Warbixin:-Xanuunka Kalooraha & Siyaabaha looga hortegi karo

Bakteeriyada kolooraha

Bakteeriyada kolooraha

Xanuunka Kalooraha ( Cholera). Waa cudur sababa  shuban halis ah oo ay keento Bakteeriyada loo yaqaan   Vibrio cholerae, xanuunkan waxa uu qofku qaadaa marka uu cuno ama cabo biyo ama cunto  ay saamaysay Bakteeriyadaasi, bakteeriyadaas waxaa la aamin san yahay  in ay ku  negaato meelaha qoyan. Waxaana lagu dili karaa Cholera Bleach.

Caloosha hoose ee mindhicirada  ayay  Bekteeriayadani  Koleruhu kusoo deysaa sun,  suntaas oo keenta in qofku aad u shumo, noocyadeeda  ugu daran ee dilaaga ah sida la og yahay marka ay ku dhacdo qof markiisii hore caafimaad qabay wuxuu  u dhiman karaa 2 ilaa 3 saacadood gudahood hadaan deg deg loo dawayn. Sidase ayay u badan yihiin noocyada cudurka kalooraha  ee wejiga hore ee shubanku  wuxuu u gudbaa xaalad uu jidhku daciifo ( Shock) mudo 1 ilaa 12 saacadood  gudahood ah, waxaana xigta dhimasho inta u dhaxaysa 18 saacadood ila dhawrka maalmood ee xiga.

Astaamaha cudurka.

Astaamaha cudurka waxaa ka mida  kacdoonka caloosha, yalaalugo iyo shuban xad dhaaf ah waxa weliba jiri kara dareemo hunqaaco iyo xumad la socda wejiga hore ee xanuunka. Waxa daba socda Qofka oo saxaradiisa isu rogto saxaro biyo u ego o ay la socdaan waxyaalo muuqaalka u eg waraaqo la jarjaray oo midab kana cadaan ah, midabka qofka ayaa laga arki karaa  waxoogaa  inuu madow isu bedaly iyaga oo xididada yar yare e dhiiga qaada ay dililaacaan. Indahah iyo daamanka ayaa iyagana laga arkaa  iyagoo godmay,. Dibnuhuna waxay u ekaadaan  midab madow iyo buluug u dhexeeya.

Astaamaha xanuunka waxaa keena suntan xad dhaafka ah ee Bakteeriyada  jidhka ku sii dayso, suntaas oo jidhka u keenta inuu dheecaanka ku jira kusii dayso midhicirka, dheecaankas oo ka dibna u baxa shuban ahaan, qofkuna  waxa uu u dhinta waxa ugu horeeya Fuuqbax( Dehyderation) biyaha jidhaka ka baxaya  oo lagu qiyaasay  ilaa Labaatan  litir.

Dawada xanuunka.

Iyadoo la og yahay  sababta keenta  dhimashada cudurkan inay tahay biyaha  jidhka ka baxay oo qiyaastii  gaadhi kara Labaatan litir oo biyo ah, dawadu waxay tahay inuu qofka bukaanka ahi  helo bedelkii biyaha jidhka ka baxay  (dheecaanka jidhka  electrolytes). Biyaha qofka buka la siinayo waxa lagu daraa milix iyo sonkor si uu u helo Maadadaha jidhku uu u baahan yahay.  qiyaasta  milixda iyo biyaha hal Litir oo biyo nadiif ah  oo lagu milay hal malqacad yar oo milix ah. sideed   litir oo kasta waxa lagu dari karaa Liin ( Orange juice) iyo jab mus ah oo la daqiijiyey. Nooc ka mida  daawooyinka dheecaanka jidhka  soo celiya waxaa loo yaqaan Ceralyte.

Hadii qofka buka xaaladiisu halis tahay waxa jidhkiisa lagu rakibaa  dhuun laga siiyo  dheecaanka  Intravenous – IV. Hadii  aan dheecaanka jidhaka lasoo celin halista dhimashadu way sii  kacdaa, daawada loo yaqaan Teyracycline Antibiotic ayaa wax ka tari kara in la soo afjaro mudada cudurku qofka sii hayo , hase yeeshee noocyo badan oo Koleeraha ah ayaa adkaysi  u yeeshay daawadan. Noocyada kale ee Antibiotica ee la isticmaalo waxa ka mida Ciprofloxacin iyo  Azithromycin, inkastoo la sheegay inay iyaga laftooda  bakteeriyadu adkeysi u yeelan karto.

Hadii dadka Koleeruhu  ku dhacay  la daweeyo dhimashadu waxay  hoos u ugu dhacdaa  hal boqolkii  qof uu cudurku ku dhacay, halka marka aan la dawayn ay gaadhi karto 50 qof boqolkiiba ee cudurku ku dhacaba  ama  kala badh  tirade dadka xanuunka usoo dhaca.

Ka hortaga cudurka Kalooraha.

In kasta oo cudurkani halis gelin karo  nolosha qofka hadana  badiyaaba waxa laga horttegi katraa hadii nadaafada Qoyska, qofka iyo deegaankaba la ilaaliyo.

* Gogosha, in laga taqaluso oo la dilo bakteeriyada la socota shubanka oo ay ku jirto dharkii iyo gogoshii iyo wax kasta oo ay soo gaadhay  Bakteeriyadu.

Ka takhalusidu  maaha in qashinka lagu rido  ee waa in marka hore gogoshaas dharka iyo alaabta uu  taabtay lagu rido  oo lagu maydho Koloriin  Chlorine Bleach si looga dilo Bakteeriyada, hadii aan Koloriin Bleach  la haynin waxa ugu dhow iyadoo la gubo dharka, gogosha ay dhamaan  bakteeriyadu gaadhay. Hadiise sidooda loo tuuro gogoshaas waxaa fidaya Bakteriyada oo gaadhi karta  Ilaha biyaha laga cabbo.

·     Bulaacadaha, Boosaneerooyinka oo laga dilo bakteeriyada  inta aanay deegaanka ku fidin, Tusaale ahaan Biyaha dhulka hoostooda  oo meelaha qaar dadku ceelasha ay ka qodaan.

·      Ilaha biyaha laga cabo, in digniin la dhigo goobaha biyaha laga dhaansado ee bakteeriyadu gaadhay, sida Ceelasha oo dadka looga digo inay ka cabaan ama ka dhaansadaan,iyo in meelaha looga shakiyo lagu rido daawada lagu dilayo jeermiska (Chlorine).

·     Nadiifinta, karkarinta biyaha iyo sifaynta ( Filltering) iyo in lagu daro Chlorine Bleach, gacmaha oo lagu maydho saabuun bakteeriyada disha, hadii uu qofku taabtay qof xanuunkan qaaday ama gogoshiisa ama shay uu isticmaalay oo bakteeeriyadu soo gaadhay. Biyaha loo isticmaalo cuntada , maydhiska iyo cabitaanka oo la karkarinayo laguna daro koloriin meel kasta oo bakteeriyada lagu tuhmo inay gaadhay, biyaha oo la sifeeyo iyo in lagu daro koloriin ayaa ah habka ugu haboon ee lagaga hortegi karo fiditaanka cudurka.

Tallaalka Vaccine.

Waxa jira noocyo badan oo daawooyin talaal ah inkastoo  qaarkood ay leeyihiin waxyeeladooda gaarka ah (Side effect)

Dhinaca kalena aan la hubin inay sitoosa u horjoogsan karaan Cudurkan daacuunka.  waxaa jira nooc talaal ah oo afka laga qaato (Oral Cholera Vaccine-OCV). Oo ay Hay’ada WHO/UNICEF ay ku tilmaameen  in aanay badiyaa lahayn waxyeelo, isla markaana ay wax tarkeedu yahay 70%. Ugu yaraan mudo hal sano ah, laba nooc oo talaaka afka laga qaato ah ayaa ah Dukoral oo ay samayso SBL Vaccines iyo CVD 103-HGR, Orochol-E.  midkoodna kama hortago waxna kama tari karo nooca Vibrio Cholera 0139.

U nuglaanta Cudurka.

Daraasad dhowaan la sameeyey ayaa sheegtay in dadka qaarkii ugu nugul yihiin Cudurkan qaadistiisa dadka nooca dhiigoodu yahay (0),  ayaa la sheegay inay uga nugul yihiin kuwa dhiiga noocoodu yahay ‘B’ labadaas waxaa ka sii adkaysi badan nooca dhiiga ee ‘A’. halka nooca  ‘AB’ uu yahay ka ugu adkaysiga badan.  cudurku qofka wuxuu kudhacaa marka uu cuno cunto ay  ku baahday  ilaa Hal Million oo bakteeriya  V, cholerae Xajmiga hal Million oo bakteeriya ah wuxuu le’kaan karaa irbada caaradeeda. Waxaa cudurkan u sii nugul dadka qaba xanuunka Laabdilaaca Gasteric acidity, iyo dadka nafaqadaradu haysato Malnuourished.

Fiditaanka.

Maadaaba uu qofka cudurkani ku dhacay uu shumayo waxa shubanka laf ahaantiisa ku jira Bakteeriya, meel kasta ama shay kasta oo uu gaadhana Bakteeriyaduna way gaadhaysaa. Waana  sababta keenta fididaanka cudurka, waxaana qof qof loogu kala qaadaa  marka saxarada  qofka  qaba  ay si fudud u raacdo  biyaha  la cabayo ama la siticmaalayo. Badanaaba waxay timaadaa marka biyaha bulaacaduhu ay galaan dhusinka  ka dibna loo isticmaalo cabitaan iyagoo ay weli nooshajay bakteeeriyadii.

Bakteeriyadda V.  Cholerae waxaa laga helaa noocyo ka mida cayayaanka ku dhex nool biyaha ShellFish  and blankton. Inkastoo ay jiraan noocyo bakteeriyadan  ah oo aan lahayn  suntan keenta xanuunka   kaloorah ah.  Chalorae Wikipedia.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

Fikrad ka dhiibo