Archive for November 9th, 2008

Cumar Xaashi Aadan oo sheegay in ay la Dagaalami Doonaan ciddii u hogaansami weyda Heshiiska Jabuuti »

Xoghayaha Arrimaha gudaha Isbahaysiga Dib u xoraynta Garabka Jabuuti Cumar Xaashi Aadan kana mid ah gudiga Amniga ee ay wada dhisteen Isbahaysiga iyoDKMG ah ayaa waxaa uu maanta ku hanjabay in Xoogagga Muqaawamada ee u hogaansami waaya heshiiska Jabuuti ay la dagaalami doonaan. Sii akhri »

Doorashooyinka Puntland: Himilooyin Raagey iyo Hogaamiyaha xaqiijin kara!! »


Waxaan shaki ku jirin in himilooyinkii waaweynaa ee aay sugayeen shacabka Puntland gaar ahaan dadka indheergaradka ah tobankii sano ee maamulkaasi dhisnaa aay noqdeen hal bacaad lagu lisey.himilooyinkaas oo aay ku fashilmeen sadexdii hogaan ee Puntland madaxtinimadeeda iskaga danbeeyay, iyagu haba kala saami badsadeene,laakiin waxaa marag ma doonto ah in dhamaantood midna uusan xil iska saarin xaqiijinta himilooyinkaas.
Arintaasi uma baahna sharaxaad badan oo 10 sano kadib halka aaynu marayno iyo sida aay wax yihiin waxaa aqoonsan guuldaradaas cid walba oo garasho leh,xitaa ragii maamuladaas ku jiray qaar ka mid ah ayaa maanta ku tiraabaya inay guuldareysteen inkastoo aay noqotey isku tuur tuur.

Dhismihii Puntland waxaa hubaal ah inuu degaamadii laga taagay dhaxalsiiyey midnimo siyaasadeed isagoo maamulkaasu mideeyay heykalkii siyaasadeed ee goboladii dhistay. Taasoo aay uga badbaadeen tobankii sano ee uu dhisnaa calamo siyaasadeed oo laga kala taago degaamadii kala duwanaa taasoo hadey dhici lahayd horseedi lahayd xarig jiid aan dhamaan oo dhiig badani ku daato sida ka dhacday meelo badan oo somaliya ka mid ah.

Waxaa soo dhawaaday waqtigii la dooran lahaa madaxweynaha cusub ee Puntland waxaa durba kaararka soo dhiibtay rag door ah oo dhamaantood sheeganaya inay gayaan xilkaas.

Waxaase nasiib daro noqotay in shacabka iyo dad badan oo indhaha ku haya xaaladaan kalaguurka ahi aay ku wareersan yihiin kala xulida iyo go,aan gaarista ku saabsan musharaxiinta iyo kan ugu mudan maanta in lagu aamino xilka dadka iyo dalka. Sababta jaahwareerkaas waxaa ugu weyn saxaafad wacyigalineed oo aan ka jirin Puntland.

Qormooyinkaani waxay isku dayayaan inay u iftiimiso shacabka tilmaamaha aay ku kala reebayaan musharaxiintaas. Anagoo ka duulayna aragti ah in dhamaan reer Puntland isku raacsan yihiin maanta inay helaan hogaan daacad ah oo wax ka qabta dhibaatooyinka muga leh ee haysta shacabka. Kaasoo hadii aaysan dhicin maanta ku noqonaysa aayaha dadka reer puntland ismiidaamin siyaasadeed (political Suicide) oo khatar galin doonta jiritaankooda.

Qormadu waxay ka kooban tahay sadex madax oo kala ah:
1- Maxay yihiin himilooyinka raagay ee shacabka Puntland??
2- Maxay yihiin tilmaamaha akhlaaqeed, shakhsiyadeed iyo aqooneed ee qofka xaqiijin Kara himilooyinkaas.
3- Odoros siyaasadeed.

Himilooyinka raagay ee shacabka Puntland
Himilooyinka raagay ee Puntland waxaan kusoo uruurinaynaa qodobadaan:

• Dhisida nidaam dowladeed oo adag kaasoo sharcigu u sareeyo islamarkaana leh jaranjarodii dowladnimo, isa-saxid iyo is-dheelitir(checks and balances)
• Dhismaha ciidan qaran qaybihiisa kala duwan kaasoo leh haybadii iyo asluubtii ciidan loogana seexdo amaanka gudaha iyo kan dibada.
• Wax kaqabashada arimaha bulshada sida waxbarashada,caafimaadka iyo kaabayaasha dhaqaaleha sida wadooyinka,biyaha iyo korontada.
• Dhismaha nidaam cadaaladeed (Maxkamadaha) oo lagu kala baxo.
• In laga iibgeeyo Puntland beesha caalamka,shirkadaha iyo heyadaha si taasi aay u maalgashadaan Puntland. In la baadi goobo taageero dhaqaale iyo mid dib-u dhis oo gobolku helo.

Maxay yihiin tilmaamaha qofka xaqiijin Kara himilooyinkaas:

Hadaan ogaanay himilooyinka raagay ee shacabka Puntland kuwaasoo looga fadhiyo ninka hanta xilka madaxweynimo ee Puntland waxaa markiiba soo baxaysa maxay yihiin tilmaamaha musharaxa lagu aaminayo xaqiijinta himilooyinkaas raagay??

Waa badan yihiin sifooyinkaas waxanse kusoo uruurinaynaa sideed sifo ama tilmaamood oo aay isku raaceen boqol khabiir oo ku takhasusey taariikhda madexweynayaasha dunida. Tilmaamahaan waa kuwo saldhig ah u ah shakhsiyada dhamaan madaxweynayaasha loo qirey inay ahaayeen halyeeyo dhulka ka qaaday dowladahooda.

Tilmaamaha aan xooga saareyno waxaan ku dhisaynaa tijaabooyinka laga dhaxgalay ilbaxnimada dowladaha aduunka iyo madaxdii soo martay.

1) Howlkar(Hardworking): Soomaalidu waxay tiraahdaa ninkaad kaba ka tolanayso kuwiisii la fiiriyaa ninka maareynaya mustaqbalka umadu waa inuu yahay marka hore nin maareeyay noloshiisa shakhsiga ah,midiisa xirfadeed iyo tiisa aqooneed intaba. Waa inuu yahay nin leh sooyaal wax-qabad qofeed (Personal Achievement record), waa inaay jiraan tusaalayaal cadcad oo aan laba ku murmayn oo muujinaya guulo wax-qabad oo hufnaani ku dheehan tahay,ama guulo barnaamijyo mujtamaca dhaxal gal u ah oo uu yagleelay.

Madaxweynaha qowjada ahi waa nin leh howl-gudasho uu ku gaaro himilooyinka umadiisa. Waxaa ka mamnuuc ah xilkaan in loo dhiibo nin doonaya inuu mustaqbalkiisa ku dhiso xilkaan,waa inuu yahay ninka xilkaan qabanayaa nin hadii uu waayo ka maarma oo aan naf-lacaari u ahayn oo leh xirfado iyo shaqooyin kale oo uu ku noolaado.

2) Alle Yaqaanimo (Traditionalist): Hogaamiyaha Puntland u baahan tahay waa nin Alle yaqaana,oo aan lagu xamanayn inuu bil-ramadaan aaysan u dhalan ama salaad aaysan is-aqoon,hogaamiyaha dhabta ahi waa midka ixtiraama mabaadiida iyo akhlaaqiyaadka umadiisa islamarkaana aan ku kicin waxyaabo gaf ku ah diinta umada iyo dhaqankeeda.

Rabi aqoontu waxay ninka madaxda ah marar badan ku riixeysaa inuu xeeriyo aakhiradiisa iyo qiyaamaha xisaabta sugaysa,iyadoo ku dhalinaysa daacadnimo iyo hufnaan,tani waxay noqonaysaa in qofka damiirkiisa diiniga ahi u diido khiyaamooyinka,eexda iyo dulmiga.

3)Geesinimo(Courage): Madaxweynahu waa inuu leeyahay geesinimo ama dhiiranaan si uu uga guuleysto cabsida iyo werwerka talaabooyinka uu qaadayo,masuuliyadu waa go,aan gaaris(decision making) taasna waxay u baahan tahay geesinimo hadii aay ku kalifto uu diyaar u yahay inuu keligiis qaado toobiyaha marka aay ka haraan saaxiibadiis.

hogaamiyaha adagi waa midka isku dara farsamooyin,dulqaad iyo hadba qaab ku dayid si uu u gaaro waxii maslaxada guud ee umadiisu ku jirto si kasta oo looga horyimaado.

Halkaan waxaa ku haraya nin jilicsan oo dhan, kaas oo la badali karo ama duruufaha qalafsan ee horyaala ka jeedin karaan gaarista ujeedooyinka loo asteeyay ama qof aan lahayn dhamaystir shaqo oo wax walba iyagoo qabyo ah ka tagaya.

Qodobkaani waxaa la isku raacsan yahay inuu saldhig u yahay guusha madaxweynaha waayo go, aamada madaxtooyooyinku maahan in badan kuwo sacab iyo mashxarad lagu soo dhaweeyo marar badan waay xanuun badan yihiin waxayna u baahan yihiin iraado weyn iyo jabaarad aan la waabin Karin,hadii aad u fiirsatid dhamaan dowladaha horumarey waxaa u hanaqaaday hogaamiyayaal bir ah oo soo jeexsiiyey surimo ciriiryoon.

4) Miskax furan(Open minded): Hogaamiyaha dhaxalgalka ahi waa inuu yahay mid miskax furan, oo leh dareen soo jeeda islarmarkaana si dhab ah u dhagaysta talooyinka dadka indheer garadka ah, hadiise aay dhacdo inuusan cidna dhagaysan waa mashaqo waxaase iyaduna masiibo ah haduu dhagaysto dad maan-gaab ah oo aan mudnayn in laga tala galiyo ayaaha umada.
Hogaamiyaha Puntland u baahan tahay waa nin maala talooyinka iyo fikradaha xulka ah ee waxgaradka islamarkaana u samaysta golayaal iyo kanaaladii talooyinkaas uu ku heli lahaa. Waxaan u baahanahay masuul dhagaysta dhamaan fikradaha meelmarka ah ee qaybaha kala duwan ee shacabkiisa ee aan u dhegafurnayn kaliya koox gaar ah oo aay kala dhexeyso dano siyaasadeed,qabiil ama dhaqaale.

5) Hal abuur- Aqooneed (Intellectual ability): Hogaamiyaha dhaxal galka ahi waa inuu leeyahay karti aqooneed/garasho oo sareysa (Superior Intellectual ability) taasoo hordhac u ah guul madaxnimo, hogaamiyehu waa inuusan ahayn caamay. Madaxweyne caamo ahi horumar umadeed ma keeni karo inta uu caamanimada kabaxayo ayaa dal iyo dad baaba,ayaan. Haduu damco inuu madaxtooyada dhexdeeda caamonimada kaga baxana waa masiirkii umadda oo galay iskoolwiido.

Bal u fiirso madaxweynayaasha iyo hogaamiyayaasha la sheego waxqabadkooda kuligood waa dad leh hal abuur aqooneed sida Dr.Mahatiir Mohamed waa dhakhtar, dhaqaale-yahan iyo faylasuul. Abraham Lyncon waxuu ahaa lawyer bir ah faylasuuf, Mahatma Gandhi lawyer faylasuuf, Nelson Mandela Laywer faylasuuf.

6)Hadal Cadaan(Assertiveness): Hogaamiha culusi waa inuu yahay nin waxa uu qabo muujin kara islamarkaana diidi kara waxii uu u arko inaysan qaban,marar badan masuuliyadu waxay keenaysaa in qofku uu MAYA karo,ama uu gacan adag ku qabto cida ku ciyaareysa masaalixda ummada xitaa haduu ka tirsan yahay dowladiisa iyo xafiiskiisa intaba.

Hogaamiyaha raba inuu cid walba qanciyo oo aaysan cidna isku dhicin waxuu ku tumanayaa masaalixda guud,mar walba hab maamuuska iyo diplomaasiyadu waa qayb ka mid ah qaamuuska siyaasada laakiin marka aay timaado danaha umada,dowladnimo wanaaga iyo dhowrista sharciga hadalka cad waa sad laga doonayo hogaamiyaha.

7) Aftahan(Speaker): Hogaamintu waxay ka unkantaa hadal aqoon,madaxweynuhu waa inuu noqdaa Aftahan ,xikmaawi suugaanta dugsada,nin hadalkiisu abuuro xiiso iyo dareen- soo jiidasho,waa in uu noqdaa nin hadalka xubinta kaga aadan yaqaana islamarkaana aan lahayn dhacdhac,hadaladiisu waa inay yihiin kuwo dadkiisa mideeya ee aan kala fogeyn. Hadalkiisu waa inuu umada wada gaaro, islamarkaana uu leeyahay luqad nin dowladadeed (statesman).(Obama maxuu ku qabsaday Maraykan!!!)

8) Adkaysi- weyn (Tolerance): Madaxweynayaasha guulaystaa waa kuwo leh adkaysi, dhabar adayg aay ugu babac dhigaan masiibooyinka iyo mashaqooyinka ku xeeran shaqadiisa. Waxaan shaki ku jirin in xilka madaxweyninimo uu leeyahay culeys miskaxeed oo aad u baaxad weyn sidaas darteed waxaa lama huraan ah inuu leeyahay hogaamiyahu dulqaad hibo ah iyo acsaab adag.
Waxaa kursigaan ka reeban nin daciif ah, nin fud-fudud ama nin aan lahayn deganaan uu wax ku hubsado. Ninka jilicsan ee masuuliyadaan gorada la galaa waxuu noqonaya labo midood inuu naftiisa haligo oo cuduro xumi ku dhacaan(cudurada casrigaan dadka dhameeyay oo kansarku ugu horeeyo waxaa laga qaadaa culeys miskaxeed ama Stress-ka waxa loo yaqaano) iyo inuu umadda aayaheeda meel xun ka tuuro.

Sideedaan sifo afarta hore waa tiirarka hogaamiyaha dhabta ah,oo la,aantood hadii qofka laga waayo aay xaqiiqo tahay inaan laga sugin xaqiijinta himilooyinka shacabka Puntland, afarta sifo ee soo hartay waxaa khasab ah inuu boqolkiiba 50% ka haysto hadii uu ka hoos maro waa adag tahay inuu noqdo hogaamiye macno leh.

Lasoco qaybta hartay odoros siyaasadeed

Sharmarke Xusen Yusuf
Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Gudoomiye K/xigeenkii Baydhabo oo la Khaarajiyay »

Caawa fiidnimadii ayaa waxaa bartamaha Magaalada Baydhabo lagu toogaty gudoomiye ku xigeenkii 1-aad ee Maamulka Degmada Baydhabo Xussen Dhooroow.

Sii akhri »

Koofi “laga Bilaabo Maanta Qaybihii kala Duwanaa ee Mujaahidiintu Waxay Go’aansadeen inay Cududooda Mideeyaan” »

Maxamed Aadan Koofi oo ah Afhayeenka Ciidamada MMI ee ka madax banaan Garabyada Jabuuti iyo Asmara ayaa waxaa uu caawa si rasmi ah u shaaciyay in dhawaan ay midoobayaan MMI garabkooda, Dhaqdhaqaaqa Alshabaab, iyo Mucaskarka Raaskambooni islamarkaana ay samaysan doonaa Hal Magac. Sii akhri »

Wiil dhalinyaro ah oo Goordhaw lagu toogtay Baydhabo »

Ciidamada DKMG ah ee ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa Galabta Maqribnimadii waxay dil toogasha ah u gaysteen Wiil Dhalinyaro ah oo ay Jimcihii la soo dhaafay ka qabteen Gudaha Magaalada Baydhabo.

Sii akhri »

Sh. Max’ed Ismaaciil Yuusuf oo la soo daayay »

Salaadii Duhur waxyar ka hor ee maanta ayay Ciidamada P.I.S (Ashahaado La dirirka) Puntland Xabsiga ka soo Daayeen Sheekh Maxamed Ismaaciil Yuusuf oo ay dhawaan xireen markii ay dhaceen Qaraxyadii ka dhacay Magaalooyinka Boosaaso iyo Hargeysa. Sii akhri »

Waddo Qardo jeex ah oo isku xirta baar ubax iyo suuqa xoolaha oo la dayac tiray »

Wadada dheer ee isku xirta Isgoyska Baar Ubax ilaa Suuqa Xoolaha ee ay isticmaalaan gaadidka rayidka, waxaa manta laga bilaabey holw dayac tirid ah, taas oo ay iska kaashanayaan Golaha Abwaanada Soomaaliyeed iyo gudiga Gaadiidleyda Gobolka Banaadir. Sii akhri »

Afhayeenka Ciidamada Burundi oo ka warbixiyey weerarkii xaley lala beegsadey »

Afhayeenka ciidamada Burundi ee AMISOM ee Muqdisho ku sugan Kalemanal Semina oo manta shir Jaraa’id qabtey ayaa ka warbixiyey weerar xoogan oo xaley xoogaga Al-shabaab la beegsadeen fariisinka Jaamacadaha ee agagaarka Ex-control oo fariisinka ciidan ku leeyihiin. Sii akhri »

Beesha Habargidir oo qaadacdey shaxda maamul u sameynta Gobolka Banaadir »

Waxaa isa soo taraya qaadacaada loo jeedinyo gudigii loo xil saarey soo dhisida maamul dhameys tiran oo uu yeesho Gobolka Banaadir, kaas oo dhawaan soo bandhigey shaxda awood qeybsiga ee maamul Gobolku yeesho. Sii akhri »

Buunda Magaalda Kamsuuma oo Go’ day »

Buundada Magaalada Kamsuuma ayaa la sheegayaa inay go’day kadib markii uu wabiga Jubba fatahaad xoogan ku dhuftay. Wabiga ayaa sidoo kale Saameeyay dhul Beereedyo uu horay u waraabin jiray.

Sii akhri »

Dagaalkii Wardhiigleey oo Qaboobay »

Dagaalkii ka socday Qeybo ka mid ah Degmada Wardhiigleey ayaa xiligan oo ay saacada Muqdisho tilmaamayso 02:10 Duhurnimo u muuqda mid qaboobay , iyada oo dad si teel teel u socda ay wadooyinka qaarkood Marayaan. Sii akhri »

Falanqaynta Jihaadka Iyo Faalada Axkaamtiisa (Qeybta 2aad »

Qeybta koowaad ee qormadan Sheekhu wuxuu ku soo bandhigay arar iyo hordhac uu ugu gogolxaarayey nuxurka mawduuca oo u guntan Jihaadka iyo axkaamtiisa, haddana waa tan

qeybtii 2aad.
Somalimirror.com
cutubka koowaad
MACNAHA JIHAAD IYO QEYBIHIISA

kelmada jihaad waa erey af-carbeed ah , marka keligeed la qeexana waa : dadaal karaan ,iyo hagar li,I .( hawshii kolkaas gacanta loo qaado in loo hagar baxo, layskana xilqaado ).

Markase laysu min-guuriyo aayadaha Qur’aanka ah ee ka waramay jihaadka waxa lagala soo bixi karaa macne balaadhan oo jihaadku leeyahay waxaanuu yahay : in ruuxa muslimka ahi u hagar baxo sidii uu Ilaahay ugu raali gelin lahaa wax kasta oo uu karo, isagoo adeegsanaya awoodaha Alle ku manaystay sida : maalka , muruqa , maskaxda , qalinka . iyo wax kasta oo waxtar iyo saamayn leh , isagoo uga dan leh inuu faafiyo diinta, dadkana gaadhsiiyo , difaaco , una tafo-xayto sidii kelmada islaamku u meel mari lahayd, nidaamka Allena loogu maamulo nolosha .
macnahaasi waa macnaha guud ee jihaadka …

Culimada muslimiinta ee ku xeesha dheer erey bixinta shareecada waxa ka mid ah ninkii wadooyinka aqoontu ku kulmeen (IBNUL QAYIM ) wuxuu ku sheegay in jihaadku u qaybsamo 14 afar iyo toban qaybood waxana uu u sharxay jihaadka sidan : ( jihaadku waxa uu leeyahay qaybo kala duwan, waxaanu isu raac-raacayaa sidan:

(1) in nafta lala jihaado : waxaanay ka koobantahay afar waaxood oo kala ah in ruuxu naftiisa kula jihaado sidii uu (A) xaqa u bari lahaa (B) uguna dadaali lahaa sidii uu aqoontaas ugu dhaqmi lahaa (C) kadibna u hawl galo sidii uu dadka u gaadhsiin lahaa . (D) ugu danbayna uu dul u yeesho waxyeellada kasoo gaadhaysa baaqa islaamka .

(2) in shaydaanka lala jihaado : isaguna waa laba qaybood : (A) in laga hortago xumaanta uu kuu qurxinayo (2) iyo in layska difaaco khal-khalka uu kaa gelinayo fahanka shareecada .
(3) in lala jihaado gaalada iyo munaafiqiinta : waxa lagala jihaadayaa qalbiga , afka , maalka , iyo nafta . Munaafiqiinta afkaa lagaga ciil-beelayaa, gaalada kalena gacanta .

(4) ugu danbayn in lala jihaado daalimiinta iyo kuwa waxaan diin ahayn dadka diin uga dhiga (( أهل البدع : iyana waa sadex qaybood : (a) hadii la awoodo gacanbaa loo lala tegayaa . (b) hadaan la karayna afka )c) haday suuroobi waydana qalbigaa laga nacayaa .

Hadalkan oo aynuu soo koobnay waxa uu ku yaallaa kitaabka uu qoray sheekhu ee la yidhaahdo (zaadul macaad ) qaybta labaad baalkiisa 39-40 . hadii qaybahan laysu geeyana waxay kusoo fadhiisanaysaa afar iyo tobankii qaybood ee uu inoo sheegay .

jihaadka sida uu caanka ku yahay waa in gaalada gacan loola tago , waana qaybtiisa ugu dhib iyo dheefba badan . hadii kelmada jihaad oo keli ah la adeegsadana waxa loola jeedaa kaas gacanta ah .

Qaybinta noocan ah waxa ku jira macne wayn oo dadka badankiisu hilmaansanyahay waxaanuu yahay : in la ogaado jidka wax lagu bedeli karaa inaanu ahayn oo qudha gacan ka hadal balse ay jiraan siyaabo kala duwan oo waxa xun lagu hor-joogsan karo , waxa kale oo iyana meesha ku jirta in la fiiriyo jidka uu maray baaqi anbiyada guud ahaan gaar ahaan dacwadii rasuulkeena SCW , waxaanay ahayd in marka hore loo go’o dacwada iyo in dadka la dhacsiiyo islaamka la rabo in aduunka lagu maamulo, taas waxa ka dhasha in la abuuro (bulsho ) aaminsan baaqan isaga ah , masuuliyadiisana tuurta u ridata . Markii intaas la helay kadib ayaa la jideeyay jihaadka (gacan ka hadalka ah ). Hadalkan loogama jeedo in meesha lagaga saaro jihaadka ama qiimigiisa hoos loo dhigoe waxaynu xusaynaa waxa jihaadku ku istaago ee aan indhaha laga qarsan Karin la,aantiina aanay suurto gal ahayn inuu midho dhal noqdo .

cutubka labaad
FADLIGA JIHAADKA

Fadliga jihaadka lagala dheelmaa wuu ka badanyahay in tiro koob lagu sameeyo ama qormooyin kuwan oo kale ah lagu wada sheego balse aynu sheegno waxyar oo xus lagu tilmaami karo . Marka la rabo in la sheego fadliga iyo qiimaha jihaadka waxaynu ka eegi doonaa sadex dhinac
Dhinaca koowaad :

jihaadku camal ahaan qiimaha uu leeyahay

(1) Saxaabiga la yidhaahdo nucmaan bin Bashiir ayaa yidhi : ( anagoo maalin fadhina minbarka rasuulka agtiisa ayuu nin yidhi : camal ruux muslim ahi qabto waxa u fadli badan in xujayda loo adeego . markaasuu mid kale yidhi : maya waxa u wanaagsan in masaajidda la camiro . ku sadexaad ayaa yidhi : aniga jihaadka ayaa u sareeya ayaan isleeyahay . dabadeed cumar oo meesha joogay ayaa ku yidhi “ waar ka daaya buuqa minbarka rasuulka maalinta jimce kolka rasuulku salaada jimcada tukado ayaan waydiin waxan aad ku muransantihiin ” . kadibna waxa Alle soo dejiyay aayadda quraanka ah ee ku jirta suurada tawba (aayada19aad) ee uu alle ku leeyahay: “ma ninka xujayda u adeegaya iyo ka masjidka camiray ayaad la sinteen ninka intuu alle iyo maalinta qiyaame rumeeyay hadana alle dartii u diriray alle agtiisa kuwo siman maaha).
(2) Isagoo rasuulku SCW ka waramaya shaqadani halka ay ku leedahay kala saraynta waajibaadka inna saaran waxa uu ku yidhi mucaad bin jabal: (hadaad doonto waxaan kuu sheegi diinta madaxeeda iyo udub dhexaadkeeda, iyo fiidda u saraysa . diinta madaxeedu waa islaamnimo, udub-dhaxaadkeeduna waa salaada, fiidda u sarysaana waa jihaadka” ).

(3) waxa yaab ah jihaadka inta ugu yar ee la dagaalamo iyo ajarka lagu sheegay, bal dhagayso nebigeennii waxa uu yidhi ( ninka ilaahay dartii u dagaalama hal xigsinteed janno ayaa u waajibtay ) xigsintu waa inta u dhaxaysa labada godol qaad ee hasha .

(4) Wuxuu kaloo yiri: ( ninka alle rumeeya, Mux/edna rasuul ka dhigta, islaamkana diin ka dhigta waa ehlu janne .) kadib abuu saciid oo xadiiska werinaya ayaa u qaadanwaayay waxaanuu yidhi : rasuulkii allow bal iigu celi . markaasuu ugu celiyay waxaanuu raaciyay ( mid kalaa jirtoo alle boqol darajo kor ugu qaado labadii derejaba ay isu jiraan inta samada iyo dhulku isu jiraan . ) oo maxaa lagu helaa rasuulkii allow ayuu ku yidhi abuu saciid, wuxuuna ugu jawaabay : ( ilaahay dartii oo loo dagaalamo )

Dhinaca labaad

Qofka mujaahidka ah ajarkiisa

Hadii kaasi uu yahay jihaadka fadligiisa bal hadda aynu eegno qofka amarka alle qaataa ajarka uu la hoyanayo .

1- su,aal ayuu rasuulku waydiiyay asxaabtiisii waxaanuu yidhii : ( maydiin sheegaa ninka ugu meeqaam sareeya ilaahay agtiisa ? ) haaye noo sheeg ayay yidhaahdeen .wuxuu yidhi : (waa ninka xakamaha faraskiisa haysta ilaa uu ka dhinto ama la dilo ) .

2- (mujaahidka waxa la ajar ah ninka marka mujaahidku dagaalka u baxo sooma oo aan afurin, habeen oo dhanna (salaad) u taagan ilaa uu (mujaahidku) kasoo gurya-noqonayo)

3- ( ilaahay waxa uu u damaanad qaaday qofka ilaahay hortii u dagaal taga inuu janadiisa geliyo haduu soo celiyana ajar iyo qaniimo la soo celiyo .)

4- Rasuulka ayaa la waydiiayay oo lagu yidhi : camal la qabto kee u wanaagsan ? wuxu ugu jawaabay : (alle oo la rumeeyo ) maxaa ku xiga? ayay yidhaahdeen . (ilaahay dartii oo loo dagaalamo ) ayuu yidhi ……

Asxaabtii rasuulku maxay jihaadka ka yidhaahdeen

Cumar bin khadaab : ( waar xajka hala ogaado waayo waa camal wanaagsan oo alle inna faray laakiin jihaadka ayaa ka fadli badan .)

Anas bin maalik :( hal dagaal oo aad gasho ayaa ka qiimo badan toban xaj )
c/laahi bin cumar : ( hal socdaal oo jihaad loo galo ayaa ka fadli badan 50 konton xaj )
Abuu hurayra : ( ma awoodaa inaad soomanaato oo aanad afurin ood taagnaato oonad fadhiisan intaad nooshahay ? markaasaa lagu yidhi : oo yaa sidaas yeeli kara ? ( allaan ku dhaartee hurdada ninka mujaahidka ah ayaa ka fadli badan kaas aad la yaabantihiin . )

Dhinaca sadexaad

Ajarka cidda ay wax-yeello kasoo gaadho jihaadka

Qofka ku waxyeellooba jihaadku waa ruux alle gallad la doonay sidaas aawadeed ninka sidan u fahansani ma damqado kamana cataabo xoogaaga yar ee ka soo gaadha hawsha jihaadka waayo waxa u muuqda waxa loogu cawilayo . hadaba aynu isla eegno waxa alle ugu ballan-qaaday
(A) ninka ku dhinta (shahiida)

(1) waxa uu rasuulku yidhi : ( ninka ilaahay dartii loo dilaa waxa ilaahay agtiisa u yaalla arimo aan lala qabin : gobo’da u horaysa ee dhiigiisa ah ayaa loogu dambi dhaafaa . booska uu janada ku leeyahayna halkaas ayuu ka arkaa , argagaxa suurtana wuu ka bad-baadaa , cadaabta xabaashana waa laga nabad-geliyaa , waxana loo xidhaa taajka deganaanshaha , waxa loo guuriyaa 70 todobaatan xuurul ciin ah waxaanuu ilaahay ugu ergeeyaa 70 qoyskiisa ah .) xadiisku waa suganyahay ka eeg tarmadi & axmed & ibnu maajah .

Dhiiga shahiidku waa iftiin jidka lagu maro , waa khad taariikhda lagu qoro , waa webi geedka islaamka waraabiya .

(2) allena wuxu yidhi : ( kuwa alle diintiisa u geeriyooday nafohooda waxa la dhex geliyaa shimbiro cagaaran oo janada ka daaqda halkay doonto, una hoyato buul-shimbireed (qindiilo) ka soo laalaada carshiga . iyagoo sidaas ah ayuu alle soo jaleecaa, markaasbuu ku yidhaahdaa ? maxaad u baahantihiin ? waxay ugu jawaabaan iyaguna : oo maxaa noo dhiman sownagan janadii halkaanu doono ka daaqayna . markuu sadex jeer alle ku celiyo ayay ku yidhaahdaan : allahayow waxaanu ku waydiisanay in dib jidhkayagii naloogu celiyo, aduunkiina ku noqono si aanu usoo dagaalano oo mar labaad naloo soo dilo …….)

(3) ( ma jiro ruux ehlujanno ah oo jeclaysanaya in dib loogu celiyo aduunka shahiidka mooyaane , wuxu tamaniyayaa in toban jeer la celiyo hadana la soo dilo . )

(4) ( ha moodina kuwa ilaahay dartii loo dilay inay dhinteen , ma dhiman ee ilaahay agtiisa ayay ku noolyihiin laguna masruufayaa . ) .

(B) qofka ku dhawaacma :

Hal xadiis aynu ka soo qaadanno waxa uu rasuulkeenu yidhi : ( qofka lagu dhaawaco jihaadka iyo alle daraadii: waxa uu imanayaa maalinta qiyaamaha isagoo dhaawiciisa dhiig ka butaacayo, midabkii dhiigana leh balse caraftiisa aad miski moodo (cadar iyo udgoon) . ) .

Waxa sadexdan qodob lagu ladhaa mid afraad oo ah sida adag ee shareecadu ula hadashay dadka ka wahsada jihaadka amase ay la cuslaato ka dhaqaaqa dhalaalka aduun. Alle waxa uu yidhi ( waxaad ku tidhaahdaa hadii ay aabbayaashiin, ubadkiina , walaalihiin, ooryihiina , xigtadiina, iyo hanti aad kasbateen, badeeco aad ka cabsanaysaan inay idinka baarto , ama guryo idin qanciyay (haddii aad intaas) ka jeceshihiin alle iyo rasuulkiisa iyo alle dartii oo aad u dagaalantaan – suga inta alle ciqaabtiisu idiin imanayso !!!! ) waxa aayadaan u macno eg hadalkan rasuulka SCW ka sugn : ( hadaad ribada ku ganacsataan , ama xoolihiina iska jirataan , ama dalagiina iska falataan , sidaasna aad jihaadka ku ilawdaan – ilaahay waxa uu idin daba dhigayaa dullinimo aan idinka fuqayn ilaa aad diintiina usoo noqotaan (jihaadka) ) waxa kale oo uu yidhi. ( ninka aan duulin, naftiisana aan duulimaad kula faqin waxa uu la god galaa qayb munaafaqnimo ah )

Sadexdaa waji marka laysu geeyo waxa kuu soo bixi kara qiimaha alle ku duugay jihaadka iyo falkiisa , waxana nasiib u hela nin hoodo leh oo hooyadii u ducaysay .

W/Q: Sh. Khadar C/laahi Badeed
cagaarane@yahoo.com

Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faah faahin:- Dagaalkii ugu Cuslaa in mudo ah oo ka socda Degmada Wardhiigleey »

 

Abaare 10:10 Barqanimo illaa iyo hadda ayaa waxa uu Dagaalkii ugu  xooganaa in mudo ah isla markaana la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan uu ka socdaa qeybo ka mid ah Degmada Wardhiigleey ee Magaalada Muqdisho. Sii akhri »

Faah Faahin:- Dagaal Xoogan oo ka dhacay Deg. Hodan »

 

Abaare 09:30 illaa 11:00 Barqanimo ee maanta ayaa waxa uu Dagaal Culus ku dhex maray Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed iyo Ciidamada Uganda iyo kuwa DKMG ah oo dhinac ah. Sii akhri »

Sarkaal u shaqeynayay Hay’ada Mercy Corp oo la dilay »

Salaadii Cishaha ka dib ayay Dabley hubaysani waxa ay ku dileen Degmada Jamaame ee Gobolka Jubadda Hoose Sarkaal u shaqeynayay Hay’ad lagu magacaabo Mercy Corp. Sii akhri »

Dagaal lagu qaaday Ciidamada Burundi »

Abaare 02:00 saqdii dhexe oo qadar daqiiqado ah dhiman ayay Xoogaga Al-Shabaab weerar ka fool ka fool ah ku qaadeen Fariisinka ay ciidamada Burundi ka deganyihiin Magaalada Muqdisho ee Jaamacadii hore ee Ummadda. 

Sii akhri »

Markab Xamuul oo la Afduubtay »

Burcada Badeed ayaa Maalinimadii Jimcaha waxa ay Xeebaha Soomaaliya ka Afduubteen Markab Xamuul oo watay Calanka “Bahamas” isla markaana u kiraysnaa shirkad lagu magacaabo “Clipper” oo laga leeyahay dalka ”Danish” ah, waxaana saarnaa Markabkaasi 13 qof sida ay maalinimadii shalay sheegtay shirkadaasi. Sii akhri »

Page 1 of 11