Ciidamada DKMG ah oo Baydhabo si xun ugu Dilay Qof Rayid ah.

Waxaa goor dhow Gudaha Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ay Ciidamada DKMG ku dileen mid ka mid ah Dadka Deegaanka xilli uu marayay Bartaha Magaalada.

Falkan ayaa dhacay xilli gaari Cabdi Bila ah oo ay saarnaayeen Ciidamado ka tirsan DKMG ah ay xabado xoogan ku fureen Dad Rarid ah oo meel dhooban.

Lamana garanayo Sababta Dhabta ah ee Ciidamadu Qofkaasi Rayid ah u Dileen, Walaw wararka qaar ay sheegayaan in ay ka shakiyeen Ciidamada Dadka meesha dhoobnaa.

Qofka Rayidka ah oo markii hore uu dhaawac soo gaaray ayaa ku qudh baxay gudaha Cusbitaalka Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

Ugu dambeyntii, ma ahan markii ugu horaysa oo Ciidamada DKMG ah ee Baydhabo ku sugan ay si ula kac ah xabadi ugu dhuftaan Dadka Rayid ah ee aan waxba galabsan.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

1 Comment(s)

  1. asc ww. kadib waa wiil soomiliyeed oo kadhigta jaamacad dalka india waxa aan jecelahay inaan kamid noqdo wariye yaasha kahowlgala websiteka somalimirror madaama aan jecelahay aqriska websiteka qaasatan Dalka India waxa kadhaca iyo waliba saxaafada. waxaan idinka sugayaa jawaab…
    by: Mohammed Ahmmed Sheik…

    Mohammed Ahmed Sheik.. | Nov 18, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo