Qodobo ka soo baxay kulankii Sh. Shariif iyo Mas’uliyiinta uu Hogaaminayay C/qaadir Cali Cumar.

C/qaadir Cali Cumar Hogaanka ugu Sareeya MMIS ee gudaha ku sugan isla markaana ka mid ah xubihii shalay illaa xalay kulanka la lahaa Wafdiga uu hogaaminayo Sheekh Shariif Sheekh Axmeda ayaa sheegay in kulankoodii uu ku soo dhaamaday is-faham.

 

C/qaadir Cali Cumar ayaa sheegay in ay 2 dhinac isla garteen :-

 

1-     in la taageero Hindisaha ay wadaan Culimada Soomaaliyeed ee la iskugu keenayo Garabyada MMIS.

 

2-     In shirweyne ay leeyihiin MMIS la iskugu yimaado

 

3-     In laga shaqeeyo sidii loo dhameyn lahaa khilaafka ka dhex aloosan dhinacyada MMIS.

 

Dhinaca kale xiriir aanu la sameynay saxafi ku sugan Magaalada Jowhar ayaa noo sheegay in kulankaasi ay wada yeesheen:- Sheekh Shariif iyo Axmed C/laahi oo dhinac ah iyo C/qaadir Cali Cumar iyo 2 mas’uul oo kale oo aysan noo suuro galin in aan ogaano magacyadooda.

 

Arintani ayaa ku soo beegmaysa iyada oo habeen hore ay Magaalada Jowhar tageen Mas’uuliyiin gaaraya 12 xubood oo uu hogaaminayo C/qaadir Cali Cumar.

 

Wixii warar ah ee ku soo kordha arintani dib ayaan idinkaga soo gudbinaynaa Insha Allaah.

 

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

10 Comment(s)

  1. alllahu abar!! waa guul u soo hogaayaye umaadda somaliyeed!! kuwa shiikh shariif aflagaadeenaya asaga iyo culumoda kaleba allaha soo hunuuniyo ilaaheyna ha u toobad keeneen.
    wabilaahi towfiiq

    haddan imid | Nov 3, 2008 | Reply

  2. shiikh shariif Waa nin fiican oo nabada jecel laakiin Dhamaan saxbadiis ayaa ahkuwo iaygu ka soo horjeeda markasta oo aan rabin dhamaan wadanka somalia in ay nabad ka dhalato
    Shiikh shariif awoowd uu kaligiis ku hogaansho Kuuxaha kacdoonka wada ma uu laha Laakiin inta Karaankiisa ah waa uu isku dayay in uu dhamaan wadanka somalia ku soo dabaalo nabad heshiisna dhex Dhego maxkamadaha iyo Dowlada somalia
    Laakiin nasiib xumo markasta ARintaas rag Xumaan doon ah ayaa hortaagan
    bye mohmed Zambia Ndola

    mohamed | Nov 3, 2008 | Reply

  3. Waxaa wax laga xumaado ah dadka qofka dhalasho uun ku taageeraya ee aan macaayiir iyo halbeeg diineed mid qaranimo iyo mid caalami ah midna u celineyn.

    Sheekh Shariif qadiyad weyn oo sharaf leh oo naajix ah ayuu raqiisiyey oo ka dhigey dagaal sokeeye. Waa yaabe anaga iyo Itoobiya ma sokeeyaan nahay?

    Dad khaa,inul wadan ah oo caalamkoo dhan leysku raacsanyahay iney gumeysiga ka liitaan ayuu u aqoonsadey dawlad, sidaasna wuxuu uga masaxey denbiga taariikhigaa iyo ceebtii abadiga aheyd ee ay aheyd in jiilalka danbe ay digniin u noqoto inaan wadadaas mar danbe dib loo qaadin.

    Gumeysigii ay aheyd isagoo fashilan oo seynta ihaanada jiidaya inuu baxana wuu karaameeyey.

    Mujaadiintii wuu ihaaneeyey oo marya calastii masjidka al hidaaya culimada wax ka gawracey ayuu yiri waa iney ciidan la dhistaan!

    Waa yaabe hidaayadu waaba xag allee kibirka iyo isla weynida gashey oo intaasoo ihaano ah inuu dadka marsiin karo uu u qaatey faro badanaa!

    Dadka ninkaas isku deyaya iney sanka naga geliyaan adeerayaal sheekh shariif isagaa is ihaaneeyey, nin isagu is ihaaneeyeyna inaad dadka ula colowdaan cizeeya waa idiin caqli xumo. Laakiin koley talo iyo maskax way u baahantahay sidii xal loo wada raadin lahaa lagu wada noolaado, dhibkana looga wada baxo.

    Hogaamiye umada mideeya oo lagu soo hirto haduu Sheekh Shariif maalin ahaa maanta waan ka fara madownahay oo hogaamiyeyaasha Soomaaliyeed oo fashilmey liiskooda dheer ayuu ku biirey. Waana mid isaga garaad yaridiisa siyaasadeed u geysey ee umad u heelan wuu heystey.

    Ninka qaladka intaas la eg galey waxaan ka baqayaa inuusan intaas ku ekaan doonin ee uu mid ka weyna geli doono oo uu daba dhilifka la xulofoobi doono, wuuba saxiixey xulafeysigaase markuu si dhab ah ugu biiro oo lasoo dagaal galo ayaan sugeynaa dadka taageerayaa waxey ku hadlaan, koley hadal lama waayee.

    wadaad yare | Nov 3, 2008 | Reply

  4. TO: Hadaan imid

    Ninyahow nin cuqdadeysan oon isku kalsooneyn sidiisi ha u hadline sidii nin weyn u hadal. Indhacade soomaali hogaamiye uma uusan aheyn, ee Sheekh shariif ayaa hogaamiye u ahaa. Wuxuuna la hoos fariistey Meles Zinawi oo uu ihaanadii iyo duleysigii nacala qabayaasha Impagati lagu hayey ayuu si mutadawacnimaa lugihiisa ugu doontey inuu ka qayb qaato. Ninkii safiirkiisa shirka halaga saaro la lahaa ayaa isagii meel uu sheekh ka yahay loo xereystey! Waxaasi wax laga yaqsado hadeysan aheyn anigu markaas waxaan leeyahay maba jirto xumaan iyo samaan. Qalad iyo sax, qurun iyo udug.

    Ma ii sheegi kartaa falkaas akhlaaq xumadaa waxa looga garaabo ood heyso?

    Indhacade waxba haku meereysan, markii hogaankii leysku waafaqsanaa gashilmo oo qurun dhexda ka fariisto cid kastaa soo baxeysa oo hogaan la,aanta ka faa,iideysaneysa. Ama kas ha u yeesho iyadoo dano leh, ama caro iyo gadood haku kalifee.

    Inta qurun faraha lala galo afka mar kasta halala taago wax kasta mala diidaa? Maxaa adiga marka kasta meesha xun ku gelinaya maad si wanaagsan u dhaqantid?

    Dadkiinaan qabiilka iyo qabiil naceybka sheekh shariif ku taageeraya, ogaada meelna ma geyn kartaane. Wuxuu wax ku ahaa markii soomaali rabtey, oo uu daacada ahaa, markaasna shariif alsoo gamey ayaad u taqaaneen. Maantay oo sidaad dhinacyada uga jirteen uu qurunkii iyo amxaaro hoos joogii uu wax ka galeyna inaad tiraahdaan maxaa loo diidayaa waa idiin caqli yari. Markuu wanaagsanaana waad diideen, maantuu baqti ku afurey dadkaad sanka ka gelineysiin. Maxaad ka sameysantihiin waa la yaabaye?

    wadaad yare | Nov 3, 2008 | Reply

  5. Wadaad yare - walaal waad kumahad sanathay fikraadahaaga qaaliga ah.

    Kismaayonews ayaan ka akhriyay sida sh shariff ooga baxsaday dadkii masuulka uu ka ahaa. Taas micnaheeda ila maahan in wax kasta uu wato la tuura ee waxaa laga maarmaan ah in laisku dayo in lasaxo oo loo cadeeyo khaladka uu galay. Waxaan umaleeyaa sheikha aad buu u qaldamay lakiin haloo naseexeeyo. Xitaa hadii loo ogolaado waa in aan masuuliyada oogu sareeyso loo dhiiban. Cabdi Kismaayo

    cabdi kismaayo | Nov 3, 2008 | Reply

  6. Asalaamu calaykum

    ma doonayo inaan tacliiq ku darsado arintaan, ama ra’yi ka dhiibto halkan, waxaanse aad ula yaabanahay ninkaan la baxay haddaan imid qaabka uu u fikirayo.
    1-Wuxuu rabaa qof kasta oo ra’yigiisa khilaafsan inuu u jawaabo oo waliba radiyo
    2-warka meesha ku qoran uma fiirsanayo-Tusaale ahaan wuxuu radinayaa ninka la yiraahdo ABUU CABDIRAXMAAN- wuxuu ku leeyahay roobow ayaad baryaysaa waana shirki arintaas oo ula joodo mukhtaar Roobow, ninkaanna RABBOW ayuu leeyahay oo ilaahay ayuu baryayaa, waa wax lala yaabo, roobow iyo rabbow ayaa isaga qasmay.
    3-waxaa ka buuxda dad jeclaysi oo isagoon waxa laga hadlayo fahmin ayuu leeyahay sh. shariif iyo janaqow ayaa la necebyahay.
    4-wuu caytamayaa oo wax qof sharaf leh uusan isu quurin ayuu ku hadlayaa.
    5- maba uu fahamsana waxa saaxada ka socda wuu iska hadlayaa.
    runtii waa wax lala yaabo, waxaa wanaagsan qofku inuu aragtidiisa si usluub leh u cabiro, intuusan aragti dhibanna uu yahay qof fahmi kara waxa socda iyo qaabka ay u socdaan, hadii kale aamusku waa shatraf(AF DABOOLAN WAA DAHAB) ayay soomaalidu ku maahmaahdaa, ALLAHA U NAXARIISTO RUUX GARTAY QADARKA NAFTIISA, waxaadan awood u lahay la iskuma kalifo , haddii kale waad ku dambaabi waadna ku ceeboobi.

    Muxsin | Nov 1, 2008 | Reply

    Muxsin | Nov 3, 2008 | Reply

  7. ku Mucaaradka sh shariif
    1-sh shariif waa masuul si shareecada islaamka waafaqsan loo doortay.
    2-kuwa mucaaradsan waxaa mideeya mucaaradadiisa laakiin iskuwada feker maaha , waxaa ka mid ah:-A-kuwa ku diidan qabyaalad oo aan wax kale ku heysan.
    B-kuwa ku diidan Manhajka oo aaminsan fekerka khawaarijta aaminsana dagaal aan dhamaaneyn in la galiyo Muslimiinta oo dhan lkana dilo cid walba oo fekerka ku qilaafto ama la takfiiriyo
    C-kuwo aan waxba la socon oo niyad wanaag qaba laakiin ku kadsoomay Beenta iyo shubahaadka ay faafiyaan kooxaha wata fekerka khwaarijta ee laaya Muslimiinta hadiiba wax isku khilaafaan

    3-Sh shariif macsuum ma ah waa gafi karaa ilaa hadana waxaa muuqata inuu jid sdaxan iyo ijtihaad aan khilaafsaneyn shareecad Islaamka ku socdo.
    4-Shshariif waxaa uu wada hadal la galay Cadaw taasna ma qilaafsana shareecada Gaal iyo muslim iyo Mushrikba waa lala hadli karaa hadii Dagaal idin dhaexsado.
    5-Diinta islaamka waa Kaamil waxa ayna qabtaa Dagaal Inla galo, In Hudno la galo In Sulxi lala galo Cadawgaaga, hadii uusan ruuxa muslimkaa ogalaan in ay diinta intaasba qabtao ama asagoo ogba inkiro waa qof Diiday qeyb Shareecada Islaamka ka mid ah.
    6-Diinta islaamka Jihaadka waa ka qeyn ee Diinka oo Dhan Jihaad ma ah.
    7-Heshiiska jabuuti waxaa kujira qodob ah in la isku dhafo Ciidamada labada Dhainac oo laga dhigo Ciidan Qaran, Maxaa ku jaban arintaas marka loo fiiriyo in Ciidanka Mooryaanta ah ay yihiin Muslimiin, ama loo fiiriyo in ay lana huraan tahay in wax leesku Darsado maadaama Dalkii uu Naga wada Dhexeeyo si looga Gudbo kooxeysiga iyo Qabiileysiga.
    8-Hadii aan Niraahdo Mooryaanta Musliamiin ma aha waa Mas’alo Daliail u Baahan, horeyna waxaa Ciidamadii Maxaakiimta uga Tirsanaa Mooryaan la Dhaqan Celiyay qaarkoodna hada waa Masuuliyiin Goobaha Jihaadka ka socdo qaar waa Xubno sarsare oo Alshabaab u jooga Gobolada Dhexe , marka maxaa diidaya in la dhaqan Celiyo Dalkana Ciidan loo wada Noqdo si looga Gudbo Dagaalada aan dhamaadka lahaeyn.
    9-Gaal lala Kulmaa hadeey Dembi tahay Waxaa la kulamay Nabi Muxcamad (scw), waxaana la kulma Culimada Caalamka Muslaimka ku nool waxaana hada la Jooga Asmara qeyb Culimada ka mid ah , waxaana Bishii Ramadaanka Shir Gaalo lan qaatay Muslimiinta Kiinya Culimadooda, waxaana ku hoos nool kuwa badan oo Muslimiin ah aayagoo weliba saxiixay in ay dhawrayaan xeerarka u Dagsan wadamada Gaalada ah ee ay dageen, marka ma waxaan leenahay dhamaantoodf waa Gaalo mise Gaalnimada dadka qaar ma qabato ,qaarna waa qabataa, ma qabato kuwa ku nool dalalka Galada ama saxiixay ku hoosnaalaashaha iyo Dhawritaanka Xeerarka Galada, miase ma qabato kuwa Jooga Asmara , mise ma qabato kuwii waagi Isbaheysiogii ASshahaado la dirarka Neyroobi kula Shiray oo uu Indhacadea ka mid ahaa? oo mawaxeey si gaar ah u quseysaa Reer Jabuuti iyo kuwa heshiiska saxiixay?!!!
    10-Hadiiba Gaalnimo leesku guulguulaya soowv kama Cabsadaan kuwa Xal;aashaday Dhiiga Muslimiinta ee Muslimiinta Gaaleysiiya , ee baneesta sharafta Muslimiinta ayagoo u heesta in ay Diin ku taagan yihiin.
    Waxaan kusoo koobayaa Gaalniamo yaanan Cidna lagu guulguulin waxaana ugu xun Dadka kan dhiiga Muslimiinta iyo Sharaftooda Baneesya asagaana Maalinta qiyaam,e ugu Dembi badan dadka , heshiis islaamku waa ogolyahay, Dagaalna waa ogolyahay , laakiin islaamnka ma yaqaan Dagaal aaan laheyn ula jeedo iyo dhgiig macno la,aan looo daadiyo, in lala Heshiiyo Dowladana waa Daruuro, waxaana ay ka dhawdahay in lala heshiiyo ku Gaaleysiiya Muslimiinta

    asad | Nov 3, 2008 | Reply

  8. Wadaad Yare iyo Nuur waan idin salaamay,

    Inta Wadaad Yare yiri waan ku raacsanahay, inaad meel u xaglinayso-na runtii igama kaa muuqato, kuna mahadsanid - aniga aragtidayda - niyad wanaaggaaga Ilaahayna ha kuu siyaadiyo towfiiq iyo khayr.

    Nuurow adiga saaxiib, qof dhinac u xaglinaya labadiinna hadduu jiro adigoo iga raalli ah waa adiga qofkaan ka dareemay dhinac-u-xaglinta.

    Sababtuna waxay tahay waxaad tiri shirka Igadd ha ka dhigin shir Itoobiya wadato iyo Melez Zenawi. Walaal qof kasta ayaa u jeeda waana marag ma doonto in waxa meesha Nairobi la yiraahdo ka dhacay Itoobiya wadatay, maamulaysay, ajendaha iyo guddoonkii lagu soo kala tagayna uu u dhacay sidii Itoobiya rabtay. Kaliya waxaan suurogalin hase yeeshee loo malaynayaa inay maalmahan dhow dhacdo in C/Laahi Yuusuf oo sida la sheegay Itoobiyaanku doonayeen inay beddelaan oo qof kale keenaan.

    Waxaad ku gaftay amaad qalad u fahantay in shirkii Jabuuti lagu guddoomiyay in Itoobiya baxdo, meelna kagama qorna waxa Jabuuti lagu saxiixay in Itoobiya dalka Soomaaliya ka baxayso. Waxaa kaliya oo ku qoran goobo tirsan oo kaliya oo badankood jidka soddonka ku yaalla in ciidammada Itoobiya laga beddelo oo la geeyo ciidam AMISOM ka socda iyo kuwo isku dhafan oo maryo calas iyo maxaakiim isugu jira.

    Goobahaas la magacaabay wixii aan ahayn ciidanka Itoobiya meel kale oo uu ka baxayo kuma qorna Jabuuti wixii lagu soo saxiixay.

    Waxaa Sheekhu saxiixay - sida ku cad qoraalka lagu saxiixay Jabuuti - Itoobiya inay hawlo nabad ah ka dhalisay Soomaaliya oo haddii ciidankeedu baxo nabaddaas Itoobiya haddeer hayso si ayan faraha uga bixin loo baahan yahay in dalka Soomaaliya la keeno ciidammo UN-ka ka socda oo hawlihii nabadda ee ay Itoobiya ka haysay Soomaaliya lagu wareejiyo.

    Sida haatan muuqatana ciidan UN ka socda oo Soomaaliya imaanaya ma jiro, taasoo sida qoraalka Sheekhu saxiixay ku qoran, u sharciyaynaysa in Itoobiya dalka sii joogto MAADAAMA aan la haynin ciidan UN oo haatan diyaar u ah inuu Itoobiya kala wareego hawlaha nabadda ee Itoobiya hayso.

    Taas waa buhtaan iyo caddaalad-darro; iyo in la qiro shacabkii la tirtiray oo la xasuuqay inaan xaq-darro lagu dilin, xaqoodiina la daboolay; shareecada Islaamkuna arrinkaas ma oggola.

    Dadaalka iyo waqtiga Sheekhu ku bixiyay inuu la gaaro wax uun heshiis ah Itoobiya iyo kooxdii Soomaalida Mbaghati ee Itoobiyaanku dowlad Soomaaliya uga soo dhigay - siduu qolyahaas ugu dadaalay inuu la heshiiyo uguma uusan dadaalin inuu heshiis la gaaro culimmada iyo ragga kale ee miisaanka leh ee soo halgamay oo tirada badan oo ay isaga isla joogeen waddankii uu ka soo kacay. Wuu ka tashaday Sheekhu, khilaaf culusna halkaas waa ka dhashay iyo mushkilad aan hore u jirin oo laga hortagi karay. Haddii dadaal, isu-tanaasulid degganaan cilmi iyo aqooni ku jirto iyo waqti ku filan lagu bixin lahaana waxaa suuroobi karay in KHILAAFKA labada garab uusan imaadeen. Taasina ma dhicin, midnimo wax lagu waayayna, hal garab oo qura ilama aha inuu keeni karo.

    Qaylo fara badan, iyo bayaanno qoraal ah oo lagu diiddan yahay shirka Jabuuti oo ay ugu dambeeyeen kuwii ka soo baxay Hoggaanka Maxkamadaha ee Gudaha Dalka iyo midkii ay soo saareen Guddiga Culimmada, oo dhammaantood miisaankooda leh ilaa iyo haddana Sheekhu wax qoraal ah ama bayaan ah oo uu si guud uga jawaabay arrimahaas aysan jirin. Mugdi fara badan iyo mala’awaalna Ummaddu ka qabto waxa Sheekhu kula soo heshiiyay Itoobiyaanka iyo Maraykanka oo labaduba shacabka Soomaaliyeed u yaqaannaan cadowgooda koobaad ee mesha dalku yaallo dhigay.

    Isku soo wada-duuboo heshiis lama diiddana ee heshiisku ma yahay mid ummadda u cuntama oo ay qaadan karto mise waa mid Ummadda inta ka hartay lagu sii feenan doono, dalka haysashadiisana lagu sharciyaysan doono?! Su’aashaas weeye midda qof waliba oo caaqil ah oo Soomaaliyeed laga doonayo inuu is waydiiyo, qofkii caaqil ahina jawaabta wuu fahmi karaa, ninkaan fahmi karinna LOO SHEEGI MAAYO!

    Soomaalidu waxay tiraahdaa: NIN KU DILAY HAR (HOOS) KUUMA JIIDO !

    Guuleed | Nov 3, 2008 | Reply

  9. Walaalow aniga waxaanan aheyn iskama dhigayo. Anugu howsha uu wado sh. Shariif iyo sida uu wax u wado waa taageersanahay. Sheikh shariif isku qabiil maahin mana isnaqaan. Laakiin tilaabo kast uu qaado ayaan la socday ilaa iyo 2006kii. Adinkana sidoo kale waxaa muuqata inaad qolada Asmara raacsantihiin. Midda heshiiska jabuuti, Sheikh shariif wuxuu yiri asaguba haddii ciidama ethiopia bixi diidaan in qorigiisa dhinac ka qaadanayo. Haddii aan iska dhaafo eedamahaan kutiri kutteen meesha aad kusoo qortay. Qilaafka u dhexeeya qolada Asmara iyo Jabuuti ma aha waxa la qabanayo ee waa “Yaa qabanaya” hadalkaagana sidaas ayaa ka muuqata markii aad sheegtay ” dadkii Miisaanka ku lahaa”. Waxaa meeshaas laga dhadhansanayaa shariifku inuusan aheyn “dadkii Miisaanka lahaa” oo howshaan qabo lahaa. Somalia caqligooduna waa kaas. Adiga miisaan malihid iyo anaa miisaan leh. Dabodhilif ayaa lala hadlay, shirkii nairobi ayuu sheikh shariif fariistay iyo eedeymaha badan oo meeshaan kusoo texday waa bus iyo qiiq isku qaris. Sababtoo ah, waxaa meesha yaal waa wax iska sahlan fahankooda, Aniga mu’aamaro iyo waxbaa la maleegayaa waqti isagama dhumiyo, sababtoo ah habar kastaa mu’aamaro u gooni ah ayey aaminsantahay. Sida sheikh shariif uu sheegay, xaaladda maanta somalia taagantahay waa meel aad u khatar ah oo baahan sidii la huriwaayo in loo hambo qabto. haddii kale aqoon yaridda jahliga iyo dhibka jiraa wasii kordhayaa, dadkuna waa dhamaanayaan. Hadda waxaa meeshaan na gaarsiiyey, waxqaradkii daaacadda ahaa ayaa waxaad aad oga batay jahligii iyo daneystihii. Haddii ay sidaan kusoo socotana waxaa isku soo haraya wax ma garato iyo dumar.
    w/a

    Nuur | Nov 3, 2008 | Reply

  10. Shshariif waa bani aadam waxaana saaran masuul waxaan wax kala dhaxeeyaan kuwa aan war maqal oo aan ogoleyn kala dambeyn iyo ismaqal ,kuwo aaminsan in idaacadaha maxkamad lagu kala garnaqsado yihiin, waxaana horyaala mashaakilaad waa wayn, marka waxaa muuqata in xal uu raadiyay waxaana dhici karta inu ku guuleesto, waxaa kaloo dhici karta inusan ku guuleysan, laakin marna meesha kuma jirto inuu Dinta wax u dhjimay ama Dalka , waxaase jira Dad aan marnaba ogoleyn in wax talaabo ah la qaado hadii aysan si gaar ah ayaga u wadin waana kuwii sababay Burburkii wadahadaladii kal hore lala galay DKMG Suudaan markii la joogay ,oo weliba Dalka galiyay Dagaal aan laga fiirsan, ka dibna Xaj(dhaanka dhuumad ah )ka aaday m maantana waa kuwa aan wax xal ah in la gaaro diyaarka u aheyn ,marka shariif waxaa saaran xil waxaana looga fadhiyaa in uu tabartiisa iyo taladiisa iyo tashigiisaba intii illaah siiyay ku doono xal, soomalina waa Muslimiin Mooryaan ha ahaado , qabqable ha ahaado, wadaad ha ahaado, hadaan saas wax loo dhigina waxaa taas ay taageero u noqoneysaaa Cadaga Dalka qabsaday waxa uu shalay ku yimid waa khilaaf Soomali u dhaxeeya waxa lagu saari karana waa Heshiis loo dhan yahay , Dalkana waa ka wada dhaxeeya Bulshada Soomali noocyadeeda , Magaaladiii Madiina EWaxaa dhjinac ka joogay C//llaahi ibnu ubay o weliba talo iyo Saameyn weyn lahaa lamana dilin Dalkana lagama saarin bal Nabiga(scw) waa ku Tukaday markii u dhintay asagoo dhawrayay Muslimiinta niyadooda, marka Dal wadaado u gaar ah ma suuraabaayo mana dhicin weligeed ee Soomaali oo dhan heshiis iyo Nabad waa in laga dhex dhaliyaa

    asad | Nov 3, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo