Warbixin:-Xanuunka Kalooraha & Siyaabaha looga hortegi karo
By Somalimirror on 1 Nov, 2008 7:29 PM in Main, Warbixinnada

Bakteeriyada kolooraha
Xanuunka Kalooraha ( Cholera). Waa cudur sababa shuban halis ah oo ay keento Bakteeriyada loo yaqaan Vibrio cholerae, xanuunkan waxa uu qofku qaadaa marka uu cuno ama cabo biyo ama cunto ay saamaysay Bakteeriyadaasi, bakteeriyadaas waxaa la aamin san yahay in ay ku negaato meelaha qoyan. Waxaana lagu dili karaa Cholera Bleach.
Caloosha hoose ee mindhicirada ayay Bekteeriayadani Koleruhu kusoo deysaa sun, suntaas oo keenta in qofku aad u shumo, noocyadeeda ugu daran ee dilaaga ah sida la og yahay marka ay ku dhacdo qof markiisii hore caafimaad qabay wuxuu u dhiman karaa 2 ilaa 3 saacadood gudahood hadaan deg deg loo dawayn. Sidase ayay u badan yihiin noocyada cudurka kalooraha ee wejiga hore ee shubanku wuxuu u gudbaa xaalad uu jidhku daciifo ( Shock) mudo 1 ilaa 12 saacadood gudahood ah, waxaana xigta dhimasho inta u dhaxaysa 18 saacadood ila dhawrka maalmood ee xiga.
Astaamaha cudurka.
Astaamaha cudurka waxaa ka mida kacdoonka caloosha, yalaalugo iyo shuban xad dhaaf ah waxa weliba jiri kara dareemo hunqaaco iyo xumad la socda wejiga hore ee xanuunka. Waxa daba socda Qofka oo saxaradiisa isu rogto saxaro biyo u ego o ay la socdaan waxyaalo muuqaalka u eg waraaqo la jarjaray oo midab kana cadaan ah, midabka qofka ayaa laga arki karaa waxoogaa inuu madow isu bedaly iyaga oo xididada yar yare e dhiiga qaada ay dililaacaan. Indahah iyo daamanka ayaa iyagana laga arkaa iyagoo godmay,. Dibnuhuna waxay u ekaadaan midab madow iyo buluug u dhexeeya.
Astaamaha xanuunka waxaa keena suntan xad dhaafka ah ee Bakteeriyada jidhka ku sii dayso, suntaas oo jidhka u keenta inuu dheecaanka ku jira kusii dayso midhicirka, dheecaankas oo ka dibna u baxa shuban ahaan, qofkuna waxa uu u dhinta waxa ugu horeeya Fuuqbax( Dehyderation) biyaha jidhaka ka baxaya oo lagu qiyaasay ilaa Labaatan litir.
Dawada xanuunka.
Iyadoo la og yahay sababta keenta dhimashada cudurkan inay tahay biyaha jidhka ka baxay oo qiyaastii gaadhi kara Labaatan litir oo biyo ah, dawadu waxay tahay inuu qofka bukaanka ahi helo bedelkii biyaha jidhka ka baxay (dheecaanka jidhka electrolytes). Biyaha qofka buka la siinayo waxa lagu daraa milix iyo sonkor si uu u helo Maadadaha jidhku uu u baahan yahay. qiyaasta milixda iyo biyaha hal Litir oo biyo nadiif ah oo lagu milay hal malqacad yar oo milix ah. sideed litir oo kasta waxa lagu dari karaa Liin ( Orange juice) iyo jab mus ah oo la daqiijiyey. Nooc ka mida daawooyinka dheecaanka jidhka soo celiya waxaa loo yaqaan Ceralyte.
Hadii qofka buka xaaladiisu halis tahay waxa jidhkiisa lagu rakibaa dhuun laga siiyo dheecaanka Intravenous – IV. Hadii aan dheecaanka jidhaka lasoo celin halista dhimashadu way sii kacdaa, daawada loo yaqaan Teyracycline Antibiotic ayaa wax ka tari kara in la soo afjaro mudada cudurku qofka sii hayo , hase yeeshee noocyo badan oo Koleeraha ah ayaa adkaysi u yeeshay daawadan. Noocyada kale ee Antibiotica ee la isticmaalo waxa ka mida Ciprofloxacin iyo Azithromycin, inkastoo la sheegay inay iyaga laftooda bakteeriyadu adkeysi u yeelan karto.
Hadii dadka Koleeruhu ku dhacay la daweeyo dhimashadu waxay hoos u ugu dhacdaa hal boqolkii qof uu cudurku ku dhacay, halka marka aan la dawayn ay gaadhi karto 50 qof boqolkiiba ee cudurku ku dhacaba ama kala badh tirade dadka xanuunka usoo dhaca.
Ka hortaga cudurka Kalooraha.
In kasta oo cudurkani halis gelin karo nolosha qofka hadana badiyaaba waxa laga horttegi katraa hadii nadaafada Qoyska, qofka iyo deegaankaba la ilaaliyo.
* Gogosha, in laga taqaluso oo la dilo bakteeriyada la socota shubanka oo ay ku jirto dharkii iyo gogoshii iyo wax kasta oo ay soo gaadhay Bakteeriyadu.
Ka takhalusidu maaha in qashinka lagu rido ee waa in marka hore gogoshaas dharka iyo alaabta uu taabtay lagu rido oo lagu maydho Koloriin Chlorine Bleach si looga dilo Bakteeriyada, hadii aan Koloriin Bleach la haynin waxa ugu dhow iyadoo la gubo dharka, gogosha ay dhamaan bakteeriyadu gaadhay. Hadiise sidooda loo tuuro gogoshaas waxaa fidaya Bakteriyada oo gaadhi karta Ilaha biyaha laga cabbo.
· Bulaacadaha, Boosaneerooyinka oo laga dilo bakteeriyada inta aanay deegaanka ku fidin, Tusaale ahaan Biyaha dhulka hoostooda oo meelaha qaar dadku ceelasha ay ka qodaan.
· Ilaha biyaha laga cabo, in digniin la dhigo goobaha biyaha laga dhaansado ee bakteeriyadu gaadhay, sida Ceelasha oo dadka looga digo inay ka cabaan ama ka dhaansadaan,iyo in meelaha looga shakiyo lagu rido daawada lagu dilayo jeermiska (Chlorine).
· Nadiifinta, karkarinta biyaha iyo sifaynta ( Filltering) iyo in lagu daro Chlorine Bleach, gacmaha oo lagu maydho saabuun bakteeriyada disha, hadii uu qofku taabtay qof xanuunkan qaaday ama gogoshiisa ama shay uu isticmaalay oo bakteeeriyadu soo gaadhay. Biyaha loo isticmaalo cuntada , maydhiska iyo cabitaanka oo la karkarinayo laguna daro koloriin meel kasta oo bakteeriyada lagu tuhmo inay gaadhay, biyaha oo la sifeeyo iyo in lagu daro koloriin ayaa ah habka ugu haboon ee lagaga hortegi karo fiditaanka cudurka.
Tallaalka Vaccine.
Waxa jira noocyo badan oo daawooyin talaal ah inkastoo qaarkood ay leeyihiin waxyeeladooda gaarka ah (Side effect)
Dhinaca kalena aan la hubin inay sitoosa u horjoogsan karaan Cudurkan daacuunka. waxaa jira nooc talaal ah oo afka laga qaato (Oral Cholera Vaccine-OCV). Oo ay Hay’ada WHO/UNICEF ay ku tilmaameen in aanay badiyaa lahayn waxyeelo, isla markaana ay wax tarkeedu yahay 70%. Ugu yaraan mudo hal sano ah, laba nooc oo talaaka afka laga qaato ah ayaa ah Dukoral oo ay samayso SBL Vaccines iyo CVD 103-HGR, Orochol-E. midkoodna kama hortago waxna kama tari karo nooca Vibrio Cholera 0139.
U nuglaanta Cudurka.
Daraasad dhowaan la sameeyey ayaa sheegtay in dadka qaarkii ugu nugul yihiin Cudurkan qaadistiisa dadka nooca dhiigoodu yahay (0), ayaa la sheegay inay uga nugul yihiin kuwa dhiiga noocoodu yahay ‘B’ labadaas waxaa ka sii adkaysi badan nooca dhiiga ee ‘A’. halka nooca ‘AB’ uu yahay ka ugu adkaysiga badan. cudurku qofka wuxuu kudhacaa marka uu cuno cunto ay ku baahday ilaa Hal Million oo bakteeriya V, cholerae Xajmiga hal Million oo bakteeriya ah wuxuu le’kaan karaa irbada caaradeeda. Waxaa cudurkan u sii nugul dadka qaba xanuunka Laabdilaaca Gasteric acidity, iyo dadka nafaqadaradu haysato Malnuourished.
Fiditaanka.
Maadaaba uu qofka cudurkani ku dhacay uu shumayo waxa shubanka laf ahaantiisa ku jira Bakteeriya, meel kasta ama shay kasta oo uu gaadhana Bakteeriyaduna way gaadhaysaa. Waana sababta keenta fididaanka cudurka, waxaana qof qof loogu kala qaadaa marka saxarada qofka qaba ay si fudud u raacdo biyaha la cabayo ama la siticmaalayo. Badanaaba waxay timaadaa marka biyaha bulaacaduhu ay galaan dhusinka ka dibna loo isticmaalo cabitaan iyagoo ay weli nooshajay bakteeeriyadii.
Bakteeriyadda V. Cholerae waxaa laga helaa noocyo ka mida cayayaanka ku dhex nool biyaha ShellFish and blankton. Inkastoo ay jiraan noocyo bakteeriyadan ah oo aan lahayn suntan keenta xanuunka kaloorah ah. Chalorae Wikipedia.
Daabaco
U dir saaxiib



Fikrad ka dhiibo