C/laahi Yuusuf oo Nairobi ku soo laabtay

Published on November 20, 2008 by   ·   No Comments   ·   print

C/laahi Yuusuf Axmed ayaa galabta soo gaaray Magaalada Nairobi xarunta Dalka Kenya, isaga oo ka soo kicitimay Magaalada Khartuum ee caasimada dalka Suudaan.

C/laahi ayaa soo maray Wadamada liibiya iyo suudaan halkaas oo uu kulamo kula Yeeshay Mas’uuliyiin ka mid ah Dowladahaas si uu taageero ugu helo Hindiso uu wado oo ah in Dalka Djibouti laga soo wareejiyo wada hadalada u dhaxeeya Isbahaysiga Garabka Djibouti iyo DKMG.

C/laahi Yuusuf ayaa yimaaday Nairobi ka dib markii uu isla maanta ka dhoofay Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade oo ka dagay Magaalada Muqdisho isaga oo ay waheliyaan qaar ka mid ah Xubnaha cusub ee xukuumada uu dhisay.

Lama garanayo in uu C/laahi Yuusuf sii joogi doono Nairobi iyo in kale, balse waxa uu horey u sheegay in uu tagayo gudaha soomaaliya.

Ma jirto wax war ah oo uu C/laahi Yuusuf siiyaya saxaafada, balse waxaa la filayaa in uu ka warbixin doono ujeedada socdaaladiisii iyo wax-yaabaha u soo qabsoomay maalmaha inagu soo fool leh.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. C/laahi Yuusuf oo Muqdisho ka Duulay Nairobi-na gaaray
  2. C/laahi Yuusuf oo u dhoofay Suudaan
  3. C/laahi Yuusuf & 180 xubanaha Baarlamaanka ah oo Nairobi ku wada sugan
  4. C/laahi Yuusuf oo dib u soo laabtay
  5. C/laahi Yuusuf oo u Dhoofay Liibiya

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. C/laahi Yuusuf oo Muqdisho ka Duulay Nairobi-na gaaray
  2. C/laahi Yuusuf oo u dhoofay Suudaan
  3. C/laahi Yuusuf & 180 xubanaha Baarlamaanka ah oo Nairobi ku wada sugan
  4. C/laahi Yuusuf oo dib u soo laabtay
  5. C/laahi Yuusuf oo u Dhoofay Liibiya

Latest Headlines