War goor dhaw naga soo gaaray Magaalada Baydhabo ayaa waxay tibaaxayaan in maleeshiyo beeleed ay la wareegeen Xabsiga Magaalada Baydhabo kuwaas oo weerar ku soo qaaday Xabsiga kadib markii ciidamada Booliska Baydhabo ay xabsiga dhigeen nin ganacsade ah oo maanta dhaawac ka soo gaaray qaraxyadii ka dhacay Magaalada.
Ciidamada ayaa la sheegay in qaraxa ka dib ay dil u gaysteen dad shacab ah o gaaraya ilaa 6 qof ayaga oo sidoo kale tacshiiradda ay fureen ay dhaawac u gaysatay dad tiro badan kuwaas oo la dhigay Cisbitaalka Magaalada Baydhabo.
Askarta ayaa la sheeegay in ay sidoo kale maanta xabsiga u taxaabeen dad farabadan oo isugu jira Ganacsato shaqaalaha Shirkadaha isgaarsiinta iyo dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Maleeshiyada la wareegtay Xabsiga Magaalada baydhabo ayaa la sheegay in ay wali ku sugan yihiin Xabsiga ayna ka sii daayeen dad fara badan oo ka mid ah dadkii ku xirnaa Xabsiga.
Wixii warar ab oo ku soo kordha arrimahaas dib ayaan idin kala soo socod siinaynaa insh-allah.

Related posts:
sah wuh may dadka u hirayaasee