Qeybta koowaad ee qormadan Sheekhu wuxuu ku soo bandhigay arar iyo hordhac uu ugu gogolxaarayey nuxurka mawduuca oo u guntan Jihaadka iyo axkaamtiisa, haddana waa tan
qeybtii 2aad.
Somalimirror.com
cutubka koowaadMACNAHA JIHAAD IYO QEYBIHIISA
kelmada jihaad waa erey af-carbeed ah , marka keligeed la qeexana waa : dadaal karaan ,iyo hagar li,I .( hawshii kolkaas gacanta loo qaado in loo hagar baxo, layskana xilqaado ).
Markase laysu min-guuriyo aayadaha Qur’aanka ah ee ka waramay jihaadka waxa lagala soo bixi karaa macne balaadhan oo jihaadku leeyahay waxaanuu yahay : in ruuxa muslimka ahi u hagar baxo sidii uu Ilaahay ugu raali gelin lahaa wax kasta oo uu karo, isagoo adeegsanaya awoodaha Alle ku manaystay sida : maalka , muruqa , maskaxda , qalinka . iyo wax kasta oo waxtar iyo saamayn leh , isagoo uga dan leh inuu faafiyo diinta, dadkana gaadhsiiyo , difaaco , una tafo-xayto sidii kelmada islaamku u meel mari lahayd, nidaamka Allena loogu maamulo nolosha .
macnahaasi waa macnaha guud ee jihaadka …
Culimada muslimiinta ee ku xeesha dheer erey bixinta shareecada waxa ka mid ah ninkii wadooyinka aqoontu ku kulmeen (IBNUL QAYIM ) wuxuu ku sheegay in jihaadku u qaybsamo 14 afar iyo toban qaybood waxana uu u sharxay jihaadka sidan : ( jihaadku waxa uu leeyahay qaybo kala duwan, waxaanu isu raac-raacayaa sidan:
(1) in nafta lala jihaado : waxaanay ka koobantahay afar waaxood oo kala ah in ruuxu naftiisa kula jihaado sidii uu (A) xaqa u bari lahaa (B) uguna dadaali lahaa sidii uu aqoontaas ugu dhaqmi lahaa (C) kadibna u hawl galo sidii uu dadka u gaadhsiin lahaa . (D) ugu danbayna uu dul u yeesho waxyeellada kasoo gaadhaysa baaqa islaamka .
(2) in shaydaanka lala jihaado : isaguna waa laba qaybood : (A) in laga hortago xumaanta uu kuu qurxinayo (2) iyo in layska difaaco khal-khalka uu kaa gelinayo fahanka shareecada .
(3) in lala jihaado gaalada iyo munaafiqiinta : waxa lagala jihaadayaa qalbiga , afka , maalka , iyo nafta . Munaafiqiinta afkaa lagaga ciil-beelayaa, gaalada kalena gacanta .
(4) ugu danbayn in lala jihaado daalimiinta iyo kuwa waxaan diin ahayn dadka diin uga dhiga (( أهل البدع : iyana waa sadex qaybood : (a) hadii la awoodo gacanbaa loo lala tegayaa . (b) hadaan la karayna afka )c) haday suuroobi waydana qalbigaa laga nacayaa .
Hadalkan oo aynuu soo koobnay waxa uu ku yaallaa kitaabka uu qoray sheekhu ee la yidhaahdo (zaadul macaad ) qaybta labaad baalkiisa 39-40 . hadii qaybahan laysu geeyana waxay kusoo fadhiisanaysaa afar iyo tobankii qaybood ee uu inoo sheegay .
jihaadka sida uu caanka ku yahay waa in gaalada gacan loola tago , waana qaybtiisa ugu dhib iyo dheefba badan . hadii kelmada jihaad oo keli ah la adeegsadana waxa loola jeedaa kaas gacanta ah .
Qaybinta noocan ah waxa ku jira macne wayn oo dadka badankiisu hilmaansanyahay waxaanuu yahay : in la ogaado jidka wax lagu bedeli karaa inaanu ahayn oo qudha gacan ka hadal balse ay jiraan siyaabo kala duwan oo waxa xun lagu hor-joogsan karo , waxa kale oo iyana meesha ku jirta in la fiiriyo jidka uu maray baaqi anbiyada guud ahaan gaar ahaan dacwadii rasuulkeena SCW , waxaanay ahayd in marka hore loo go’o dacwada iyo in dadka la dhacsiiyo islaamka la rabo in aduunka lagu maamulo, taas waxa ka dhasha in la abuuro (bulsho ) aaminsan baaqan isaga ah , masuuliyadiisana tuurta u ridata . Markii intaas la helay kadib ayaa la jideeyay jihaadka (gacan ka hadalka ah ). Hadalkan loogama jeedo in meesha lagaga saaro jihaadka ama qiimigiisa hoos loo dhigoe waxaynu xusaynaa waxa jihaadku ku istaago ee aan indhaha laga qarsan Karin la,aantiina aanay suurto gal ahayn inuu midho dhal noqdo .
cutubka labaad
FADLIGA JIHAADKA
Fadliga jihaadka lagala dheelmaa wuu ka badanyahay in tiro koob lagu sameeyo ama qormooyin kuwan oo kale ah lagu wada sheego balse aynu sheegno waxyar oo xus lagu tilmaami karo . Marka la rabo in la sheego fadliga iyo qiimaha jihaadka waxaynu ka eegi doonaa sadex dhinac
Dhinaca koowaad :
jihaadku camal ahaan qiimaha uu leeyahay
(1) Saxaabiga la yidhaahdo nucmaan bin Bashiir ayaa yidhi : ( anagoo maalin fadhina minbarka rasuulka agtiisa ayuu nin yidhi : camal ruux muslim ahi qabto waxa u fadli badan in xujayda loo adeego . markaasuu mid kale yidhi : maya waxa u wanaagsan in masaajidda la camiro . ku sadexaad ayaa yidhi : aniga jihaadka ayaa u sareeya ayaan isleeyahay . dabadeed cumar oo meesha joogay ayaa ku yidhi “ waar ka daaya buuqa minbarka rasuulka maalinta jimce kolka rasuulku salaada jimcada tukado ayaan waydiin waxan aad ku muransantihiin ” . kadibna waxa Alle soo dejiyay aayadda quraanka ah ee ku jirta suurada tawba (aayada19aad) ee uu alle ku leeyahay: “ma ninka xujayda u adeegaya iyo ka masjidka camiray ayaad la sinteen ninka intuu alle iyo maalinta qiyaame rumeeyay hadana alle dartii u diriray alle agtiisa kuwo siman maaha).
(2) Isagoo rasuulku SCW ka waramaya shaqadani halka ay ku leedahay kala saraynta waajibaadka inna saaran waxa uu ku yidhi mucaad bin jabal: (hadaad doonto waxaan kuu sheegi diinta madaxeeda iyo udub dhexaadkeeda, iyo fiidda u saraysa . diinta madaxeedu waa islaamnimo, udub-dhaxaadkeeduna waa salaada, fiidda u sarysaana waa jihaadka” ).
(3) waxa yaab ah jihaadka inta ugu yar ee la dagaalamo iyo ajarka lagu sheegay, bal dhagayso nebigeennii waxa uu yidhi ( ninka ilaahay dartii u dagaalama hal xigsinteed janno ayaa u waajibtay ) xigsintu waa inta u dhaxaysa labada godol qaad ee hasha .
(4) Wuxuu kaloo yiri: ( ninka alle rumeeya, Mux/edna rasuul ka dhigta, islaamkana diin ka dhigta waa ehlu janne .) kadib abuu saciid oo xadiiska werinaya ayaa u qaadanwaayay waxaanuu yidhi : rasuulkii allow bal iigu celi . markaasuu ugu celiyay waxaanuu raaciyay ( mid kalaa jirtoo alle boqol darajo kor ugu qaado labadii derejaba ay isu jiraan inta samada iyo dhulku isu jiraan . ) oo maxaa lagu helaa rasuulkii allow ayuu ku yidhi abuu saciid, wuxuuna ugu jawaabay : ( ilaahay dartii oo loo dagaalamo )
Dhinaca labaad
Qofka mujaahidka ah ajarkiisa
Hadii kaasi uu yahay jihaadka fadligiisa bal hadda aynu eegno qofka amarka alle qaataa ajarka uu la hoyanayo .
1- su,aal ayuu rasuulku waydiiyay asxaabtiisii waxaanuu yidhii : ( maydiin sheegaa ninka ugu meeqaam sareeya ilaahay agtiisa ? ) haaye noo sheeg ayay yidhaahdeen .wuxuu yidhi : (waa ninka xakamaha faraskiisa haysta ilaa uu ka dhinto ama la dilo ) .
2- (mujaahidka waxa la ajar ah ninka marka mujaahidku dagaalka u baxo sooma oo aan afurin, habeen oo dhanna (salaad) u taagan ilaa uu (mujaahidku) kasoo gurya-noqonayo)
3- ( ilaahay waxa uu u damaanad qaaday qofka ilaahay hortii u dagaal taga inuu janadiisa geliyo haduu soo celiyana ajar iyo qaniimo la soo celiyo .)
4- Rasuulka ayaa la waydiiayay oo lagu yidhi : camal la qabto kee u wanaagsan ? wuxu ugu jawaabay : (alle oo la rumeeyo ) maxaa ku xiga? ayay yidhaahdeen . (ilaahay dartii oo loo dagaalamo ) ayuu yidhi ……
Asxaabtii rasuulku maxay jihaadka ka yidhaahdeen
Cumar bin khadaab : ( waar xajka hala ogaado waayo waa camal wanaagsan oo alle inna faray laakiin jihaadka ayaa ka fadli badan .)
Anas bin maalik
hal dagaal oo aad gasho ayaa ka qiimo badan toban xaj )
c/laahi bin cumar : ( hal socdaal oo jihaad loo galo ayaa ka fadli badan 50 konton xaj )
Abuu hurayra : ( ma awoodaa inaad soomanaato oo aanad afurin ood taagnaato oonad fadhiisan intaad nooshahay ? markaasaa lagu yidhi : oo yaa sidaas yeeli kara ? ( allaan ku dhaartee hurdada ninka mujaahidka ah ayaa ka fadli badan kaas aad la yaabantihiin . )
Dhinaca sadexaad
Ajarka cidda ay wax-yeello kasoo gaadho jihaadka
Qofka ku waxyeellooba jihaadku waa ruux alle gallad la doonay sidaas aawadeed ninka sidan u fahansani ma damqado kamana cataabo xoogaaga yar ee ka soo gaadha hawsha jihaadka waayo waxa u muuqda waxa loogu cawilayo . hadaba aynu isla eegno waxa alle ugu ballan-qaaday
(A) ninka ku dhinta (shahiida)
(1) waxa uu rasuulku yidhi : ( ninka ilaahay dartii loo dilaa waxa ilaahay agtiisa u yaalla arimo aan lala qabin : gobo’da u horaysa ee dhiigiisa ah ayaa loogu dambi dhaafaa . booska uu janada ku leeyahayna halkaas ayuu ka arkaa , argagaxa suurtana wuu ka bad-baadaa , cadaabta xabaashana waa laga nabad-geliyaa , waxana loo xidhaa taajka deganaanshaha , waxa loo guuriyaa 70 todobaatan xuurul ciin ah waxaanuu ilaahay ugu ergeeyaa 70 qoyskiisa ah .) xadiisku waa suganyahay ka eeg tarmadi & axmed & ibnu maajah .
Dhiiga shahiidku waa iftiin jidka lagu maro , waa khad taariikhda lagu qoro , waa webi geedka islaamka waraabiya .
(2) allena wuxu yidhi : ( kuwa alle diintiisa u geeriyooday nafohooda waxa la dhex geliyaa shimbiro cagaaran oo janada ka daaqda halkay doonto, una hoyato buul-shimbireed (qindiilo) ka soo laalaada carshiga . iyagoo sidaas ah ayuu alle soo jaleecaa, markaasbuu ku yidhaahdaa ? maxaad u baahantihiin ? waxay ugu jawaabaan iyaguna : oo maxaa noo dhiman sownagan janadii halkaanu doono ka daaqayna . markuu sadex jeer alle ku celiyo ayay ku yidhaahdaan : allahayow waxaanu ku waydiisanay in dib jidhkayagii naloogu celiyo, aduunkiina ku noqono si aanu usoo dagaalano oo mar labaad naloo soo dilo …….)
(3) ( ma jiro ruux ehlujanno ah oo jeclaysanaya in dib loogu celiyo aduunka shahiidka mooyaane , wuxu tamaniyayaa in toban jeer la celiyo hadana la soo dilo . )
(4) ( ha moodina kuwa ilaahay dartii loo dilay inay dhinteen , ma dhiman ee ilaahay agtiisa ayay ku noolyihiin laguna masruufayaa . ) .
(B) qofka ku dhawaacma :
Hal xadiis aynu ka soo qaadanno waxa uu rasuulkeenu yidhi : ( qofka lagu dhaawaco jihaadka iyo alle daraadii: waxa uu imanayaa maalinta qiyaamaha isagoo dhaawiciisa dhiig ka butaacayo, midabkii dhiigana leh balse caraftiisa aad miski moodo (cadar iyo udgoon) . ) .
Waxa sadexdan qodob lagu ladhaa mid afraad oo ah sida adag ee shareecadu ula hadashay dadka ka wahsada jihaadka amase ay la cuslaato ka dhaqaaqa dhalaalka aduun. Alle waxa uu yidhi ( waxaad ku tidhaahdaa hadii ay aabbayaashiin, ubadkiina , walaalihiin, ooryihiina , xigtadiina, iyo hanti aad kasbateen, badeeco aad ka cabsanaysaan inay idinka baarto , ama guryo idin qanciyay (haddii aad intaas) ka jeceshihiin alle iyo rasuulkiisa iyo alle dartii oo aad u dagaalantaan – suga inta alle ciqaabtiisu idiin imanayso !!!! ) waxa aayadaan u macno eg hadalkan rasuulka SCW ka sugn : ( hadaad ribada ku ganacsataan , ama xoolihiina iska jirataan , ama dalagiina iska falataan , sidaasna aad jihaadka ku ilawdaan – ilaahay waxa uu idin daba dhigayaa dullinimo aan idinka fuqayn ilaa aad diintiina usoo noqotaan (jihaadka) ) waxa kale oo uu yidhi. ( ninka aan duulin, naftiisana aan duulimaad kula faqin waxa uu la god galaa qayb munaafaqnimo ah )
Sadexdaa waji marka laysu geeyo waxa kuu soo bixi kara qiimaha alle ku duugay jihaadka iyo falkiisa , waxana nasiib u hela nin hoodo leh oo hooyadii u ducaysay .
W/Q: Sh. Khadar C/laahi Badeed
cagaarane@yahoo.com
Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan