Cidina uma maqna Ceelna uma qodna‏

Mahad Ilaahy kadib waxaan jeclaan lahaa inaan akhristayaasha la qaybsado xanuunka ay dareemayaan dhowrka malyan ee Soomalida ah ee ku kala nool daafaha dunida.

Soomaaliya waxaa ku dhacay nabar weyn oo aan la ogeyn halka ay uga baxayso dhibaatada haysata taas oo ay is weydiinayaan dad fara badan oo Soomaali ah iyo kuwo kale oo caalamka dadka ku nool ka mid ah. Qaar waxay is leeyihiin dhibaatadu ma dowlad la’aan baa mise waa Qabyaalad? qaarkalana waxay isleeyihiin ma khilaaf Diimeed baa mise waa Jahli Diimeed is maan dhaaf aan loo daadegin? qaar waxay is leeyihiin ma jinsiyado kala duwan baa is haya mise waa aqoon la’aan iyo hogaan xumo? qaar kale waxay leeyihiin ma khayraadka oo yar baa la isku hayaa mise khayraadkii baa buuxa oo la wadaagi la’ayahay?

Si kastaba ha ahaatee waddankaan waxa uu leeyahay calaamado cajaa’ib ah oo haddii la heli lahaa dad is fahma oo ku heshiiya ay sharaf iyo karaamo adduunka ku lahaan lahaayeen, balse waxaa jira arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:-

1-Dadkiisa oo ka kooban:-

a)Qiyaas ahaan (25—30)% qurba joog ka fogaadey waxa ka socda waddankoodii hooyo kuwaas oo ah dabaqadii ugu sareysey aqoon ahaan iyo waaya aragnimo dadkii Soomaalida ahaa ee soo jirey xilligii Dowladanimada.
b)Qiyaas ahaan (60-70)% intii ku hartay waddanka oo reer miyi ah kuwaas oo la liita celcelinta xayntii xoolaha ahayd ee ay haysteen iyo la tacaalida abaaraha soo noqnoqda ee aysan haysan cid la qorshaysa (Dowlad).
c)Qiyaas ahaan (30-40)% intii ku hartay waddanka oo ah kuwa isticmaala labada kore dadaaladooda (si xun iyo si fiicanba) kuwaan oo ah kuwa qaybta ugu weyn ka qaata degid la’aanta waddanka waa hadalku sax noqdee.

2- Soomaalida oo aan aad u fahmin micnaha waddan leeyahay maadaama dhaqanku asal ahaan reer guuranimo.
3- Adduunyada Muslimka oo ku jahawareertay Soomaalida kadibna aan wax muuqan kara ka qaban dib u dejinta waddanka.
4- Caalamka oo la is oran karo daacad kama aha wax ka qabashada dhibaatada raagtey ee Soomaalida haysata.

kuwaas iyo kuwo kalaba iyagoo jira ayaan waxaan jeclaan lahaa inaan kaliya wax yar ka iraahdo qodobka koobaad oo kaliya:
waa dib u eegidda qaybsanaanta awooddii umadda Soomaaliyeey:-
a)Reer Miyi.
b)Magaala Joog.
c)Qurba joog.
Saddexdaan qaybood ayaa leh waddanka hadaba qolo walbaa maxay u leedahay dhib iyo faa’iido Dalka iyo Dadka?
a)Reer Miyiga:-
-Faa’iidooyinka uu leeyahay.
* Xoolaha ayuu dhaqaa kuwaas oo ah isha dhaqaale ee umaddu ay ku tiirsan tahay Miyi iyo Magaalaba.
* (60—70)% Umadda Soomaalidu isaga ayey ku nooshahay taas oo muujineysa muhiimadda uu leeyahay Miyigu.
* Dalka ayey joogaan iyagoo meel walba jooga si ay u muujiyaan lahaanshaha Dalka (Tacmiir).
-Dhibaatooyinka Reer Miyigu ku hayo waddanka.
* Waxay kor u qaadaan akhris iyo qoraal la’aanta Umadda (Jahliga).
*Waxay kordhiyaan shaqo la’aanta Magaalooyinka maadaama ay aad usoo galaan iyagoo aan xirfad Magaalo lahayn oo waliba ah dad waaweyn.
* Waa ciidamada inta badan qaata qaybta ugu weyn ee dagaalada waddanka ama Qabaa’il ha isu laayeen ama ha ahaadaan Ciidanka dagaal oogaha.
* Waxay culays ku hayaan kuwii shaqaynayey oo ay dulsaar ku yihiin Miyi iyo Magaalaba.
Sidaas darteed wax badan kama oga waxa looyaqaan Waddan iyo Dowladnimo, waxbadana kama badeli karaan xaalka Waddanka.

b) Magaalo joog:-
-Faa’iidooyinka ay u leeyihiin Dalka iyo Dadka.
* Waxay buuxiyeen meelo badan oo baahida Umadda ah sida Waxbarashada, Caafimaadka, Ganacsiga, Iwm.
* Waxay quudiyaan badanaa Umadda Soomaalida iyagoo ka turjumey dhaqanka asalka ah ee umadda Soomaaliyeed (Isqaadasho), tas oo la’aanteed aan Soomaali la arkeen.
* Waxay camireen magaalooyin badan oo aan jireen la’aantood.
-Dhibaatooyinka Magaalo jooga ay ku hayaan Dalka iyo Dadkaba.
* Waxay soo dhoofiyaan cuntooyin dhacay kuwaas oo Dadka caafimaadkooda wax weyn u geystey intii Dowladdii Maxamed Siyaad Barre ka dambeysey maadaama aysan jirin cid ilaalisa (Quality Control).
* Sidoo kale waxay sida raashinka usoo dhoofiyaan daawooyin dhacay,iyo kuwo lasoo shaxaaday oo aan tayo badnayn iyagoo raadinaya macaash badan kuna soo gaata qiimo jaban, maadaama aan cidina ka baareyn.
* Waxay si xun u maamulaan hanti Dadka ka dhaxaysa waa deeqaha la siiyo Soomaaliya, waa Canshuuraha laga qaado Dadka.
* Waxay dagaalo ka dhex oogaan Umadda Walaalaha ah iyagoo maalkoodii dibedda iyo kan gudahaba u adeegsada isku laynta Ubadkii Umadda.
* Waxay abuuraan khilaafaad aan dhamaan, lagu kala adkaan, laguna heshiin.
* Waxay si xun u maamulaan magaalooyinka iyagoonba fahmin habka haboon ee loogu noolaado magaalooyinka loona hor mariyo.
Sidaas darteed waxba masoo kordhin karaan waddankana xaalkiisa wax badan kama badeli karaan, hadaba waa Su’aale ayaa u maqan waddankan xaalkiisu saas yahay???????????.

C- Qurba joogta Soomaaliyeedeey Fadhiga ka kaca.
- Faa’iidooyinka Qurba Joogta ee Dalka iyo Dadka.
* Waa iyaga kuwa soo dira lacagta lagu qiyaasay bishiiba (70—80) Milyan oo Maraykanka ah.
* Waa Iyaga kuwa Dhisay wadanka inta muuqata ee camiran.
* Waa iyaga kuwa badanaa lagu sameeyey hantidooda shirkadaha ka jira waddanka.
* Waa iyaga halka laga abuuro fikradaha wax ku oolka ah ee anfaca Umadda halka ay kasoo dhismeen Jaamacaduhu, halka ay ka yimaadeen Isbitaaladu, iyo Xawilaaduhuba.
* Aqoontii Ummada waa ilbaxnimadii Umadda, waa tacabkii Umadda, waa mirihii Dowladnimada iwm.
-Dhibaatooinka Qurba joogta ee Dalka iyo Dadka.
* Waxay ka qayb qaataan Dagaalada ka dhaca waddanka oo ay ku bixiyaan maalkooda.
* Waxay kala fogaadeen muruqoodii iyo maskaxdoodii wadankoodii hooyo.
* Waxay Dhiirigeliyeen in la yeelan karo waddan kale iyo dhalasho kale taas oo caaqiibo xun ku reebi doonta jiritaanka Umadda Soomaaliyeed haddii aan lagu baraarugin.

Intaas kadib waxaa muuqata in qolyaha qurba joogto qaybta ugu muhiimsan ka ciyaari karto dib u dejinta dalkoodii hooyo ee xaqa weyn ku lahaa, sidoo kale qolyaha magaalo joogta ah oo iyana ku dadaali karta inay u dhaqaaqaan halka saxda ah, ugu dambayntii waxaan qabaa in haddii la yeelo arimhaan xaalka waddanku hagaagi lahaa, Soomaaliduna dhibka ka bixi lahyd:-

1-In walaalaha Qurba joogtu dhexda marada ku xirtaan oo u dhaqaaqaan dhanka dib u heshiisiinta Dadka walaalaha ah ee uusan dhex oolin wax weyn oo la garan karo.
2-In walaalaha qurba joogto ku talo galaan in ay waddankooda geliyaan Muruqooda iyo Maskaxdooda maadaama aysan jirin cid ka dambaysa oo ay ka sugayaan xalka Waddanka.
3-In Culimadda Diinta Islaamka oo aad looga tixgeliyo waddanka maadaama umaddu tahay umad muslim ah ay u istaagaan dib u heshiisiin qaran, beel-beel iyo reer-reerba, si loo gaaro Dowladnimo iyo Walaalnimo buuxda iyadoo la tixgelinayo dhaxalgalka xiriirka Alle ee inaga dhexeeya.
4- in Siyaasiintu ogaadaan haddii ay si fiican oo islaamnimo, waddanimo iyo dadnimo ku jirto wax u raadshaan in helayaan wax fiican, ayna wax walba ka hormariyaan jiritaanka iyo nolosha umadda Soomaaliyeed taas oo iyaguna dhankooda u barwaaqoobi doonaan, ayna tijaabiyaan bal sida ay ku jiraan si dhaanta.
5-In Qabaa’ilka Muslimka ahi garowsadaan xiriirka ka dhexeeya ee Walaalnimo ayna heshiyaan isuna tanaasulaan.
6- In Umadda Soomaaliyeedi ogaato in waddankeenu qani yahay oo haddii aan si caqli ku jiro u heshiino aan kuligeen ka baxayno dhibka uuna inaga badan yahay, haddii kalana aynuba waayi doono isagoo oo dhan noqona doono Dadka loo yaqaan Biduun oo kale.
7- In la raadiyo hogaamiyeyaal fiican kadibna loo hogaansamo oo aan la khilaafin iyadoo waliba la samaysanayo qaabab nololeed oo heshiis lagu yahay oo uu u horeeyo kan ilaahay.

Bile C/laahi Warsame
bilaal150@yahoo.com

Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

Fikrad ka dhiibo