Golaha Culumada Soomaaliyeed ee maalmahan ku sugnaa Magaalada Muqdisho isla markaana ku hawlanaa Dhamynta khilaafaadka soo kala dhex galay Xoogagga Muqaawamada gaar ahaan MMI ayaa waxay maanta kulan la qaateen Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed.
Golaha Culimada ayaa waxay kulankan si gaar ah ula qaateen Odayaasha Dahqanka Beelaha Hawiye, Daarood, Dir iyo Digil iyo Mirifle waxayna culimadu Odayaasha ka dalbadeen in ay ku gacan siiyaan sidii loo dhamayn lahaa khilaafka ka dhex aloosan dhinacyadan.
Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo afhayeen u ah golaha culumada oo aan xiriir la samaynay ayaa waxaa uu noo sharaxay kulankii maanta wuxuuna yiri “Gudiga Culimada Soomaaliyeed ee baryahan Dalka Joogay una yimid saxidda Inxirafka Siyaasadeed iyo kan fikriga ah ee wadanka ka jira waxaan baryahan la kulmayaney Qaybaha Bulshada iyo Maxkamadaha, marka maanta waxaan la kulanay Hogaanka Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed”.
Afhayeenka oo ka hadlaya waxyaabaha ay kala hadleen Duqayda Dhaqanka waxaa uu yiri
1-aad waxaa uga mahad celinay dawrkii ay ka qaateen arrimihii wadanka ka jiray iyo isbarbar taagii ay isbarbar taageen dadka Gumaysiga ka horyimid iyo mawqifkii shariifka ahaa ee ay qaateen.
2-aad waxaan uga warranay ujeedada aan u socono.
3-aad waxaan ka codsanay in ay mashruucaan nagu garab istaagaan wayna naga aqbaleen.
Kulankan ay isugu yimaadeen Culimada iyo Dhaqanka ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Golaha Culimada Soomaaliyeed Dr. Bashiir Axmed Salaad wuxuuna duqayda dhaqanka ku booriyay in ay dowrkooda ka soo baxaan ayna sii laban laabaan dadaalka ay muujiyeen intii dalku dhibka ku jiray asaga oo dhinaca kalena ka codsaday in ay gacan ku siiyaan taaba gelinta Mashruuca dhamaynta Khilaafaadka garabyada Maxkamadaha ee is khilaafsan.
Sidoo kale waxaa dhinaca odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed u hadlay Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ah Afhayeenka Golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye wuxuuna si weyn u soo dhaweeyay dadaalka ay culimadu ka dhex wadaan Xoogagga Muqaawamada asaga oo ku tilmaamay in ay u soo gurmadeen umadda Soomaaliyeed ee cadawgu ku habsaday.

Related posts: