Qaraxyo ka dhacay Baydhabo

Published on November 16, 2008 by   ·   1 Comment   ·   print

Abaare 01:05 Duhurnimo 2 Qarax oo is xigey kana dhashey Bam Gacmeed meelaha fog laga hago ayaa ka dhaxey Suuqa Badarka ee Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

3 qof oo Rayid ah oo 2 tahey Haween ayaa ku dhintey qaraxydan, sidoo kale 2 qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmey. waxaa loola cararay cusbitaalka dhexe ee magaaladatan Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, halkaasi oo dhaawacooda dhaqaatiirtu ay kula tacaalayaan.

Dadka goob joogayaal ah oo ka dhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay sheegayaa in qaraxaasi loola dan lahaa ciidamada booliiska dowladda KMG oo suuqaasi dhexmarayay, walaw aan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka soo gaarey.

Qaraxyada ka dib waxaa albaabada loo laabay Goobihii Gacansiga ee Suuqa Badarka, iyada oo gebi ahaanba uu joogsadey dhaq dhaqaaqii guud ee ganacsi.

Ma ahan markii ugu horaysay oo qaraxyo noocaani oo kala ah ay ka dhacaan gudaha Suuqa Baradka ee magaalada Baydhabo, waxaa horay sidaani oo kale uga dhacay Qaraxyo la mid ah midka Maanta oo lala beegsadey Ciidamada DKMG ah.

Muuqaalka guud ee magaalada Baydhabo ayaa imika ah mid aan xaaladiisa fiicneen, wadooyinka magaalada oo dhan waxaa lagu arkayay ciidamado booliis ah oo koox koox u soconaya, walaw aan la ogeyn ilaa hadda dad rayid ah oo ay qafaasheen.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Qaraxyo iyo tacshiirado goordhaw ka dhacay isgoyska Howl-wadaag ee M/Muqdisho
  2. Qaraxyo iyo Tacshiirado Goordhaw ka dhacay Isgoyska Howl-wadaag ee M/Muqdisho
  3. Qaraxyo khasaare geystey oo ka dhacey Baydhabo
  4. 3 Qarax oo goor dhow ka dhacay Baydhabo.
  5. Qarax Bam Baano oo Ka Dhacey Baydhabo

Readers Comments (1)

  1. cabdiraxmaandhagax says:

    acsc dhamaan umada soomaaliyeed inta damiir islaanimo ku jirto ilaahay islaamka ha ugargaaro meel kasta oo ay joogaan waana ka xumahay masaakiinta shicibka ah ee baydhabo bamku ku dilay jihaadkuna maaha in shacabka la laayo kuwii waxaa sameeyeyna ilaahay aakhiro waa la xisaabtami doonaa intaa shacabkiina laynaysaan maxaa idiin diiday in tigreega xeryahooda ugu tagtaan oo aad maatada qaraxa ka daysaan walee aakhiro xisaab baa jirta ilaahow soomaali guulee mujaahidiintana midee oo sidii Afgaanistaan oo kale yeyna nagu dhicin hada wadadeedii baan haynaaye rabiyoow na daba qabo oo midnimada nagu hanuuni aamiin yaa rabi.

    ascwr




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Qaraxyo iyo tacshiirado goordhaw ka dhacay isgoyska Howl-wadaag ee M/Muqdisho
  2. Qaraxyo iyo Tacshiirado Goordhaw ka dhacay Isgoyska Howl-wadaag ee M/Muqdisho
  3. Qaraxyo khasaare geystey oo ka dhacey Baydhabo
  4. 3 Qarax oo goor dhow ka dhacay Baydhabo.
  5. Qarax Bam Baano oo Ka Dhacey Baydhabo

Latest Headlines