By Somalimirror on 6 Nov, 2008 6:44 PM in Main, Wararka, Xadgudubyada | 2 Comments
Ciidamo ka tirsan dowladda KMG ayaa goor dhoweed bartaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay waxaa fal dil ah ugu geysteen mid ka mid ah haweenka ku dhaqan Magaalada Baydhabo xarunta Gobolka Baay. Sii akhri »
By Somalimirror on 6 Nov, 2008 5:59 PM in Main, Wararka | 3 Comments
Dagaal culus oo la’isu adeegsaday hubk nooydiisa kala duwan ayaa galabta ka qarxay Xaafadda Taleex iyo agagaarka Taalada Sayidka ee degmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag.
Dagaalka ayaa markii hore waxaa uu ku bilawday hubka Culus waxaana daryanka hubkaas laga maqlayay goobo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho waxaana la arkayay dad farabadan oo kala yaacaya kuwaas oo ka anfariirsan hubka la’iswaydaarsanayo. Sii akhri »
By Somalimirror on 6 Nov, 2008 4:47 PM in Main, Wararka | 1 Comment
Qeybtii ugu horeysay ee xubno ka mid ah Baarlamaanka DKMG ah ayaa Galabta ka soo degay Garoonka Baydhabo kuwaas oo ka soo kicitimey dhanka Magaalada Nairobi oo isbuucyadii ugu danbeeyay ay ku sugnaayeen.
Sii akhri »
By Somalimirror on 6 Nov, 2008 3:30 PM in Main, Wararka | 0 Comments
2 qof oo rayid ah ayey dhaawacyo soo gaareen ka dib markii gaari xamuul ah oo ay la socdeen uu ku rogmadey meel aan sidaa uga fogeyn Degmada Cadalle ee Gobolka Shabeelada Dhexe.
Gaariga xamuulka ah ee rogmadey ayaa siday Xoolo nool, waxa uuna ku soo jeeday dhanka Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir. Sii akhri »
By Somalimirror on 6 Nov, 2008 3:18 PM in Main, Wararka | 2 Comments
Wax Garad, Aqoon Yahan, Culimo Iyo Siyaasiyiin kala duwan oo ka tirsan Beesha Mudulood oo Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa qaadacey qaab dhismeedka lagu wado in maamulka Gobolka Banaadir loo soo dhiso. Sii akhri »
By Somalimirror on 6 Nov, 2008 2:30 PM in Main, Wararka | 3 Comments
Sh Axmed Cabdi Dhicisow oo ah ku Xigeenka Xarakada Majmaca Culimada Soomaaliyeed oo Maanta ka hadlayey xaflad loo qabtey urur cusub oo midowga ardeyda Soomaaliyeed yeesho oo looga dhawaaqey maanta Magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay guusha Barack Obama ee Madaxweyna nimada Dalka Mareykanka. Sii akhri »
By Somalimirror on 6 Nov, 2008 1:43 PM in Main, Wararka | 32 Comments
Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa saaka barqanimadeed Booqasho ku tagay Fariisimihii ay ka guureen Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee ku yaala Duleedka Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.
Sii akhri »
By Somalimirror on 6 Nov, 2008 11:23 AM in Main, Wararka | 0 Comments
Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Mun ayaa cambaarayn uu u soo jeediyay af duub loo qeystay 4 shaqaale oo ka tirsanaa Hey’adda la dagaalanka gaajada ee France oo Arbacadii Shalay ahayd laga qafaashay magaalada Dhuusa Mareeb, iyo 2 duuliyaal ah oo waday diyaarada ay saaraayeen shaqaalahu.
By Somalimirror on 6 Nov, 2008 10:29 AM in Main, Wararka | 0 Comments
Abaare 08:00 Fiidnimo iyo qadar Daqiiqado ah ee Xalay ayaa Nin ni Da’diisa lagu qiyaasay 35-40 Sano jir lagu dilay Xaafada Al-Baraka Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.
Ninkan oo saaka Maydkiisa lagu arkay xaafada Al-Baraka ayay dadka deegaanku sheegeen in ay xalay dileen Rag ku keenay ninkaasi Baabuur Surf ah isla markaana ay la dhaceen rasaas ay tiradeeda ku sheegeen 14-xabadood.
Sii akhri »
By Somalimirror on 6 Nov, 2008 10:26 AM in Main, Wararka | 0 Comments
Xukuumada Itoobiya ayaa uga digtay Muwaadiniinteeda maanta oo Arbaca ah in ay ka digtoonaadaan falal ay ku tilmaantay Argagixiso oo laga fuliyo Wadankeeda.
Booliiska Itoobiya ayaa ku yiri Bayaan ay soo saareen “waxay heleen Sirdoonka Wadanka Itoobiya Warbixino lagu kalsoonyahay oo sheegaysa in ay jiraan Shirqoolo Argagixiso oo lagu fulinayo gudaha Itoobiya”.
Sii akhri »
By Somalimirror on 6 Nov, 2008 9:52 AM in Main, Wararka | 0 Comments

Taariikhda Warka:- 11/04/08
Abaara 8:0 fiidnomo ayay ilaaladii xabsiga Gobolka Hiiraan oo ku yaala Duleedka Magaalada Beledweyne ay ooda ka qaadeen dhamaan maxaabiistii ku xirneed halkaas oo kor udhaafayay 40 maxbuus oo ku kala,eedeysnaa dembiyo kala duwan qaarkoodna loo hayay dilal bareeraah oo ay ka geysteen gudaha Sii akhri »
By SomaliMirror on 6 Nov, 2008 9:04 AM in Main | 0 Comments
By SomaliMirror on 6 Nov, 2008 9:02 AM in Main, Wararka | 1 Comment
Bahda Somalimirror waxay akhristayaasha bogga ugu bishaareynayaan in bogga loo raray Server u gaar ah (Dedicated server), kadib markii tirada dadka bogga soo booqda ay aad uga bateen xajmiga serverkii aan horay u adeegsan jirnay.
Waxaan ugu horreyn mahad oo dhan u celineynaa Allaah oo nagu galladeystay barwaaqooyinka aan la tirin karin. Intaa kadib waxaan akhristayaasheenna uga mahad naqeynaa horumarkaas aan ku tallaabsannay ee ay sababtiisa lahaayeen kuna yimid kalsoonida dheeraadka ah ee ay ina siiyeen, annagoo idinka codsaneyna in wixii talo ah aad noogu soo hagaajisaan qeybta xiriirka.
Mahadsanidiin