbaadinayo. Qaladaad ha galaan laakiin ilaa hadda wax dhaama saaxadda ma joogaan. Waxaad weydiisay “umaddaan maxa si ka ah” umadda waxa si ka ah waxyaabo badan. Waxaan ka mid ah sidaad u fakereysid.
w/a
Meel aad aaddid haddaad garan la’dahay waxaa kaa lumay ninyahoow miisankii sharciga aha ee islaamka inoo jideeyey.
Asc Nuur sxb maxaa cadeyn kara in aadan iminka qabiilkaaga indha la’aan kula socon ? Ma nin qalbigiisu qabiil iyo qurun uu saafi ka yahaybaa sidaadoo kale u hadla ! Qabiil in aadan ka madax banaaneyn waa caddahaye ninyahow xaqa u soo laabo