Shabakada Warbaahinta ee Somalimirror waxa ay ugu tala gashay Akhristayaasheeda in ay halkan ugu soo bandhigto Jawaabaha Su’aalahood “Xajka” meel kasta oo ay joogaan. waxaana ka Jawaabayo Dr. Axmed X. C/Raxmaan.
Su’aasha 1-aad:- Asalaamu Calaykum Warax Matullaahi Wabarakaatu.
waxaan marka hore halkan ka Salaamayaa, Dhamman Shaqaalaha Webka Somalimirror waxaan idinku salaamay salaanta kore ee Islamka,
waxaa kale oo taas tu la mida aan hawada u soo marinayaa Dr. Ahmed Xaaji C/rahman Allaha Ajir iyo Xasanaadna ha ka siiyo Faa’iidada uu noo Faa’iidaynayo isagana Cilmigiisa Allaha ha u sii siyaadiyo Anagana Allah ha naga dhigo kuwii ku dhaqma.
Su;aashayda ugu horaysa waxay tahay marka Xaramka loo kacayo ee aad Diyaarada cagta saarto ilaa Xaramka dhexdiisa maxaa lagaaga baahan yahay in aad la timaado Macnaha shardiyada Xajka.
Aljawaab:1- Xajku wuxuu ku waajibaa quf muslim ah oo qaangaar ah oo awood u leh ama heli kara wixii uu ku tagi lahaa xajka(maal iyo gaadiidba) iyo in uu amni u helaayo gaaritaanka xajka.
Waxaa laga rabaa qofka xajinaya in uu alle darti u xajiyo kuna daydo nabi muxamad(salalaahu calayhi wa salama).
Markaad xajka soo aadaysid waxaad ka bilaabaysa in aad diyaarsatid dharka ixraamka(midab khaasa ma jiro)lakin raga looma ogola dhar tolan iyo kaba xiran(haduunan wax kale waayin) looma ogola dhar sacfaraan leh,haweenku maqaadanayaan niqaan iyo qufaasaad oo ah sigisyaha gacanta).
Waxaa laga bilaabaya in la isnadiifiyo oo la qubaysto,oo lays carfiyo(haweenku cadar ka uraya ma marsanayaan) ka dib xaajigu wuxuu ka xarmanayaa meelo cayiman(dul xulayfa,qarni almanaazil, yalamlam, juxfa) hadii uunan midna marayn,wuxuu ka xarmanayaa markuu la simanyahay,lama dhaafi karo mawaaqiidaas.
Marka uu soo gaaro ama la simanyahay ayuu xiran(waxaa fiican marka hore in uu cimra kaliya xirto haduu isku daro ama xaj kaliya xirto waa banaantahay,wuxuu oran Labayka Cumratan,ama Labayka Xajan wa Cumratan ama Labayka Xajan habda wuxuu doonayo buu sheegin).
Wuxuu badin Talbiyada ama Takbiirta ama Tahliisha.
Isku mashquuli dikriga alle,oo ka fogow muranka iyo sheekada macna darada ah,ilaa aad xaramka ka gaartid,markaasna waxaad bilaabin dawaafkii,waxaad suubin hadba waxa aad soo niyaysatay.
2-Adiga oo aan wali xajin ma gayn kara waalidkay xajka,siiba waalidku wax mahaysto?.
Su’aasha 2-aad:- Anoon Xaramka tagin ma gayn karaa Waalidkay, hadiise aana iyaga gayn oo aan iska tago anoon iyaga gayn maxa adhacaya Macnaa Su’aasha oo kooban aniga iyo Waalidkay midkee Waajibku saaran yahay (iyagu ma heli karaan wax ayku tagaan laakiin anigu waan awoodaa) markaa ma in aan iyaga geeyaa mise waa in aan anigu aado”.
Aljawaab:- Adiga ayaa iska bilaabaya oo xajinaya,sababtu xajku waa kugu waajibay,waajibkana dib looma dhigo,wax dhici doona ma ogid,waaridkaa xaj kuma waa jibin loomana haysto,adigase waa kugu waajibay,saas darteed adugu xaji ka dibna waaridka xajisii.
Akhristayaasha Sharafta badan waxa ay Su’aalahooda inoogu soo hagaajin karaan E-maillada kala ah:-
Somalimirror@hotmail.com
Somalimirror@gmail.com

Related posts: