Sh. Max’ud Ibraahim Suuleey “Maxaa Culimada illaa iyo hadda Barnaamijkan ay ugu dhaganyihiin”

Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuleey oo maanta ka qayb qaadanayay Barnaamijka Hadal haynta Todobaadka ee Idaacada Horn Afrika ee magaalada Muqdsiho ayaa sheegay in Culimada soomaaliyeed ee Hindisaha Dhex-dhexaadinta ka wada Garabyada Muqaawamada soomaaliyeed ay marka koowaad xooga saarayaan in jihaadka uu socdo isla markaana uu yahay lama taabtaan, soconayana inta uu ka baxayo cadowga ugu danbeeya ee gaal ahi ee Dhulkan jooga.

Sheekh Maxamuud oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yiri “waxaan rabaa in aan cadeeyo maxaa culimada illaa iyo hadda Barnaamijkan ay ugu dhaganyihiin, anaga markiiba waxaan Doorbidaynay oo aan arkaynay in dadka aysan u baahanayn fatwo kaliya ee ay u baahanyihiin in la kala xukumo, wax badan waxaan aragnay dibada iyada oo lagu kala maqanyahay, ama dadka gudaha jooga in kulan loo qabtaa inuusan guul badan ka dhalanayn, Shacbaan aakhirkeedii illaa hadda waxaan qal-qaalinaynay in dadka la isku keeno, gudahana la keeno, shirkuna inuu intan ka dhaco, Culimadana wixii Diin ah oo uu Illaahay ku Ogyahay inay cadeeyaan waa waajib saaran, waxay culimadu Cadaynayaan oo go’aamadooda meesha ka soo baxay ah, oo qof kasta oo caqli leh uu ku fahmayo in marka koowaad jihaadka in uu socdo inay lama taabtaan tahay, oo aan cidna laga yeelayn, jihaadkuna uu yahay lama taabtaan, waa qodobkii koowaad oo socda, walina inta uu ka baxayo cadowga ugu danbeeya ee gaal ahi ee Dhulkan jooga, dadkaan waa Dad Muslim ah, waana la qabsaday, mana ogolin, in gaalo wadankeena lagu haysto oo ay qabsadaan oo ay haystaan, marka go’aankii ugu horeeyay ee culimada ka soo baxayna kaas ayuu ahaa”.

Sidoo kale waxa uu Sheekh Max’ud sheegay in haday culimadu cadayn waayaan Xaqa ay noqonayaan Shaydaan Af la’ waa sida uu hadalka u dhigaye , isaga oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Haday culimadu xaqa cadayn waayaana iyaga ayaa shaydaan af la’ noqanaya, haddii wixii ay cadeeyaana la qaadan waayana, eeda way nawada fuulaysa, kuligeena hal doon ah ayaan saaranahay”.

Mar uu sheekha Max’uud ka hadlayay ujeedada ay u yimaadeen ayaa waxa uu yiri “in uusan damin iftiinka Jihaadka ee hadda socda, isla markaana anagu isma Taskiyaynayno illaahay siduu jihaadka noo faray ayaa hadana uu Midnimo noo faray, inta aanay shirka Djibouti iyo Asmara mid aysan dhicina, waxaad ogsoontihiin in Midnimadii uu khalal ku jiray, marka way sii kordhisay ayaa la dhihi karaa oo way sii shiday”.

Mar la weydiiyay sidoo kale Sheekh Max’uud Ibraahim Suuleey waxa uu ka bilowday Khilaafka ayaa waxa uu ku sheegay inuu ka bilowday “umadda oo markii horaba ka gaabisay Waajibkii Midnimada ee uu Illaahay faray, oo dadku ninba Masjidkiisa, iyo ninba Jaamacadiisa, iyo ninba Baabuurkiisa Gaarka ah ee uu watay ku mashquulsanaa, gaabinta aan markii hore ka gaabinay waajibkii midnimada ee uu Illaahay na faray, halkaas ayuu khilaafka asalkiisa dabada ku hayaa iyo inagoo Dagaal jihaad ah galnay, iyada oo ay dadka ka kala yimaadeen afkaar iyo aragtiyo kala duwan iyagoo qaba, isla markaana aysan ahayn hal Urur oo Barnaamij gaar ah inta ku fakiray in-qilaab diyaariyay oo wax qabsaday uu san ahayn, ee dad kala duwan in ay ahaayeen, markii uu Illaahay (SW) guusha uu keenayna in ay dhacday waji aan u dhignay iyo wax illaahay na siiyay in ay kala way naadeen”

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

16 Comment(s)

  1. Maxamuud suuleey lababa sifiin banu isu garanaynaa maa iminka waxaad la timid fool culumo anigo ku garanaayo anigo og markii Sanca, aad kasoo laabaty kuna laabatay Jibuti, lagu sameeyay passport Jibuti ah, ka dibna lagu kaxeeyay Qaahira, alla ceeb badnaan Shiikhii ay shacab badan kabsadayn tana waa ay kuu dambaysay walaal labadeen been isi sheegi meyno dhankaad tihid waan garan Shariifkii sxbka aah haddad marada ku qabatid adigaa ku qaaray ee xaqa raac.

    Shariifka fitno mooyee wax kale haba ka fillan adiguse dib isu qabo haddii kale halaag baad cagta dhigan rabtaayee.

    SOOMAALI | Nov 14, 2008 | Reply

  2. ikhwanii salaam ka dib, bahda somalimirror waxaan odhan lahaa hal, ninka soomaali sitana hal.

    somalimirror khayr badan alla haydinsiiye eegaa afkaarta iyo rayiyada dadka sidaa u balan qaadeen horeba, subax waa iima baryo habeena iima dumo ilaa waxaan indhaha ku kala qaadaa web/liina iyo siduu xaqiiqada iyo dhexdhexaadnimada ugu dhaw yahay. runtiina waa hawl culus oo aad umada u haysaan ilaahayna idinka abal amrin doono.

    Soomaali sxb, ilaahay uga cabso waxad qorayso, hadii aan bulshadu ku arkaynina kii abuuray iyaga iyo adigaba ayaa ku arko. ma beeninayo waxaad sheegayso, waxaanse dhaqan islaamka iyo dadnimadaba ka baxsan u arkaa qaabkaad wax u naqdiyayso.

    Waad salaaman tihiindhamaan.

    cabdullahi | Nov 14, 2008 | Reply

  3. asc,warxun kuma uusan hadlin allaha dhowro shiikha.

    haddaan imid | Nov 14, 2008 | Reply

  4. ilaah baa mahadleh cullimadana allaha xifdiyo waxaan kaloo mahadleh walaalaha dhiigooda uhuraya islaamka ilaahayna haciseeyo waxaan rabay inaan ishaaro hal arin waa tan ah qofkastoo hadla ama wax sheega in ragga walaalaha qaarkood siiradiisa xumaanta ah sheegayaan wanaagiisiina lahilmaamayo taasina waxa weeye waxa dhaawacaya walaalnimadda ,ilaahay halaga yaabo ilaahay wuxuu sheegay inaysan sinayn dadka waxyaqaaan iyo kuwa aan wax aqoon,waxaa kaloo allah inoo sheegay kuwa alle ugu baqdinta badani inay yihiin cullimadda.
    waxaa nebiga scw laga weriyay “qofkii wanaag ama macruuf idiin sameeya ugudda oo bedelkasiiya hadaad kari weydaan uduceeya”.
    war walaalayaal ilaahay kabaqoo Cullimaddu abaalkaas ayay nagu leeyihiin oo waxay diintan usoo mareen dhibaato inaan shahaado raadinana iyagaa usabab ahaa waayo waxay noo ifiyeen dariiqa,hadana nasiib daradda dhacaday waxaa laleeyahay hebelaw waan ku aqaan malafkaagaan hayaa,war alaah hallaga xishooodo cullimaddana hala ixtiraamo.wasalaamu calaykum

    ibnu_saxwah | Nov 14, 2008 | Reply

  5. Qofka Soomaali la baxayow hadii aad muslim tahay Ilaahay ka cabso.

    Sh Maxamuud Wuxuu ku dhaawacmay hawdka Jilib, kuwa aad indha la’aanta ku taageerayso waxay uga carareen dhaawacii..

    Wuxuu wax badan ka mid ahaa mujaahidiinta gudaha dagaalka ka waddaay. wuxuu sanca u aaday sulux.

    Waxaaad ogtahay in qolada kaa dhex guuxaysa ay markii horeba ku caayeen aaditaankii sacna. Hadii xamar uu kusoo noqon lahaana sidaas ayay u caayi lahaayeen.

    Wixii aan laga xukumin Buuraleyda wasiiristaan waxaad u haystaan munaafiqiin gaalo soo dirsatay…

    Waxa uu leeyahay sow maaha Jihaadka yaan la joojin?? ma waxaad ka sugeysaa oo qudha amiirkeenna sheek…?

    Hadii uu jihaadkiinnu yahay in waxa dibadda laydinkaga soo yeeriyo siday yihiin laydinkugu raaco, qorshihiinu muxuu ka duwan yahay kan shariif???? oo aan ahayn inaad ka dhiig daadin badan tihiin??

    saaxiib madaxaaga u tur waxa aad la hardamayso waa buur sib-sib ah.

    Ilaahow ha hanaga dhigin kuwa diinta ka dhigtay af-lagaaddada culimada, islaweyni iyo xaqiraadda addoomadaada.

    Muslim | Nov 14, 2008 | Reply

  6. as war wab…..mid waxan leeyahay soomaali…midna muslim….
    walal soomaaloow saad wax unaqdiday waa siaan sax ahayn oo maamuud suuleey waa mujaahid waliba xakiim ah ma ahayn inaad saas ugu fogaato…

    adna muslimoow waan arkaayoo mujaahidiin kalaad aflagaaddo gu duurxulaysaa nimanka wasiiristaan joogaa waa mujaahidiin dhabar adaygay iyaga iyo shariifna isku mid maaha …..
    walaalayaal aan ilaahay ka baqno mujahidiintaas suuleey ama rooboow ama caddaw gaadhi maynee yaynaan isku soofayn ee aynu nidhaahno ilaahoow safkooda midee aamiin….
    nimankaas debedaha jooga iyo innagana waxaa laynaga raba inaan fardulcaynkaas iska rogno bes midnimadana soo clinno….as war wab

    albashiir | Nov 14, 2008 | Reply

  7. ASC
    Dhamaantiid, walaalaha Musllimka ah gaar ahaan Dadkeyga Soomaaliyeed, salaantaa ka dib aniga waxaan aad u aaminsanahay in MIDNIMO oo la adkeeyo lagu gaari karo guusha.

    Lama yaabo Qab-qablayaasha dagaalka ee ka jira Soomaaliya iyo Oday-dhaqameedyada inay isqilaafaan laakiin waxaa la yaab leh in Culumadiina ay ku darsanto loolanka Siyaasadda ee Soomaaliya ka jira !

    Qofkaskoo Muslim ah waxaa ku waajib ah inuu ilaaliyo Midnimadda Muslimiinta, taa haddii uu ka dhigan waayo Jidka uu u marayo waa baadi wuuna guul dareysan doonaa.

    Muslimka waajib kuma aha inuu KOOX ama FIRQO u adeego ee waxaa ku waajib ah inuu ilaaliyo xuquuqda iyo wadajirka Muslimiinta oo dhan.

    Waad Mahadsan tihiin,

    BAABULE | Nov 14, 2008 | Reply

  8. Muslim

    khayr allaah ha ku siyo hadalkaaga deganaan baa ka muuqata laakiin hadalka toos ka ah ee aad la beegsanaysid soomaali ka daa..

    dhalinyaradu culumadii inay ceebahooda sheegaan oo ay mar kaste dhaleeceeyaan baa ka soo hartay allaah ha hanuuniyo…….aamiin.

    Warfaa | Nov 14, 2008 | Reply

  9. Salaan kadib walaalayaal culimadu waxay taaganyihiin booskii nabiga s.c.w oo nabigaa saas xadiisku sheegay marka in afka lagu taago ayabaa dambi wayn ah iskaba daa sheekh mujahid ah oo duurkaad har iyo hameen ugu jira ilaahay daraadiis waxaan ka warhaayaa in sheekh maxamuud qabiilkiisa oo dhan intay shireen lagu yiri kasoo bax meeshaan waatan wadaadadiiba iskaga raaxaysanaayana hotelada Asmar ee wuu ka dhaartay oo inuu qoriga garabka kasaart ayuu ka doortay waxaa lagu daceeyey hooyadiis oo la yiri aduu wax kaayeelayaaye ka reeb wuu ka dhaartay aabihiis oo sariir saaran ayuu hadana oo aad ogtihin shiikh ibarim sulay ayuu hadanahaayey saasoy tahay dhanka kale wadaadada daba jooga xitaa caruurtdoodii way kasoo waten oo wax ka jooga xamar way iska yaryihiin Asmara iyo Jabouti ayey kala joogaan markaasaad afka ku taagaysaan yaa idinka fakanaaya waa la yaabe hadii ad qofkii waliba wax ka sheegtaan ???? war intaan u soconaa war alla ka baqa

    mujahid | Nov 14, 2008 | Reply

  10. Walaalayaalow yaan dadka la gaaleysiin si fudud. Sheekh Maxamuud intuu soo qabtay qof qabtay ma jiro inteenan internetka dul fadhido. Haddaad run sheegeysaan ee jihaad dhab idinka yahay gudaha aadaa, meesha hadal iyo aflagaaddo looma baahnee.
    Dadka iska dharag-dhacsanayo ee aan hadal mooyee aan xal kale haynin, waxaan ku waanin lahaa inay aflagaaddada iska dhaafaan, mujaahidiintana ixtiraamaan, xitaa hadduusan ku feker ahayn.

    Siciid | Nov 14, 2008 | Reply

  11. asalaamu calaykum warax ma walalaalayal wad mahadsan tihiin ree somalimirror intaa kadib walaalayaal waxan raba in aan halkaaan kaga faa iidaysto in aan udiro hambalyo dhaman mujahidiin ta dii day shirqoolka jabuuti gaar ahan hukaan ka mujaahidiinta sida sh. xasan daahir sh.dr.cumar sh. abuu mansuur intaas kadib walalkeen sh.ibraahim suulay oo caan ku ahaa jihadka iyo gaala naceeb marka walal keen sh.maxamud iyo culamadakalaba in alah kacabsadan runtana kasheegaan iskanadayan arinkii ahaa calina gar leh ceydiidna garleh cadeeyan shirqoolkii jabuuti suu layna garahn jabuuti ayuu ujan jeeraaye alaah hakabioqo jihadkiina yuuna kalaban nasrigu wuu dhaw yahaye sabar wall goodiska gaalada na hauistaagin hore usoco walaal alaahu akbar alaahu akabar alaahu akbar

    abuucubaydah | Nov 14, 2008 | Reply

  12. asc dhamaan bahda web kaan ku tixan marka hore waxaan ilaahay kabaryaynaa in uu quluubta islaamka isku mid ka dhige gaar ahaan kuwa soomaaliyeed shiikha arintaas aniga maka hadalaayo waa xun kama hayo ee waxaan ka hadla ddaka afkaarta dhiibanhaya walaala waxaan ila leeyahay oo aad uwada jiidaa in uu wadanka khilaaf kajiro waxaa kasiidaran inta wax fahansana waxaan umalaynaa in aan ku jirno inteenaa afkaarta is dhaafsanaysa marka ilaahay baan inku dhaarshee anga ma araktaa 2fikradood oo isku mida ha waa maya marak seebaa somaaliya isku raacee ee waxaan ina leeyahay ilaahay kabaqa oo afkaarteena aan midayno oo aan afkaarta aan isdhaafsanayno hana qoto mida wax gal ah qofka marka uu fikrada soodhiibanahayana aqoon ha ku saoleeyo xila wax iska shhega waa ladhaafay ee ha laysaka daayo wax sheega iyo tuhunka ok webka somaaliya mirirror waxaan u sheegaa in ay siad ay iskugu taxalujiyeen in afkaar laysa dhaafsado ay isku taxalujiyaan in ay sameeyaan dad afkaarta aruuriya kana mira dhaliaya oo soomaali isku duuban oo isku fikrad ah soosaaraan ok macaslaamo

    nasriyare | Nov 14, 2008 | Reply

  13. ina sheekh ibraahim suuleey wuu dadaalay intii karaankiisa inuu mujaahidiinta heshiisiiyo ,culumadana waxaan ka rajaynaynaa inay arinta dhexdhexaad ka ahaadaan

    ciise | Nov 14, 2008 | Reply

  14. Asc Horta Ibraahim suulay waxaad moodaa In sharifku ka dhex hadlayo Somaliyana waxa ka taagan kitaabka alle ba way ku qoran tahay hadayna xitaa culimo caddayn Suulayse shiekha layidhaa walee Jar buu kalushaa khatar ah waliba ee waxba ha dificana waxa jabuuti lagu wad wado dadka taagersan may c.laahi yusuf taageeraan Waxaan aaminsanahay hada shariifka iyo c.laahi inay same yihiin dee ragga lasocda c.laahi yusuf iyo kuwan shariifka lasocdaana isma dooriyaan
    Callaa kulli xaal ragga labada waji raba inay dadka ku inqilaabaan yayna noo midaba badnaane waanu aragnaa xaqqa toosan nin gaal lasocdana anagu waxba ka qori mayno
    Allow MuJaahidiinta U gar gaar

    Salaffi | Nov 14, 2008 | Reply

  15. walaal Sheekh Mahamud Waxaan ku leeyahay jihadku waa soconayaa intii Allah doono dadna waayimayo Lakin waa kad ka aday Jabuti Sheekh Shariifna ka racday hadda itobiya buu usocdaa wana ishubinaynaa warkaga inkasta oo Alla dartii ku jaclaa ( Roobkii kaday radabkhatumo lagumarayan wana kalararay wabilahi tawfiq

    Abusaciid | Nov 15, 2008 | Reply

  16. assalamu laykum walaalayaal hadan nahay somali waxaa nootaasha howl badan. waa in aan marka hore diyaar unahay in aan waqtigeena u hurno wadankeena sidee baa qof walba muslin dhab ah iyo wadini sax ah uga qayb qaadan karaa halganka soomaliya ha noqoto xorayn, nabayn, dib udhis, u dhexdhexaadimo. waxaa lasocotaan wadan walba oo maanta dhisan in uu bilaash ku dhismin ee dad dhiigooda u huray, dabdeed abaalgud ku heley daganaansho iyo xasilooni. walaal waxaa nalaga rabaa in aanan loo kala harin nabdeenta wadenkeen waad aragten maanta in somaali ay ka noqdeen tuke canbaar leh Aduunka. maanta aya somaliya ugu rajo dhowdahay maanta tigree arkay in soomali dagaal waxba u qaadeen maanta ayaa wadankii badankii uu gacanku kuhayaa kuhayaan muqaawamadii iyo halgamyaashii dhiigooda u soo huray dadkooda, diintooda iyo dalkooda. walaalayaal maanta hadii tigree baxaan,oo anan anaga dhexdeena hishiin wayno waxaa cadaan doonta in soomaali aysan diyaar u aheen iyo in ismaamusho. inta soomaali muhammed rogaado qaarkood ay u ordayaan xukun jacayl iyo tanaasul la’aan, waxaa run noqonaysa qoraalkii uu qoray gaalkii kenyatiga ahaa oo yiri waa in soomalya qaybna lasiiaa kena qaybna ethoipia. waxaa Allah ka rajaynaa in u ka badbaadiyo fidnada xukun jacaylka ah rageena, waxan rajaynayaa in uu raga soomaalyeed in u naxariistaan matada dumarka wayeelka iyo dhamaan shacabka soomaaliyeed.

    umm gumysi-diid | Nov 15, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo