Gudiga Culimada Musaalaxada & Sixida oo Bayaan ka soo saaray Xaalada Dalka

Shabakadda Somalimirror waxa ay idiin soo gudbinaysaa Bayaan ay maanta soo saareen Gudiga Culimada Musaalaxada iyo Sixida oo ay uga hadlayaan Marxada uu xiligani Marayo dalka Soomaaliya iyo waliba Dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee ku soo kordhay saaxada{ Daawo Sawirada}

Bayaanka oo ka kooban 6 qodob ayaa waxa saxaafada u akhriyay Gudoomiyaha Gudiga Culimada Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Waxaana sidoo kale kalmad gaaban halkaasi ka jeediyay Afahayeenka Gudigaasi Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Goobta Bayaankan lagu akhriyay oo ahayd Hotelka ay culimadu ka deganyihiin Muqdisho ee Amal ayaa waxa goob joog ka ahaa culimo gaaray 9 oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, Sheekh Max’ud Sh. Ibraahim Suuleey,Sheekh Max’ed Yaasiin, Sheekh Max’ud Macallin Nuur, Sheekh Max’ud Axmed Xasan (Abuu Sheyba) Sheekh Cusmaan Ibraahi.

Sidoo kale Bayaankan ayaa waxa loo bandhigay Culimo ay ka mid yihiin:- Sheekh Shariif C/nuur , Sheekh Max’ed Nuur Qawi iyo Sheekh Cumar Faaruuq kuwaas oo dhamaantood ku raacay.

Bayaanka Culimada ay soo saareen ayaa ah sida tan:-

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

19 Comment(s)

  1. talaabadani eydib ugu dhigen shirkii lafilayey waxey sii burburi neyda wixii yara eeka soo harey mmis tii oo wali rajada ka qabey midnimo iyo in mmistii dib laiskugu soo celiyo waxey ilatahey culimadu waxey afka ka dhowrayan fashilka ku yimid dadalkodi tan labad meelaha lakala qabsanayo waa arin lama huran ah oo somali oodhan sugeyda marka itobianku baxan isreeb reeb aya nasugaya aan lahureyn midnimada culumadu raadinayan ayada aya imadonta waxa

    boqol jirow | Nov 19, 2008 | Reply

  2. midnimada culumadu raadinayan ayada aya iska imadonta sabab too ah koox kaliya wadan maqabso karto waa lama huran in isbaheysiyo lasameyo oo kooxuhu sida ey iskugu fikir dhowyihin iskugu biiran culumada yaaney waqti iska dhumin sharif cidanbe oo wax ku darsaneyda majirto mana filayo iney arintan ku guleysana yaan

    boqol jirow | Nov 19, 2008 | Reply

  3. ASC. Bayaanka culimadu dhab ahaantii wuxuu waxwayn katarayaa sidii lagu adkayn laha midnimada Mujaahidiinta loona qaban lahaa kooda qaldan.Inkasta oo ay afka ku dhufan hadana waxan filayaa inay fariin u gudbinayaan Mujaahidiinta Al-shabaab oo si hal-haleel ah ku tegay Gobolka Sh/hoose waxyar kadib xili Sheikh Yuusuf indha-cadde uu meel fagaare ah ka sheegay in Maamul islaami ah halkasi laga hir gelin doono.Sheikh Yusuf wuxu ka mid ahaa ragga halganka kaalin fiican uga jiray,waxana la rumaysan yahay in raggii joogay Sh/hoose ay ka dhaqan bedelnaayeen qaybaha kale ee Meleeshiyaadka kooxda Imbati, taas oo la rumaysanyahay in shekh yusuf galaan gal wayn ku lahaa gobolkaas,sida isaguba uu sheegay in ay is ogaayeen raggii meesha sii joogay.Al-shabaab waxaa muuqata in ay wax kasta iyagu is xijinayaan oo ay iska indho tirayaan doorka Mujaahidinta ka bar-bar dagaalamaya,Sidaas darteed waxaa habboon in al-shaab ay wax ka bedelaan hanaanka ay ku shaqaynayaan ee ay inta kale iskaga beri yeelayaan ama iyagu uun ay dariiqa saxda ah ku taaganyihin, waxaana rajaynayaa in ay u dhaga nuglaan doonaan fariinta Culimada Musaalixada oo runtii marka kuwa howsha wada iyo kuwa loo gudbiyey ee ku raacayba la’isku daro ah hormuudka Culimada Somaliya iyto intiii khyrka lagu malaynayey.
    XAQA ALLAHA NAWADA WAAFAJIYO!!

    Garaad | Nov 19, 2008 | Reply

  4. Culimada Ilahay ha ka siiyo ajar dadaalkooda, hana usaaro miisaanka xasanaadkooda maalinta qiyaame.

    Hase yeeshee waxaan kasi waayay sababta ay bayaanaat-koodu aysan waxba u kala goyn karin oo ay isugu dayayaan inay cid waliba raalli geliyaan. Cilmigooda miyaa xaqa u caddayn waayay mase xaq ayaan meesha jirin?

    Sideedaba Aniga waxay Ila tahay waxaa jira laba arrimood oo aan kala khatar yareyn, loona baahanyahay inay culimadu bayaaniyaan:

    (1) Qolada Isdhiibtey inaan laga gabban si cadna dadka loogu sheego inaysan bannaanayn in dariiqooda lagu kadsoomo.

    (2) Qolada ugu baaqeysa muslimiinta caalamku Inay Soomaaliya usoo tababar doontaan, ee ujeedadoodu ay u egtahay inay doonayaan in waddanka laga dhigto meelo lagu barto sida wax loo qarxiyo, oo aan mooddo inay cadawyo hor leh raad-raadinayaan.

    Waa in kooxaha dagaallamaaya hadafkoodu ku koobnaado in dalkaan cadawga laga xoreeyo shareecada islaamkana lagu maamulo. Qofkii ka gaabiya oo isdhiibaa waa inaan loo jixin-jixin. Qofkii la xad-gudba oo raba inow qaddiyaddeena ka dhigto wax u rahma wax aan inta badani ku qanacsanayn, waa in isna gacanta la qabto runtana loo sheego.

    Culimadu haddii aysan runta sheegi karin yeysan waqti iska dhumin. Ilaahbaa mustaqbalka iyo arrimaha ciribtooda og laakin ifafaale hadda muuqada lama laha indho kala badbaadaaya.

    fahad warsame

    fahad | Nov 19, 2008 | Reply

  5. waxay ila tahay Bayaanka culimadu in uu yahay mid loo baahnaa, waayo qodobada ku qorani dhammaan waxay ka tarjumayaan midnimada walaalaha muslimiinta ah ee Soomaaliyeed.

    waxay ka turjumayaan sidii isbadalka la filayo marka uu yimaado in aan la isku dhicin oo ragga maanta cadawga la wada dagaalamayaa aysan iyagu dhexdooda ka dagaalamin.

    Cadawgeena waa naqaan ninka la socda ee keenayna waa naqaan. Ma jirto sabab raggii halganka ku wada jiray in ay ku dagaalamaan waa kala feker duwan nahay.

    Culimada Soomaaliyeed waxaa waajib ka saaran yahay in dhalinyarada la heshiisiiyo, mar kasta, maadaama hore loo yiri “20 jir inta uu geed ka boodo ayuu talo ka boodaa”.

    Wa Bilaahi Tawfiiq

    Jama Abdullahi | Nov 19, 2008 | Reply

  6. culumuda bayaankooda waa wanaagsan yahay ilaahyna ajir iyo qayr ha siiyo

    ciise | Nov 19, 2008 | Reply

  7. A/C/W Waa Bayaan Wax ku ool ah oo muujinya Shirqool gaalada marka Allaah ubarino inuu dhaqan galo oo guulaysto shirqool iyaga Allaah kuceliyo Muslimiintana Allaah Midnimo siiyo Aamiin Aamiin Aamiin

    Ibraahiim Macalin Daahir | Nov 19, 2008 | Reply

  8. Mashaa ALLAAH.

    Bayaan wanaagsan weeye ninkii wanaag doon ah.

    Culumadana KHayr allaah ha siiyo

    Warfaa | Nov 19, 2008 | Reply

  9. allaahu akber allaahu akber , allahuma lakal xamd

    in badan ayaanu sugaynay bayaanka culumadeena allaha raxmaanka ah aan kabaryeynaa inoo no xafido

    Mujaahidiintana waxaan ka baryaynaa inee amarka culumada raacan >

    bahda shabakadeena Soomaali Miror nah waxaan leeyahay illaahay khayr fara badan ha idin siiyo

    nusayba | Nov 19, 2008 | Reply

  10. BISMILLAH.

    ASclaykum.

    AKHYAAREY hadalka lama badiyee idinkaa ii yidhi waxaan odhan lahaa, waxaa muuqata inaan ragu kala fikir fogayn, weliba waxaa aad iigu sii bamabayaamiyey walaal fahad.

    waxaan ku dari lahaa.

    1-inay culimadu inta rajo jirto wax xeeriyaan.

    2-inaysan rajada cida laga leeyahay fogeeyneeyn qayb kale sida shariifka iyo ragiisa, hadii weli la xeerinayo, waxaa isna la fogeeyey qayb kale, ee waa in loo cadeeyaa sida fahad u cadeeyey.

    3-Arinta shabaabka waxaan ku dari lahaa, weli yaan laga quusan, waayo mudo ayaanaan walaalkay shariifka ka quusan ilaa isagu na quusiyey, markaa weli iyaga maxabo iyo jilbo ayaa meel fiican u maraysa`e , waagaase qasab wax bari doonee, bal marka hore sida la isugu dhowdhow yahay hala isu raaciy raga ehlu fadliga ah.

    4-xaqiiq waxaa ah hadii ay na quusiyaan walaaladayada aan jecelahay shabaab oo yidhaahdaan midnimadiinu nooma qalanto, laakiin walaalo kale waan ku hoos jiraynaa, dee markaa inta kale waajibkoodii gudatay.

    5-walaaladay waxaan odhan lahaa, sida al-walaa wal baraa ina farayo, sababo cad oo diin iyo daliil ku salaysan oo qadciya hadaad haysaan,
    dee diyaarbaanu u naha inaan xaqa raacnee noo soo bandhiga, inta kalena WAA NAGU WALLAH inaan annana ka bari noqonayno, sheekh shariifna ka soo ansaxiya sida ay culimadii waa waynayd yeelayaan laakiin walaalayaaloow, humaag iyo waad debecsan tihiin, arin inaan kala tagno ku guntanto maaha iwm.

    6-Xaqiiq waxaa ah in fashilka idinku yimaada culimadda iyo mujaahidiintaba, inaysan ka soo hadhayn, fashil ku yimaada dhamaan diinteenan qaaliga ah, dadkeenan quruun tarabuska loogu jiray, iyo dalkan ALLAH inagu sharfay, kala qoqobnaantuna waa astaan ka mida fashilka.

    7-Waa damnbe ALLAH ka dhigo in hamigeenu ficil ahaan, wax kale karo, waa la wada jecel yahay, gudahana waa ka wada guuxaynaa, laakiin maaha maanta maalintii arinta in laga wada hadlo la soo bandhigi lahaa. oodo dhacameed siday u kala sareeyaan baa loo kala qaada ama canjeelo siday ukala sarayso ayaa loo cunaa.

    8-Hadaynu kitaab jaamaca marno inaynaan todoban la inagu xeeray (qaarada soomaaliyeed)ee aynaan walaaladeen soomaali galbeed iyo (soomaali koonfureed NFD), inaan kala tagnay, ku dhaarano, la inaga akhrisan maayo, la inoona jixin jixi maayo, inta la damacsan yahayna maanta waaba todobadii ka soo hadhay intaan kor ku soo xusay, laakiin si kastaba ha ahaatee, inaga afkeena waa isu amaan, juuqna nalaga maqli maayo, dadkayaga iyo diintayada iyo dalkaanu difaacanaynaa, waxaan shareecada ahayna aqbali mayno intaan karno.

    WALBILLAHI TAWFIIQ.

    kudarso | Nov 19, 2008 | Reply

  11. to: ku darso ninka la yiraahdow hadalkaagu waana faro badan yahay xaqiiqaduna wey ku yartay waxaad soo qortaa in al-shabaab ay keeneen khilaafka waxaan ku su,aalayaa markii la ahaa midowga maxaakiimta iyo garabkooda milatariga ee al-shaab ee gaaladu soo duushay iyadoo ul iyo diirkeed la yahay imtixaankii allena yimid yaa jihaadka ka cararay yaase sugnaaday? yaa asmra ka dhacay yaase jilibka u dhigay gaalada? yaa dib u xoreyn la baxay? yaa jamaacadii khilaafay? yaa midnimadii diiday? minka dib u xoraynta la baxay mise ninkii jihaadka waday? waxaa xaqiiq ah in beentu ay danbi weyn tahay ee alle halaga baqo oo beenta iyo parapaganda la afuufayo hala joojiyo

    Deeq | Nov 19, 2008 | Reply

  12. SC WR WB DHAMAAN UMADA SOMALIYEED EE ISLAAMKA AH MEEL KASTA OO AY JOOGTO, BACDASALAAN, WAXAN UGALA HABOONEYD CULIMADAU INAY XAQIIQDA KA ABAARAAN QILAAFKA SOO KALA DHEX GALAY MIDNIMADII MUJAAHIDIINTA TAAS OO KA TIMID CADAWGA ALLAAH & ISLAAMKA AYADOO QEYB CULIMADA KA MID AHNA KU KADSOOMEEN QAYAANADII CADAWGU SOO MALEEGAY QAARNA AY KA DIGTOONAADEEN OO ALLAAH WAAFAJIYAY DARIIQII XAQA AHAA, AYADOO AAN CULIMADU ARINKAAS TOOS U WAJAHIN UNA TILMAACADEYN ARAGTIDA KAGA ABAARAN QILAAFKAAS AYAGOO AAN DHEXDHEXAAD KA NOQON XAQA & BAADILKA WAY ADAGTAHAY SIDA LOOGU BOODO BAAQ KALE WAXAYNA U EKEYNEYSAA INAY DARAF KA YIHIIN QILAAFKA WALIBA AY LA SAFAN YAHIIN AMA AY U GARAABAYAAN GO’AANKA LAGU RAACAY KUWA DOWLADA SHEEGTAY &BEESHA CAALAMKA OO U KALA QAYBINAYSA ISLAAMKA QAYB MAYAL ADAG & QAYB MAYAL JILICSAN, WAXAAN KU TALIN LAHAA, KOHOR INATAAN ARIN KALE LOO GUDBIN, TOOS LOO WAJAHO OO LOO TILMAAMO HALKA ARINTU KA MURUGSANTAHAY CIDII QALDANA QALADKOODA FARTA LAGU FIIQO KUWA KU TAAGAN JIDKII SAXDA AHAANA SHACABKA LOO SAMEEYO OO LA YIRAA AYAGAAS AYAA SAXAN, TAAS AYAANA U QEYR BADAN WALAALAHA QALDAMAY & WALAALAHA SAXAN INTABA ADINKANA IDIIN QEYR BADAN.

    HUSSEIN | Nov 20, 2008 | Reply

  13. ?? ??? ???? ?? ??? -??? ???? ????? ?????- ???: ??? ???? ???? ??? ???? ???? ???? : ?? ???? ?????? ?? ???? ?? ???? ?? ?? ??? ??? ????? ????? ???????

    ??? ??????? ?? ??? ???? ??? ???? ??? ??? : ??? ????? ??? ???? ???? ???? :” ??? ?? ???? ??? ????? ?? ?????? ” ??? ????? ???? :” ??? ?? ???? ??? ????? ??? ??????? ?? ?????? “

    farax | Nov 20, 2008 | Reply

  14. Taladan fiican qofkii diida waxaanu u arkeyna in wax kasiyihiin waxnu ku odhan karo waan ku dhahana

    Abusaciid | Nov 20, 2008 | Reply

  15. way la soo dhaaheen culumada warkaan,balse amxaaradu wey bixi nabadna ha sugin weeye somaliya culumo is gaaleysiisa oo afka ciida isku darta waad arki doontaa,shacabkiina wadaad nacayb ka sii qaado arintaan is qabqabsiga ah alshabab vs maxaakiim,altakfiir vs alitihaad.hadey arintaan dhacdo waa aakhiro samaan wayna adkaan doontaa in diin alle lagu dhaqo shacabkayaga muslimka ah waayo culumada iyo kuwa diinta sheegtaba ayuu eegayaa si ay u dhaqmayaan,waana hubaal in sidii hogamiye koxedyadii ay hubka isku qadan doonaan ayagoo is gaaleeysiiga,yaan la sugi waayin arintaas.

    haddaan imid | Nov 20, 2008 | Reply

  16. A/W/W
    Salaanta muslimka kabacdi waxaan oranlahaa culimadu waa mahadsan yihiin hana wadeen kasha qaynta midnimada iyaga oo kaashanaya alaah yayna kadaalin waxay qaban karaan waana lajiraa insha allah wixii khayra.
    tankale waxaan akhriyay qoraalada waana iskufakar say ubadan yihiin ,laakiin walaalayaal waxaan dareemayaa raga qaar in ay kujirto koox jeclaysi ,taasna waa wax xun ninkii sharciga ku khaldama yaan laga leexan laakiin inta kale waa halkoox magacyadaan badan waxay horseed u yihiin dagaal dhexmara mujaa hidiin islaam walaalo miyaadan garanayn wixii kadhacay afgaanistaan midowga sofiyedka kabacdi tankale shaydaanku markii aad guu laysateen siduu u fashaliyo wuxuu abuuraa marxaladkale si aad uga bayrto wadada saxda ah ee walaalkaygiiyow midnimo markasta aan raadino ninkii jihaaday ilaah ha ajarsiiyo kiibaxsadayna sidaa oo kale kii aan qabanwaxbana hada hasameeyo lakiin kooxdayda baa saasamaysay ee hala aqoonsado yaad istusaysaa alaah waa kaa warqabaa waxa aad tahay ee yaa kale a/w/w

    awle | Nov 20, 2008 | Reply

  17. Asc,waan idin salaamay rag mawduucan ka hadlay,culimada soomaaliyeed ee dal iyo dibadba laga aqoonsan yahay laguna kalsoon yahay waa shariif cabdinuur,sh.maxamed nuur qawi,sh.cumar faaruuq iyo sh.umal,ma ahan garab walaa koox midna waa culimo soomaaliyeed way fatwoodeen xaqana way cadeeyaan waana ku kalsoonahay,jihaadka ayey ka fatwoodeen kuwa gaalada soo garwaday ay ka fatwoodeen wax walbo ayey cadeeyeen sidaasay ayakuna ducada la taagan yihiin har iyo habeen mujaahidiintuna xabbada la taagan yihiin,hadaba in culimadaas nalaka leexiyo iyadoo nalaku xirayo culimo urur ah waji bir-nimo waaye ama magacii culimada soomaaliyeen een kor kusoo xusay magacyadooda in la bililiqaysto waji kaaki-nimo waaye marka culimaa warkoodii la diiday iyo midnimaa la diiyey iyana parapagaanda waaye marka allah halaga cabsado oo xaqa ha la isku kugu yimaado

    Deeq | Nov 20, 2008 | Reply

  18. ASC,
    Culimada Somaliyeed waxba ma qaban karaan inta kuwa dagaalamayaa ama Siyaasada ku jiraa Dano Shisheeye ku xidhan yihiin ee qaar Jibuuti USA u adeegayaan, qaar Eretria qaarna Afghanistan iyo Alqaacida.DANTII SOMALIYEED MEEDAY?
    wadaad iyo Waranleba somalidii waay dhimanaysaa oo silcaysaa oo gaajo iyo dagaal lagu madhiyay.
    Islaamka ayaa ogol inaad adiga oo adkaan karaya oo guulaysan karaya aad nabad gashay ooo ilaahaybaa leh Gala nabad kuwa i rumeeyayoow.
    Meesha lagu dagaalamayaa waa wadnaheenii kuwa dhimanayaana waa dadkeenii.
    Jihaad cidkale loogu adeegayo iyo wadaad kursi jacayl ku jiraa guul inooma keenayaan.
    Wabil;aahi towfiiq

    Mohamed Hargeysaawi | Nov 20, 2008 | Reply

  19. As/w w

    waxay ila tahay in culimada aay dadaalayaan laakiin uma rabanaan dowlad iyo kala danbeyn wadanka taasna waxaa sabab u ah.
    1- ayagoo diidayo in ciidamo lakeeno soomaaliya si maamulkii iyo jeshkii loogu dhiso, ayagana looga badbaadiyo in aay islaayaan.
    2- Arrinta soomaaliya aay ugu qaxeen aqoonyahankii oo dhan iyo dadkii xirfadlayaasha oo ah dilka macna darada ah ee dadkaa loo gaysanayo si cad oo waadax ah ugama hadlin manala sugayo in aay hadlaan.
    3- Ayagoon si qoto dheer ah u eegeen waaqica iyo qaybaha soomaalida aay ka kooban tahay, waxa kaliya oo aay eegayaan waa midawga maxkamada khilaafkooda kaliya. laakiin ma eegayaan zamanka iyo makaanka daruufaha la xariiro.
    ugu danbeeyntii waxaan culimada u sheegayaa in aay cadeeyaan in aay fikir gaar ah metelaan iyo in aay soomaali oo dhan matelaan . iyo in aay dowlad rabaan iyo inkale iyo in bayaan waadax ah kasoo saaraan dadka la laaynayo si macno daro ah.

    Yaasiin Xuseen | Nov 20, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo