Meydka Nin rayid ah oo laga helay agagaarka Warshada Caanaha
By Somalimirror on 19 Nov, 2008 8:29 PM in Main, Wararka, Xadgudubyada
Ciidamada AMISOM, ee dhawaan fariisinka ka dhigtey kuliyadii hore ee Jaale Siyaad ayaa halkaa Xaley Odey waayeel ah si bareer ah ugu toogtey ka dib markii ay qabteen.
Odeyga waayeelka ah ayaa sida dadka deegaanku sheegeen waxa uu ka mid ahaa Dadkii Rayidka ahaa ee halkaa ku dhaqnaa, kuwaas oo ciidamada AMISOM ee dul degay ka qixiyeen deegaanadooda.
Meydka Odeygan oo Saaka dadka deegaanka ee Xaafada Warshada Caanaha ka heleen meel aan sidaa Warshada uga fogeen waxa ay sheegeen in Jirkiida uu ka muuqdey jir dilo iyo sidoo kale Rasaasti ay ku dileen.
Odeygan oo laga aqoon san waayey xaafadii laga helay meydkiisa ayay dadka deegaanku markii danbe astureen sida ay saxaafada qaar ee Muqdisho ay u sheegteen Haweeney ka mid ah Dadka deegaanka ee meydkiisa helay.
Ciidamada AMISOM ee dhawaan degay kuliyadii hore ee Jaale Siyaad ayaa dhibaatooyin xoogan kula kacey Dadkii Rayidka ahaa ee halkaa degenaa, waxaana ka mid ah dhibaatooyinkaas marka laga reebo barakicinta iyaga oo u diidey in wax agab ah ka qaataan guryahooda, sidoo kalena bur burin kula dhaqaaqey wixii agab ah ee ay arkaan.
Daabaco
U dir saaxiib



Fikrad ka dhiibo