Nin Ganacsade ah oo lagu diley Degmada Hodan.

Kooxo Hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn ayaa labo Qof oo Rayid ah oo midkood yahey Ganacsade Sarifle ah waxa ay ku weerareen Agagaarka Hotel Dhagax Tuur ee Wadada Dabka ee Degmada Hodan.

2da Qof ee Rayidka ah ee weerarka lala beegsadey ayaa watey xiligaas gaari, waxaana goobii ku geeriyoodey Ninka Ganacsadaha ah oo caan ka ah Suuqa Sarifka ee Bakaaraha oo uu ka ganacsado.

Ninka ganacsadaha ah ee ku geeriyoodey weerarkan saaka ay la beegsadey Rag hubeysan oo aan heybtooda la garan ayaa lagu magacaabi jirey Daahir Geele, waxaana goobtii lagu diley ka qadey qaar ka mid ah Eheladiisa oo soo gaarey.

Koxdii weerarka geystey ayaa goobti ka baxsadey iyaga oo aan waxba ka qaadan Hanti Lacageed oo xiligaas saarneyd gaarigii ay wateen 2da Qof ee Rayidka ah ee weerarka ay la beegsadeen.

Sidoo kale goobta waxa aan soo gaarin ciidamo ka tirsan kuwa DKMG ah, ee ku sugan qeybo ka mid ah Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Dilalka qorsheysan ee lala beegsado Dadka aan waxba galabsan ayaa ah kuwo si joogto ah u dhaca, mana jirto cid ka hortageyso amaba wax ka qabaneyso oo muuqata.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

Fikrad ka dhiibo