Dagaal Galabta ka dhacey qeybo ka mid ah Deg. Yaaqshiid iyo Heliwaa

Dagaal xoogan oo hubka noocyadiisa kala duwan la isu adeegsadey ayaa gabal gaabkii Maanta ka dhacey qeybo ka mid ah Degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa ee Gobolka Banaadir kaas oo u dhaxeeyay Xoogaga Muqaawamada iyo ciidamado ka tirsan kuwa Gumeysiga Itoobiya iyo DKMG ah oo isku dhan ah.

Dagaalkan ayaa yimid ka dib markii xoogaga muqaawamadu weeraro xoogan oo kedis isla hal mar la beegsadeen fariisimada Warshada Baastada ,Xayle Bariise, Saraha Caymiska, Carafaat ilaa Stadium Muqdisho oo Saldhigyo u ah Ciidamo isku jir ah oo kala tirsan kuwa Gumeysiga itoobiya iyo DKMG ah.

Hal mar ayaa deegandaas laga maqley dhawaqa madaafiicda, kuwaas oo si toos ah Xoogaga Muqaawamadu ula beegsanayeen goobihii ay weerarada ku qaadeen, ka dib waxaa xigey Dagaal ka fool ka fool oo halkaa ka bilowdey socdeyna in muddo ah.

lama oga khasaaraha dagaalkii Galabta ka dhashey, gaar ahaan kan gaarey ciidamadii weerarka Xoogaga Muqaawamadu ku qaadeen ee ku sugnaa fariisimadii ay weerareen.

Balse dhanka Rayidka ah khasaarooyin baa jira aan la ogeyn inta ay leegyihiin, inkastoo wararka laga helayo agagaarka Isbitaalka SOw ay sheegayaan halkaa in dhowr Qof dhaawacyo soo gaareen ka dib markii uu madfac ku soo dhacey goob ay ku sugnaayeen kaas oo laga soo ridey Warshada Baastada.

Waxa sidoo kale madaafiic dhowr ah oo ku dhacdey goobo ka fog halkii uu dagaalku ka socdey, kuwaas oo aan si guud loo ogeyn khasaarihii ka dhashey inta uu leegyahey.

Dagaalkii galabta waxaa sheegay xoogaga MMIS, sida lagu daabacey Website-ka afkooda ku hadla ee al-maxaakim.com, waxa uuna qeyb ka yahey sidoo kale dagaalkii Saaka ka dhacey qeybo ka mid ah Degmada Wardhiigley.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

1 Comment(s)

  1. ALLAAHU AKBAR
    IMMA NASRIWA IMMA SHAHAADAH

    Imtixaan | Nov 19, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo