Cumar Xaashi oo ku Beeniyay waraysi uu siiyay Somalimirror inuu la dagaalamayo Ciddii u hogaansami wayda Heshiiska Jabuuti

Xog-hayaha Arimaha Gudaha Isbahaysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya Garabka Djibouti Cumar Xaashi Aadan oo ku sugan Xarunta Gobolka Hiiraan ee Beledweyne ayaa waraysi gaar ah siiyay wariyaha halkaa uga soo warama Somaalimirror wareysigaasi oo ku saab-sanaa warar dhawaan ay qoreen website-yo Dhowr ah oo ay kamid ahayd Somalimirror, kaas oo ahaa in uu ku hanjabay Cumar Xaashi Aadan in Xoogagga Muqaawamada ee u hogaansami waaya heshiiska Jabuuti ay la dagaalami doonaan balse Somalimirror ay xaqiiqsatay in hadalkaasi uu ahaa mid been abuur ah, isla markaana iyada oo ka jawaabaysa Khaladkaas ay ka soo xigatay wabsit-yada waxay la xiriirtay Cumar Xaashi Aadan oo ay waydiisay Su’aalo dhowra waxayna udhaceen sida tan:-

Cumar Xaashi Aadam oo ay Somalimirror la kulantay

Somalimirror :- Asalaama Calaykum, salaan kadib ma Runbaa Mise waa Been in aad tiri waan la dagaalamaynaa cidii u hogaansami wayda heshiiskii iyo xabad joojintii Djibouti?

Cumar Xaashi:- waan maqlay hadalkaasi waana been aan sal iyo Raad toona lahayn, mana jirto qof aan kula dagaalayno qaado waxa aan wadno.

Somalimirror :- sideed u aragtaa hadalkaasi lagugu been abuurtay?

Cumar Xaashi:- waxaan u arkaa war beenalow dan kastaba haka lahaadee
waxaase la yiri beenay maxaad orod leedahay waxayna ku jawaabtay intaan runi iga daba imaan waxaan filayaa in runtii kadaba timid oo waa idinka raadinaya hadda.

Somalimirror :- hadaba somalimirror waxay soo xigatay warkaasi oo ay wax ka qortay wayna ka cudur daaranaysaa walibana raali gelin buuxda ka bixinaysaa warkaasi iyada oo kaa codsanaysa in aad cafiso ee maka aqbashay codsigaasi?

Cumar Xaashi:- bini aadamku waa gafi karaa waxaasi ugu wanaagsan kuwa ka soo laabta nabiga baayiri NNKH marka waan cafiyay Aakharo iyo aduunba aad baadna u Mahadsantihiin, maadaama ay iyagoo soo xigtay wab kale ay hadana qaladkoodii cafisi ka dalbayaan iyadoo kuwii beenta abuuray aysan wax wal-wala ka qabin in Aduun iyo Aakhiro aan mid kula xisaabtami doono.

Somalimirror :- waad Mahadsantahay Wasalaamu Calaykum waraxmatulaahi Wabarakaatuhu.

Cumar Xaashi:- Idinkaa Mudan, Wacalaykumu-salaam Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu.

Intaa ka dib waxya Shabakadda Somalimirror uga Cudur daaranaysaa Akhristayaasheeda Sharafta badan warkii aan xaqiiqada ahayn ee ay u soo tabisay, kaas oo ay ka soo xigatay mid ka mid ah website-yada soomaalida, taas oo aan caado horey ugu ahayn Somalimirror, wixii hadda ka danbeeyana ay ka digtoonaanayso, ayna ka codsanayso in ay ka raali noqdaan, isla markaana ay mar waliba u soo gudbiyaan Naseexadooda iyo waliba wixii Talo iyo Tusaale ah.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

26 Comment(s)

  1. Aniga laftayda arrinkaas aad ayaan uga xanaaqey, anigoo aan is ogeynn ayaanna hadalkaas faafiyey Ilaahow naga cafi wixii dambi ah

    waxaan nahay umad lagu salliday, saxaafad kheyr daran iyo cadaw arxan daran Ilaahay dulliga sharaf noogu beddel.

    Halima-Falxado | Nov 13, 2008 | Reply

  2. asc,ilaahey ha dhowro mujaahidka,wuuna ku mahadsanyahay sida uu xaqiiqda u cadeeyay.

    haddaan imid | Nov 13, 2008 | Reply

  3. illaah waxaa muslimiinta amray in ay hubsadaan marka war soo gaaro marka waxaan uga mahad celineyneynaa soomaalimiroor in ay ku dadaashay hubsiinada iyo cudurdaaarkeeda qiimaha badan sidaasaana lagu yaqaan kuwa aqoonta diinka u leh in ay ka xishoonini sheegitaanka runta xataa ayaga haku soo noqotee

    asad | Nov 13, 2008 | Reply

  4. koley nin siyasiya warkiisu runa u dhow beena kama dheera oo siyasadu habeenba guri ayey sexata cumarna barinki uu reerka kararey ayu dib ugu soo celiyey adinkuna waxad qoreydan been ayey u badan yihiin hadii aad been kadhowr saneydan shaqo kale raad sada

    boqol jirow | Nov 13, 2008 | Reply

  5. Anigoo ah dadka mar mar fekradaha goobtan ka dhiibta, hase yeeshee hadda kaddib aan yarayn doono amse joojinba doono inaan halkan fekrad dambe ka dhiibto - sababtuna tahay fekradahaan halkan ku soo qoro kuwa somalimirror jeceshahayna way u daysaa kuwaysan jeclayna way tirtirtaa - waxaan ku kedsoomay warka laga soo gudbiyay Cumar Xaashi. Aad baan uga xumaaday warkaas markii hore ugana carooday runtii. Haddase Cumar runtii buu sheegay, Somalimirror-na wax aad u wanaagsan bay marakan samaysay iyadoo tixraacday kana sal gaadhay hadalkii gurracnaa ee been-abuurka ahaa. Ilaahay ha inaga cafiyo wixii aynu dhex dabaallannay ee dembi ahaa markii warkaas la soo gudbiyay ka gadaal. Muslimiinta oo dhanna khayr iyo wanaag iyo samafal Alle ha waafajiyo.

    Guuleed | Nov 13, 2008 | Reply

  6. haa waa wax laga xumaado in Cumar Xaashi uu cudur daart ka bixiyo Warar uu horay ubixiyay xittaa aniga oo Muslim ah ayaa idaacadda ka dhegaystay waraysigii Cumar uu ku sheegayay in uu la dagaalamayo Muqaawamada.
    wuxuu warkaas ku sheegay waraysi uu siiyay Radio Sahan Muqdisho.

    waa wax laga xumaado in Somaliamirror ay cafi waydiisato waayo warkaas xaqiiq ayuu ahaa

    Abdi Jamac | Nov 13, 2008 | Reply

  7. ilahoow nacafi aniga xitaa hadalka dad ayaan garsiiyay, Ilaahay ha nacafiyo isagana aan waydiisano danbi dhaaf.

    Nin yaaban | Nov 13, 2008 | Reply

  8. a/a dhammaan,
    Aad ayey Somalimirror u mahadsanyihiin. Arrintaan ay saxeen.
    Qolada sheekadaan faafisay waa dalkanews, waa niman ilaahy been ku abtaleeyey. propagadadii qolada jabuuti ay ka fidinayeen waxay gaartay inay muqaawamada isku diraan oo nabiibyo iyo been abuur billaabeen. Waxay soo qoraan waagacusub, dayniile iyo dalkanews dadoow cusbo ku qaata. hana ku kadsaminna.

    w/a

    Nuur | Nov 13, 2008 | Reply

  9. maxaa kaa lilaahiya masidaas baa kaa dhab ah dharaarta yoomal qiyaame iyo aakhiro waa dumadaada

    seexato | Nov 13, 2008 | Reply

  10. haa warkaas horay ayuu usheegay bilaash ayuu uduug duugayaa waana dhahyay wuxuu rabaa in Mujaahidiinta Shabaabka meesha laga saaro.
    wuxuu rabaa Dowlad Soomaaliyeed oo Dastuurka wax ku xukunto Annaguna waxaan rabaa Xukuumad Islaami.
    marka yuusun idin wareerin waa Ninka Madaxdii Maxaakimta kala qaybiyay wuxuuna Culimada baray Eraga caan baxay ee ah ( Beesha Caalamka)

    Abdi Jamac | Nov 13, 2008 | Reply

  11. waa run saxibkayga Abdi jaamac Mr. Xaashi warkaas horay ayuu usheegay Idaacadaha Muqdisho ayaana ka dhegaysta.
    Somalimirror.com iska joojiyo Fikradaha shacabka ee aad caburinaysaan

    Mohamuud | Nov 13, 2008 | Reply

  12. asc,walahey waxaan ka rajeynayaa iney anshaxa dhowraan oo ay fikirkooda si saliim ah ku soo gudbiyaan sidii ninkaan abdi kariim la baxay ee caytamaya.

    haddaan imid | Nov 13, 2008 | Reply

  13. sc wr wb.

    Cumar xaashi inuu dagaal ku goodiyey ma aha been lagu been abuurtey.

    codkii lagu wareestey baa yaalo.

    garan maayo somalimiror ma lacagtii jabuuti ayaa qayb kasoo gaartey.

    mideeda kale xataa haduu inkiro waxaa cadeenaayo dagaalka uu rabo sida uu u ciidan aruursanaayo iyo waxa dowlada loogu yeero oo uu doonayo inuu ka mid noqdo.

    cumar xaashi iyo qoloda jabuuti waxaa ka go an inay ina yuusuf wax la qaybsadaan.

    anakana waxaa naga go an inaan qolodaas iyo cidii wax la wadaagtaa isku saxan wax ugu gurno.

    ciidanka uu aruurinaayo oo kenya xeryaha looga diyaariyey ilama ahan iney subac soon usocdaan ee dagaal bee u socdaan.

    yaa umada la aafeenin ee jabuuti iyo qashinka raacsan waxba la dhoodhoobin.

    somalimiror waxaan kula talin lahaa iney mowqif yeelato ilayn diintu ma qabto waxa layiraa dhex dhexaad baan arinka ka ahey.

    walihiina cadeesta cidaad uheesaan.

    wasalaaaaaaaaaam.

    muslim Dhab Ah Insha allah | Nov 13, 2008 | Reply

  14. Ku MUSLIM DHAB AH INSHA ALLAH

    SHAATIGA BILILAQADA MA MUSLIM LAGU NOQDA WAXTIGINA WAA DHAMADAY ILAAH ETHOOPIA MEY BAXDO MARKAS AYAA SIFICAN LA ISKU BARANAA REER SHAATI BADANEE DHIBKAN WAXAA NOO KENAY MAXAMED SIYAAD ILA HA U NAXARIISTO OO 1974 QAXOOTIGA U SOO RARAY DHULKA BEERAHA GACAN BIR AH AYAAN IDINKU QABANENAA

    Will RUUN | Nov 13, 2008 | Reply

  15. Asc “Muslim Dhab ah…”,
    Walaalow Muslinimada ayaad meel xun oga dhaceysaa adiga iyo dadka kugu feker ah. Been iyo daacayad nin muslim ah halaga sheego ayaad u ololeynaysaa oo Somalimirror ku canaananeysaa. Markaas ayaad hadana Muslinimo iyo diin kusoo ganbaneysaa! Waxaad kaloo u ololeyneysaa in Muslimka dagaal lala galo oo dhiigooda la xalaaleysto. Marna Kismaayo ku bood marna Marka adigoo dhinac maraya Cadowgii gaalada ahaa ee waddanka kusoo duullay. Haddii la yiri si nabad ahna hanooga baxaan, waxaa tiri ma baxayaan ee ha joogaan aan la dagaallannee, mana la dagaaleysid oo somalida kale ayaad u miciyo weyntahay. Marka caqligaaga haddii la raaco waxay noqoneynsaa in la iska daba wareego oo dhibka somalida heysata uu sii daba dheeraado.
    Marka walaalow Talo xumo waa tii maanta meeshaan na dhigtay ee aan caqli darrada iyo fowdada aan joojinno iyo Diintaan ayadoon la fahmin meel kasta oo xun lugu jiidayo.
    Raallina ahow inta xanaaqdo ha i gaaleysiin :)

    Nuur | Nov 13, 2008 | Reply

  16. Forumkan waxaan mooday dad akhlaaq leh oo danaha islaamka ka wada sheekaysta (aadaabtu waa muhiim), laakiin waa fadhi ku dirir kale, kabase darane waa dad iska dhigdhigaaya waxaysan ahayn. Calaamaadkaasna ma fiicna ee hala iska jiro. Waa iga talo…

    xujo | Nov 13, 2008 | Reply

  17. KU: NUUR.

    c wr wb.

    akhil faadil ilaah haku cizeeyo kuna waafajiyo kheyrka aad jeceshahey.

    intaa kadib.

    nuurow horta raali baan kaa ahay waxna iima aadan dhibininba sidaadoo dhanba.

    fikir baad igu khilaaftey taa waan garaawsadey.

    balse arinka cumar xaashi inuu yiri goobta abdi jaamac baa kuu xaqiijiyey oo kugu yiri dhagaheegaan ku maqlay kow dheh.

    tan kale warkaan inaku somalimiror kama soo xiganin ee waxaan kasoo xiganay wadankii rag arinka sheegey oo yiri saasbaa wax u jiraan.

    xataa haduusan dhihin ficilkiisaa ka wayn oo muujinaaya ciidanka uu aruursanaayo.

    sababtoo ah yuu u ciidan aruursanaa haduuba la heshiiyey reer tigree kalkaal oo asaga iyo shariifkiisaba ee malez khudbadiisii nairobi kusoo dhageesteenba.

    rag isku khudbeenaayo ciidan iskuma aruursadaan.

    hadaba 10 kaan kun oo wiil oo ilaa iyo hada la diiwaan gelinaayo ogow fii sabiili laah kuma shaqeenaayaane oo UN = united infidel nations ayaa mushaarkooda bixineesa.

    ogow gaal intuu mushaar kusiiyo ani igu dil ku dhihi maayee.

    gaal intuu kenya ciidan kuugu taba baro ku dhihi mayo jihaad aad!!!!.

    hadaba dagaal waa uu dhacayaa haday xaaladu saan sii ahaato eesan towbad keenin waxa dagaal noo diida waa uun in nalaka itaal roonaado ama iyaku towbad keenaan uun.

    arinka waa saas ee saa u fahan nuurow ilaah haku nuuriyee.

    teeda kale kismaayo iyo marka aad ka dhawaajisey.

    jowhar iyo beledweyne sababtaa uga tagtey ma garanin!!!

    mindhaa rag gooni ah ayaa kuu muuqdo.

    hadaan is iraa ka jawaab akhii waa siduu ilaah yiri ??? ??? ???????? ?????? ????

    hadaba magaalooyinka waa in la qabto dhufeesyada cadawgana waa in la weeraro.

    imisaa u dhaxeesey gazwadii badr iyo uxud!!!.

    sidaas aawadeed maalin walbo ma aha dagaalku ee waa munaasabad iyo diyaar garow iyo aag bedelasho dhaawac dhayid taba bar iyo rag cusub raadin.

    magaalooyinkaan cusub waxaa laga helaa kumanaan dhalin yaro oo cusub oo jihaad aada oo la taxriidiyo.

    teeda kalena waa in la helo daar dhaawaca la geesto oo dhufees laga dhigto.

    nabiguba madiina markii gazwatul axzaab la yimid waa asagii godka qotey oo ciidankii u bixi diidey.

    hadaba akhii ku farax fatxiga iyo qabsashada magaalooyinka cusub.

    cadawgu ayaguba mee noo imaadaan kismaayo mudaan heesanaa oo kaniisad duminay oo masjid harar dhisnay oo mu minadii ina dhuxulow rajminay wahaluma jar!!!

    indhaha fur xaqana taageer.

    wasalaaaaaaaaaaaam.

    Muslim Dhab Ah Insha Allah | Nov 13, 2008 | Reply

  18. Nuur waa Munaafaq lawada yaqaan diinta ka for waa guuleed iyo dhabayacii hadaanimid oo miiran oo gaalada kajecel islamka

    abdikarim | Nov 13, 2008 | Reply

  19. Cumar xashi inu damacsan yahay sas waa wax iska cade waxba yaanu beenin isaga iyo isbahaysiga dhan hada waxaa la raba in loo hubeeyo lagana hor geeyo Mujaahidiinta

    Salaffi | Nov 14, 2008 | Reply

  20. asc “Muslim Dhab ah…”,
    Walaalow arrintaan been abuurka iska daa horta. Ninkaas meel fagaare ayuu ka caddeeyey iyo marqaati oo ah wariyaha soo qoray xiwaarka ayaa daliil u ah inaysan jirin. Qaacido sharci ah ayaa jira oo leh “Albayinatu Calaa Muddacii, wal yamiino calaa man ankara”. Marka burhaanka waxaa laga rabaa qofka wax eeedeynaya ee qofkii la eedeeyey waxaa ku filan inuu yiraah arrintaas ma sameyn. Burhaanna meesha kuma heysid.. Dadka maanta shareecada ku tumanaya waxaa ugu badan dad leh waxaan u dagaaleynaa shareecada hirgalinteeda. Sababtuna waa 2bo; Jahligii oo batay iyo kha’inimo weyn. Maanta dilkii muslimiinta waxaa xalaaleystay dad leh muslinimo ayaan u dagaalleynnaa. Tusaale hadda waxaad islaam darro ka tilmaantay oo ah in lala jihaado in gaalo lala heshiiyo ama la caawiyo ama ay ku caawiyaan. Miyaadan ogeyn dhibku inuusan aheyn in gaal lala heshiiyo ama calaaqaad lala sameysto. Arrinta ah in la isweydiiyo diiniyan waxaa weeye heshiiska iyo calaaqaadku waa nuucee?? Haddii calaaqaadkaasi yahay mid aan wax u dhimeyn diintaada, xorriyadaada iyo sharaftaada, xaaraan miyaa? Kawarran haddii arrinta xiriirka keentay ay tahay akhafu darareyn(2bo daran mid dooro) ama xiilad islaamka loogu gargaarayo oo sharci ah?Dagaalii Axzaab ayaad ka dhawaajisay. Nabiga(SCW) wuxuu gaaladii Madiina kula heshiiyey inay magaaalada wada difaacdaan oo isla garab dagaallaan Muslim iyo gaalo. Halkaas maxaa ka cad in gaalo la isxulafeyso karo ayadoo gaal kale lala dagaallamayo. Adinkana waxaad ka dhigteen in calaaqada qof gaal ah idin dhex mari kara uu yahay mid dagaal iyo isdil oo kaliya! War xattaa waxaa la banneeyey in ninka Muslimka ah uu naag gaala ah guurso karo. Adinkana maanta waxaad Masaajid gudahiis ku dileysaan qof Muslim ah oo masaakiin quudinaya ood u dileysaan in cuntada uu quudinayo UN keentay!
    Qofka muslimkaa 2bo siyood ayaa dhigiisu ku bannaanyahay in uu riddoobo ama xuduud shareecada lugu qaadayo. Adiga waxaad tiri qoladaan shariif hugaamiyo oo jabuuti inaad la dagaaleyso ilaa inta ay ka toobad keenayaan? Taas macneheedu waxaa weeye inaad ka dhigtay inuu riddoobay, illaa xuduud la oofiyo meesha ma taalee. Islaamkaan aad wax ku gaaleysiinayso oo dhiiga muslim ku banneysaneyso kii Nabi muxammad(scw) la yimid maahan miyaa mise waa mid aad jeebkaaga kala soo baxday? Xaqqa aad ileedahay taageer kaas miyaa muslimiinta lugu dhibayo?

    Nuur | Nov 14, 2008 | Reply

  21. TO: Nuur.

    sc wr wb.

    akhii waxaad ka dhawaajisey in laga rabo cadayn dood qabaha dhanka aad ka tiri ma dhihin baa ku filan la dacweeyaha!!!.

    akhii qaacidada qaybta hore wee kuu saxantahay balse qaybta danbe waa dhaar ee inkirmaad ma aha horta.

    tan kale sida somalimiror sheegtey meel cidlo ah warku kama soo boodin oo meel ayee kasoo xigteyn.

    dhanka kale dad badan oo arinka marqaati ku ah baa jiree aaway maxkamadii qaadeesey dooda?.

    yaase qaadi ka noqonaya ma nuur mise ani?.

    haday ku cadaato inuu yiri yaa xukumaayo maxaase lagu xakumaa ilayn hoosha waa arin weene.

    hadaba ninyahow xaakim iyo maxakamad markaa noo keentid baan kuu keeneenaa marqaatyiyo.

    arinka kale ogow beenintiisu kuma filna ee waxaa ka xoog wayn diyaar garowga uu kujiro baa cadeenaayo waxa uu damacsanyahey.

    ciidanka mujaahidiinta oo dhooban min kismaayo ilaa gaalkacyo muu usoo bandhigo hadeesan wax qaribnayn.

    mideeda kale maxaa jowhar iyo beledweyne ku ekeeyey ilayn gaaladu xamar iyo baydhabo iyo afgooye lee joogaane maxay u tagi waayeen xarumaha mujaahidiinta haday jihaad wadaan.

    maxay ula kulmi waayeen sh xasan turki sh abuu mansuur sh abuu zubeyr hadey daacad qabaan.

    maxaa geeyey kenya iyo dhul walboo gaalo oo u diidey inay kismaayo tagaan.

    wee cadahey in nimankaan cid kale u shaqeenayaan waqtigiina wuu inoo cadeeyey.

    hadana shariifka adis ababaa laga sugaayaa uun ogow markaasna waxaad sheegto weyn meesid ilayn sheedaanaa arinkaa lowyer ka ehe.

    ha i dhihina uun dacwo iyo diin fidisuu u jiraa adis.

    mise waa iloobey danaha shacabkuu wadaa…

    sxb nuurow hadaad ilaah ka cabsatid oo jahliga ku haayo la dagaalantid xaqa wuu kuu cadaanayaa hadaad saan ku socotid oo aad god mugdi ah uun dhufees ka gasho waa dhib.

    anigu shariif iyo ina yuusuf iyo abuu mansuur iyo turki iyo ina awees kuligood waa ii soomaali.

    balse shariif iyo ina yuusuf waa jago doon ninba si ku raadiyey tan shariifba ha darnaatee.

    dhanka ina awees uu meel cidlaa istaagey markuu ina caydiid gorada la galey rimoorkaas baa ka laad laada isagu waase nin wanaagsan oo saabiqo leh ku dhawaad afartan sano jihaad iyo dacwo wadey uun.

    halka abuu mansuur iyo turki uu ilaah tawfiiqda waafajiyey ee saas u fahan hadii kale waad lumi saan si ka daran adoo ku sugan baad hurdada ka kici.

    shariifka ilaah hasoo hanuuniyo iyo ina yuusufba ina aweesna ilaah hasoo celiyo isagoo barax la oo rimoor ku rakibnayn.

    ragaan kalena ilaah haku sugo.

    wasalaaaaaaaaaam.

    muslim Dhab Ah Insha Allah | Nov 14, 2008 | Reply

  22. Nuur waxaan kugu diiddanahay, shirqoolkii Jabuuti inaad ‘HESHIIS’ ku tilmaanto.

    Waxaa taariikhda galay laba SHIRQOOL oo ah dhab ah, oo labaduba midba midka kale ka daran yahay, halaag iyo baabba’na laga dhaxli doono.

    Mid waa ‘SHIRQOOLKII MBEGHATI’ ee ninkii sawirka ahaa Cabdiqaasim Salaad uu madaxa geystay asagoo og inuu ‘SHIRQOOL’ ahaa, lagu sirayay, laguna dibriyay, dhaxalkiisiina la arkay.

    Shirqoolka labaadna waa midkan aad ‘HESHIIS’-ka leedahay oo isaguna dhab ahaantii ah ‘SHIRQOOLKA JABUUTI’ oo isla qoomkii ‘SHIRQOOLKII MBEGHATI’ soo maleegay, isla iyagii oo aan biyo is-marin la soo taagan yihiin oo ay garwadeenka ka yihiin.

    1- SHIRQOOLKA JABUUTI.
    2- SHIRQOOLKA MBEGHATI.

    Waa hal barnaamij oo is leh labadiisa waji, waana HAL SHIRQOOL.

    Nuurow, meeshan waxba kuma hayside walaal, hays xiijine, shirqoolkaani ummadda Soomaaliyeed yeeli meysee, ha nagu daalin.

    Haddaad og tahay inuu shirqool yahay oo aad ka warqabto-na haddee kuwaas wax shirqoolaya baad ka mid tahay.

    Haddii aadan ogayn inuu shirqool yahayna, ku laabo garaadkaaga iyo caqligaaga.

    Laba daraaleba, mowqif wanaagsan iyo fekrad qumman iigama kaa muuqdo.

    Guuleed | Nov 14, 2008 | Reply

  23. ASC

    Cumar Xaashi waa calmaani midabo badan leh kana mid ahaa raggii ka qeyb galay shirkii embagaati, oo xilmadhibaannimo ku soo helay, ka horna moryaan ethiopia soo geliyey Hiiraan ayuu ahaa. Hadda ka horna Afgooye la joogo oo maxkamada maamulka hayeen ku aflagaadeeyey wadaada, oo ku yiri”Mansab baad rabtiinee maad sheegataan ujeedadiina”. Marka, maanta inuu yiraahdo waa la igu been abuurtay wax la biciidsan karo ma aha. Cudurdaarka walaalaha Somaalimirror ay bixiyeen waa mid meesha oolin oy ku degdegtay, oon ugu talinayo inay ka laabtaan marka la tuso daliil tusayo inuu worldlorkan warkaas ku hadlay iyadoo weliba ah maqal. WSC

    abu munsif | Nov 14, 2008 | Reply

  24. Somalimirror,

    Aniga iyo rag kale waxaa goobtan nin nagu tilmaamay inaannu nahay ‘dad gaalo jecel’. Welina warkii halkan ayuu ku yaallaa oo waa kan


    Nuur waa Munaafaq lawada yaqaan diinta ka for waa guuleed iyo dhabayacii hadaanimid oo miiran oo gaalada kajecel islamka

    abdikarim | Nov 13, 2008 | Reply”

    Jawaabtii aannu ka bixinnayna waad tirtirteen, gaalo qolodii nagu tilmaantay warkeediina halkiisii baad u dayseen. Arrinkaasi ma xaq baa??

    Haddaad wada masaxdaan warka iyo jawaabtiisa la garay, haddaad wada daysaanna la garay, ee midna inaad daysaan midna inaad diiddaan, micnehaasi muxuu ahaa???????

    Bal idinku noo sheegaa, amase sidaad yeeli jirteenba intan yar ee cabashada ahna masaxa iyadana.

    Runtii inaan halkan wax ku soo qoro-na maba aanan doonaynine waxa iga caraysiiyay oo aan wax ugu soo qoray, waa warkaas aan dusha ku tilmaamay.

    Guuleed | Nov 14, 2008 | Reply

  25. asc “Muslim Dhab ah…”,
    Walaalow dakanada aad qabto fara badnaa. Sheikh shariif iyo cumar xaashi ciidan gooni ah oo ay aruurinayaan horta anugu maqal cid adiga aheyn oo sheegsanan ma arag. Ciidamo horey ayey u aruursanaayeeyn oo waaa muqaawamada la jihaadeysa cadowga. Kuwa kuwaas ka gadisan ma maqal. Tan kale haddii la aruuriyo ciidamo la yiraah nabad galyada ha sugaan oo police ah taas macneheedu ma waxaa weeye inay adiga duullaan kugu soo yihiin. Danbiga iyo dakanada aad gashay tahay? Inkastoo aanan maqal wali meel laga sameynayo hadana wax dhib ah uma arko ciidamo somali ah oo nabad sugid loo taba baro oo suga ammaanka marka cadowgu meesha ka baxaan. Marka ninkii aan dakano iyo ujeeddo kale leheyn arrintaas waa soo dhaweyn lahaa.
    w/a

    Nuur | Nov 14, 2008 | Reply

  26. Cumar Xaashi waa muwaadin, raba in uu dalkiisa gaalo ka xureeyo, kuwa doonaya in gaalada dalka ku sii hayaan waa kuwa nabada diidan,

    marka Ogow in Cumar yahay halyeey u soo baxay bad baadada dalkiisa iyo dadkiisa

    Isma-lure | Nov 14, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo