Seyoum Mesfin oo ka hadlay Khilaafka C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Seyoum Mesfin ayaa dhambaal uu maanta soo saaray waxaa uu ku sheegay in wadahadaladii C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde uga soconayay Addis ababa ee ay iskula gorfaynayeen soo dhisidda Golaha Wasiirada ee DKMG ah uu ku soo gaba gaboobay is af garanwaa.

“Madaxweynaha Soomaaliya C/lahi Yuusuf iyo Ra’isulwasaaraha Nuur Xassan Xussen wali kumaysan guulaysan inay isku waafaqaan Xukuumadda Cusub”. Ayuu yiri Seyoum Mesfin.

Go’aamadii ka soo baxay shirkii Golayaasha DKMG ah loogu qabtay Magaala madaxda dalka Kenya ee ay soo qaban qaabisay IGAD ayna shir gudoonka ka ahayd Itoobiya ayaa waxaa ku astaysnaa in 12-kii November ee laga soo gudbay lagu soo dhiso xukuumad kumeel gar ah.

C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde ayaa Addis ababa gaaray Khamiistii la soo dhaafay waxayna shir aan kala go’lahayn oo qaatay 24-saacadood la qaateen Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya Seyoum Mesfin shirkaas oo ay uga wada hadlayeen hirgelinta qodobadii ka soo baxay Shirka Nairobi taas oo ugu danbayntii ay isku afgaran waayeen.

“ Wada hadaladu waxay si gaar ah xooga u sarayeen dhismaha Xukuumadda” ayuu yiri Seyoum Mesfin oo u waramay Wakaaladda wararka AFP wuxuuna intaa raaciyay “ marka la eego waqtigii loo qabtay Dhismaha Xukuumadda waxay ku ekeyd Arbacadii la soo dhaafay.sikastaba ha ahaatee majirto wax hashiis ah oo ilaa iyo hadda laga gaaray cidda ka mid noqonaysa Xukuumadda”.

Nuur Cadde ayaa waxaa uu soo bandhigay Liis ay ku qoran yihiin xubnaha xukuumadda KMG ah kaas oo C/laahi yuusuf uu ku tilmaamay wax aan la aqbali Karin.

Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa uu Madaxda dawladda uga digay in ay ka dib dhacaan wakhtiga loo jeexay dhaqan gelinta go’aamadii ka soo baxay shirka Nairobi waxayna ku hanjabeen in haddii taasi dhacdo ay mar labaad isugu yeeri doonaan Hay’adaha Dawladda KMG ah si ay go’aamo adag uga qaataan.

C/laahi Yuusuf ayaa waxaa uu maanta shaaciyay in aysan dalka ka jirin wax xukuumad ah wuxuuna carrabka ku dhuftay in dawladdu ay ku hartay oo kaliya Muqdisho iyo Baydhabo halka dalka intiisa kale uu gacanta u galay Xoogagga ka soo horjeeda.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli Madaxda sare ee itoobiya ay sheegeen in ay ku niyad jabeen habdhaqanka Madaxda DKMG ah ayaga oo ku tilmaamay in ay yihiin qayru Mas’uuliin aan gudan Karin Waajibaadkooda waxayna tani sii xoojinaysaa nabarkii Itoobiya ka haystay dhinaca DKMG ah oo u noqon wayday sidii ay ka filaysay.

Xoogagga kala gadisan ee Muqaawamada ayaa waxaa u gacan galay dhamaan goboladda koonfureed ee Soomaaliya waxaana ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo DKMG ah ay ku hareen qaybo ka mid ah Magaala Madaxda iyo Baydhabo kuwaas oo uu ka socdo hardan Har iyo Habeen ah.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

15 Comment(s)

  1. SCWRWB

    WAXAA MUHIIM AH ITOOBIYA IN AY DANTEEDA GARATAY WAQTI DANBE OO MAAL & NAFBA AY KAGA DHUNTAY SOMALIYA, WAXAAN LEEYAHAY WELI RAJO BAY LEEDAHAY ITOOBIYA SIDI AY ISAGA ILALAIN LAHAYD BURBUR KU YIMAADA DOWLADOODA MAADAAMA AY KU BURBUREEN ARINTA SOMALIYA KUNA FASHILMEEN WAXAA U QAYR BADAN HADA IN AY BADBAADIYAAN SIDI AY U JIRI LAHAYD DOWLADA TIGREEGA, HADII KALE DHAWAAN SIDA AY UGU QASAAREEN SOMALIYA AYAY UGU QASARI DOONAAN ITOOBIYA GUDAHEEDA SIDAASNA AY KU DHICI DOONAAN DABAIN AY KA SOO WAAQSAN INSHA ALAH

    MIDA KALE BAQTI AFUUF HA ISKA DHIGINA WAXAAN MA WADI KARTAAN DOWLADNA MA AHAN DAD DADKOODII IDINKU SOO HOGAAMIYAY SI AY KURSI KU HELAAN SIDAS OO DADKA LO JAJUUBO WAQTI KII HORE HA IDINKA AHADO O IDINKAGA DHUMAY DAL NINKIISI BAA ISKA LEH SIDAAS MAANKA KU HAAYA WAXAAN MARAYNA XILIGII AAD LA DAGAALAMI JIRTEEN MINGISTE XAYLE MARYAM WALIBA KAAS ISKU DAL BAAD AHAYDEEN ANAGA KABA DARAN DALKEENI BAAD NAGU WEERARTEEN NAGAMANA FAA IDI DOONTAN
    INSHA ALAH

    SHIINE | Nov 15, 2008 | Reply

  2. waa wax ilaahay loogu mahadiyo in ay is khilaafaan waana hadal farxadeed waxa ka soo baxay c/llaahi yuusuf

    xaqdoon | Nov 15, 2008 | Reply

  3. slaam

    dhamman umadda somalaiyeed fartiin ku socota weyena arinkaasu maxaa yeelay marka lagu shaqeystay ayaa la soo raacdeeyay
    markaa waa arin fariin ah ee dbadhilifnimaad ha la iska dhaafo dbadhilifnimada

    Somali | Nov 15, 2008 | Reply

  4. masha allah
    waa ilahay mahadiis
    hadii galo iyo kalkalayaashooda
    ilahay kuriday cabsi aan dhamaananyn
    somalidu waxay tiraahdaa ninkii dhof kuyimidbaa geridu dhibaysaa
    hadaba maxaa la gudboon
    c/yusuf hadii galkii caawinayaay
    uu wadanka ka baxayo
    waa inuu isna cararaa

    mujahid jecele | Nov 15, 2008 | Reply

  5. A/c.
    Nabi muuse (CS) markii loo direy Fircoon Alle waxa uu ku yidhi waxaad ku tidhaahdaa hadal debacsan waxa laga yaabaa in uu Alle ka cabsado e.
    Markaas waxaan odhan lahaa Abdillaahi Yusuf iyo dawladdiisa wax haloo sheego in ay Alle ka cabsadaan waxan ay ku jiraana ay gaalnimo tahay adduunyaduna ay yartahay isla markaaana ay dhamaandoonto.
    Waxaan leeyahay Abdillaahi Yusuf iyo dawladdiisaay toobad keena oo Alle u soo noqda oo diinta ha la diririna wallaahi diintani way guulaysanayaaye, kuwo idinka xoog badan oo idinka caqli badan, oo idinka maal badan, oo idinka nasabsan ayaa bakhtiin kari waayey.

    Mr. Alle Kaa Farrxi | Nov 15, 2008 | Reply

  6. afar wiil oo diinta jecel baa itoobiya eryey maxaad umaleyneysaa soomali oo israacdey oo diinta jecel

    abdikarim | Nov 15, 2008 | Reply

  7. Rag ayay talo dhaaftay, ma dhaafine waxay garteen in ay ilaaliyaan maa’a wajhihim maxay u dayn waayay Akhuunaa Sheekh Shariif ha tago adis ababa. dad badan oo maanta haddii xaqiiqada loo biidhaamiyo ku fogaynaya ayaa waxay ogaan lahaayeen wax badan oo ka qarsoon waayadu waxay ku iftiiminayaan wax aad jaahil ka tahay ,warkana beeso la’aan ayaabad helaysaa

    Abu Abdirahman | Nov 15, 2008 | Reply

  8. mashaa allaah waa wax lagu farxo in maanta ay xabashidi iyo waxeey wadatayba sii socdaan .

    mar hdeey eyheyd waxiloo dagaalamayay in xabashi wadanka laga saaro hade waata xabashi sii socota marka maxaa xal ah sooma wanaagsan in loo midoobo sidi wadankan loo badbadin laha uusana ku dhicin god kale oo dheer oo an laga soo bixin karin .

    samatar | Nov 16, 2008 | Reply

  9. Asalam Calaykum
    Cadawga islaamku meel uu dagaal ka wadoba wuu fashilmay ilaahay baa muslimiinta guusha siinaya
    laakiin digniintu waxay tahay
    in muslimiinta jihadka wadaa ay ilaaliyaan midha guusha ilaahay siiyey waa inay iska ilaaliyaan in aan iyaga la iska hor keenin iyo inay dagaal dhexdooda ah galaan taas oo guul daro u horseedi karta
    ha ku sifoobeen sidii ilaahay yidhi
    ????? ?? ????? ?? ????? ?????? ?????? ?????????? ????? ????????? ???? ?? ??????????? ????? ??????

    Ibrahim | Nov 16, 2008 | Reply

  10. intii hadal tirada la iska daayo wax danta somaliya ka hadlaya aan soo bandhigno iskana dayno caadifadda qofba meel saaran yahay.

    midna ogaada ithopia danaha ay ka leedahay soomaaliya sidaa kuma dhamaanayaan ee haloo fekero si caqli ku jiro.

    camiiladeeda hadda is haystaana maaha wax is haystaa iyaga ee waa danaha ninba dhan laga tusay ee la rabo in lagu sii baabi’iyo soomaalida.

    geelle | Nov 16, 2008 | Reply

  11. Allahu Akbar Mujaahidiintii waa ay guuleyso lkn waxaa ii muuqdo in rag “saariqii aljuhuud” ah ay iminka soo baxayaan Allah ha inaga qabto Aamiin

    Jamaaludiin | Nov 16, 2008 | Reply

  12. Allahu Akbar Mujaahidiintii waa ay guuleysteen laakin waxaa ii muuqdo in rag “saariqii aljuhuud” ah (oo dadaalki mujahidintu 2da sano wadeen in ay si fudud mirahiisa u gurtaan doonaya) ay iminka soo baxayaan Allah ha inaga qabto Aamiin

    Jamaaludiin | Nov 16, 2008 | Reply

  13. Xabashidu way jabeen, iskamana jabin ee rag baa jabiyay, iyaguna jab sooma doonane guul bay soo dooneen.

    Haddaba iyagoo jabay in la jabkooda loo qariyo oo laga dhigo niman aan jabin;

    IYO

    Jabkooda la wada arko, oo Soomaalida iyo adduunweynuhuba arkaan inay injirtaasi jabtay;

    LABADAAS ARRIMOOD

    midkee baa danta Soomaaliya u wanaagsan?????

    Ragga sheekada raqiiska ah wada ee dadka ka dhaadhicinaya wada-hadal bay Itoobiya ku baxaysaa, awood aannu Itoobiya kula dagaallanno ma lihin, sheekooyinkaas cadowga jabkiisa ayaa lagu asturayaa, wadahadalkana waxay u oggolaadeen dhibka iyo xanuunka gaaray dartood, kuwa cadowga jabkiisa doonaya inay maro huwiyaanow, jabka cadowga ma qarin kartaan.

    Guuleed | Nov 16, 2008 | Reply

  14. Ethiopia labadan nin unbay sii kala fogaysay oo danteeda uga jirtaa (waa nurcade iyo oday cabdullahi). Anigoo og pschologiga soomalida, Waxaan ka baqanayaa in dib 1991kii loogu noqdo oo labadan mujrim loo kala safto.

    Gelle Barre | Nov 16, 2008 | Reply

  15. Ass/c,

    Haa..waa hagaag.. hees geel hal bayga gashay.. waxaa kale kuma jiree..ninkaa comments-ka u danbeeyey (Gelle Barre - Nov. 16) ayaan tiisa fahmay..qabqablayaashii oosi kale ah ayaa soo socda.. oo marakan kaba waaweyn .. ooethiopia iyo dawlado kale iyo UN-tu wado oo rasmiah..loona goglo roog cas (red carpet) madaaraddadunida..ee bal war fashion-ka cusubna an eegno!

    Macalinka Umadda | Nov 22, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo