Guriga Guddoomiyaha G/Bay oo la weeraray.
By Somalimirror on 19 Nov, 2008 6:23 PM in Main, Wararka
Sida uu ku soo waramayo Wariyaha Shabakadda Somalimirror ee Gobolka Baay Waxaa goor dhaweyd Bamgacameed lagu weeraray guriga Guddoomiyaha maamulka gobolka Bay C/fataax Maxamed Ibraahim Geesey.
Sida dad ku dhow dhow ay xaqiijiyeen waxaa bamkaasi ku dhaawacmay mid ka mid ah ilaalada Guddoomiyaha, walaw aan la ogeyn haddii khasaaro intaasi ka badan uu jiro.
Muuqaalka iyo jawiga magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa is badal weyn laga dareemay ka dib markii falka weerarka uu dhacay.
Waxaan la maqlayay gudaha magaalada rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada DKMG, gaar ahaana kuwa ilaada u ah C/fataax Maxamed Ibraahim Geesey.
Wariyaha oo Cusbitaalka Baydhabo goor dhow la xiriiray ayaa waxaa kal-kaalayaasha caafimaadka cusbitaalka u sheegeen in cusbitaalka la soo gaarsiyay dad ku soo dhaawacmay qaraxa Bambaano.
Ugu dambeyntii, ma ‘ahan markii ugu horaysay oo la weerary guryaha mas`uuliyiinta DKMG iyo Saraakiisha,walaw xilliga weerarka bambaano uu dhacayay aan la ogeyn in guddoomiyaha uu joogay gurigiisa iyo inkale.
Ilo lagu kalsoonyahay waxa ay sheegayaan in bamka uu ku soo dhacay gudaha hooygiisa oo ku yaala agagaaraha Hotel Manchester ee magaalada Baydhabo.
Daabaco
U dir saaxiib



ALAHU AGBAR WALILAAHIL XAMDU
Kaas iyo xulufadiisu waa kansar cudurka ay qabaana daawadiisu waa bam iyo hoobiye iyo wax kasiiwaawayn xalkooduna waa saas sikale male , ha ogaado inuusan meela kubaxsan karin inuu ale badbaadiyo mooyeen ha xusuusnaado inayan amxaaro waligii waardiyaynaynin isga iyo camiilada kale ee lashaqeeya guumaysiga itoobiya
nuur | Nov 19, 2008 | Reply