Falanqaynta Jihaadka iyo Faalada Axkaamtiisa (Qeybta 3aad)

Sheeekhu wuxuu qeybtii labaad ee qormadan kaga soo hadlay macnaha JIHAADka, iyo fadligiisa,. Qeybtan seddexaadna wuxuu ku eegayaa xukunkiisa, qeybihiisa, iyo shuruudihiisa.

Cutubka sadexaad

Xukunka jihaadka  & Qaybihiisa

(A)                       xukunka jihaadka

jihaadku waxa uu ku jiraa waajibaadka umadeed ee sida wadarta ah alle uga doonay inay inta magac islaamlihi u gutaan , waxaan suuroobin la baxsi iyo nin toocsi inuu jihaad ku meel maro . isku day kasta oo u dhigan in la qofeeyo ama la kooxeeyo waajibka jihaadka ayaan taabo gelin, lagana gaadhin ujeedooyinka loo jideeyay waajibkan culus . isagaa weecda dadkuna way ku riiqdaan  (lee,daan ) marka wadadiisa laga duwo , wadistiisana ay la fakadaan dad aan wadajirku wanaag ula muuqan . hadii ay sidaas tahay waxa lama huraan ah in jihaadku yeesho sawirkiisii hore, lagana nadiifiyo baal-roorka naanaysaha xun usoo jiidaya, muslinkuna nacam odhan karaan .

taas hadii aynu isla garanay waxaynu iswaydiinaynaa : jihaadka xukunkiisu waa maxay ?

jihaadka asalkiisu waa waajib umadda wada saaran, hadii qaarkeed ay ku filnaadaana intii hadhay aan waxba loo raacayn , xukunkaasi waxa uu ku qotomaa marka xuduuda muslimiintu ay suganyihiin, goob ay leeyihiina aan cadaw soo gelin, hadiise taasi dhacdo xukunki waa uu is bedelayaa waxaanaynu kaga hadli doonaa qaybaha jihaadka . kaasi waa xukunka guud ee jihaadka dabcan waxaynu u jeednaa gacan ka hadalka . waxa uu jihaadku cid gaar ah ku waajibaa afar xaaladod waxaanay kala yihiin :  

1-   marka hogaanka guud ama cidda uu idmaday ay cid gaar ah u magac-dhabaan si ay uga qayb qaadato dagaal gaar ah .

2-   marka deegaan muslimiintu ku ismanyihiin ay gaalo qabsato ciddii halkaas joogta ayay si gaar ah ugu waajibaysaa, haddii ay iska dul qaadi kariwaydo cidda ku xigta ayuu si gaar ah ugu waajibayaa jihaadku ilaa uu muslimiinta wada dhamaynayo .

3-    hadaad timaaado goobta dagaalka ama adigoo jooga uu dagaalki bilaabmo .

4-      Hadii loo baahdo aqoon jihaadku la,aanteed aanu socon Karin keligaana lagaaga marti yahay . ( sidaas waxa iska daba maray ibnu baaz cuthaymiin iyo intii ka horaysay )

raga qaarkood ayaa ku daray qodob shanaad oo ah : hadii uu gaaloobo ninkii muslimiinta arinkooda hayaa, waxaanay u cuskadeen hujuumkii uu abu-bakar ku qaaday kuwii gaaloobay markii nebigu scw geeriyooday laakiin waxa iska muuqda sida ay labada arin u kala duwanyihiin . waa sax oo in lala dagaalamaa waajib ayay tahay laakiin in lagu daro goobaha jihaadku fardul caynka noqonayo waxay u baahantahay in la helo cid inooga horaysay oo culimadii muslimiinta ah , la,aantood oo lagu dhiiradaana waa indha adayg iyo wax aan alle waajibin oo adoomaha la saaray .

 

(B)                      qaybaha jihaadka

jihaadku waxa uu u qaybsamaa laba qaybood oo kala ah

-         jihaad raadcaysi ah : ( raadcaysi macneheeu waa : baadi-goob iyo in gaalka halkiisa lagu doonto) muslimiinta oo dhulkooda haysta gaalkuna geyigiisa uu joogo waxa laynaga rabaa in gaalka deganaansho loo diido , waa in halka uu joogo loogu tago diintana la gaadhsiiyo , haduu qaadan waayo , maal-gobeed ayaa laga qaadyaa (الجزية) kolkuu taasna diido waxaan laga qarinayn in lagu soo maqanyahay , kana war-qabaan in fardaha muslinka xagooda loosoo heenseeyay . waxa hogaanka sare ee muslimiinta ku waajib ah inuu duulaan qorsheeyo ugu yaraan sanadkiiba hal mar sidii looga bartay markuu toosnaa habka maamul ee muslimiinta lagu dhaqaa . jihaadka noocan ahi sidaas aynu sheegnay waa waajib muslimiinta dhex yaal, hadii ay qaybi ka furatana inta kale ciqaab iyo canaan midna laguma laha . laakiin hadii uu imaamka muslimiintu qof gaar ah ama qolo gaar ah ka doono inaan baxaan dagaal raadcaysi ah iyaga waajib gaar ah ayuu ku noqonayaa sidii dhacday duulaankii tabuuk ee intii ka hadhay dembiilayaal la qoray waayo waa loo wacay iyaguna way maqli waayeen . jihaadka sidan u yaal waxa kaa dherginaya aayadahan suuradda anfaal 39 . tawba 5/36/41

-         jihaadka is difaaca ah : (wax iska caabin) : hadii ay gaalo qabsato arli islaam loo ogaa ama ay usoo diyaar-garoobaan inay qabsadaan halkaa markay marayso waxay ka dhigantahay wax dambeeyaa ma jiraan mar hadii ay sugnaatay in gaal soo hungureeyo geyigii islaamka waxay ka dhiganthay sidii abwaankii somaaliyeed yidhi:   

                  Haddaad Dhimato Geeridu marbay nolosha dhaantaaye   

               Dhaqashiyo marbay kaa yihiin dhereggu xaaraane

               Dhadhan malaha aadmigu wuxuu kugu dhalliilaaye

               Dheddigaansho waa ceeb inaad dhamagsataa meele

            Diinta iyo dadnimada la sheegtaaba waxay inagu waajibinayaan inaynu iska dhicino gaalka soo doolay . iyo cadawga soo duulay nafteena iyo nafci aduunyo oo walbana loo huro sidii quudhsi iyo qaran-jab looga fakan lahaa . warkaasi waa biyo kama dhibcaan waxaana isku waafaqsan culimada muslimiinta oo dhan . ruux kasta oo muslim ah halkiisa ayuu waajibku ugu imanayaa , xaddi iyo xoog badan midna kuma xidhna , alle isku halayn iyo hollashada dagaalka ayaa u asal ah halganka iska caabinta ah . raga qaarkood ayaa duray  jihaadka noocan ah oo tiro yarideena iyo tamarta cadwga soo duulay oo indha buuxis ah awgeed ku dhawaaqay in faraha la laabto dullinimana si kumeel gaadh ah loo qaato , laakiin waxaanay meesha soo dhigan inaanay hawshu ahayn xoog-xoog iyo is muquunine ay tahay waajib gudasho iyo karaamo ku dirir ku fadhida amar alle iyo rasuulkiisii innaga soo gaadhay , tiro yarina waxa lagaa yidhi :

Ninkii Faro yaraan igu tuhmay talo ka hoostaaye

Libaaxuba Dhurwaa Toban kunuu Tulud ka qaadaaye

Ma ragbaa la tiriyaa hadduu toban wax dheeraado

Waxa ka horeeyay hadalka alle uu yidhi ( badanaa inta koox yari “muuminiin” ka adkaatay ciidamo badan “gaalo” ) waxa halkan yaalla ballan-qaadkii alle ( colkan waa la jabinayaa, dhabarkana wuu jeedinayaa ) . qofka u baahan inuu masaladan ka dhergo haka akhriyo kitaabka tafsiirka ah ee uu qoray caalimkii macnaha Qur’aanku biyo-dhigay ( abu-c/laahi al-qurdubi) kitaabkiisa tafsiirka ah qaybta sideedaad baalka 15 aad . ama kitaabka lagu ururiyay jawaabihii uu bixiyay caalimkii islaamka ee mar la araga ahaa ( ibnu taymiya ) qayta 28aad oo iyadu arimaha jihaadka u gaar ah .

Jihaadkaa iska dhicinta iyo iska caabinta ah waxa maanta tusaale u ah xaaladaha ay ku jiraan dalal badan oo muslim ah sida : filastiin , afganistan , ciraaq , kashmiir , borma , shiishaan , iyo somalia . Waxaan beri dhawayd akhriyay fatwo uu soo saaray wadaadka loo caleemo saaray inuu u sareeyo culimada sucuudiga c/caziz aala sheekh oo ku dacwiyay inaan ciraaq raga joogaa la dagaalami karin gumaystaha maraykanka waxaanuu ku sababeeyay inaan loo babac-dhigi karin cududa gaalka wayn . lakiin lalama qabo wadaadka waxaanuu hadlay kaskiisa waanuu mahadsanyahay . Somaliya inay xaaladaa ku jirto waxaan isleeyahay caddayn uma baahna sida aanay iyaduna qancin ugu baahnayn waajibka maanta Somali saaran oo ah inay is difaacaan . hadiise laga tegiwaayo waxaan u tilmaamayaa ruuxii mad-madaw kaga jiro waxa la yeelayo fatwadii ay soo saareen culimada soomaalia 26/03/1428 - 14/04/2007 iyadoo ay ku saxeexanyihiin in ka badan 70 todobaatan caalim oo daafaha Somaaliya oo dhan laga yaqaan lagana xushmeeyo . magacyadoodiina waa kuwan :

Sh. Shariif C/nuur Shariif Xasan . Sh. Max’ed Nuur Qawi . Sh. Cali Warsame Xasan  Sh. Cumar Iimaan Abuubakar . Sh. C/laahi Cali Xaashi . Sh. Max’ud Ciise Max’ud Sh. Nuur Baaruud Gurxan . Sh. Nuur Macallin C/raxmaan . Sh. Jaamac C/salaam Warsame Sh. C/risaaq Aadan Macallin . Sh. Xasan Xuseen Axmed . Sh. Cilmi Dhuxulow Gacal Sh. Max’ud Macallin Nuur . Sh. C/laahi Max’ud Ciie .. Sh. C/laahi Daahir Jaamac Sh. Muuse M. Daahir Aweys . Sh. Xasan Max’ud Takar . Sh. Yuusuf Cabdi Cawad Sh. Cismaan Ibraahin Faarax . Sh. Bashiir Caddow Calasow . Sh. Max’ed Shukri Xasan Sh. C/laahi Cali Afrax . Sh. Jaamac Cismaan Axmed . Sh. C/laahi Sh. Nuur Sh. Axmed Bile Xasan . Sh. Max’ed Barow Max’ud . Sh. Basiir Axmed Salaad  Sh. Yuusuf Cali Caynte . Sh. Max’ed Bashaar C/kariim . Sh. Nuur Cali Jaamac Sh. Max’ud Cabdi Ibraahim . Sh. Xasan Axmed Max’ud (Xasan dheere) Sh. C/raxmaan Axmed Cilmi ( Abyad ) . Sh. Yuusuf Tuurxume Jumcaale  Sh. Max’ed Ibraahim Xayle . Sh. Max’ed C/laahi (Casoowe) . Sh.. Axmed Cabdi Dhicisow  Sh. C/laahi Axmed Cali . Sh. Jibriil Ibraahim Cali . Sh. Max’ud Ibraahim Suuley  Sh. C/qani Qorane Max’ed . Sh. Axmed Max’ed Suleymaan Sh. Axmed C/laahi Carab Sh. Xasan Max’ed Ibraahim . Sh. C/qaadir Sh. Max’ud Sh. Nuur . Sh. Faarax Cali Xuseen  Sh. Max’ed Aadam Buraale . Sh. Max’ed Muuse Cabdulle . Sh. C/casiis Xasan Faarax Sh. Xuseen Buulle Axmed . Sh. Axmed Cabdi Aadam . Sh. Cali Max’ed Cumar (Suule)  Sh. Cumar Max’ud Cabdi .Sh. Cali-nuur Axmed Max’ed (xogsade) . Dr. Cali Saalix . Sh. C/raxmaan Max’ud Faarax . Sh. Axmed C/samad . Sh. Max’ud Sh. Axmed Xasan Sh. Cumar Daahir . Sh. Max’ed Tahliil Warsame . Sh. C/qaadir Xasan Warsame  Sh. C/samad C/laahi Cabdi . Sh. Xuseen C/laahi Barre . Sh. C/fataax Xasan Axmed Sh. Faysal jaamac . Sh. Muuse Cabdi Caraale . Sh. Xuseen Sh. Cali Fiidow  Sh. Xasan Sh. Max’ud . Sh. Kamaal Xasan Cawl .Sh. C/nuur Xirsi (dhoolweyn)

 

Cutubka afraad

Shuruudaha jihaadka

 

Jihaadku waxa uu leeyahay shuruud uu ku waajibo, hadii midkood meesha ka baxana qofka waxa ka dhacaya waajibkii saarnaa ama in la dagaalamaaba xaaraam ayay noqonaysaa. shuruudda jihaadku waa lix

1- in ruuxa jihaadaya muslim yahay : jihaadku waa cibaado alle lagu caabudo ajarna lagu doono , ajar doon kastana waxa u asal ah iimaan iyo islaamnimo . rasuulkuna (scw) ninkii gaalka ahaa ee damcay inuu la jihaad galo wuxuu ku yidhi : ( alle iyo rasuulkiisa ma rumaysantahay) maya haduu yidhina rasuulku (scw) waxa uu ku yidhi : ( iska noqo, annagu gaal ma kaashanee)

2- inuu miyir qabo : maxaa jira dee nin waalan xil iyo waajib ma saarna , rasuulkeenuna waaka yidhi : ( sadex waxba lagama qoro : …….. Ninka waalani intuu ka miyirsanayo . ) .

3- inuu qaan-gaadh yahay : sebi iyo dhalaan waajib alle iyo mid umadeed midna ma xambaarsana. Laakiin inaga ayaa laynooga fadhiyaa inaynu ubadkeena ku ababino jihaadka iyo jacaylkiisa . rasuulkeenu (scw) waxa uu dagaalka ka maanacay asxaab da’ yar oon qaan-gaar ahayn waxa kamid ahaa : c/laahi bin cumar , usaama bin zayd , zayd bin thaabit , zayd bin arqam , curaabata bin aws . taariikhyahanada qaarkood ayaa sheegay in kuwan la faray inay sii ilaaliyaan maxasta .

4- inuu lab yahay : haween jihaadka alle ka rabaa waa mid aan dagaal ku jirin waa xajka iyo cimrada , way ka qayb qaadan karaan  jihaadka labadiisa noocba sidii ay sameeyeen haweenkii asxaabta ahaa hadaan laga cabsi qabin inay gacanta gaalada ku dhacaan ama mujaahidiintu ku ibtiloobaan ( gadaal ayaynu ka xusi doonaa wax ka mid ah jihaadkii haweenka ) waxaanu isna jihaadku waajib ku ahayn labeebka waayo rag iyo dumar mid la raaciyo lama yaqaan .

5- inuu ka fayawyahay cudur iyo waxyeello kale : sida indho-la,aan, laan-gadhe ama jiis , waxa isna la mid ah kii xanuunsanayay (jiranaa)

6- inuu itaal u leeyahay dagaalka : xaga jidhka , hubka, gaadiidka ,iyo masaariifta ubadkiisa

        Lixdaas waxa ay shardi u yihiin jihaadka labadiisa noocba ( raadcaysiga & iska caabinta ) waxase jira sadex qodob oo uu la gaar yahay jihaadka raadcaysigu waxaanay yihiin .:

1- ogolaanshaha waalidka :waayo nin ayaa nebiga (scw) ka codsaday inuu jihaadka u baxo (labadaadii waalid ma noolyihiin ? ) ayuu waydiiayay . waxa uu ugu jawaabay Haa . ( labadooda ku jihaad ) ayuu rasuulku (scw) u celiayay .

2- in isna ogolaansho la waydiiyo ninka gashiga kugu leh:

3- shaaficiyada iyo xanaabiladu waxay ku amba-baxeen inay ma huraan tahay in laga idan qaato imaamka muslimiinta ee guud .

Rag ayaa galan-gal soo celiyay kuna daray shuruud aan sal iyo baar toona lahayn iyagoo waxaanay doodani u muuqataa caalwaa iyo duul gabaad kaga jira jihaadka oo aad moodo inay shuruudaha u fasilanayaan sida shaadh ay dawaarle ka tolanayaan . shuruudaha ay jeebkooda kala soo baxeen waxa kamid ah :

1- jihaad lama geli karo ilaa imaam la helo , in imaam la helona looma hawl geli karo !!!

2- inay jirto dawlad islaamka ku dhaqanta , dhalinta dawlad islaam ahna hadaf lagama dhigan karo .

3- in safka gaalada aanay ku jirin hal qof oo muslim ah , gaalada iyo muslimiintana wada noolaansho ayaa ka dhexeeya illayn jihaad ma socdee !!

4- dadka jihaadka ka qayb galayaa dhamaantood waa inay ahlu-sunne ahaadaan, inta meesha uu joogo nin bidco lagu tuhmayaana jihaad waa maaya anfac hadii la galana jabkiisu wuu muuqdaa .

          Shuruudan iyo in le’eg oo kale ayay kadaba geeyeen oo hadaad isu gayso ay kaaga soo baxayso inaan jihaad bayjkiisi furnayn, kitaabkiisiina layska laabay, dibna aan loo furi doonin, waxase alle ku wanaajiyay dadkii muslimka ahaa warkoodaa uma beeraqin, waxaanay u fahmeen rag budulkii iblays qaaday bar-kuma taalkiisiina xaq bayaana u haysta . iyaba waa mahad alle ..

 

 

W/Q: Sh. Khadar C/laahi Badeed

cagaarane@yahoo.com

 Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

Fikrad ka dhiibo