3 Qof oo Rayid ah oo lagu diley Xaafada Towfiiq ee Deg. Yaaqshiid.

Ciidamada DKMG ah ee fariisinka ku leh Isgoyska Miisaanka Dhuxusha ee Xaafada Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid oo gudaha Suuqa Towfiiq u soo galey ayaa halkaa ku diley ilaa 3 Qof oo Rayid ah oo ka mid ah Dadka deegaanka.Ciidamada ayaa sidoo kale dhaawacyo kala duwan u geystey dhowr qof oo kale oo Rayid ah.

Dadka Rayidka ah ee ciidamada DKMG ah ku xasuuqeen Xaafada Towfiiq ayey qaarkood ugu galeen guryahooda, halkaas oo ay ku dhex toogteen sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Dadka deegaanka oo saxaafada la Hadley.

Sidoo kale dhac iyo boob xoogan ayey ka geysteen Suuqa Towfiiq, ka dib markii Dadkii Rayidka ahaa ee ku sugnaa ka kala carareen Suuqa, bidhaanka ciidamada ku soo fool leh marka ay arkeen.

Soo fidida ciidamada ayaa salka ku heysa ka dib markii saaka 3 Askari oo iyaga ka mid ah oo dhac iyo baarasho u soo baxey mid ka mid ah laga diley xili baarasho Gaadiid Rayid ah ku guda jireen.

Xaalada Suuqa Towfiiq ayaa ah mid kacsan, waxaana istaagey dhamaan dhaq dhaqaaqyadii kala duwanaa ee ka jirey Suuqa sida Ganacsigii iyo isu socodkii Dadka rayidka ah.

Dhanka kale ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee fariisinka u leh Stadium Muqdisho ayaa iyaguna ku soo faafey qeybo ka mid ah xaafada Towfiiq, waxaana lagu arkayaa iyaga oo dhex taagan Suuqa, sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka oo aanu la xariirney.

Marka sidan oo kale shaqaaqooyin xoogan uga dhacaan Xaafada Towfiiq sida caadada ah waxaa soo baxaya kuwa Gumeysiga Itoobiya ee Stadium-ka ku sugan.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

1 Comment(s)

  1. inaa ilaahi wa inaa ilaahi raajucuun, walee tacsi ayaa u taala reer towfiiq, ragaan waa rag aan aqaan, Haruuse, Qaliif Jaamac iyo Kuulow walaalkiis, allaha u naxariisto gacan ka gardaran ayaa dishaye.

    wiil_reer_towfiiq | Nov 19, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo