4 Qof oo Rayid ah oo ilaa Xaley iyo Saaka Muqdisho lagu dilay

Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee fariisinka ku leh xaafada Xamar Bille ee Degmada Wardhiigley ayaa halkaas toogasho ku diley labo Qof oo Rayid ah oo midkood ahaa Odey waayeel ah oo Mu’adin ka ahaa Masjid halkaa ku yaala waxaana lagu magacaabi jirey Cabdulle Maxamud Jimcaale.

Meydka labada Qof ee Rayidka ah ee Ciidamada Gumeysiga Itoobiya toogteen ayaa wali yaala goobtii ay ku toogteen, loomana dhawaan karo cabsi Dadka Rayidka ah ee deegaanku ka qabaan in ay dhibaato kala kulmaan Ciidamada Gumeysiga.

Sidoo kale shaley galab ayey sidan oo kale Qof Rayid ah isla xaafada X/Bille Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ku toogteen kaas oo xaley meydkiisu ku baryey bartii ay ku toogteen, balse Dadkii Eheladiisa ahaa ayaa Saaka goobtii ka qaadey.

Dhanka kale Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda ee fariisimada ku leh Garoonka weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa xaley halkaa ku toogtey Qof Rayid ah.

Dilalka ka dhanka ah Dadka Rayidka ah ee aan waxba galabsan, ayaa ah kuwo si joogto ah ay u geystaan Ciidamada shisheeye iyo kuwa DKMG ah, kuwaas oo sheegta in ay ka shaqeeyaan sugida Amaanka Dadka iyo Dalka.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

Fikrad ka dhiibo