By Somalimirror on 10 Nov, 2008 8:06 PM in Main, Wararka | 10 Comments
Golaha Culumada Soomaaliyeed ee maalmahan ku sugnaa Magaalada Muqdisho isla markaana ku hawlanaa Dhamynta khilaafaadka soo kala dhex galay Xoogagga Muqaawamada gaar ahaan MMI ayaa waxay maanta kulan la qaateen Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed. Sii akhri »
By Somalimirror on 10 Nov, 2008 7:05 PM in Main, Siyaasadda, Wararka, Warbixinnada | 15 Comments
Sh. Shariif Sh. Axmed iyo wafdi gaaraya ilaa 9 xubnood oo uu hor kacayo ayaa 1 bishan Novenber ee aynu ku jirno waxay diyaarad ku yimaadeen garoonka diyaaradaha magaalada Jawhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe abaaraha 12:40 duhurnimo, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay maamulka iyo qaar ka tirsan ciidamada MMI ee ka arrimiya magaalada Jawhar. Sii akhri »
By Somalimirror on 10 Nov, 2008 5:33 PM in Main, Wararka | 0 Comments
Midowga yurub oo kulan ku yeeshay magaalada Brussels ayaa kulankooda kadib shaaca ka qaaday in ay howlgalo ay ku baacsanayaan Burcad badeeda Soomaalida ah ay ka bilaabi doonaan Gacanka Cadmeed iyo xeebaha Soomaaliya oo ay sheegeen in ay tahay dhibaatada ugu badan ee ka jirta dhinaca Badda.
Sii akhri »
By Somalimirror on 10 Nov, 2008 5:15 PM in Main, Wararka | 2 Comments
Wasaarada Arimaha Dibada ee Talyaaniga ayaa xaqiijisay in ay Dabley Soomaali ah afduubteen 2 qof oo u dhashay Dalka Talyaaniga isla markaana Haysta Diinta “Catholic” kuwaas oo laga afduubtay Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo. Sii akhri »
By Somalimirror on 10 Nov, 2008 2:28 PM in Main, Wararka | 0 Comments
3 Qof oo Rayid ah oo ka mid ah Dadkii dhaawac ahaan loo dhigay qaar ka mid ah Isbitaalada Muqdisho, ee dhaawacyado ka soo gaareen dagaaladii shaley ayaa u dhintey dhaawacyadii soo gaarey. Sii akhri »
By Somalimirror on 10 Nov, 2008 2:04 PM in Main, Wararka | 0 Comments
Iska hor’imaadyo socdey in muddo ah ayaa Barqanimadii Saaka ka dhacey qeybo ka mid ah Degmada Yaaqshiid, kaas oo dhex marey Xoogaga Muqaawamada iyo Ciidamada DKMG ah ee fariisinka ku leh Isgoyska Miisaanka Dhuxusha ee Xaafada Towfiiq. Sii akhri »
By Somalimirror on 10 Nov, 2008 11:07 AM in Main, Wararka | 2 Comments
Gudoomiyaha Dalladaha Waxbarashada Gobolka Hiiraan Maxamed Macallin Cusmaan oo ay shalay galinkii hore ka afduubteen Dabley hubaysan Duleedka Degmada Buqaqable oo 70 Km dhinac Galbeed ka jirta Magaalada Baladweyne ayay Xoogaga Al-Shabaab Xoog ku soo furteen. Sii akhri »
By Somalimirror on 10 Nov, 2008 9:36 AM in Main, Wararka | 0 Comments
Dabley hubaysan ayaa xalay Fiidkii Dhaawac Culus ugu geystay Taliyihii Maleeshiyada Luuq ka dib markii ay ugu dhaceen Gurigiisa oo ku yaala Degmadaasi.
Sii akhri »
By Somalimirror on 10 Nov, 2008 8:32 AM in Main, Wararka | 1 Comment
Dabley hubaysan ayaa xalay Saqdii dhex ka soo afduubtay Degmada Ceel-waaq ee ku taala Xadka Kenya 2 qof oo ajnabi ah iyo 3 Baabuur kuwaas oo la soo galay Xadka Soomaaliya. Sii akhri »