Midowga Yurub oo shaaca ka qaaday in ay howgalo ka bilaabo doonaan xeebaha Soomaaliya

Published on November 10, 2008 by   ·   No Comments   ·   print

      Midowga yurub oo kulan ku yeeshay magaalada Brussels ayaa kulankooda kadib shaaca ka qaaday in ay howlgalo ay ku baacsanayaan Burcad badeeda  Soomaalida ah ay ka bilaabi doonaan Gacanka Cadmeed  iyo xeebaha Soomaaliya oo ay sheegeen in ay tahay dhibaatada ugu badan ee ka jirta dhinaca  Badda.

Ilo wareed ka mid ah golaha Midowga Yurub ayaa sheegay in golaha Wasiirada Arimaha dibada iyo kuwa difaaca ee 27 dal ay isla qaateen in ay in ay howlagada lagu baacanayo burcad badeeda ay ka wada qeyb qaadanayaan ayna howlgalaad halkudhig uga dhigan doonaan “Unafor Atlanta”.

Dhinaca kale golaha ayaan soo bandhigin qaabka ay noqon doonaan howlgalada ay ka bilaabi doonaan Gacanka Cadmeed iyo xeebaha Soomaaliya, wuxuuna Filip Jones oo ah sarkaal Ingiis ah sheegay  in ay howgaladu bilaaban doonaan bisha inagu soo fooda leh ayna shaacin doonan goobaha ay dagi doonaan

Midowga Yurub ayaa mar sii horaysa Shaaca ka qaaday in ay wax ka qaban doonaan Burcad badeeda Soomalida ah ee ku soo badanaya Bada Cas  waxaana xeebaha Soomaaliya meelo ka mid ah jooga maraakiib dagaal oo ay leeyihiin wadamo reer yurub ah.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Midowga Yurub oo isku raacay la Dagaalanka Burcad Badeeda
  2. M.Yurub oo Sheegay in uu la Dagaalamayo Burcad Badeeda Soomaaliya
  3. Ciidanka MGPL oo galabta la soo wareegay dooni lagu heystay xeebaha Bari ee Soomaaliya
  4. Jarmalka oo Sheegay in ay Maraakiib Dagaal u Soo Dirayaan Xeebaha Soomaaliya
  5. EU oo Dajinaya Qorshe Burcad Badeeda Soomaaliya Looga hor Tegayo

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Midowga Yurub oo isku raacay la Dagaalanka Burcad Badeeda
  2. M.Yurub oo Sheegay in uu la Dagaalamayo Burcad Badeeda Soomaaliya
  3. Ciidanka MGPL oo galabta la soo wareegay dooni lagu heystay xeebaha Bari ee Soomaaliya
  4. Jarmalka oo Sheegay in ay Maraakiib Dagaal u Soo Dirayaan Xeebaha Soomaaliya
  5. EU oo Dajinaya Qorshe Burcad Badeeda Soomaaliya Looga hor Tegayo

Latest Headlines