Cumar Xaashi oo ka dhoofay Baladweyne
By Somalimirror on 19 Nov, 2008 4:45 PM in Main, Wararka
Abaare 03:00 Casarnimo ayaa waxa Garoonka Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan ka dhoofay Gudoomiyaha Gudiga Amniga Isbahaysiga Garabka Djibouti Col Cumar Xaashi Aadam kaas u kicitimay Magaalada Nairobi xarunta Dalka Kenya.
Cumar xaashi oo la hadlay Saxaafada inta uusan ka dhoofin garoonka ayaa sheegay in uu marka hore tagayo Magaalada Nairobi ka diba uu u sii gudbayo Dalka Djibouti halkaasi oo uu sheegay in uu uga qeyb galayo kulan ay isbuuca soo socda yeelanayaan Gudiga Amaanka ee ay wada Dhisteen Garabka Isbahaysigooda iyo DKMG ah.
Cumar Xaashi ayaa intaa ku daray in marka uu u soo dhamaado kulankaasi uu wadanka dib ugu soo laaban doono gaar ahaan Gobolka Hiiraan.
Safar Cumar Xaashi waxa ku wahiliya 5 xubnood oo ay ka mid yihiin Saraakiil ka mid ah MMIS kuwaas oo aan la shaacin Magacyadooda.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in Diyaarada Cumar Xaashi qaaday ay leedahay Q.M.
Wixii warar ah ee ku soo kordha dib ayaan idinkaga soo gubinaynaa Insha Allaah
Daabaco
U dir saaxiib



SCWRWB
UGU HORAYNTII WAA WAX FIICAN IN SOMALIDA AY DIB URAADSADO XURNIMADII AY LAHAYD OO WALIBA QOLOOYINKII DHUMIYAY XURNIMADAAS AY HADA IYAGA AY DIB URAADINAYAAN,HADIIBA AYSAN KA HOR FASHILMIN DADKAAS HADABA QOLOOYINKAAS AAN SHEEGAY MA WAXAY RABAAN IN AY QAAB WADANI NIMO KU XUREEYAAN MISE WAXAY RABAAN IN AY QAAB DIIN KU XALIYAAN BALSE SU AASHA TAAL WAXAY TAHAY REER HIIRAAN WAQTIGAAN SHIIKH MA ISKAGA DHIGI KARYAA OO MAKA AQBALI DOONAAN IN UU ISAGU NOQDO NIN CEEB KASALIIN AH
HADABA LA ARKI DOONEE MEESHA AY KU DANBAYSO ARINTA CUMAR XAASHI OO UU RABO IN UU HADANA KUSO FUULO MASRAXA SIYAASADA HIIRAAN ISAGOO KU SOCDO MAGACA MIDOWGA MAXKAMADAHA
SHIINE | Nov 19, 2008 | Reply
allaha dhowro mujaahidka tariikhda ayaa ku xusi doonto shiikh cumar xashiyow.
haddaan imid | Nov 20, 2008 | Reply