Fataawida Xajka {Q.2-aad}
By Somalimirror on 11 Nov, 2008 8:56 PM in Fataawida Xajka
Shabakada Warbaahinta ee Somalimirror waxa ay ugu tala gashay Akhristayaasheeda in ay halkan ugu soo bandhigto Jawaabaha Su’aalahood ku saabsan “Xajka” meel kasta oo ay joogaan. waxaana ka jawaabayo Dr. Axmed X. C/Raxmaan
Su’aasha 3-aad- Asalaamu Calaykum,Ilaah baa mahadle Allahii nagu hanuunshay islaamnimadda waxaan raacis leh Nebi Maxamad Scw.Shiekh iyo Bahda Somalimirror Asalaamu Calaykum Waraxmatulaah. Waxaan rabaa inaan weydiiyo shiekh Axmed Xaaji C/Raxmaan Passaporka Gaaladda ee aan haysto waxaa iigu qoran Magac aan kii aabahay iyo awoowgay ahayn sidaa darteed Maku gudan karayaa Xajka.
waslaamu calaykum.
Aljawaab:- Marka hore ma banaana in Qofku been sheego ayada oo aan wax daruura ah jirin,saasna in Basaboor lagu qaato ma banaana.
tan kale waad ku xajin karta Baasaboorkaas,oo makeenayso khaladka aad ku dhacday in aad dayacdid Xajkana waa haduu kugu waajibaye.
Su’aasha 4-aad:- Nin baa wuxuu weydiinayaa haddii anigoo Xaj u socda oo ka baxay Sweden aan waayo Ixraamkii ama ay ii suuragaliweyso oo sidaasi aan Miiqaatkii ku dhaafo anigoo aan Ixraaman, markaan Jeddah ka dago ma Madaarka ayaan inta ka iibsadi Ixraamka aan meesheeyda ka xirtaa mise waa inaan ku laabto Miiqaatkaygii oo waliba taasina iima suuragalayso illaa aan marka hore Makka galo, waayo sida la iisheegay qolyaha Sucuudigu ayaanba ogolayn in miiqaat hore laga aado, marka maxan samayn?
Aljawaab:1- Marka hore ma banaana in uu dhaafo Qofku Mawaaqiida loo jideeyay Xajka waa haduu rab Xaj iyo Cumro,hadduu kaas u dhaafana wuxuu ku dhacay danbi,waa in uu ka toobad keenaa.
2-hadaad dhaaftay Miiqaatkii laguugu tala galay oo aad Jiddah ka Ixraamatid waxaad ka tagtay waajib ka mid ah waajibaadka Xajka waxaana lagaa rabaa in aad neef (Ari ah) gooracdid oo aad u qaybisid masaakiinta Makkah .
لقول ابن عباس رضي الله تعالى عنهما: ((من ترك نسكاً أو نسيه فليهرق دماً))
رواه مالك في الموطأ في (الحج) باب التقصير برقم 905،
3- Hadaad xiratid Cumro ama Xaj adiga oo aan haysan dharkii Ixraamka waxaad bixinaysaa fidyo oo ah in aad quudisid lix miskiin ama waxaad soomin saddex bari ama waxaad qalin neef ari ah (waad kala dooran).
Su’aasha 4-aad:- Sheekh Axmed waxaan rabaa in aan ku weydiiyo:-
1- Shirkad ay gaalo leeyihiin hadaan u shaqeeyo lacagta aan ka qaato, ma ku xajin karaa?
2- lacag dayn ahse ma ku xajin karaa iyadana?.
Aljawaab:1- Muhiimku waa waxa aad ka shaqaysid hadii shaqadu xalaal tahay(shirkada waxaad u qabanaysid) waad ka Xajin kartaa maalka kaa soo gala.
2-Xajku waxaa shuruudiisa ah awood,kuna waa jibi mahayo kof aan awood u lahayn.Hadii dayn lagugu leeyahay oo waqtigii loo qabtay soo galay daynka ayaa la hor marinayaa,hadaad ka idansatid dadkii kugu lahaa daynka oo ay kuu idmaan waad Xajiyi kartaa,ama hadii aan waqtigii wali lagaarin(waqtigii daynka lagaa rabay) waad Xajiyi karta.
Akhristayaasha Sharafta badan waxa ay Su’aalahooda inoogu soo hagaajin karaan E-maillada kala ah:-
Somalimirror@hotmail.com
Somalimirror@gmail.com
Daabaco
U dir saaxiib



Fikrad ka dhiibo