Dagaal ka dhacay G.Sh/Dhexe

Dagaal Hubka noocyadiisa kala duwan la isu adeegsadey ayaa Maanta ka dhacey deegaanka War-ciise oo KM25, dhanka Bari ka xigta Degmada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeya ciidamo ka tirsan Maamulka gacanta ku haya Gobolka Sh/Dhexe oo hoos taga MMIS iyo ciidamo uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Macalin C/raxmaan Xasan Xuseen oo ka gadoodey.

Dagaalkan oo sida wararka lagu helayo ay ka qeyb galeen Gaadiidka Dagaalka, ayaa waxaa jira khasaare Naf iyo maalba leh oo ka dhashey inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu leegyahey.

Dagaalkan ayaa salka ku haya khilaaf oo kala dhex galey Maamulka Gobolka iyo Gudoomiye Xigeenka Maamula Macalin C/raxmaan.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelada Dhexe, Daahir Macalin oo ka waramayey khilaafka soo kala dhex galey isaga & ku xigeenkiisaa ayaa sheegay in arintaas jirto balse xalinteeda ay u saareen gudi ay ka mid yihiin Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka una kici timeen halka uu Manta uu dagaalku ka dhacey.

Balse dhanka kale waxa uu ka gaabsan in uu faah faahin dheeraad ah ka bixiyo dagaalka ka socda deegaanka War-ciise, kaas oo u dhaxeeya ciidamadooda iyo kuwa Macalin C/raxmaan xasan oo Maamulkooda ka gadoodey.

Ma jirto cid kale oo muuqata oo soo kala dhex gashey labadan dhinac ee dagaalku u dhaxeeyo, in kastoo laga yaabo saraakiisha kale ee GMIS ee aan Maamulka Gobolka qeybta ka aheyn iyo Odayaasha Deegaanku in ay u saro istaagaan kala dhex galka labadan dhinac ee dirirtu u dhaxeyso.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

22 Comment(s)

  1. ACW aad iyo aad ayay u fool xuntahay waana miraha ka soo baxay shirqoolkii Djabuti iyo safarkii ka yimid Nairobi Allah ha naga qaboojiyo waana muhiim in talada culimada shirsan la raaco iyaguna ay ku dadaalaan in ay isku keenan dhamaan muqaawamada dhinacyeheeda ama shabab ha ahaadeen ama shuyuukh kale ha noqdaane Allow dalkeena noo daji nagana dulqaad duliga

    Cusman janan | Nov 15, 2008 | Reply

  2. SCW oh horey waxaad moodeen iney jiraan dad diin u dagaalamaya iyo shacabka muslimiinta dantooda dhamaan waxa soomaaliyo ka dagaalamay waxay u dagaalamayaan qofba siduu kursi, Guri wanaagsan uu helo Marka Kursi labo qof ma iskula fadhiisan kartaa Jawaabteeda waxay u taalaa dadkii daraad isku sheegaayey iney u dagaalamayaan Diinta Islaamka iyo danta shacabka Muslimiinta wayna ku fashilmeen kuwa kale ayaa dhimanee ayagana Inshaa Allaah way fashilmi doonaan

    xasan | Nov 15, 2008 | Reply

  3. xasbuna alaah waa wax lana naxo in Maleeshiyada Dal Xoreeyayaashu ay Fitno ka dhax abuuraan Mujaahidiinta Soomaaliyeed.
    ilaah hanaga cafiyo khaladkaas walaalaha dagaalamana ha heshiiyaan waxaa ila quman iyo Maleeshiyada Dal xoreeyayaashu ay qaska ka dhaafaan Gobalka Sh/dhexe, waxaan ugu baaqayaa walaalaha shababka iyo kuwa Jabhadda Islaamka in ay Ciidan udiraan sh/dhexe si loo bad baadiyo dhiig dame oo la daadiyo

    Jalalabad | Nov 15, 2008 | Reply

  4. asc ilaah hakala bad baadiyo Mujaahidiinta walaalaha ah laakin waxa laysku hayo waa kala duwanyihiin qola lasafan Mucaaradka Jabuuti jooga iyo Maxaakimta Islaamka.
    ilaah hanaga bad baadiyo fitnadaas laakin Jabhadda Islaamka Ciidan ha udirto kala dhaxgalo Walaalaha laysku diray

    Al-suweyd | Nov 15, 2008 | Reply

  5. Magaalada maamul ayay leedahay cidii aan ogolayn maamulkaas waa inay isaga tagtaa gobolka oo ay tagtaa meelaha dadka isku fikirka yihiin joogaan gudomiye ku xigeenka waa inuu raacaa meesha loo bato ama iskaga tagaa isagoon qalalaasa abuurin

    Daacad | Nov 15, 2008 | Reply

  6. ASc
    waa ayaan daro inaan xabad isla dhacno, isagoo cadawgii aan xabada uqaadanay uu joogo meel kadhaw 90km waa dagaal fidno ah qofkii muslimana ma banaana dilkiisa haba kaa fikir duwanaadee waxaanse arkayaa in arintani tahay mid salka kuhaysa kafogaanshaha shareecadda islaamka, ilaahayna waxaan weydiisanayaa inuu ku hanuuniyo sida sawaabku iyo khayrku ugu jiro,walaalnimadana aysan hilmaamin .
    wasalaamu calykum

    Geedwaab | Nov 15, 2008 | Reply

  7. salaamu caleykum waxaa u baqayaa shabaabka in ay ciidan u diraan kala dhexgala

    cade | Nov 15, 2008 | Reply

  8. Asc,walaalaha jecel midnimada mujaahidiinta,waa arin iska cad waxa ka dhacay jowhar waa natiijadii shirqoolkii jabuuti lagu soo maleegayey waa fitnadii nayrobi lagu soo falkinay ayaa jawhar loo soo raray qorigii axmaarka ku jeeday ayaa lagu soo jeediyey mujaahidiinta dhexdooda lacagihii dollarka ahaa ayey qaar u xisheen oo ay ku iibsadeen aakhiradoodii si ay fitno u huriyaan ayakaana ku bixi doono insha allah,fitnadan ninka huriyey ee aabaha u ah waa shariif sheekh axmed axmaar nasiye,hadaba dadka culimada ah ama cilmiga sheeganayo waa inay afka kala qaadaan xaqa cadeeyaan idaacadaha ka hadlaan umada u sheegaan dadka fitnada wada hadii kale wallaahi cilmigii la soo bartay qoomamo iyo shalayto ayuu idinku noqon doonaa maalinta la qaawan yahay,wasadaqalah id yaquul … ina ladiina yaktumuuna maa anzalnaa mina bayinaati wal hudaa min bacdi maa bayanaahu linaasi fil kitaabi ulaa,ika yalcanahumulahu wa yalcanu humu laacinuun… alle halaga cabsado oo xaqa hala cadeeyo culimadu muddo toban casho ayaad ku haysaan labo garab ayaan dhexdhexaadinaynaa wax la dhexdhexaadiyo meesha ma yaalaan xaq iyo baadil baa ishayo oo wakaa gacan ka hadalka isu badalay ee fitnada jabuuti ka timid umada ka qabta arintu nadwo iyo fatwo wey soo dhaaftay.

    Deeq | Nov 15, 2008 | Reply

  9. waa kaxumahay in dagaal ow dhexmaro laba muslimiin oo hadana sheeganaa saxwo,
    laakin waa in laladagaalamaa cid waliba oo wax udhimeeyso amniga gobalka,kan sheegtay kuxigeenka gobolka waa diiday inla dhexdhexaado waana qasab markaas in la adeegsado awood,maanta waa lajibiyay waana laga saaray tuulada asigana waa lagu raad joogaa waana lasoo qaba waxaana lasootaagaa maxkamad,cid walibo oo isku dayda in amniga gobolka qal giliso waa leeska difaacaa,mana aha in gacmaha lagalaabto,waana kufaraxsanahay tilaabada eey qaadeen mmis ee gobolka sh/dhexe,

    xasanalbashiir | Nov 15, 2008 | Reply

  10. salaamun caleykum waraxma.
    Allah waxan ka baryayaa in uu naga qaboojiyo dagaalkan naxdinta badan ee u dhexeeya walaalahii cadowga lawda jihaadayey.
    Waxaan qabaa in dhibtay maanta dhacday uu ka tegey shariifkii jawhar yimi,hadana la sheegayo in uu adisababa ku sii jeeddo si uu kalsooni dheerada ugu abuuro meleszanawi.
    Walaalayaal waxaa wax laga naxo ah in walaaluhu isku degdegaan oo ay dagaalamaan.
    Waa in culimada iyo xoogaga kale ee mujaahidiintu si degdegaa u kala dhexgalaan dhibtan khatarta badan ee murugada xanbaarsan.
    salaamuncaleykumwaraxmatulaahi wabarakaatuhu.

    darwiish | Nov 15, 2008 | Reply

  11. mujaahidiintii afqaanistaan markay kaabuul soo galeen usbuuc kadib ayey BM isku garaaceen waxaa lahubaa haday amxaaradu baxdo in wadaado badan dhagta dhiiga isku dari doonaan tan oo kaliya hala yaabina waxa soosocda ayey kutusaysaa jihaad kulahaa war kursi ayaa rag badan ujeedaane beenta dadka kadaaya wiilasha yaryarna wacdi beena yaan lagu layn alle kabaqa caawa haddii abuu mansuur lacasilo dad badan ayuu layn lahaa asaguba intuu xanaaqo oo dhoho jihaadkii ayaa ladiiday.
    adeer yaa lasirayaa.

    ducaysane | Nov 15, 2008 | Reply

  12. xaqa ilaah hana waafajiyo mujaahidiintu waxay gobolka sh.dhexe oo lagu qabsaday shirqoolkii shariifka madheera in mujaahidiinta al.shabab ay uruqaansadaan sh.dhexe markaana xaqa iyo baadilkuna ay kala fogaadaan

    Cazaam | Nov 15, 2008 | Reply

  13. asc aad iyo aad baan uga xumahey wax ka soo socboonaadey g/sh/dhex xiligaan waayo waxaan rajo kaqabney in ey dhamaadaan waxaan oo kale lagana gudbo horey loo tilaabsado
    maalmahaan waxaa dhagteena kusoo dhacaayey in mujaahidiintu ey qabsanayeen wadanka in tiisa badan hadene maanta in eysoo yeerto dagaalkooda aad iyo aad baan uga xunnhaay runtii mana fileynin
    waxaana usoo jeedinlahaa in ey ka waan toobaan waxaan oo kale iyo waxii sababey alle na kabaqaan umadana sida xaqa ah ugu adee gaan iskana ilaaliyaan nin cejleysi iyo qabiilka

    cabdi raxmaan | Nov 15, 2008 | Reply

  14. walaalayaal duceeye in ilaahey kala qabto mujaahidiinta fidnada la dhax dhigay.
    allaha akbar allow soo hanuuni dhamaantood.

    haddaan imid | Nov 15, 2008 | Reply

  15. ilaa haka la qabto mujaahidiinta dhamaan
    Xoogaga Midowga Maxkamadaha Islaamka ayaa u itaal sheegtay Ciidamo taabacsan Gudoomiye Kuxigeenkii Maxkamadaha ee G/Sh/Dhexe Macalin C/raxmaan Xuseen, kadib dagaal ka dhacay Tuulada Warciise oo 25Km dhinaca Bari kaga toosan Magaalada Jowhar. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo socday muddo saacado ah ugu dambeyn Tuulada laga saaray Ciidamadii Gudoomiye Kuxigeenka, iyadoona warar is khilaafsan uu ilaa iyo iminka ka soo baxayo qasaaraha ka dhashay dagaalka.

    Mid ka mid ah Gawaarida dagaalka ee labada dhinac dagaalka u adeegsanayeen ayaa la xaqiijiyay in la gubay, lamana oga cida laheyd gaarigaas dagaalka.

    Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka G/Sh/Dhexe ayaan la ogeyn halka uu jaan iyo cirib dhigay, hase ahaatee ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in Gudoomiyuhu uu baxsaday dhinaca deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe.

    Warar ay goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Xoogaga Maxkamadaha ay haatan baaritaano ka wadaan Gudaha Deegaanka Warciise, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in ay jiraan Hub lagu kala qabsaday dagaalka.

    Lama oga ilaa iyo hada waxa uu ku bilowday dagaalka, laakiin waxaa horay u jiray in Gudoomiye Kuxigeenka Macalin Cabdi uu mudooyinkan ku sugnaa Deegaankaas oo uu ka soo jeeda, waxaana ay dambeysay markii uu khilaaf soo kala dhex galay Mas’uuliyiinta kale ee Gobolka, isla markaana is bedelo lagu sameeyay Xubno ka mid ah Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe.

    haddaan imid | Nov 15, 2008 | Reply

  16. Waxan ugu baaqaya mujaahiinta soomaaliyeed in ay midoobaan kana run sheegaan shareecada islaamka.hadey socoto dagaaladan o kale waxaa cadaanaysa in ay yihiin dad xukun doon ah.marka waxan oran lahaa ha u labtaan kitaabka alle iyo shareecadiisa.halgan waxaan aad halkan uga mahadcelinayaa guusha ay soo hoyeen shababul mujaahiin.

    Maxamud yusuf xirsi | Nov 15, 2008 | Reply

  17. asc dhamaantiin, run ahaantii waxa dhacaya maant waa wax aad looga noxo maxaa yeelay waxay ka dhextaagan tahay dadkii cadowga la dagaalyay waa arin maalin walba mugdi sii galinaysa xaalada soomaliya. waxaa mid laga naxa ah ragii shalay ku murmayay in codowga ay rabaan in ladagaalamaan oo shacabka xoraysiiyaan in maanta meesha ka muuqo xukun jacayl gabolo badsi. su’aasho waxay tahay maanta hadii wadaadani u dagaalmaan xukun jacayl in aysan waxba ka duwanaan doonin qabqablayaashii soomaaliyeed ee wadan curyaamiyay 20 sano, maanta waxaa cad tigree in uu bixi doona warlord warkooda daa oo kuwaasi laba sano ka baalaga faraxashay, marka waxaa qof walba fiirinayaa tolow soomaali rageeda ma u diyaarbaa in ay wadanka siwanaagsan u maamulaan oo ka baxsan xukun jacayl qabayaalad iyo baqaylnimo. talow raga soomaaliyeed wadanka islamka marabaan in ku xukumaan misa taasi waa af ee niyada ma ahan. diinteenu waa diin dhamstirin wax walbaa ayada ayaa nafaraysa oo wanaag ah marka hadaytahay ximad, dhexdhaxaysi ka tanasulid dantaada si ay umada dantooda u hagaagto si shacab dibaatay geedah maalin walba dhaxni iyo qoraxi ku dhamaysaay. goormay ragani u naxariisan dhaalaan mustaqbalkoodii burburay, goormay u naxariisan dhalinyarada badaha iyo qurbaha ku dhamaatay, gormaa bay u naxariisan dadkan soomaaliyeed ee addunka ka noqday tuke cabaarleh waxaa allah ka rajaynayaa in uu raga soomaali ka dhiga kuwo afka ka hadlo ee qorigan eey la ordayan ka dhiga. maxaa keenay in laba kooxood oo islaam ah allah xaqa fahansiiyay in ay isku gacan qadaan masidii mooryaantii kale bay noqdeen, talow maxaa la dhihi mooryaan waxay ahayeen dad jahli ku jiro oo aan xaqa famin oo darooga maskaxdoodu kujiray. wadaadan maxay haystaa oo daliil ah in ay isku gacan qadaan warkii oo kooban Allah fidnada ha uga gargaaro dhamaan dadka islamka ee wanaagsan.

    umm gumaysi diid | Nov 15, 2008 | Reply

  18. BISMILLAAH
    WALXAMDU LILLAAH
    WASSALAATU WASSALAAMU CALAA RASUULILLAAH

    ammaa bacdu

    ********************************************

    wajigii baddalnaa ee sh.shariif uu ku soo noqday iyo soo dhawayntii la soo dhaweeyay asagoo xanbaarsan waanadii iyo arimahii sirta ahaa ee sh. shariif xanbaarsanaa khaas ahaan asraartii [ jandaay fariizar ] iyo qunyarsocodkii uu hadba isu baddalayay hadba meel kow [ madaxa maamulka maxaakimta soomaaliya + madaxa ururka dib u xoraynta soomaaliya ee csmara + madaxa uds ee garagka jabuuti ] = dagaalkaan ka socda duleedka jawhar , haddaba shariifka iyo cumar xaashi taleefan ha loo diro hana la waydiiyo dagaalkaan imaanshihiina ka hor ma jirin dagaal ee maxaa markaad timaadeen walaalahiin isugu dirteen ?? jawaab dag daga baan idinka sugaynaa ee xisaab baa idin sugaysa ee ogaada waqtigii beenbeenta la isugu dhaafi jiray waa dhammaatay waa kawaas axmaaro iyo kaba leefkoodii sii qulquleen waana [ ALLAAHA FADLIGIIS ALLAAHUMMA LAKA ASHUKRU ] ALLAAH MUJAAHIDIINTA DHAMMAAN GUUL HA SIIYO .AAMIIN.

    qore : ubbaahane ALLAAH WAXDAH.

    17 DULQICDAH 1429 hijri.

    binfaqiih@hotmail.com

    ******************************************

    abucabdurraxman | Nov 16, 2008 | Reply

  19. BISMILLAAH

    WALXMDU LILLAAH WALAA CUDWAANA ILLAAH CALADDAALIMIIN.

    Ammaa bacdu

    la yaab badanaa qofkaan la baxay [ haddaan imid ]!!!!!!! ha loo duceeyo ma ku kajamaysaa waxaaad qorto waa la wada arkaaye sow adiga caadada ka dhigtay in aad abbaarato mujaahidiinta oo aad isku dir ka shaqayso meeshaan kaagama banaana boos ee nimaan ku aqoon u sheeg u duceeya haddana in aad sidii wariyihii hadal intaas fara badan oo meel u socda loo jeedo daba dhigto [ u duceeya ] xaggee laga shaxaa war ninyahow ku bishaarayso axmaaro iyo kaba leefkoodii waa qulquleen ee soo dhawee walaalaha mujaahidiinta alshabaab iyo dhammaan mujaahidiinta kale oo u ducee mid khaasa oo aan meelahaan laga sheegin ee markaad qiblada u jeedo oo aad salaadda u socoto ama aad ku jirto ama aad dhamayso waa haddii ay ducadaas dhab kaa tahaye midda kale hal waji oo laguugu yimaado ku adkayso ee hadba meel ha isku taagin ogowna inshaa ALLAAH in waqtigu socdo ka gaar intaan qorraxdu galbeed ka soo bixin is daba qabo oo iska daa ummadda aad hadba meel ugu boodayso ee mawduuca raadi waxa uu yahay ama uu ku habboon yahay in laga aadiyo shaxdiisa haddii kale waxaa kuu cad ee aaad rabto iska wado [ waano iyo abuuris yaa horreeyay ?? abuuris ].

    WALLAAHU ACLAM.

    abucabdurraxman | Nov 16, 2008 | Reply

  20. BISMILLAHI , ASSLAAMU CALAYKUM, WALAALHAY DHAMMAATOOD , INSHAA ALLAAHU GUUL AYAA SOO DHAWAATAY XAQQIINA WAA DILAACAY GAALO WAA BAXDAY MOORYAANA MEELAHAY KA QAYLEE SHARIIFNA MASIIBA UU KA DHUUNTAY BUU KU ILLOOWAY JAWHAR AA QARAXDAY , WAASE LAGA ADKAA HAA INSHAA ALLAAH, walaalaheeyow sabra ninka xaqqa wadaa waa guulaysahaa ee suga walax dhalla aa dhimane ,

    walax yar aan u sheegaaa ninkaas la dhahaa haddaan imid , marka hore

    walaalkeeyow magaca ALLAAH SAX xaa ula jeedaa hadalkaan hoos ku qoran
    [ ilaa haka la qabto mujaahidiinta dhamaan]

    aryaa xaa kuu diiday inaad dhahdaa

    ALLAAH ALLAAH ALLAAH ALLAAH ALLAAH

    aryaa wax baro oo ka fiirso oo waa lagaa sheegtee is ilaali maandhow walaalaheeyow guulaysta mujaahidiinta ha guulaysteen iyo inta raacsan gaalo jab jaajuusow jab xaasidoow jab ar gana wax yar aa haree.

    u hiili xaqqa | Nov 16, 2008 | Reply

  21. waa mirihi kasoo baxay hawshii uu shekh shariif qabtay

    ahmed | Nov 16, 2008 | Reply

  22. Maamulka Shabeelaha Dhexe oo ka Hadlay dagaalkii Maanta iyo Gudoomiye K/xigeenka Maxaakimta oo sheegay in qaab qabiil loo Weeraray deegaanka Warciise. 15 Nov 2008
    Posted to the Web 15 Nov 08, 18:28

    waxaa soo gaba gaboobay dagaaladii Maanta ka dhacay deegaanno katirsan Gobalka Shabeelaha kuwaas oo u dhexeeyay Taageerayaasha Isbahaysiga Dib Uxoraynta Garabka Jabuuti iyo Maxaakimta Islaamka Somalia.

    waxaa Caawa degan deegaanada Warciise iyo Qurac Madoobe oo Maanta Duhurkii iyo galabta ay dagaallo ku dhaxmareen Xoogaga Maxaakimta Islaamka Somalia iyo Maleeshiyada Isbahaysiga dib Uxoraynta.

    Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha Dhexe Shiikh Caddow oo Caawa lahadlay Shacabka Gobalka Shabeelaha dhexe ayaa sheegay in Maleeshiyada Isbahaysiga lagasoo qaaday deegmada Warciise iyo Qurac Madoobe.

    Shiikh Daahir Caddow ayaa intaas ku daray in ay isku keenayaan Gudoomiye K/xigeenka Gobalka ee dagaalka lala galay iyo Saraakiisha Dib Uxoraynta.

    dhinaca kale Shiikh C/raxmaan xasan Xuseen oo Maanta Ciidankiisu ay Dagaal galeen ayaa sheegay in Weerarka lagu qaaday Tuulada War Ciise uu yahay mid Dulmi islamarkaana qaab qabiil loogu Duulay.

    Shiikh C/raxmaan oo Waraysi siiyay Idaacadda VOA wuxuu ballan ku qaaday in uu Dagaalka siiwedi doono haddii lasoo Weeraro isagoona intaas ku daray in uu diidayahay Siyaasadda Isbahaysiga Dib Uxoraynta.

    Cadaado.com

    SOOMAALI | Nov 16, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo