Maxamed Sh. Cabdiraxman Kariye
HORDHAC:
Shaki kuma jiro in maanta Islaamka lagu hayo weerer diiniyi oo looga dan leeyahay sidii loo mijo xaabin lahaa arimaha sugan ee la xidhiidha caqiidada, sidii jaho wareer loo galin lahaa arimaha ku tacaluqa akhlaaqda Islaamiga ah, iyo sidii wax wayn looga bedli lahaa axkaanta Alle u dejiyay xukunka, siyaasada, bulashada, dhaqaalaha iyo dhinacyada kale ee la xidhiidha nolosha Muslimiinta.
Weerarka fikriga ah ee la doonayo in lagu mijoxaabiyo arimaha diintu sugtay een marnaba aqbaleyn gorgortan, iyo ra’yi-ka-dhiibasho, dhinacyo badan ayuu abbaarayaa kuna wajahanyay, waxa se helis badani ku jirtaa oo khatar weyn keeanysa in kuwa mu’aamaradan fulinayaa huwan yihiin magic Islaam!! Taasina waa arin lagu siri karo dadbadan oo Muslina, waxay hareer mari kartaa dad badan oo niyad wanaagsan, haseyeeshee ay ku habsatay waxay culimadeena kuwo ka midi ku magacaabeen qaflatul saalixiin “غفلة الصالحين” , waxayna tahay mushkilad ka dhalata in qof saalixa oo diin wanaagsani ku fashilmo inuu fahmo sirta cadowgiisa, ku simbiriirixdo dabinka loo dhigay, isla markaan garan waayo shaxda loo degayo.
{وَكَذَلِكَ نفَصِّلُ الآيَاتِ وَلِتَسْتَبِينَ سَبِيلُ الْمُجْرِمِين}
Cilmaaniyiinta, libraaliyiinta iyo kooxaha shareeco diidka ah oo horseed ka ah weerarkan fikriga ah ee lagu hayo diinta iyo caqiidada ayaa waxa ajendyaashooda kuwa ugu waaweyn ka mida inay mijo xaabiyaan axkaamta sugan ee Ilaahay u dejiyay haweenka. Wajiyo badan ayey leedahay sida ay u doonayaan marin habaabinta walaasha Muslinka ah, wadiiqooyin kala jaadana wey u maraan, siyaabo kala duwana aey adeegsadaan. Qormadan waxaanu ku gorfeyn doonaa qadiyad waayahan dambe la bilaabay, loolana jeedo sidii loo gilgili lahaa ddorka Alle subxanuhu wa tacaalaa u xadiday haweenka Muslinka. Siday nala tahayna waxay hordhac u tahay arimo kal oo ka khatar badan, waxayna qayb ka tahay mashruuca ay libraaliyiinta iyo cilmaaniyiinta (zanaadiqada waqtigani) ay doonayaa inay ku burburiyaan axkaamta diinta.
Waxa la wada maqlay dhacdadii layaabka iyo amakaaga ku keentay muslimiinta ku nool Waqooyiga Ameerika ee ahayd inay haweenay Maraykana oo la yidhaahdo Dr. Amina Waduud ay khudbadda Jimacha ka akhriday salaadna ku tukisay rag iyo dumar is dhex fadhiya kaniisad ku taala magaalada New York, 18 March 2005 .
Waxa la yaab leh in kuwa qabanqaabiyay salaadan bidciga ah ee shareecada khilaafsani ay ku andacoodeen in looga dan leeyahay sidii loo taageeri lahaa sinaanta ragga iyo dumarka. Waxa cajiiba oo iswaydiin leh waxtarka ay haweenay rag tukisay ku soo kordhin karto qadiyada dumarka iyo xaqiijinta xuquuqda dumarka oo ah mid ay shariicadu sugtay shan iyo toban qarni ka hor.
Haddaba iyadoo masaladu ku lug leeadahay shareecada ayaa waxaan maqaalkan ku muujiyay in arinkani yahay mid diinta iyo shareecadfa aan sinaba ugu banaanayn.
Waa wax aan hore loogu maqal taariikhda Muslimiinta; jamaahiirta culimada islaamka ooy ka mid yihiin afarta madhabood waxay isku waafaqeen inaan dumarka arinkan loo ogolayn una banaanayn.
قال ابن قدامة : “وأما المرأة فلا يصح أن يأتم بها الرجل بحال في فرض ولا نافلة في قول عامة الفقهاء” [ المغنى: 3/33].
Ibnu Qudaama ayaa yidhi: “ Sida ay fuqahada badankoogu arkaan ma banaana inay raggu ku daba tukadaan haweenay faral iyo sunne midnaba”
وقال ابن الرشد : ” فالجمهور على أنه لا تجوز أن تؤم الرجال” [بداية المجتهد ونهاية المقتصد: 2/289].
Ibnu Rushdi ayaa isaguna yidhi:: “Culimada badankoogu waxay arkaan inayna haweenayda u banaanayn inay tukiso ragga”.
Intay haweenay minbarka fuusho ooy khudbadda jimcaha ragga u akhridaana waaba mid aan hore loogu maqal taariikhda islaamka. Waxase cad in ficilkan bidciga ah eey haweenaydani ku kacday yahay mid lajaan qaadaya ololaha islaam la dirirka ah ee maanta aloosan. Siday CNN-tu ku sheegtay webkeeda waxaa salaadan ka adintay gabadh masriyada oo madax qaawan! Jamacu wuxuu ka koobnaa ilaa kontomeeye qof oo iskugu jira rag iyo dumar isdhex fadhiya, si loo muujiyo sinaanta ragga iyo dumarka ayay dumarkii ku soo qamaameen safafka hore, waxaana la tukaday tiiyo raggii iyo dumarkii garbaha isku hayaan!!
Hoos waxa ku tibaaxan caddaymo tilmaamaya qallooca ay leedahay dhacdadan shariicada ka soo horjeedaa iyo sida ay uga xag jirto ficilkay muslimiintu ku soo dhaqmayeen illaa xilligii Nabiga صلى اللّه عليه وسلم.
Sidaad arki doonto waxa cad inay afrata madhab ee Xanafiga, Maalikiga, Shaaficiga Iyo Xanbiliguba ka siman yihiin diidista amuurtan, isla markaana ay jamaahiirta culimada islaamku aanay ansixinin.
Axnaafta :
قال ابن عابدين الحنفي في رد المحتار 1/577: “ولا يصح اقتداء رجل بامرأة، أي في الصلاة
Ibnu Caabidiin Al-xanafi ayaa ku yidhi Raddul mukhtaarka (1/577): “Ma ansaxayso salaaduu nin ku daba tukado haweenay.”
Maalikiyada:
جاء في رسالة ابن أبي زيد القيرواني(كفاية الطالب الرباني على رسالة بن أبي زيد القيرواني2/7): “ولا تؤم المرأة في فريضة ولا نافلة، لا رجالاً ولا نساءً.”
Ibnu Abii Zayd Al-Qayrawaani ayaa yidhi: “ Haweenayda uma banaana inay rag iyo dumar midna imaam u noqoto, faral iyo sunne midnaba.”
قال الباجي في المنتقى 459/1: ” فأما ما يمنع صحة الإمامة عند مالك فعلى ثلاثة أضرب : أحدها الأنوثة، والثانية الصغر، والثالثة نقص الدين، أما الأنوثة فإن المرأة
لا تؤم رجالاً ولا نساءً، في فريضة ولا نافلة.”
Al-Baaji ayaa ku yidhi Al-Muntaqaa 1/459: “Waxyaabaha uu Imaam Maalik yidhi way manciyaan imaamnimada waa seddex nooc: 1) Dhedignimada, 2) Yaraanta, iyo 3) Nuqsaan diimeed. Hadaba dhedignimadu waa inayna haweenaydu imaam u noqon karayn rag iyo dumar, faral iyo sunne toona.”
Shaaficiyada:
وقال الشافعي في الأم 1/191: “وإذا صلت المرأة برجال ونساء وصبيان ذكور فصلاة النساء مجزئة، وصلاة الرجال والصبيان الذكور غير مجزئة ; لأن الله عز وجل جعل الرجال قوامين على النساء وقصرهن عن أن يكن أولياء، ولا يجوز أن تكون امرأة إمام رجل في صلاة بحال أبدا”.
Imam Shaafaci ayaa ku yidhi Al-um (1/19): “Haddii ay gabadhu tukiso rag iyo dumar iyo caruur inamo ah salaada dumarku waa ansax, laakiin salaada raga iyo caruurta inamada ahi ma ansaxayso; waayo Ilaahay ayaa ragga ka yeelay kuwo u taagan maamulka haweenka, wuxuuna ka reebay inay hogaan noqdaan, oo sinabana kuma banaana inay haweenay imaam u noqoto nin.”
قال النووي الشافعي في المجموع 4/151: “اتفق أصحابنا على أنه لا تجوز صلاة رجل بالغ ولا صبي خلف امرأة، وسواء في منع إمامة المرأة للرجال صلاة الفرض والتراويح , وسائر النوافل هذا مذهبنا , ومذهب جماهير العلماء من السلف والخلف- رحمهم الله- وحكاه البيهقي عن الفقهاء السبعة فقهاء المدينة التابعين, وهو مذهب مالك وأبي حنيفة وسفيان وأحمد وداود وقال أبو ثور والمزني وابن جرير: تصح صلاة الرجال وراءها , حكاه عنهم القاضي أبو الطيب والعبدري”
Imam Nawawi ayaa ku yidhi Al-majmuuc (4/151): “Waxay isku waafaqeeen asxaabtaydu (culimada shaaficigu) inayna u banaaneen nin qaangaadha iyo wiil yar midna inay ku daba tukadaan haweenay, ha ahaato salaad farada, taraawiix, iyo dhamaan sunaha midna, sidaasi ayuu yahay madhabkayagu, waana madhabka culimada badankooga, salafkii iyo khalafkiiba Alle ha u naxariistee. Bayhaqi ayaa yidhi waa madhabka todobada faqiih oo ahaa fuqahadii taabiciinta ee Madiina, waana madhabka Maalik, Abuu Xaniifa, Sufyaan, Axmed iyo Daa’uud. Abuu Thawr, Muzani iyo ibnu Jariir ayaa iyagu yidhi salaada raggu ku daba tukadaan haweenay way ansaxaysaa., waxaana sidaa ka soo wariyay Qaadi Abuu Dayib iyo Al-Cabdari.”
Xanaabilada:
وقال المرداوي الحنبلي في الإنصاف2/263: “ولا تصح إمامة المرأة للرجل هذا المذهب مطلقا، وعنه تصح في التراويح ولا يجوز في غير التراويح، فعلى هذه الرواية، قيل: يصح
إن كانت قارئة وهم أميون ، وقيل: إن كانت أقرأ من الرجال ، وقيل: إن كانت أقرأ وذا
رحم، وقيل: إن كانت ذا رحم أو عجوز.”.
Al-mardaawi Al-xanbali ayaa ku yidh Al-insaaf 2/263 : ” Ma banaana inay haweenaydu ragga imaam u noqoto, sidaasi ayaa madhabka ah, waxa laga soo wariyay inuu baneeyay taraawiixda oo kaliya. Riwaayadan haddii la cuskadana waxa la yidhi: way banaantahay haddii ay tahay qaari’ad iyaguna ay yihiin ummiyiin, waxa kale oo la yidhi hadday ka akhrin wanaagsan tahay ragga, waxa kale oo la idhi haddii ay ka akhrin wanaagsantahay ragguna yihiin riximkeeda, waxa kale oo la yidhi hadday rixim u tahay ama habar wayn iyadu tahay.”
Qoloda xanaabilada ka mida ee yidhi way u banaantahay inay ragga tukiso salaadda taraawiixda oo kaliya waxay u dhigeen shuruud adag ooyna marnba ku farxi karayn casraaniyiinta (the modernists) doonaya inay qolloociyaan axkaanta shareecada si ay u waafajiyaan doonista iyo danaha jihooyin ajnabiya. Haddaad si fiican u akhrido hadalka Al-mardaawi ee kor ku tibaaxan waxaad arkaysaa inuu sheegay dhowr xaaladood oo la’aantood ayna imaamnimada dumarku ansaxayn xitaa taraawiixda sida uu leeyahay ra’yi ay qaateen qolooyinkani. Shuruudaa uu sheegayna waxay tahay: 1) inay iyadu tahay qaari’ad iyaguna yihiin ummiyiin. 2) inay ka akhrin wanaagsantahay iyaguna yihiin riximkeeda, sida aabeheed, ninkeeda, walaalkeed, inankeeda iwm. 3) inay iyadu tahay habar da’wayn. Waxa jira shardi kale oo uu Ibnu Qudaama ku sheegay( Al-Muqnii: 3/33), kaasi oo ah inay markay tukinayso istaagto xagooga dambe.
Waxa xusuus mudan in ra’yiga xoogga ku leh xanaabiladu uu yahay inayna dumarka u banaanayn inay ragga tukiyaan, sidaa awgeed ayuu Ibnu Qudaama u diiday una naqdiyay ra’yiga odhanaya way tukin kartaa taraawiixda (Al-muqni: 3/33-34).
Daahiriyada:
وقال ابن حزم في المحلى 2/167: “ولا يجوز أن تؤم المرأة الرجل ولا الرجال, وهذا ما
لا خلاف فيه , وأيضا فإن النص قد جاء بأن المرأة تقطع صلاة الرجل إذا فاتت أمامه، مع حكمه بأن تكون وراء الرجل في الصلاة ولا بد, وأن الإمام يقف أمام المأمومين ولا بد”.
Ibnu Xazam ayaa ku yidhi Al-muxallaa 1/167 : “ Ma banaana inay haweenaydu tukiso nin kaliya iyo rag badan midna, arinkana waa mid aan laysku khilaafin. Waxa kale oo naska ku yimid inay haweenaydu goynayso salaada ninka hadii ay hor marto, waxana xukunka Nabigu yahay inay ku daba tukado ninka iyo inuu mar walba imaamku is hor taago ma’muumiinta.”
Culimada Casirigan:
Gudidada Fatwada Ee Sucuudiga:
Gudida Fatwada ee Sacuudiga ayaa ku fityootay oo tidhi: “ ma banaana inay dumarku tukiyaan ragga”, Al-fataawaa 7/390.
Sh. Muxamad Saalix ibnu Cuthaymiin:
قال رحمه اللّه في الشرح الممتع 4/312: ” ودليل آخر أن النبي صلى اللّه عليه وسلم قال :
( خير صفوف النساء آخرها) وهذا دليل على أنه لا موقع لهن في الأمام، و الأمام لا يكون
إلا في الأمام، فلو قلنا بصحة إمامتهن بالرجال لانقلب الوضع فصارت هي المتقدمة على الرجل، وهذا لا تؤيده الشريعة.”
Wuxuu sheekhu ku yidhi buugiisa Al-sharxul Mumtic 4/312: “Daliil kalena waa inuu Nabiga صلى اللّه عليه وسلم yidhi: (safafka dumarka waxa ugu khayr badan kuwa ugu dambeeya) hadalkani wuxuu u daliil yahay inayna meel ku lahayn xagga hore, imaamkuna waa inuu kolayba istaago xagga hore, hadaba haddaynu u ansixino inay ragga tukiyaan waxay taasi afganbi ku keenaysaa wadciga, oo iyadii ayaa raggii ka horaynaysa, arinkana shariicadu ma ayidsana.”
وفي مجموع فتاوى الشيخ محمد بن صالح العثيمين –رحمه الله- (15/147) فتوى رقم (1007) سئل فضيلته عن حكم إمامة المرأة للرجال، فأجاب فضيلته بقوله: المرأة لا تؤم الرجال مطلقاً (فلن يفلح قوم ولوا أمرهم امرأة).
Waxa fataawaha Sheekh Muxamad Ibnu Saaalix Al-Cuthaymiin (15/147; fatwada numbarkeedu yahay : 1007) in Sheekh Ilaahay ha u naxariistee la waydiiyay : xukunka ku sahabsan inay haweenay dumar tukin karto? Wuxuu ku jawaabay Sheekhu inuu yidhi: “ Marnaba haweenaydu ma tukin karto ragg (( Ma aflaxaan qoom haweenay arinkooga u dhiibtay- xilsaartay-))
Golaha Fuqahada Shareecada ee Ameerika:
Caddayn uu soo saaray Golaha Fuqahada shareecada ee Ameerika oo uu ku saxeexan yahay Dr. Salaax Saawi ayaa sidan hoos ku tibaaxan sheegay:
“Bari iyo galbeedba waxay ummaddu isku waafaqday inayna dumarku shuqul ku lahayn khudbadda Jimcaha iyo imaamnimada salaada, qofkii arinkan ka qayb qaatana salaadiisu waa baadil, imaam iyo ma’muum labadaba.”
Maxaa u daliila fatwadan:
1. Aayadda Qur’aanka:
قال اللّه تعالى: { الرجال قوّامون على النساء} [النساء : 33]
Ilaahay tacaalaa wuxuu yidhi : { Raggaa u taagan maamulaka dumarka }
Aayadan kariimka ayuu Imaam Shaafici Ilaahay ha u naxariistee u daliishaday inayna dumarka u banaanayna inay imaam u noqdaan ragga ( Al-Um: 1/191) , taasina waxay tusaysaa xeel-dheerida fiqiga Imaam Shaafici iyo fahamka ballaadhan ee uu lahaa kitaabka Ilaahay.
Qawaamada iyo fadliga dheeraadka ah ee ragga la siiyay ayaa manciyaysa inay dumarku ragga salaada tukiyaan.
2. Xadiiska Koowaad:
روى البخاري عن أبي بكرة رضي اللّه عنه أن النبي صلى اللّه عليه وسلم قال: (لن يفلح قوم ولوا أمرهم امرهم امرأة) [البخاري :4425].
Bukhaari ayaa ka soo wariyay Abuu Bakrah Ilaahay raali ha ka noqdee inuu Nabigii Alle صلى اللّه عليه وسلم yidhi: (ma liibaanayaan qoom arinkooka u dhiibay haweenay). Xadiisku wuxuu tilmaamayaa in dumarka aan la xil saaran loona dhiibin madaxnimada ummadda, waxa kaloo laga daliishanayaa inayna banaanayn in loo dhiibo imaamnimada salaadda waayo imaamnimada salaadu waxay ka mid tahay madaxnimada diinta .
3. Xadiiska Labaad:
أخرج مسلم في صحيحه عن أبي هريرة رضي اللّه عنه (440) قال : قال رسول اللّه صلى
اللّه عليه وسلم: ((خير صفوف الرجال أولها وشرها آخرها، وخير صفوف النساء آخرها
وشرها أولها))
Muslim ayaa ka soo wariyay Abuu hurayra Ilaahay raali ha ka noqdee inuu yidhi: Nabiga صلى اللّه عليه وسلم ayaa yidhi: ((Safafka ragga waxa ugu khayr badan kuwa ugu horeeya waxana ugu shar badan kuwa ugu dambeeya, safafka dumarkana waxa ugu khayr badan kuwa ugu dambeeya waxana ugu shar badan kuwa ugu horeeya.))
Xadiiskani wxuxuu si cad u tilmaamayaa ujeedo ay shareecadu dhidibada u aasatay oo ah in xaalka dumarku ku dednaado xishmad iyo xishood. Taasina waxay caawinaysaa in la hor istaago fitnada, fasahaadka iyo sharka ka unkama markay ragga iyo dumarku is dhex galaan. Si arinkan loo xoojiyo ayuu Nabigu صلى اللّه عليه وسلم uu dumarkii ku tukanyay masaajidkiisa u sameeyay albaab iyaga u gaara, wuxuu kaloo ragga u sheegay inay fadhiyaan ooy sugaan intay dumarku baxayaan, Haddaba hadday shareecadu arinka heerkaa gaadhsiisay sidee ayaa loo odhan karaa way u banaantahay dumarka inay ragga imaamyo u noqdaan amaba ay minbarka fuulaan si ay u akhriyaan khudbadda jimcaha? Waxa halkan ka cad fool xumida uu arinkani leeyhay iyo fitnada uu dhalinayo.
Faa’iido:
Arinka uu xadiisku tilmaamay ee ah in safafka dumarka ay ugu khayr badan yihiin kuwa ugu dambeeya waxa loola jeedaa haddii ay ragga iyo dumarku meel kaliya ku wada tukanayaan: haddiise ay dumarku leeyihiin meel u gaara ooy ku tukadaan, waxa kolkaa safafkooga ugu khayr badan kuwa ugu horeeya sida ragga oo kale (Fataawaa AsSalaah, Sh. Muxamad Ibnu Saalix Al-Cuthaymiin: 311).
4. Waxay Culimada Badankoogu isku waafaqeen:
Inayna dumarka u banaaneyn inay ragga tukiyaan iyo inay khudbadda jimcaha akhriyaan ayay ummadu ku camalfalaysa salaf iyo khalfba, taariikhda ummadana laguma hayo haweenay intay fagaaraha u soo baxday tidhi ragga ayaan imaam u noqonayaa, khudbada jimcahana waan akhriyayaa. Sidaa awgeed ayuu imaam Nawawi u yidhi:
قال النووي الشافعي في المجموع 4/151: “اتفق أصحابنا على أنه لا تجوز صلاة رجل بالغ ولا صبي خلف امرأة، وسواء في منع إمامة المرأة للرجال صلاة الفرض والتراويح , وسائر النوافل هذا مذهبنا , ومذهب جماهير العلماء من السلف والخلف- رحمهم الله- وحكاه البيهقي عن الفقهاء السبعة فقهاء المدينة التابعين, وهو مذهب مالك وأبي حنيفة وسفيان وأحمد وداود.”
Nawawi ayaa yidhi (Al-majmuuc 4/151): “Waxay isku waafaqeeen asxaabtaydu (culimada shaaficigu) inayna u banaaneen nin qaangaadh iyo wiil yar midna inay ku daba tukadaan haweenay, ha ahaato salaad farad ah, taraawiixda, iyo sunaha midna, sidaasi ayuu yahay madhabkayagu, waana madhabka culimada badankooga, salafkii iyo khalafkiiba- Alle ha u naxariistee. Bayhaqi ayaa yidhi waa madhabka todobada faqiih oo ahaa fuqahadii taabiciinta ee Madiina, waana madhabka Maalik, Abuu Xaniifa, Sufyaan, Axmed iyo Daa’uud.”
Taariikhda Islaamka waxa ka buuxa dumar culimo ah oo heer sare ka gaadhay cilmiga shareecada, sida caalimaddii waynayd ee Caa’isha bintu Abii Bakar Ilaahay raali ha ka noqdee, heerka sare eey ka gaadhay cilmiga shariicada ayaa keentay in looga markhaati kaco arinkaa. Bal adba eeg waxa laga sheegay:
قال أبو موسى الأشعري رضي الله عنه : ” ما أشكل علينا أصحاب رسول اللّه صلى اللّه عليه وسلم حديث قط، فسألنا عائشة إلا وجدنا عندها منه علماً” [ أخرجه الترمذي وقال: حسن صحيح].
Abuu Muusa Al-ashcari Ilaahay haka raali noqdee ayaa yidhii: “ Haddaanu saxaabadii Rasuulka Alle صلى اللّه عليه وسلمnahay; xadiiskaanu fahmi wayno eenu Caa’isha waydiinaba cilmi ayay nooga sheegtay.”
Axaadiista la xidhiidhta axkaanta eey Bukhaari iyo Muslim soo wariyeen waxa weeyi kun iyo laba boqol oo xadiis, axaadiista caa’isha Ilaahay raali ha ka noqdee ee ku qoran Bukhaari iyo Muslimna waxay yihiin laba boqol iyo dhowr iyo sagaashan xadiis, oo in yar mooyaane ay inta kale la xidhiidhto axkaanta; sidaa awgeed ayuu Al-xaakim yidhi:
“فحُمِل عنها ربع الشريعة” [الإجابة لإيراد ما استدركته عائشة على الصحابة/ للزركشي: 59]
“Waxa laga xanbaaray shareecada afar marka loo qaybiyo qayb ahaan.”
Taariikhda ayaa ka markhaatiya dumarka culimada ahaa ee ku caan baxay cilmiyada xadiiska iyo fiqiga ee magacyadooda iyo taariikh nololeedkoogu ku xusanyahay bogagga kutubta islaamka. Al-xaafid Athahabi ayaa ka marag kacay qadarinta iyo ixtiraamka ay mutaysteen dumarka culimada ahaa markuu ku yidhi buuggiisa qaayaha leh ee Miizaan Al-ictidaal(4/604):
“وما علمت من النساء من اتهمت ولا من تركوها”
“ Ma garanayo haweenay la tuhmay iyo mid laga tagay midna”
” لم يؤثر عن إمرأة أنها كذبت في الحديث.”
“ Lama soo sheegin haweenay been ka sheegtay xadiiska.”
Waxa kaloo aynu taariikhda ku haynaa inay jireen imaamyo waawayn iyo culimo ragga oo cilmiga ka bartay dumar, sida Shaafici, Bukhaari, ibnu xayaan, xitaa waxa jirta inay sheekhyada wax baray Al-xaafid ibnu Casaakir ay ka mid ahaayeen dhowr iyo todobaatan dumari. Muxamad ibnu Sacad ayaa isaguna ku tibaaxay kitaabkiisa Al-dabaqaat todoba boqol iyo dheeraad dumara oo xadiiska ka soo wariyay Nabigii Alle صلى اللّه عليه وسلمiyo saxaabadiisii. Waxa ka mida dumarka culimada ahaa inantii uu dhalay Saciid ibnu Musayib oo ninkeeda sheekh u noqotay, Imaam Maalik inantiisa oo Muwada’ xafiday, Al-xaafid Al-ciraaqi inantiisa oo ninkeega Al-Xaafid Alhaythami ka caawinjirtay kutubta xadiiska iyo kuwo kale oo fara badan oon la soo koobi karayn. [Cawdad Al-xijaab/ M.Ismaaciil; 2/281-294].
Haddaba iyadoo taariikhda lagu hayo dumarkaa cilmiga badnaa haddana kolnaba lama maqal haweenay ku andacootay oo tidhi raggaan salaad tukinayaa. Waxaana xusuus mudan inaynu fahamno in waxa soo saaray dumarkan culimada ahi yahay taqwadoodii, diin wanaagoodii iyo axkaanta Ilaahay ooy xafideen.
Maxay daliishadeen kuwa leh dumarku ragga ha tukiyaan:
Waxa kaliyee la odhan karo way ku andacoodeen kuwa maanta leh way banaantahay in haweenku tukiyaan ragga iyo inay khudbadda jimcaha akhriyaan waxa weeyi xadiiska hoos ku tibaaxan:
أخرج أبو داؤود بسنده عن عبدالرحمن بن خلاّد عن أم ورقة بنت عبداللّه بنت الحارث ((أن النبي صلى اللّه عليه وسلم أمرها أن تؤم أهل دارها)) . قال عبدالرحمن : فأنا رأيت مؤذنها شيخاً كبيراً. [عون المعبود:2/211]
Abuu Daa’uud ayaa ka soo wariyay Ummu Waraqa “inuu Nabigu صلى اللّه عليه وسلم amray Inay tukiso dadka gurigeeda ehelka u ah.”[Cawanul Macbuud :2/211]
Xadiiskan waxa lagaga jawaabay arimo dhowra oo kala ah sida hoos ku tibaaxan:
Ta koowaad: inuu xadiisku daciif yahay, loona daliishan karayn masalada laga niqaashayo, culimada tilmaamtay dacfigiisa waxa ka mida kuwa soo socda ee yidhi sidan:
قال عنه الباجي في المنتقى شرح الموطأ: “هذا الحديث مما لا ينبغي أن يعول عليه”.
Al-baajii ayaa ku yidhi Al-muntaqaa sharax Al-muwada’: “xadiiskan ma haboona in la cuskado”
وقال ابن حجر في التلخيص الحبير 2/56: “في إسناده عبد الرحمن بن خلاد، وفيه جهالة”
Ibnu Xajar ayaa ku yidhi At-talkhiis Al-xabiir: (52/56): “Isnaadkiisa waxaa ku jira Cabdul Raxmaan ibnu Khallaad, xaalkiisana lagama war hayo.”
Ta labaad: Haddii la qaato hadalka culimada xadiiska ansixisay ooy ka mid yihiin ibnu Khuzayma oo yidhi xadiisku waa saxiix, siduu Ibnu Xajar ku sheegay Buluuq Al-maraam(84), iyo Al-baani oo yidhi xadiisku waa xasan ( Irirwaa Al-qaliil : 2/255); waa in la yidhaahdo imaamnimadeedu waxay ku gaar ahayd dumarka gurigeega, ra’yigan waxa ayidaya ama taageeraya riwaayada Daaraaqudni oo odhanaysa:
“إنه أمرها أن تؤم نساء أهل دارها” [سنن الداراقطني 1/279]
“ Waxa uu amray inay tukiso dumarka gurigeeda.”
Waxaan jirin xadiis si cad u tibaaxaya inuu Nibigu صلى اللّه عليه وسلمamray inay tukiso ragga gurugeeda jooga, xitaa haba noqdaan kuwa muxrimkeeda ahe. Sidaa awgeed ayaa la odhan karaa waa in la cuskado riwaayada Daaraaqudni ee caddaysay inuu Nabigu صلى اللّه عليه وسلم amray inay tukiso dumarka gurigeeda, sidaa awgeed ayuu Ibnu Qudaama u yidhi:
قال ابن قدامة في ( المغني:3/33) : “وهذه زيادة يجب قبولها”
“ Waxa waajiba in la aqbalo ziyaadadan”
Gudida Fatwada ee Sacuudiga oo Sh.CabdulCaziiz ibnu Baaz madax ka ahaa ayaa iyaguna taageeray ra’yigan odhanaya wuxuu Nabigu صلى اللّه عليه وسلمamray um Waraqa inay tukiso dumarka gurigeeda; Waxay yidhaahdeen:
“وروي عن النبي صلى اللّه عليه وسلم أنه أمر امرأة أن تؤم أهل دارها، يعنى من النساء.”[ فتاوى اللجنة الدائمة للبحوث العلمية والإفتاء: 7/392]
“ Nabiga صلى اللّه عليه وسلم ayaa amray haweenay ka mida saxaabadiisa inay tukiso dadka gurigeeda, yacnii dumarka.”
Ra’yigan waxa ka hor imanaysa su’aasha ah: maxaad kaga jawaabaysaan inuu Nabigu u magacaabay nin u adima markay salaaddu soo gasho? Jawaabta laga bixiyay waxay tahay inay suura gal tahay inuu u adimi jiray ka dibna uu jamaacada ragga ee masaajidka la tukan jiray. Waxaynu Sunaha ku haynaa inuu Nabigu صلى اللّه عليه وسلم ragga uga digay inay guryaha ku tukadaan, kuna hamiyay inuu guryaha kugubo rag aan jamaacada iyo masaajidada ka soo xaadirin, waxaynu kaloo xadiiska ku haynaa inuu Nabigu صلى اللّه عليه وسلم cudurdaar siin waayay ibnu um Maktuum Ilaahay ha ka raali noqdee oo ahaa saxaabi indhoola ah, kuna amray inuu jamaacada ka soo xaadiro hadduu eedaanka maqlayo.
Ta seddexaad: Waa in la aqbalo inay tukinaysay ragga gurigeeda, hayeeshee waxa xadiiska ku cad in ay ahaayeen muxrimkeega, iyaduna ay ahayd qaari’ad ku wanaagsan Qur’aanka. Kolkaasi waa xad gudub in islaan gabowday oo tukinaysa rag muxrim u ah la barbar dhigo xaaladdan maanta fitnada ku keentay muslimiinta ku nool Maraykanka ee ah inay haweenay doonayso inay imaam iyo khadiib jimce ka noqoto dad isugu jira rag iyo dumar.
Sidaa awgeed ayaa imaam Axmed laga wariyay inuu leeyahay ra’yi odhanaya way banaantahay inay haweenaydu salaada taraawiixda imaam u noqoto rag haddii ay iyadu tahay qaari’ad cajuusada, ragguna yihiin muxrim aan Qur’aanka akhriyi karayn. Waxa halkan kaaga cad – Ilaahay xaqa hayna garansiiyee - inuu imaamku arinkan ku dabray shardiga aynu tibaaxnay. Waxaynu waliba intan ku daraynaa inay qolada banyasay inay hawaynada sidan oo kale ahi tukin karto ragga gurigeeda ee muxrimka u ah ay yidhaahdeen waa inay is daba taagto markay tukinayso ooyna hortooda istaagin.
قال المرداوي في الإنصاف: ” حيث قلنا: تصح إمامتها بهم، فإنها تقف خلفهم؛ لأنه أستر، ويقتدون بها. هذا الصحيح .”
Mardaawi ayaa ku yidhi Al-insaaf : “ Haddaynu nidhi way ansaxaysaa imaamnimadeedu, waxa weeyi inay isdaba taagto, iyaguna ku xidhaan, waayo sidaasi ayaa asturan. Sidaasi ayaana saxa.”
Ta afraad: Waa in la yidhaahdo arinka iyo oglaanshaha la siiyay Um Waraqa inay imaam noqotaa iyada ayuu gaar ku ahaa ( Al-Muqni/Ibnu Qudaama:3/33):
“ولوقُدِّر ثبوت ذلك لأم ورقة لكان خاصاً لها”
“Hadduu arinkani u sugnaaday Um Wararqa, waxa weeyi inuu iyada ku gaar ahaa”
.
Haweenaydu way tukin kartaa haween kale:
Way banaantahay inay haweenaydu imaam u noqoto haween kale, sidaana waxa laga soo wariyay: Caa’isha, Um Salama, Cadaa, , Ath-thawri, Al-awzaaci, Isxaaq iyo abuu thowr. Shaafici iyo Axmed ayaa iyaguna ra’yigan qaba (muqni Al-muxtaaj 1/247, Al-muqni 2/202, Abuu Xaniifa wuu karaahiyeystay, haddayse tukiso salaadoodu waa sax ayuu yidhi (Al-lubaab 1/80). Imaa Maalik isagu wuxuu yidhi xitaa dumarka imaam uma noqon karto (Bidaayad Al Mujtahid 2/289), Shacbi iyo Nakhaci iyagu waxay ku fityoodeen inay sunnaha tukin karto, laakiin faradka ayna tukin karayn.
Culimada banaysay inay hawaynadu imaam u noqon karto dumar kale waxay daliishadeen arimaha hoos ku xusan oon dhinacna looga baydhi karayn.
1. قال الحافظ ابن حجر في الدراية (1/169) : وأخرج محمد بن الحصين من رواية إبراهيم النخعي عن عائشة: أنها كانت تؤم النساء في شهر رمضان، فتقوم وسطا.
Al-xaafid ibnu Xajar ayaa ku yidhi Ad-diraaya (1/169) : “ Muxamad binul Xusayn ayaa ka soo wariyey Ibraahiim Al-nakhaci: inay Caa’ishi dumar tukin jirtay bisha Ramadaan ayna dhexdooda istaagi jirtay”
2. وروى عبد الرزاق (5083) ، عن ابن عباس قال: تؤم المرأة النساء تقوم في وسطهن.
Cabdul Rizaaq (5083) ayaa soo wariyay inuu Ibnu Cabbaas yidhi: “haweenaydu way tukin kartaa dumarka waxayna istaagaysaa dhexdooda.”
3. وروىابن أبي شيبة (2/88) وعبد الرزاق (5082) من طريقين، عن عمار الدهني، عن امرأة من قومه يقال لها حجيرة، عن أم سلمة: أنها أمتهن، فقامت وسطا.
ولفظ عبد الرزاق: أمتنا أم سلمة في صلاة العصر، فقامت بيننا.
Ibnu abii Shayba (2/88) iyo CabdulRazaaq (5082) ayaa laba dariiq kaga soo wariyay Cammaar Ad-duhni in haweenay reerkooga ah oo la yidhaahdo Xujayrah ay ku warantay: “ inay Ummu Salama tukisay, istaagtayna dhexdooda.”
Odhaahda CabdulRazaaq waxa weeyi: “ Ummu Salama ayaa na tukisay salaad Casar, waxayna istaagtay dhexdayada.”
Daliilada kor ku tibaaxan ayaa caddaynaya inay haweenayda u banaan tahay inay dumarka imaam u noqoto sidaasana xaqa waafaqsan.
Gabagabo:
Waxa Muslimiinta ku waajiba inay ku dadaalaan siday diintooda u fahmi lahaayeen iyagoo cuskanaya Qur’aanka, Sunnaha iyo fahamkii salafka. Fitnada iyo xumaanta ay ololeynayaan casraaniyiintu (the modernists) waxa weeyi mid aan guulaysandoonin, hayeeshee waxa la gudboon culimada iyo xarakaadka sunniga ah inay u fiira yeeshaan arimaha hoos ku tibaaxan:
KOW: In jamaahiirta iyo dadwaynaha muslinka lagu barbaariyo siday cilmiga uga qaadan lahaayeen culimada lagu yaqaano caqiidada toosan iyo fiqiga ku dabran fahamkii salafka. Cilmigu waa diin, ee qofyow muslinka ahi waa inaad ka foojignaato dadkaad cilmiga ka qaadanayso, raasamaalkaagu waa diintaada ee ilaasho oo ayayna fatwo bidciyi jar kaa tuurin, kuna seejinin aakhiradaada.
أخرج الإمام مسلم رحمه اللّه تعالى عن محمد بن سيرين قال: “إن هذا العلم دين فانظروا عمن تأخذون دينكم.” [صحيح مسلم بشرح النووي: 1/84].
Imaam Muslim ayaa ka soo wariyay Muxamad ibnu Siiriin inuu yidhi: “ cilmigani waa diin ee ka fiirsada ciddaydun diintiina ka qaadanaysaan.”
LABA: Hallow iyo baadi ayaa ka dhasha marka arimaha diinta ay ka fityoodaan kuwo aan cilmi lahayni, arinkan ayaa ka oohiyay Rabiica oo ahaa sheekhii Maalik;
قال مالك رحمه اللّه تعالى: ” بكى ربيعة يوماً بكاءً شديداً فقيل له: أمصيبة نزلت بك؟ قال: لا، ولكن استفتي من لا علم عنده، وظهر في الإسلام أمر عظيم.”
Imaam Maalik Ilaahay ha u naxariistee ayaa yidhi : “ Rabiica ayaa maalin si wayn u ooyay, kolkaasaa lagu yidhi ma waxaad la ooyaysaa musiibo kugu dhacday awgeed? Wuxuu yidhi: maya, laakin qof aan cilmi lahayn ayaa fatwo la waydiiyay, Islaamkiina arrin wayn ayaa ku yimid.”
SEDDEX: Turxaamaha iyo qallooca ku lifaaqan fikirka casraaniyiintu (the modernists) waa kuwo xad dhaafa, oo haddii aan lays hor taagin fasaad iy fitno ku dhalin kara ummadda. Fikirkani waa mid tusmadiisu tahay inuuna ixtiraam iyo qadarin midna u muujin Qur’aanka iyo Sunnaha, kuna talax tagay inuu arimaha diinta iyo masalooyinka shariicada ku miisaamo ra’yi mutaxan.
Ra’yiga mutaxan ee la colloobay daliilka sharciga ahina waa mid la nooga digay, culimadii salafkuna ka dayriyeen, bal waxaad dhagaysataa Cumar Ibnul Khadaab oo ka leh:
“إياكم وأصحاب الرأي فإنهم أعداء السنن أعيتهم الأحاديث أن يحفظوها فقالوا باالرأي فضلوا وأضلوا.” [ شرح أصول إعتقاد أهل السنة والجماعة/لللآلكائي:1/123].
“ Iska jira kuwa ra’yiga wax ku qiyaasa, waayo waa cadowga sunnaha, waxay kari waayeen inay axaadiista xafidaan, kolkaasay ra’yiga isticmaaleen, dabeetana way lumeen dadkiina way lumiyeen”
قال أيوب السختياني : ” قال لي أبو قلابة : يا أيوب : احفظ عني أربعاً : لا تقولن في القرآن برأيك ، وإياك والقدر ، وإذا ذكر أصحاب محمد فامسك , ولا تمكن أصحاب الأهواء من سمعك.” [شرح أصول إعتقاد أهل السنة والجماعة/لللآلكائي :1/134].
Ayuub As-sikhtiyaani ayaa yidhi: “Abuu Qilaaba ayaa igu yidhi: Ayuubow afar arimood ayaan kuu sheegayaaye xafid: Qur’aanka ha ku fasirin ra’yigaaga, qadarka ka gaabso, hadii la soo hadal qaado saxaabada Nabi Muxamad xumaan ha ka sheegin, kuwa hawo raaca ahna ha dhagaysan.”
AFAR: Ragga salaaddii jimcaha ku daba tukaday qofkan dumarka ahna salaadi uma ansixin, ee waxa ku waajiba inay Ilaahay u toobad keenaan, dibna u qalleeyaan salaaddaa ooy tukadaan salaad duhur.
قال الشافعي في الأم 1/191: “وإذا صلت المرأة برجال ونساء وصبيان ذكور فصلاة النساء مجزئة، وصلاة الرجال والصبيان الذكور غير مجزئة.”
Imam Shaafaci ayaa ku yidhi Al-umm (1/19): “Haddii ay gabadhu tukiso rag, haween iyo caruur inamo ah salaadda dumarku waa ansax, laakiin salaadda raga iyo caruurta inamada ahi ma ansaxayso.”
قال النووي : “قال أصحابنا فإن صلى خلف المرأة ولم يعلم أنها امرأة ثم علم لزمه الإعادة بلا خلاف” إلى أن قال: “ثم إذا صلت المرأة بالرجل أو الرجال فإنما تبطل صلاة الرجال، وأما صلاتها وصلاة من وراءها من النساء فصحيحة في جميع الصلوات إلا إذا صلت بهم الجمعة.”
Nawawi Ilaahay ha u naxariistee ayaa yidhi: “Culimada Shaaficiyadu waxay yidhaahdeen, hadduu nin salaad ku xidho haweenay isagoon garanayn inay haweenay tahay, dabeetana uu ogaado waxa ku waajiba inuu salaaddaa dib u tukado” illaa uu yidhi: “Haddii ay haweenaydu tukiso rag iyo dumar isku jira ama rag kaligooda, salaadda raggu waa baadil, salaaddeeda iyo ta dumarkuse waa sax hadday tukisay salaad aan ahyhan ta jumcaha, ” .
Haddii ay salaad jimce tukisana wuxuu Imaam Nawawi sheegay in sida saxa ah ee xaqa waafaqsani tahay inayna xitaa salaadeedu ansaxayn ooy baadil tahay.
وأسأل الله أن يهدي ضال المسلمين وأن يرزقنا العلم النافع، والعمل الصالح، وأن يرينا الحق حقاً ويرزقنا اتباعه ويرينا الباطل باطلاً ويرزقنا اجتنابه، وأن يجعلنا هداة مهتدين غير ضالين ولا مضلين إنه على كل شيء قدير، وصلى الله وسلم على نبينا محمد وآله وصحبه أجمعين.
Ilaahay dhmmaanteenba hayna garansiiyo xaqa.
Maxamd Sh. C/Raxmaan Kariye
Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan