Warbixin:- Muxuu soo kordhiyay imaanshaha Sheekh Shariif ee Jowhar & Baladweyne?.
By Somalimirror on 10 Nov, 2008 7:05 PM in Main, Siyaasadda, Wararka, Warbixinnada
Sh. Shariif Sh. Axmed iyo wafdi gaaraya ilaa 9 xubnood oo uu hor kacayo ayaa 1 bishan Novenber ee aynu ku jirno waxay diyaarad ku yimaadeen garoonka diyaaradaha magaalada Jawhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe abaaraha 12:40 duhurnimo, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay maamulka iyo qaar ka tirsan ciidamada MMI ee ka arrimiya magaalada Jawhar.
Shariif iyo wafdigiisa ayaa safarkooda ka soo ambaqaaday magaalada Nairobi kadib markii ay halkaa uga soo qayb galeen shir lagu macneeyay boor ka jafidda iyo la xisaabtanka hay’adaha DKMG ah, kaas oo uu soo qaban-qaabiyay Urur goboleedka IGAD; isla markaana ay shir-guddoon ka ahayd Dawladda Itoobiya, wuxuuna Sh. Shariif ayey halkaa kulan khaas ah kula yeelatay Jandaye Frazier oo ah bilcaanta wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika, kulankaas oo aanan ilaa iyo hadda daaha laga qaadin wixii ay uga wada hadleen.
Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa safarkiisa uu dalka Soomaaliya ku soo gaaray waxaa uu ku soo kala bixiyey magaalooyinka Jawhar iyo B/weyne, taas oo lagu macneeyay in ay goobahaas ugu xoogganaayeen ciidamo si gaar ah isu hayb soocday, kuwaas oo taabacsan Isbahaysiga qaybta uu hogaamiyo Sh. Shariif.
Ujeedooyinka safarka Shariif
Ujeedooyinka guddoomiyaha isbahaysiga garabka Jabuuti uu u Tagay Jowhar iyo Baladweyne ayaa waxaa uu ku fasiray in ay ugu muhiimsanaayeen, in ay u gogol-xaaraan heshiiska Jabuuti ay kula soo saxiixdeen DKMG ah ayaga oo sharraxaad dheeri ah heshiiska ka siinaya mas’uuliyiinta gudaha ee MMI iyo duqayda dhaqanka ee ku sugan goobaha ay booqdeen iyo inay u kuur galaan xaaladaha dalka ka jira gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo xaaladda maciishad iyo nololeed ee deegaannadaas.
Marka laga tago qaabka uu ku macneeyay Shariif yoolasha uu ka leeyahay safarkan, waxaa la tilmaamayaa in uu safarkanu lahaa ujeedooyin intaas ka duwan ayna ka mid yihiin;
B) In Sh. Shariif uu beesha caalamka u muujiyo in uu fulin karo waxyaabaha uu soo ballan qaaday isla markaana uu garabka Isbeheysiga ee uu madaxda ka yahay uu gudaha ku leeyahay ciidamo taageersan iyo goobo ay ka taliyaan.
T) Waxaa intaas u dheereyd dejinta naqshad siyaasadeed oo meel-mar ka dhigi karta himilooyinkiisa, taas oo ay qayb ka tahay soo jiidashada abaan-duulayaasha xoogagga MMI oo ay kula hardamayaan garabka Asmara ee ka soo horjeeda.
J) In uu boorka ka jafo taageerayaashiisa oo baryihii danbe ay ka muuqatay habacsanaan baahsan.
X) Safarka Shariif oo lahaa ujeedooyin intaa ka badan ayaa waxaa kuwa ugu muhiimsan waxaaka mid ahaa soo jiidashada ra’yul caamka bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan Koonfurta kuwaas oo uu ku beer-laxawsanayo in uu gacanta ku hayo furaha bixitaanka ciidamada Itoobiya kadib laba sano oo ay dalka ku sugnaayeen ayna ku bixi waayeen dagaal iyo isku day milateri toona.
Yuu la kulmay Sh.Shariif?
Jawhar:
Sh. Sahriif iyo wafdiga uu Hoggaaminayey ayaa 2da bishii November waxaa uu kulamo kala duwan la yeeshay mas’uuliyiinta ugu sarreysa maamulka gobolka Shabeellada dhexe, iyagoo isla maalinkaas ay taariikhdu aheyd 2da bishan November 2008 kulan la yeeshay gudoomiyaha gobolka Shabeelada dhexe Macallin Daahir Calasow, ku-xigeenkii Macallin C/raxmaan Xasan iyo xoghayaga gobolkaasi Sh. Aadan Xiifoow, waxayna kulankooda ku faaqideen arrimaha maamulka gobolka iyo arrimo khuseeya amniga.
3-dii Bishan November 2008 waxay Sh. Shriif iyo wafdigiisu magaalada Jawhar kulamo xasaasi ah kula qaateen 12 xubnood oo ka mid ah madaxda ugu sarraysa saraakiisha MMI ee gudaha kuwaas oo ka fadhigoodu ahaa magaalada Muqdisho waxayna kulankooda ka dib sheegeen in ay isku waafaqeen qodobbo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:-
1- In la taageero hindisaha ay wadaan culimada Soomaaliyeed ee la iskugu keenayo garabyada MMIS.
2- In shirweyne ay leeyihiin MMIS la isugu yimaado.
3- In laga shaqeeyo sidii loo dhameyn lahaa khilaafka ka dhex aloosan dhinacyada MMIS.
Shariif iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxay sidoo kale magaalada Jawhar kulamo kula qaateen duqayda dhaqanka gobolka Sh/dhexe, xubno ka tirsan golaha dhaqanka beelaha Hawiye oo uu ka mid yahay afhayeenka goobahaas Axmed Diiriye Cali iyo C/lahi-dheere, Ururrada bushada ee ka dhisan gobolka Sh/dhexe iyo xubno kale.
B/weyne
Wafdiga uu horkacayo Shariif ayaa waxay magaalada B/weyn gaareen 4tii bishan November 2008, waxayna kulamo la qaateen madaxda maamulka MMI ee ka arrimiya gobolka Hiiraan gaar ahaan guddoomiyaha MMI ee gobolka Hiiraan, taliyaha ciidamada iyo saraakiil kale waxayna uga wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin barnaamijka dib u heshiisiinta, amaanka iyo maamulka gobolka.
Sidoo kale wafdiga ayaa kulamo la qaatay odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan oo ay ka mid yihiin ugaasyada beelaha dega gobolkaas iyo saraakiisha ciidamadii hore ee Soomaaliya iyo ururrada bulshada waxayna kala hadleen dhaqan-gelinta heshiiska Jabuuti iyo sugidda amniga gobolka Hiiraan, ayaga oo sidoo kale kormeer ku tagay fariisimadii ciidamada gumaysiga Itoobiya ay banneeyeen kuna yaalla buurta Janta-kundisho.
Yaa Soo dhaweeyay imaatinka Sh. Sharif?
Maamulka ka dhisan magaalada Jowhar ee hoos taga MMIS, oo hor kacaya qeybihii kala duwanaa ee bulshada reer Jowhar ayaa si heer sare ah Sh. Shariif iyo wafdigii la socdey ugu soo dhaweeyay garoonka Jowhar oo ay ka soo dageen, kuwaas oo dhanka magaalada u soo galbiyey, waxaana jirey warar horey u soo baxayey oo tibaaxayey in maamulkaasi uu si gaar ah gacan saar ula lahaa Sheekh Shariif ka horintaanu kasoo degin Jowhar, sidoo kalena uu taageero sare u hayo siyaasadiisa. Kulamo kala duwan ayey maamulku la yeesheen Sh. Shariif intii uu ku sugnaa halkaas kuwaas oo ilaa iyo hadda aanan la ogeyn waxa ay is kula qaadaa dhigeen.
Hogaanka sare ee MMIS.
Qaar ka mid ah Hogaanka sare ee MMIS ee gudaha jooga oo markii hore u muuqday kuwo hindisaha Sheekh Shariif si aad ah uga soo horjeeday ayaa kulamo ka dhignaa soo dhaweyn iyo xog is weydaarsi waxa ay kula yeesheen hoteelkii uu ka deggenaa Magaalada Jowhar, kulamadaas oo socdey ku dhawaad 24 saac ayey labada dhinac markii danbe ka soo saareen qoraal rasmi ah oo ay isku waafaqeen.
Maamulka B/weyne.
Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah goobihii uu cagta mariyey intii yareyd ee uu dalka joogay ayaa wuxuu Shariif kulamo kula yeeshay qaar ka mid ah saraakiisha MMIS ee halkaa ku sugan, kuwaas oo ka mid ah kuwa taageersan barnaamijkiisa, halka kuwo kale qeybna ka ah maamulka B/weyne iska daa in ay kulamo la qaataane ay si aad ah uga soo horjeesteen asal ahaanba imaantinkiisa.
Odayaasha dhaqanka.
Odayaal dhaqameedyo ka kala tegay gobollada Banaadir, Shabeelada dhexe iyo Hiiraan, ayaa sidoo kale ka mid ah dadkii soo dhaweeyay imaatinka Sheekh Shariif, kuwaas oo sidoo kale kulamo la qaatey, lamana oga wixii ay ka wada hadleen, balse waxay qeyb ka ahaayeen fadhiyadii kala duwanaa ee uu la yeeshay dadkii uu la kulmey doonayeyna in uu ka dhaadhiciyo barnaamij siyaasadeedki uu watey. Lama oga ilaa iyo hadda inta ay la’ eg tahey soo dhaweynta ama saluugga uu kala kulmay dadkii uu la xaajeystay, maadaama aanan saxaafadda loo soo bandhigin natiijooyinkii kasoo baxay kulamadaas.
Jaamacadda Carabta.
Ururka Jaamacada Carabta oo bayaan ka soo saaray heshiiskii Jabuuti ee sida wadajirka ah ay u wada gaareen DKMG ah iyo Isbaheysiga dib u xoreynta garabka Jabuuti, kaas oo qodobadii lagu kala saxiixdey ay ka mid ahaayeen xabbad joojin iyo ciidamada labada dhinac oo la isku dhafo ayaa dhanka kale soo dhaweeyay, imaanshiyihii Sh. Shariif ee Jowhar iyo Baladweyne, si uu qeyb uga noqdo hirgelinta heshiiska Jabuuti.
Bayaanka Ururka Jaamacada Carabta ka soo baxay waxa kale oo baaq loogu direy garabyada hubeysan in ay u hogaansamaan Heshiiska Jabuuti oo xabadda in ay joojiyaan, arrintaas oo dhinaca Sheekh Shariif u ah garab iyo hiilo, balse dhanka garabyada muqaawamada ee ka soo horjeestey heshiiskii Jabuuti aan u aheyn marnaba mid u cuntanta si aad ahna uga soo horjeesteen dhaqangelitiisa.
Ciidamada AMISOM.
Afahayeenka ciidamada AMISOM Kabtan; Brigye Bo-Huko, oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay si aad ah u soo dhaweynayaan imaatinka Sh. Shariif, sidoo kalena u hambalyeynayaan dhiirrina gelinayaan, iyaga oo u arkayey in imaantinkiisu uu wax ka bedelayo weerarrada xooggan ee dhanka muqaawamada uga imaanayey. Hadalka afhayeenka ayaa ku soo beegmay xilli ay qabeen cabsi dheeraad ah oo ku aadaneyn weerarro hor leh oo dhanka muqaawamada uga yimaada iyaga oo ka duulaya heshiiskii xabbad joojinta ee Jabuuti ee horey ay u qaadaceen.
Yaa ka soo horjeestay imaanshada Sheekh Shariif?
Ugu horreyn ma jirto garab ka mid ah garabyada Xoogagga muqaawamada Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay imaanshiyihiisa, balse waxaa soo dhaweeyay isla markaana la kulmay heshiisna ay kala qaateen qaar ka mid ah Saraakiisha MMIS oo kaliya, kuwaas oo horey u taageersanaa ajandayaasha.
Sidoo kale ma jiro garab ka mid ah garabyada muqaawamada Soomaaliyeed oo ku taageeray siyaasaddiisa iyo heshiisyada uu la soo galay DKMG ah, marka laga reebo mas’uuliyiin aan si toos ah u sheegan in ay la qaateen heshiiska uu sheekh shariif la soo galay DFKMG.
Hadaba markii uu yimid sheekh shariif Jowhar iyo Baladweyne yaa ka hadlay oo ka soo horjeestay.
Garabka Asmara
Afahayeenka wafdiga Isbahaysiga garabka ee ku sugan gudaha soomaaliya Ismaaciil Xaaji Cadow oo u warramay Shabakadda Somalimirror ayaa ku tilmaamay imaanshaha Shariif inuu yahay fitno lagu kala jabinayo xoogagga muqaawamada isla markaana ay deyro (bari) ka yihiin qorshaha uu wato ee uu kula soo heshiiyay DKMG ah.
Gudoomiyaha Shuurada Maxkamadaha Islaamiga ee Gobolka Hiiraan
Magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan oo ah magaaladii labaad ee uu Booqday Sheekh Shariif ayaa noqotay meel ay ku kala qeybsameen Mas’uuliyiintii MMIS iyo waliba shacabka magaaladaas ku dhaqan, iyadoo imaanshihiisa kasoo horjeedsadeen shacab iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan MMIS. Mas’uuliyiinta ka soo horjeedsatay imaanshiyiha Shariif iyo wafdigiisa ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha Shuurada maxkamadaha islaamiga ee gobolka Hiiraan ahna Taliye ku xigeenka ciidamada 4-ta gobol Axmed Cali Duqow (Haashim) oo sheegay in marnaba aysan raalli ka aheyn in wafdigaasi ay soo gaaraan magaalada Baladweyne, isagoo sheegay in xubnahaani ay heshiis la soo saxiixdeen C/laahi Yuusuf iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Meles Zanawi.
Haashim ayaa xusay in ay jiraan masuuliyiin isaga ka sarreysa iyo kuwa ka hooseeya oo taabacsan imaanshaha gobolka Hiiraan xubnaha uu hoggaaminayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Mar ay idaacadda Shabelle ee Muqdisho su’aashay Haashim sababta uu u adeeci la’yahay tillaabooyinka ay qaateen masuuliyiintiisa, maadaama ay jiraan masuuliyiin isaga ka Sarraysa iyo kuwa ka hooseeya oo taageersan imaanshaha Sheekh Shariif iyo wafdiga uu hogaaminayo ee gobolka Hiiraan, ayaa Haashim waxaa uu ku jawaabay “inaysan marnaba u hoggaansami doonin dhankooda tallaabooyinka ay qaateen Sh. Shariif iyo wafdigiisa, ayna arintaasi u arkin mid aan ku salaysneyn diinta Islaamka.
Macallin Xaashi
Macalin Xaashi oo wareysi siiyay idaacada BBC-da ayaa sheegay in Sheekh Shariif uu yahay nin la soo adeegsaday, isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Shar-weyn oo shariifka hogaaminayo ayaa Shabellaha dhexe ka soo degay, Shariifkii la yaqiinnay ma’ahan ee waa nin kale oo cadawga Alle soo adeegsadeen” ayuu yiri Macalin Xaashi oo ugu baaqay shacabka gobolkaas ku dhaqan in ay ka feejignaadaan.
Macalin Xaashi ayaa Sheekh Shariif ku eedeeyay inuu ka degay doontii Islaamka, isla markaana uu fuulay doontii sharta sida uu hadalka u dhigay.
Macalin Xaashi oo kal hore sheegay inuu ku biiray ururka Alshabaab ayaa haatan sheegtay inuu madax u yahay Koox isku magacowday “Golaha kacaanka Islaamiga Xamar iyo Xamar daye” sida uu hadalka u dhigay.
Yuusuf Indho Cade
Sh. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) ayaa isaguna ka hadlay imaanshaha Sheekh Shariif isaga oo ka hadlayayna waxa uu yirir “Sheekh Shariif hadafkii waa hareer maryay, Jowharna waxaa uu la yimid hadafkii Mareykanka iyo kii C/laahi Yusuf, mana ka yeeleyno”.
Isku soo duuboo ma jirin qorshayaal kale oo muuqda oo uu la yimid sheekh shariif isla markaana saameyn ku yeeshay garabyada kale ee muqaawamada ee ka madax bannaan MMIS.
Maxaa u hirgalay?
1- In uu soo galo gudaha Soomaaliya oo uu ka maqnaa qiyaastii mudo 2 sano ah.
2- In uu la kulmo taageerayaashiisa ku sugnaa Jowhar iyo Baladweyne oo ay ugu horreeyaan qaar ka mid ah mas’uuliyiin ka mid ah MMIS oo uu hoggaaminayo C/qaadir Cali Cumar.
3- In uu kulamo la yeesho qaar ka mid odayaasha dhaqanka, gaar ahaan odayaasha gobolada Shabeelada dhexe iyo Hiiraan oo kaliya iyo qaar ka mid ah odayaasha beelaha Hawiye.
4- In uu Heshiisyo la gaaray saraakiil ka mid ah MMIS sida C/qaadir Cali Cumar oo la sheegay in ay ku heshiiyeen in Xilka MMIS uu ku wareejiyo Shariifkuna uu ku haro dhinaca Isbahaysiga., sidoo kale waxa uu heshiis la galay saraakiil ka mid ah MMIS oo ku sugan gudaha Hiiraan.
Muxuu soo kordhiyey imaatinka Sh. Shariif?
Haddii kor laga eego imaatinka Sheekh Shariif, Dadku waxay is tusinayaan in aanu waxba soo kordhin balse marka laga eego dhanka heshiiskii Jabuuti iyo muqaawamada Soomaaliya labadaba waxaa la is oran karaa wax buu ku soo kordhiyey.
Heshiiskii Jabuuti marka loo eego, waxa uu ka dhigan yahey in ujeedka rasmiga ah ee socdaalkiisu ahaa hirgalintiisa iyo in beesha caalamka ee shirkaas gadaal ka bari taareysay uu tusiyo in uu fuliyey wixii looga baahnaa oo ah dhaqan gelinta heshiiskaas, sidoo kale iyada oo heshiiska Jabuuti laga amba qaadayo waxa uu imaatinka Shariif ka dhigan yahey, dhisidda ciidan lagu dhafo kuwa DKMG ah sida ku xusan heshiiskii Jabuuti.
Dhanka muqaawamada marka laga eego imaanshaha Shariif waxa uu ka dhignaa in uu ahaa mid wiiqaya awoodda xoogagga ciidan ee sida aadka ah uga soo horjeeda joogitaanka ciidamada shisheeye ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayna ka midka yihiin ciidamada Gumeysiga Itoobiya, si halkaa qodobkii xabdad joojinta uga dhaqan galo.
Sidoo kale Imaanshaha wafdigan wuxuu soo kordhiyay in ay soo deg degto isku dhaca iyaga iyo xoogagga ka soo horjeeda u hogaansanka heshiiskooda Jabuuti, waxaana arintaasi laga dheehan karaa hadal uu saxaafada ka jeediyay Korneyl Cumar Xaashi oo ah Madaxa Guddiga amniga Isbahaysiga garabka Jibuuti waxaana uu yiri Cumar Xaashi“annagu Dawlad midnimo qaran baan rabnaa in aan helno, in Ciidamada Itoobiya dalkeena ka baxaan oo xabadda laga daayo ayaan rabnaa, kuwa diidan ee wali dagaallada iyo Xabadda sii wada waan la dagaallamaynaa”.
Muxuu u tagi waayay Sheekh Shariif gobollada kale ee Soomaaliya?
Sheekh Shariif iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa booqashadooda ku tagay oo kaliya Jowhar iyo Baladweyne, mana aysan tagin gobollada kale ee Soomaaliya, sida gobolada dhexe, Baay, Bakool, Gedo, Jubada Dhexe, Jubadda Hoose, , Shabeelada Hoose, iyo Gobolka Banaadir ee ay intooda badan gacanta ku hayaan Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed.
Sababta uu u tagi waayay ayaa waxay tahay taageero uusan ka haysan xoogagga muqaawamada Soomaaliyeed ee ku sugan goboladaas sida:-Xoogaga raaskaanbooni, Dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab xoogagga MMIS ee hoos-tagga garabka Asmara iyo Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed.
Daabaco
U dir saaxiib



Fikrad ka dhiibo