Waraysi:- Gudoomiye ku-xigeenka G/Sh.Dhexe

Shabakadda Somalimirror waxa ay idiin soo gudbinaysaa Waraysi ay maanta la yeelatay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelada Dhexe Macallin C/raxmaan Xasan Xuseen oo dhawaan ay ku dagaalameen Degmada War-ciise Ciidamo Taabacsan Gudoomiyaha isla gobolkaasi Macallin Daahir Calasow kaas oo socday 2 Maalin isla markaana ay ka dhasheen Khasaarooyin Naf iyo Maalba leh, waraysigiina waxa uu u dhacay sida tan:-

Somalimirror:- Assalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu.

Macallin C/raxmaan:- Wacalaykum Assalaam Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu

Somalimirror:-  Macallin C/raxmaan, waxaad nooga Warbixisaa waxa uu salka ku hayo Dagaalkii idin dhex maray adiga iyo Ciidamada kale ee Maamulka Gobolka Shabeelada Dhexe.

Macallin C/raxmaan:- Dagaal Culus ayaa na dhex maray Doraad illaa Shalayna socday, Maantana Difaaca ayaan iskugu jirnaa, balse maanta wax dhib ah oo kale ma jiraan, wuxuuna ka bilowday oo uu salka ku hayaa waxoogaa Iskhilaaf ah oo dhexdeena ah oo Maamulka Dhexdiisa ah.

Somalimirror:- Muxuu yahay waxa aad isku haysaan oo keenay Khilaafkiina?

Macallin C/raxmaan:-waxyaabaha aan isku haysano waxaa ka mid ah Mabaadiida aan wada dhiganay, oo lagu heshiiyay, oo haddii qof mabaadiidaas ka Weecado waa la kala tagayaa.

Somalimirror:- Maxaa ka jira in adiga ka Macallin C/raxmaan ahaan aad la safantahay Isbahaysiga Dib u xoreynta Garabka Asmara?

Macallin C/raxmaan:- Aniga Garabka Isbahaysiga Asmara waan la safanahay, wado xaq ah bayna ku taaganyihiin, Cid alle Cidii Wadada Xaqa ah ku taagana waan la safanahay

Somalimirror:- la safnaanta aad la safantahay Isbahaysiga Garabka Asmara sow lama dhihi karo sabab buu u yahay Dagaalkiina?

Macallin C/raxmaan:- Suurto gal waaye, laakiin aniga si cad la iilama soo hor bixin, laakiin waxay wax ka bilowdeen waa waxa aan faraha ku hayo in la igala baxo, aniguna waan diiday, Garabka Asmarana wax aan hadda isku hayno oo Taageero ahna ma jiraan, laakiin sidaydaba waan taageersanahay Garabka Asmara waa Dad Xaq ku taagan, Garabkaan kalana waa garab la Heshiiyay DKMG ah.

Somalimirror:-  Maxaa Khasaaro ah oo kaa soo gaaray Dagaalkii idin dhex maray adiga iyo Ciidamada kale?

Macallin C/raxmaan:- Khasaaro isoo gaaray Ma jirto, aniga Hal Qof oo Dhaawac ah ayaa isoo gaaray, Gaari dagaalna waa la iga qabsaday.

Somalimirror:-  Ma jirtaa wax dhex-dhexaadin ah oo la idinka dhex wado si loo joojiyo dagaalkan u dhaxeeya Maamulkiinan?

Macallin C/raxmaan:-Dhexdhexaadin waa socotaa, Dagaal wiil kuma dhasho, laakiin wiil baa ku dhinta, dhex-dhexaadintiina waa jirtaa illaa iyo hadda.

Somalimirror:-  Xagey idiin maraysaa Dhex-dhexaadinta?

Macallin C/raxmaan:- Meel Fiican ayay maraysaa, Insha Allaahu, hada aniga waxaa isoo gaaray Gudi Dhexdhexaadin ah oo wafdi ah, Insha Allaahu waana qaabilayaa.

Somalimirror:-  Yay ka socdaan Gudigan Dhexdhexaadinta?

Macallin C/raxmaan:- Gudigu waa gudi wada Xaajood oo labada Dhinacba leh.

Somalimirror:-  Hadda ka Macallin C/raxmaan ahaan Maxaa kuu qorshaysan?

Macallin C/raxmaan:- wixii noo qaadmo oo islaamnimo ah waan qaadanaynaa, laakiin Mabda’ii aan isku khilaafnay haddii la wado, Insha Allaahu qaadan maayo anigu, Halkaygii Baan taaganahay, Shaqooyinka Islaamku way badanyihiin Halkaan baan galayaa Insha Allaah.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

24 Comment(s)

  1. is this the islam we are talking?
    is this the wadaad we are supporting?
    is this what we believe that they librate the country?
    I DO NOT THINK SO.

    Farahow | Nov 17, 2008 | Reply

  2. Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun. Waligay arrintaani inay dhexmarto mujaahidiinta ayaan wadnaha farta kaga hayey. Shiikh Shariif wuxuu jabuuti la fadhiyey ma inuu Addis ababa ka amar qaato, mujahidiintana laayaa? Wax badan baan rag ku khilaafay wadaadkaas hala iska daayo, balse hadday ii soo baxday waxay Al-shabaab ninkaan ku sheegayeen, waa nin ujeeddadiisu tahay inuu xukun meel sare ka galo. Nacuudu billaahi minal fitani maa thahara minhaa wamaa badhan.

    xandal | Nov 17, 2008 | Reply

  3. wallahi waxa ka dhacay gobolka sh/dhexe waa wax nasiib daro ah waxaanan ogahay in aysan 2dhinac qof xun ku jirin balse shaydaan soo kala dhex galay waxaanan u rajeyneynaa in ilaah khillafkooda dhameeyo aanan u duceyno oo yaanan caaynin 2 gudoomiyane taariikhdooda waxay wada ahaayeen 2macalin dugsi oo shaqadoodii ugasoo tagay in ay islaamka u wada shaqeeyaan asxaabtii nabiga swsc ayaa is khilaafay ee walaaha aan u duceyno

    cukaasha | Nov 17, 2008 | Reply

  4. walaalayalow u naxa masaakiinta soomaaliyeed uu indhaha idinku hayso oo idinka rajaynayso alle kadib inaad cadawga alle jbisaan

    u naxa diintiina aad u dagaalamayseen

    alloow hehiis iyo kalhaceel mujahidiinta dhex dhig adaa qaadiro raxmaan ah

    nusayba | Nov 17, 2008 | Reply

  5. canaano kamadarto macalin cabdi raxmaan waa lacanaantay waana latusay awoodiisa?
    hadii awtaageersanyahay asmara maxow u aadi waayay asmara xageesa reer asmaro deganyihiin/?

    xasan daahir iyo indhacade sh/hoose ayeey xoog kuheesteen waana laga qabtay shacabka reer sh/hoose,marka xagee degi rabyaa xataa looma ogolaan doono inow kamid noqdo saraakiisha maxkamadaha,maxaa yeelay asmara waa eretiriya waana dowlada kaliya ee israa iil qaabilsan geeska afrika marka wadaadka sheeganaya hada asmara waa halaan wax lasocon

    xasanalbashiir | Nov 17, 2008 | Reply

  6. qofka muslimka waxaa laga doonayaa haddi sheydaan yimaado in uu san aflagaadeyn qof kale oo islaam ah , haddii arinto xushmad darro waxaa dhalanayo midaan mid kadaranmarka waxaa loo baahan yahay in la iso doceyo alle ha aqbalee

    caamir | Nov 17, 2008 | Reply

  7. Ilaahay waxaan ka barinnay inuu khilaafkooda damiyo, kuwo xaqa ku heshiiyana Rabbi ka dhigo.

    Waa wax wanaagsan in la kala dhex galay.

    Innaga waxaa la inaga doonayaa inaynu u ducayno walaalahaas khilaafku hareeyay, oo khilaafkoodu gaaro in dhiig ku daato.

    Khilaafku wuxuu keenaa halaag, baabba’, kala tag, cadowga oo xoogaysta, musiibooyin aan la tirin karin, cadaab adduun iyo mid aakhiroba.

    Isutagga iyo towfiiqda iyo wadajirkuna waxay keenaan naxariis, khayr, wanaag, horumar iyo liibaan adduun iyo mid aakhiroba.

    Muslimiinta oo dhan waxaa waajib inagu ah inaynu midowno, khilaafka iyo kalataga mar kasta laga hortago.

    Si looga hortago khilaafkana, waxaa waajib ah in loo celiyo wixii laysku khilaafay kitaabka Alle iyo sunnaha Nabiga calayhi al-salaatu wa-salaam. Sidaasina waa sida kaliya ee runta ah ee dawaynaysa khilaafka iyo musiibooyinka maanta ina haysta.

    Guuleed | Nov 17, 2008 | Reply

  8. ASC

    Illahaay (SW) ayaa mahadleh Nabi maxamed nabadgelyo iyo Naxariis kor kiisa ha ahaatee kii ugu sharafka badnaa Nabiyada isaga iyo ehelkiisa

    Walaalayaal qabyaaladda ka fogaadda, kitaabka rabi & sunadda nabigana kor u qaada.

    islaamku waa 1 diintunta waa 1 marka waxa lagu kala baxi karo waa iyadoo leysku xukumaa..

    Aniga waxaa iga talo ah in dadka kismaayo ilaa iyo marka ka taliya oo eey ka dhab tahay diinta rabi in la taageero.

    Shaki badan ayaa umaddii soo kala dhex galay oo eey gaaladda nagu dhex tuureen si aan isku laayno

    Waxeyna kala yahiin
    ———————-

    Qonyar socod
    —————
    Nin duudka reer galbeedka u soo sal salaaxeen oo laga soo dhaadhiciyey in demoqoraadiyadda & kalmada rabi leysku gees waddo

    Xag-jir
    ———
    Iyo nin ku DHegan kalmadda rabigeen & sunadda nabigeena suuban..

    Marka anigo oon qof farta ku fiiqin waa in aan kala garataan tan inoo dan ah maanta.

    Waan ogahay in maanta nagala xoog badan yahay xag dhaqaale & xag ciidanba laakiin maxaan ka yeelnaa….

    Jawaabta waxeey ku jirtaa fadlan tag Kismaayo ama u kuurgal sida eey dadka degan u noolyahiin maanta.

    Haddii qabyaalad lagu dhaqi lahaa saan maanta eey tahay ma noqoteen ee kitaabkii alle ayaa kor loo qaaday…

    Iga raali noqda haddii aad qalad u fahanteen

    Mahadsanidiin
    /Reer kismaay0

    Kismaayo boy | Nov 17, 2008 | Reply

  9. xandal,
    Walaalow Qilaafka Jabuuti iyo asmara waa lugu marmarsoonayaa. Maa daama wax khilaaf la yiraah idaacadda laga sheegay, ayaa qofkii dhinaca wuxuu rabay ka waaya ayuu wuxuu abuurayaa khilaaf asagoo marmarsiiyo oga dhiganaya jabuuti iyo asmara.
    Midda kale khilaafa sheikh shariif ma abuurin ee asaga ayaa la khilaafay. Waxa lugu khilaafayna waxay aheyd asagoo howshii loo dhiibay sidii loogu dhiibay u qabtay. Ragga Asmara jooga weeye kuwa khilaafka billabay kow kadib markii uu Afewerki dhabarka ka taabtay, qolada shariif aad ayey isugu dayeen inay xalliyaan, laakiin nimanka casmara weeye nimanka aan marna afkooda kasoo bixin ha la heshiiyo oo la isku soo noqdo. Maxaa u sabab ah oo xattaa afkoodu u kari la’yahay in la wada hadlo. Anaa kuu sheegaya meesha fakar aan kooda aheyn ayaa shaqeynaya, ayankuna kaas ayey u huggaansameen oo aysan khilaafi karin. Ethiopia waxaan kula dagaalleynay waa danta somalia, ertriana waa sidoo kale, haddii ay danteeda ka hormariso tan somalia, in la iska raaco maahan, waa haddii aan dankale oo shaqsi meesha ku jirin. Shariifku sidii uu is yiri danta somalia ayaa ku jirta oo ah in ethiopia ciidamadeeda waddanka lagasaaro ayuu sameeyey, markii aferwerki uu arrintaas ka horyimidna wuxuu yiri. Waa mahadsantahay, asxaankii aad noo sameysay waligiisna ma hilmaami doonno, laakiin arrintaa Somalia noo madax banneysii, afewerki taas waa ka diiday. Aferwerki dhabarka wuxuu ka taabtay rag markii hore is dhakinaayey oon ku faraxsaneyn in markii horeba laga reebay ASR taladiisa ayadoo loo eedeynayo talo xumadii ay maxkamadaha u horseedeen, ayaa ka fi’ideystay oo khilaaf been ah abuuray. Haddii aad dhegeysato, Hassan daahir wareysiyadiisii waa ogalaa markii hore in wada hadal lala galoo dowladda. wuxuu dhihi jiray in wada hadalku asaaska yahay wax kasta lugu xalliyo oo xatta dowladda lala hadli karo maa daama aan somali isla nahay, hadana wuxuusan xattaa ogoleyn in wadahadal qoloda jabuuti lala galo. Marka bal farqiqaas fiiri.
    Aniga waxay ila tahay in miyir inta la isku yeelo la fiiriyo meesha taladu ku jirto.
    Aniga runtii qolada asmara wax saasa oo weyn oo talo ah inay keenaanaan kama filayo, Laakiin qolada shariifkuna waa inay ogaadaan in somalidu aysan aheyn dad saas u kakar dheer daneystaha uu ka buuxo iyo qabiil iyo qurun. Marka waa iney u tartiibiyaan ooysan cadowga u faa’ideyn. Waa in somalida maanta loola dhaqmo sidii xoolo weyd ah oo abaar ku daahday oo la rabo meel roob leh in la geeyo, haddii aad ceyriso ood xoog u kexey maagto, waa joogsanayaan, qaarna dhinacii abaarta ayey usoo noqonayaan, qaarna waa iska farisanayaan wadada. Marka waa tartiib loo kexeeyaa oo loo dhimriyaa oo kii joogsada la isku dayaa in qaado. Maanta, somalia dhinaca maskaxda caato ayaan ka nahay. meel fog waxba kama aragno. waxyaabo badan ayaa isku dhexyaacsan. Haddii xoog lugu kexeeyo kulli waa joogsanayaan wax aad roob geyso lama helayo.
    w/a

    Nuur | Nov 17, 2008 | Reply

  10. ciyaarihii muqaawamadaa bilowday koobaa dhex yaalo waa xayeesiin lacag lagu cunaayo maslaxo xaga nabad-nabadeyn iyo inay buufis kala qaadaan waa sida kuwa dowlada isku sheegaayey tabtooda oo ethiopiya 0 ku baxday 0 kenya 0 dawlada qalaalso shacabkii oo kubad noqday emperyaliyada oo dalxiis iyo taagro u soo daawasho tagay waa yaabe gidigood wax ka tashada miyaa la waayey waa dugaagnimo in aan laysu damqan oo dulmi lagu jiro ciqaab adduunyo iyo tii akhiro ayuunbaad ku jireysaan dadka somalida isku sheegaya. maasha waxa ka socdo waa wax aan islam ahaan ii lahayn dhadhan waa iga figrad ahaan inaan ku fogaado marbo. illaahey waxaan ka baryayaa in dhiiga islamka kala bad-baadiyo. xanta iyo xasarada la joojiyo acuudubilaahi

    THALMA | Nov 17, 2008 | Reply

  11. nuur oday ayaad tahay fikir saliim ah awalkiisa iyo aakhirkiisaba ayaad kusoo kordhisay. ninkaas iga koreeya akhrista taladiisa mahadsanid nuuroow.

    ducaysane | Nov 17, 2008 | Reply

  12. Nuur saaxiib taageeradaada Shariifka waa mid shuruud la’aan ah sida iiga kaa muuqata.

    Erayga meel FOG wax-ka-arkidda aad mar waliba adeegsato iyo erayga ‘Heshiiska Jabuuti’ - labadaas eray saaxiib armaysan ahayn sidaad adigu u dhigayso, oo si ka duwan labaduba yihiin.

    Soomaalida oo dhanna ma laga yaabaa inaad meel uga dhacday - markaad ku tilmaantay badankeed inay tahay dad aan si fiican wax u fahmi karin oo garaadka maskaxdoodu gaaban yahay, oo arrimaha waaweyn ee garabka Jabuuti wado maskax iyo garaad ay ku gartaan ayan Soomaalidu lahayn.

    Xaq baad u leedahay inaad garabka Jabuuti taageerto haddaad ku qanacday hawlahay gacmaha kula jiraan, laakiin sow xaq-darro maaha inaad ku tilmaanto ummaddi Soomaaliyeed ee barnaamijkooda u aragtay inuu qaldan yahay in caqligoodu gaaban yahay.

    Waxaad ku celcelisay hadalka Shariifku isku difaaco oo ah: anigaa la i khilaafay oo madax u ahaa nimanka Asmara ee anigu khilaaf ma aanan keenin. Ra’yigii Shariifka uun baad waddaaye iyo dooddiisiiye, ra’yi iyo feker cusub nooma aadan keenin.

    Khilaafkase sow Shariif ma uusan bilaabin sida la wada og yahay.

    Saaxiib meel-ku-dheggu waa halis, geeddiga xoraynta dalkuna waa socdaa, nin-tooxsi iyo hal garab oo siyaasi ahna isku-koobiddoodna wax ma xorayso, waxaa wax xoreeya ummad isku duuban oo cadowgooda hal dhinac uga soo wada jeeda.

    Midnimo ayaa inoo ballan ah iyo in qof kasta la doono, xaqana aan laga xishoon oo aan la daboolin. Qofkii qaldama la toosiyo, ummadduna wax-ma-garato maahee, waa ummad la dulmiyay oo cadow helay oo xaqoodii Ilaahay idankiis soo ceshan doona.

    Shariifkuna shalay ummaddiisuu la socday, maantana keligii ayaa meel boodaya, wararkii shalay la waday oo shabakadan lagu soo qorayna waad ogayd oo ahaa in xataa garabkiisii Jabuuti iyo asagu isku mari la’ yihiin inuu Addis Ababa ka sii boor kiciyo oo halkaas iyo meelahaas xigmaddiisa iyo meel fog-wax-ka-araggiisa aan la arki karin oo Soomaalidu ayan garan karin uu dalkeennii ugu soo badbaadiyo oo uu ciidanka cadowga Itoobiya dalka ka saari doono markuu Itoobiya tago. Wararka noocaas ahi - hadday run noqdaanna - waxaad noo sheegi lahaydeen ama noo sheegi doontaan markay soo baxaan in sidaasi xikmad tahay oo annagu aannaan xigmadda iyo shaxdaas annaan garan karin.

    Ilaahay fitno ha inaga dhowro.

    Guuleed | Nov 17, 2008 | Reply

  13. BISMILLAH.

    ASCALAYKUM.

    Walaaladayoow gartay inuu macalinku yidhi anigu garabka asmara waanayidsanahay, laakiin raga kale ee ka soo horjeeda ma taageerayaashii sh. shariifbaa? ma siduu sheegayo arintu waxay salka ku haysaa arintii sh shariif noo keenay mise wax kalaa ka dhexeeya? maxay ku taageersan yihiin? ma mashruucan jabuuti ka dhacay ee ahaa, soomaaliya cidaan ahayn wadamada deriska ahi way soo geli kartaa baa? ciidamada tikreegu waa baxayaan bedelkoodana waxaa inoo joogaya AMISON IWM.

    xaqiiq ma hayo laakiin hadii ay cadaato mashruucaas cadaato walaalada jawhar haysta inay ku taageersan yihiin, waxaan qabaa inay culimadu dhex gasho, markii ay culimaddu isugu tagtay YEMEN markii si kasta loo rogrogay imaanshaha ciddamo shisheeye oon ka socon muslimiinta waa ka digeen, hadaba hadii ay tarabus iyo isqarin ugu sugan yihiin, iyo inay maalintuu xoog u ubaahdo sh shariif ay ku kicinayaa ciduu yidhaahdo ku kiciya, ileen cadaw waa lamidoobay lana heshiiyaye, waa mujaahidiinta qudha cida la filaayaa in xabada cadawga laga jeediyey lagu jeediyo, cida raganimada iyo laba xiniin yoodka loo yahaye waa iyaga.

    waayo waa hub iyo ciidan urursanayaa, su`aashu waxaa weeye hadaba yaad u hub iyo ciidan urursanaysaa?

    ruux kasta oo caqli lahi waa u cadahay inuu shariifku fitno u soo wado intii hore u ahayd mujaahidiin, laakiin cidii cadaw la safata marka danbe magacii mujaahid ma wadan doonto.

    arintaasi shaki wayn ayey abuuraysaa, waxayna na tusaysaa tan maanta dhacday inay goobo badana ka dhici doonto, haday intan ka xoog bataana raga shariifku, inay isku dayayaan inaysan macalinka qudha odhaynayn hubka soo wareejiye ay ku soo socoto inta kale oo ay ugu horayso BALADWAYNE oo laba dhinac u dhaxayn doona, ciidamada itoobiya oo dhinacaas ka fadhiya iyo garabka shariifka oo xagan kale kaga yimaada hadii awoodu u saamaxdo.

    DHEXDHEXAADKU WAA FIICAN YAHAY, LAAKIIN HADII AY DIINTA QAYBI QATAR KU NOQONAYSO DHEXDHEXAAD NIMADU WAXY KU SOO NOQONAYSAA CIDII AAN KALA TAAGEERIN MARKAY U CADAATO ARINTU SIDAY U TAALO.

    WAANA KA SHALAAYEEN MAR DANBE SAXAABADII AAN GARAB ISTAAGIN CALI IBNU ABII DAALIB (RADIYALAAHU CANHUM DHAMAANTOODE) OO XAQA LAHAA INAYSAN U HIILIN, IYAGOO U ARKAYEY SAXAABO BADANI FITNO. WELIBA AKHYAARTAAS QAYB CADAW LOOGA SHAKISAN YAHAY KUMA JIRIN “XAASHAA”.
    KAMAY SHAKIYEEN SAXAABADU HADII QAYBI CADAW LA SAFATO.

    MASHRUUCU WAA KII CIRAAQ, HADAYSAN INTA KALE U MIDOOBIN DHAMAAN WUU SAAMAYNAYAA IYAGA IYO UMADDAN MUSLIMKA AH OO DHAN. ARINTU WAA SADEX DHINAC.

    QAYBTA SHARIIFKA OO AY KA MUUQATO SIYAASAD DEGAN IYO SIR QARSOON, IYO HADAL MACAAN, WAA KHATAR AAD U CULUS OO UMADDAN KU SOO FOOL LEH.
    WAA KUWA UGU HOREEYA EE FASHILINAYA HALGANKII AMA HA OGAADAAN AMA YAYSAN OGAAN.

    QAYBTA KALE WAA DHALIN YARADA OO HADAY XAQ KU TAAGAN YIHIIN XATAA, ISKA DHAR TIRAYA GARTII AY LAHAAYEEN, KUNA SOCDA SIYAASAD AAN DEGANAYN, KASBASHO YARI HADAYNANBA SHACABKA IYAGU ISKA ERYEEYN, IYAGUNA HADAYSAN QAABKA WAX KA BEDELIN WAA KUWA UGU HOREEYA EE LA DAMACSAN YAHAY IYANA SHACABKII HUWANAA ISKA DHAR TIRE, WAXAY NOQONAYAAN KUWA XIGA EE FASHILIYA HALGANKII.

    JACALKA RABI AAYNU JECELAHAY MAAHA ASALKU, EE WAA IN UU ISAGU INA JECLAADO. RABI JECELAHAY ARIN AAN CILMI IYO XIKMAD, MEEL FOG LAGA EEGAYO LA SOCON YAAN LAGU DHAQAAQIN, HADII HALGANKA FASHILMO QAYB LIBAAXNA AAD KU YEELATAAN, SHAREECADIINA OOGMI WAYDO, DASAATIIR IYO DIIN LA DAGAALANA KA DABA MARO DADAALKEEN KALA HORMARIN IYO DHEELI TIR DARAADIIS MA U MALAYNAYNAA IN RABI (SUBXAANAH) INA JECLAANAYO.

    QAYBTA KALE FASHILKA LABADAA KU YIMID WUU SAAMAYNAYAA HADAY DOONAAN SIYAASAD DEGAN, KASBASHO SHACAB IWM keligood hadii labadaas garab baxay taagnaan kari maayaan.

    WAA INAY DHEXDHEXAADKA CULIMADDA SUGAAN, DABADEED DHINACA XAQU LA JIRO LA SAFTAAN, MUSLIMKU MARNABA MEEL DHEXE MA TAAGNAADO, KELIYA WUXUU TAAGNAADAA MEEL DHEXE INTA WAX UGA KALA CADAANAYAAN. MARKAY UGU YARTAHAY INUU DHIIGAAS DHEX GELAYO OO JOOJINAYO WAA INUU U DAGAALAMAA, WAABA HADII MEESHA HAWO IYO DAMAC MEESHA KU JIRO OOYSAN XAQ IYO DIINI OOLIN.

    labada hore dhamaan xoogagii iskaashanayey ayey ahaayeen, qaybta hore shariifkaa laqmiyey, maantana waa khatar.

    qaybta labaad siyaasad xumaa laqminaysa, hadaysan dib u huwan shacabka, garabsana walaaladoo inta ka soo hadhay garabka shariifka.

    halgankani waxay ila tahay inuu dheeraanayo RABI baase iga og, waxaa xiga hadii mashruuca shariifku fashilmo, cadawga isbiirsadayna fashilmo, inay quwadihii ka danbeeye mashruucan ee badaheena afkaa iska soo joojiyey, inay ku shaaheeyaan kuna qorax sadaan umay soo safrin, kharashkaasna loo bixin maayo soomaaliyaa ugu horaysa hadii aan meel ka muhiimsan soo bixin, inagana la inoo hayo cid yar oo la inagu sii mashquuliyo

    arinta cid dhexdhexaada oo labada dhinac ku kalsoon yihiin ha u istaageen, nabad iyo heshiis cad oon wax la maldahayn, markale dib inoogu dhiga lahayn, ama hada xabada kala joojiya uun, halaga ilaaliya, si jidriya waxay diintu ka qabto hala waafajiyo, dabadeed dhinacii ka horyimaada, sida xaqu ahaa dhinac halaga wada maro, hana cadaystaa garabka shariifku inay dagaal damacsan yihiin ay walaalada maalin ku qaadi doonaan, waayo nimaad is leedahay tabaabushaysi buu kuugu jiraa, is ag deganaan maysaan balan iyo cahdi qabtana ha galaan.

    HA IS SHAKI SAARAAN RAGA LAGA SHAKI SAN YAHAY.

    (WAA IMAA TAKHAAFANA MIN QOWMIN KHIYAANATAN FANBID ILAYHIM CALAA SAWAA).

    WABILLAHI TAWFIIQ

    kudarso | Nov 17, 2008 | Reply

  14. Salaan dhamaan Soomaali weyn

    Aniga waxaan aad & aad ula dhacay fikradda kismaayo booy ninka isku magaacbay

    Soomaalida waa in eey kala doorataa labo mid

    1. Kitaabka alle

    AMA

    2. midka ka soo horjeedo

    ASMARA & Jabuuti waa isku bug

    Marka ama lambar koow qaado

    AMA lambarlabo(ASMARA ; Jabuuti + Qabyaalad)

    Waxaan kismaayo iigu danbeysay wiik, ilaaheeyna ha dhowro dadka maamulee,,, qabiil wax kuma dooran ee rabi ka cabsi ayeey wax ku doorteen. Nabadda hadda ka jirta & tii qabyaaladda ku dhisneyd ee laga baxiyey waxaa ka sheekeyn kara nin tagay & nin degan hadda

    bye

    Xandel | Nov 17, 2008 | Reply

  15. ASALAMU CALAYKUM

    marka hore aad iyo aad baan uga xumahay in mujahidiintii ay falaarti ay u wateen cadowga isku ridan
    laakin mid baan ka hadli laha sida uu sheegay macalinkan waxuu taagero u yahay kuwa asmar waliba waxuu leeyahay waa kuwa xaqa ku taagan? aaway xaqa ay ku taaganyihiin? ma in hoteelada asmara iska jiifan oo ay u adeegan AFAWERKI?
    walaahi bilaahi talaahi in eriteria iyo ethipea aysan waxba is dhaman waa laba cadow oo islaamka dhiceb iyo somalia
    mid walba dantiisa ayuu wataa markii uu afawerki faraha lasoo galay afaaraha somalia waa tii sababtay in shiikh shariif u u weecdo jabuti waayo jabuuti waa somali oo aanu walaalo naahy wax xumaan ahna aan no qabin
    marka hadii aan dhahno kuwa shayadiinta DFKG ee adis ababa waa xaq miyay soconee?
    sidaas ayay lamid tahay kuwa asmara oo layirahdo waa xaq
    marka aad baan ugu xumahay in macalinka adegsado erayga xaqa asiga oo aanan kafiirsan
    walaahi aniga shaqsi ahaan waxaan saxiibo aad isugu wanaagsan nahay wiil muslim ah oo eriterian sifiicanan iiga shekeyay sida ay ku noolyihiin muslimiinta eriteria
    afawerka waa cadowga islaamka
    inkasto oo uu martigaliyay aasaas IDS hadana tantiisa buu ku watay

    tankale ee shiikh shariif iyo kooxda jabuuti waa jirtaa xoogaa qaladad ay sameyen laakin waxa ay u sameyen waa danta shacabka somaliyed ee dhibaateysan
    waxa ay laheshiiyena waa somali ee lama aysan heshiin TEGREE

    maka jirto qof somaliyed oo damiir leh oo tagersan DFKM laakin danta aya qasabtay in lala heshiiyo ayada oo latix galinayo shacab waynaha somaliyeed WHO ALWAYS PAY THE PRICE OF THE WAR

    marwalbo shacabka uun bay kasoo gaarto dhibatada ugu badan ee dagaalada

    ugu danbeyn waxaan ilaah kabaryaya in uu wadada toosan kusoo leexiyo walalaheyna mujaahidiinta somaliyeed oo aysan mardanbe xabad isku ridin

    samaan | Nov 17, 2008 | Reply

  16. shiikhaan waa la yaqaan waa ex-mooryaantii u shaqeyn jirtay tuug indhacade hada ayuu garka deestay waana la yaqaan taariikhdiisa,waxaan ku faraxsanahay in mujaahidiinta MAkaaxiimta islaamiga ay cashar u dhigeen oo awoodiisa la tusiyo.guul maxaakiimta islaamiga.

    haddan imid | Nov 18, 2008 | Reply

  17. guul mujaahidinta maxaakimta ee casharka u dhiga mooryaankaan ka mid ahaa mooryaantii indhacade.

    haddan imid | Nov 18, 2008 | Reply

  18. ASMARA IYO JABUUTI WAA XUKUNDOON OO DAMEERO AH MUJAAHIDIINTA AYAY QIYAAMEEYEEN OO KALA QAYBIYEEN ILEEN AWALBA ILAAHAY DARTIIS KAMA AHAYN JIHAADKA QAARNA QABIIL QAARNA XUKUNDOON AYAY AHAAYEEN YAAN WAQTI LAYSAGA LUMIN WAX LAGA HADLAAA BADAN MAR DHOWNA INSHA ALLAH MUJAAHIDIINTA AY DHAB KA TAHAY JIHAADKA SIDA XOOGAA MAXKAMADAHA ,AL.SHABAAB IYO JABHAD ISLAAMIYA IYO RAASKAANBOONI AYAA XUKUNKA WADANKA QABSAN DOONO WIXII KA HORYIMADAANA KARBAASHKOODA AYAY HELAYAAN

    ciise | Nov 18, 2008 | Reply

  19. asc,waxaan rabaa in aan halkaan ka cadeeyo in maamulka islaamiga ah ee sh.dhexe oo isuga jira alshaba iyo maxaakim ayan gaalo raac aheyn oo in lala jihaado waajib tahay,ciidii taa ku fikirtana asaga ayaa ah KUFAAR afka baana xabad laga gilin,naagtiisa iyo xoolihiina waa laga qaniimeysan kadibna naarta janahomo alle ha u diyaaro beynu leenahay.

    haddan imid | Nov 18, 2008 | Reply

  20. waxa socda waxaa ka shaqeeyey cadawga islamka iyo Muslimin war rabi halaga baqo wiilashii dalka iyo dadka Diinta xoreeyey ma Lacag iyo jakad baa laga doortay naarta wala iilawey gaal balankii weli dad wewey baan baran Alay Leeydahy

    Abusaciid | Nov 18, 2008 | Reply

  21. ale hanoosahlo waxba lagaranmaayo hadaaaba qolo qolo la isu laayay saw ma aha Ahakadaa huwa jihaad

    weheiye | Nov 18, 2008 | Reply

  22. asc salaan kadib waxaan so aal aan weydiinaya lawada sheeq isdagaalay shareecada baneeysay lawo muslim ah dhiigooda waxa sikubaneeyey waxaan oganahay oo quraanka noolagasheegay lawo ruux oomuslim ah hadaay isdagaasho midna ladilo kan ladilay waxuu galaya naar kan wax dilay asgana wuxu galaya naar marka adinkoo culamada ahaayay hadaad isdileeysan kawarama dadka kale soo kamadarana meeshad dadka ooga waani laheedan adika ayaa danbi siigalayo ee ilaahey usoolabat danbi dhaaf weeydiisata

    nuur | Nov 18, 2008 | Reply

  23. bismilaah….
    ilaahay baa mahad iska leh nabad gelyo iyo naxariisi ha ahaato rasuuulkii ilaahay iyo ehelkiisaba ,,,

    run ahaantii waa arin ugub ku ah dad halganka iyo jihaadka barakaysan ee wadanka ka socda in wax laga qabto oo loo gurmado la damiyo dabkaas oo mar labaadna aanu dib usoo noqon weeyaan dhamaan culimada soomaaliyeed gartaas fitnada ah ee galaafanka karta geesiyada xaq u dirirka soomaaliyeed waa in ay galaan ,,,,

    marnaba in soomaalidu ganacteeda isku madhiso oo is cidhib tiraan waa hadafka cadowgeena ma kastan waa qorshe la rabo in la bedelo oo mar qaab loo dhigo si la isaga horkeeno shabcbigan…taasna waa in laga hortagaa lana joojiyaa dhiig macno la;aan ku daada,,

    sida ku cad taariikhda dhow ee aan wali duugoobin soomaalidu wey is dishay waana dagaalantay dadka is dilaayana waxay u badnaayeen waranlayaal se WADAADO MA AHAYN dagaalad, waranlayaasha dagaalka ku jiray ee qabiilka u dagaalamaya mid kasta waa loo sharxay wuxuu ku dagaalamo oo ah difaaca danka qabilka kuna midooba gar iyo gardaraba hadaba markii ay wadanka ka curatay dowladii maxaakintu siyaasada soomaaliya wey is bedeshay waxaa soo baxay in loo dagaalo islaam iyo gaalo iyo gaalo kalkaan ama dabadhilif gaal marxaladaas oo wali lagu jiro dagaalkii oo socda waxaa soo baxay marxalad cusub oo ugub ah oo aan hore loo arag waana tan hada taagan ee dhex martay macalin xaashi iyo gudoomiyihiisii inkasta oo ay isku hadaf yihiin kana midaysan yihiin in amxaarada wadanka iyo ciida soomaaliyeed laga saaro hadaba waxay ku kala qaysan yihiin sidee ayaan ku saarnaa amxaarka ma wada hadal iyo nabad mise xabad iyo xoog labadaas fikradood waxay ka dhigan yihiin maahmaahda soomaaliyeed ee odhanaysa JIIDID IYO QAADID WAA ISLA GURI GAYN taasina ma aha in laysku khilaafo oo qori iyo xabad lagu xaliyo ee waxay u baahan tahay in la garto meesha loo wado oodda oo ah guriga hadii lasoo jiido iyo hadii lasoo qaado oo kasii ah in axmaarku inaga baxo ,,

    ayaan daradu waxay ka timi xabadii cadowga laga joojiyay in aan isku jeedino taasina ay ku nafwaayaan ciidamada mujaahiintu

    Macallin Cabdiraxman wuxuu sheeganayaa inuu ku dagaalamayo mabda uu ku diidan yahay sheekh shariif , waxaa kale uu ku adkaysanayaa inuu halkaas kasii wadayo kuna adkaysanayo mabda’aas xataa isaga oo aan ka xumayn wixii meesha ka dhacay kana tiiraanyeysanayn dhiiga daaday

    Inta aanan guda galin gabagabada qoraalkan, marka hore waxaa nala gudboon inaan isweydiino dhowr su’aalood oo kala :

    1 - Maku cadahay sheeracadda islaamka mabda’a uu ku dagaalamo Macalin c/raxmaan kuna daadinayo dhiig muslin ?

    2- Maku cadahay shareecada islaamka dhiigo loo daadiyo khilaaf MAAMUL IYO XIL KA QAADIS Sida ku cad waraysigan macalinkuna qirsan yahay in dagaalka asalkiisu yahay maamulka dhexdiisa ?

    3- Garabka Isbahaysiga Asmara maku taageersan yihiin Macalin cabdiraxmaan dagaalkan hubaysan ?

    4- xoogaga mujaahidiinta kale ee kasoo horjeeda sheekh shariif maku taageersan yihiiin dagaalkan ?

    Su’aalahas aan soo sheegay hadii ay HAA noqoto waxaan ka digayaa in uu kaga helo macalinku taageero ciidan iyo dhaqaaleba arintuna sii cakiranto , hadiise jawaabtu noqoto MAYA waa sahlan tahay arintu waana la xil dhibaatadan insha alaah , markaasna waxaan jecelahay inuu qaado macalin cabdirahman garta ay soo gaadhaan gudiga dhexdhexaadintu ,,,

    *******************************

    wacane | Nov 18, 2008 | Reply

  24. as
    walaalyaaloow anigu markaan arkay dhamaanteen waxaan qorayno waxaa ii soo baxday kuwa lagu kala sheegayo asmara & jabuuti in aan laftigeenu iyagii lakala safanay. marka taas timaadana waxaa muuqanaya nacaybkeenii iyi awoodeenii inay ka wareegto gaalada wadanka haysata iyo kuwa daba jooga ee gaalada kale ah. oo inagaii aan isku mashquulno. ilaahay baan idinku dhaarshee dib u akhriya qoraaladeena dhamaan inaga uun baa isku maqan waana sida cadawgeenu rabo.
    waxaa iga tala ah walaalyaal inaan waxa dhexdeena ah si gaara oo xikmad iyo odanimo ku jirto u xalisano. xoogeena iyo caqligeenanana isugu geyno cadawga la hubo ee aan isku raacsanahay. taariikhda iyo dhacdooyinkana lama hot ordee aan u sugno wax badan dan bay ukala cadaan. ninkii ay daacad ka tahay iyo ninkii kale. ducada aan u badino in ilaahay wixii xaq ah xaq ahaan noo tuso oo na raaciyo wixii baadil ahna baadil ahaan noo tuso oo naga leexiyo.wsc

    cabdiyare | Nov 18, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo