Wufdi balaaran oo culimo ah oo maalmahanba safar kumarayay gobolada Soomaaliya ayaa galabta ka amba baxay Magaalada Beledweyne kadib dhowr maalmood oo ay halkaasi kusugnaayeen islamarkaana ay kulamo laqaateen qeybaha bulshada gobolka Hiiraan iyo xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed si ay waxbadan uga ogaadaan xaalada gobolka iyo khilaafka la sheegay in uu ka dhax jiro madaxda MMIS.
Wafdigan Culimada ah ayaa waxaa kamid ah culimo si weyn looga yaqaano Soomaaliya kuwaas oo kala ah:-
Sh Nuur Macalin C/raxman, Sh Nuur Cali Jaamac, Sh Nuur Baaruud Gurxan, Sh Maxamuud Sh. Ibraahim Suuley iyo Sh C/risaaq Macalin Aadan iyo xumno kale oo badan.
Culimada ayaa waxaa noo suurta gashay in qaar kamid ah aan xiriir la samayno waxaanan waydiinay ujeedada uu ku qotomo safarkooda waxayna noo sheegeen iney u socdeen xaqiijinta 2 arimood oo kala ah:-
1- Mideynta safafka Mujaahidiinta iyo baabi’inta khilaafka haduu yahay mid salka ku hayasa Masaa’il diini ah iyo khilaaf ra’yi ah islamarkaana ay ka hortagayaan in uu sii fogaado kala qaybsanka Mujaahidiinta.
2 – In lasoxo manaahijta qaldan ee soo dhaxgalay Mujaahidiinta islamarkaana lacadeeyo wadada saxda ah ee selefka.
wafdigan oo soomaray Magaalooyinka Dhuuso-mareeb ,Ceelbuur Guriceel iyo meelo kale ayaa mar kii ay soo gaareen Magaalada B/weyne waxa ay kulamo kala duwan layeesheen Masuuliyiinta Maxakamadaha Islaamiga ee ku sugan Hiirtaan iyagoo kusoo beegmay xilli qaar ka mid ah Masuuliyiintaasi warbaahinta isku waydaar sadeen hadolo iska soo horjeeda, taas oo qayb ahaan ay ku guulaysteen iney isku keenaan dhinacyadaas siwada jira ahna ay uwada shaqaynayaan hadda.
Sidoo kale waxay la kulmeen qaar ka mid ah madax dhaqameedka iyagoo booqasho ugu tagay gurigiisa Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble inkasta oo aan lashaacin waxyaabaha ay isla sooqaadeen balse la rumaysanyahay iney kala hadleen xaaladaha Gobolka Hiiraan hada ka jira iyo sidii loo taageeri lahaa kudhaqanka Shareecada Islaamka
Culimada oo maanta dadka kala hadlay Masaajidda kadib salaadii Jimcaha ayaa ku booriyay in amaanka ay dowr wayn kuleeyihiin shacabku ayna tahay inay isgarab taagaan Maamulka hadda jira hadii uu qaldamana ay u sheegaan qalad kiisa.
Wafdigan culimada ah ayaa ka galabta ka soo ambabaxay Magaalada B/weyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxayna ku soo wajahan yihiin Magaalada Jawhar ee Gobolka Sh.Dhexe iyagoo la filayo in ay u soo gudbi doonaan Magaalada Muqdisho.

Related posts:
salaamun caleykum waraxma.
Waxaan aad ugu farxay Juhdiga culimada iyo guulaha ay ka gaadheen khilaafkii beledweyne,waxaan allah uga baryayaa in uu sahlo in ay ku guulaystaan dhammanba khilaafyada ku kala dhexjira midowgii maxkamaha islaamiga ee dhammaan soomalidu xasuusato 6bilood iyo wannaagii ay ummadda soomalaiyeed u horseedeen xiligaa sc wr wb
ASC,
waxaa wax lala yaabo ah in Sheekh Nuur Baaruud, oo bilahii na dhaafaay uu shir ugu qabtay Jaaliyada Soomaaliyed ee ku dhaqan dalka Kenya, shirkaasna wuxu ku qabtay magaalada Neyrobi, isagoo ku wacyigelinaayey Jaaliyada in la taageero shirka Jabuuti, lana qaato Nabada, marka waxaa iga yaabiyay in shiikhaan marna na dhaho dhexdhexaad ayaan ahay ee MMI ayaan heshiisiinaaya marna uu shir lagu taageeraayo garabka ay sxbkiisa Shariif Axmed, marka yuusan daalin shiikha wala ogyahay in uu u adeego Shariifka la gamay, shaqaalaha waxaa kale ka mid ah Cabduqaadir Cali Cumar, Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuleey, Cabdiraxmaan Ibraahim Macow, Cabdiraxiim Ciise Cadow iyo rag kale taro yar ah.nabad wax la yiraaho kama socdaan shir ku sheega jabuuti laakiin waxaa ka socda siddii loogu xalaalin lagaa Tigreega dalka kusoo duulay iyo siddii shacabka loo khiyaani lahaa.
waxaan la yabay qolyaha leh wadaadada somaliland iyo puntland maxeey uga hadlayan marka hargeysa ama boosaso la qarxiyo.
dadka sidaa leh waa dad is indha tiraya culimada u gafaya maxaa yelay aniga saan arkay culumadaan waxey hadlan marka dad soomaliyeed oo muslim ah dhiigooda uu daadiyo mid iyagoo kale ah oo leh ilahay baa ii banyay inan daadiyo marka taas ayaa keneysa in ay difaacaan ka ben shegida laga ben shegayo diinta , hadeeysan saas eheyn soomali waa is dishaa dhiigna waa iska dadisaa lakiin ma xalaaleysaan oo waa ogyihiin in dhiig xaran ka ah uu daadshay marka farqiga u dhaxeeya ineysan ka hadlin kan qabqablayasha ama dowlada ama cidkaloo aan eheyn wadaadada waxa weyaan in kuwa wadaadada sheganaya ay baneestan dhiiga muslimiinta lakiin qabqablayaahsu aysan banesan o ay wax kale u geeysay
ASC
Hadalka Samatar waxaa laga fahmayaa in qabqablayaashu ay dhaamaan wadaadadu! Wal ciyaadu billaah. Xaq iyo Baadil isku meel ma galaan. Wadaadadii lagu gawracay ee Tabliiqa ahaa yaa ka hadlay oo cambaareyey!! Maalin kastoo waxa dhiig lagu daadiyo Xamar ee muslimiin ah yaa ka hadla! War Illaahey ka baqa Hargeysa waxa ka dhacay marka loo fiiriyo waxa Xamar maalin kasto ka dhaco oo dil, kufsi iyo barakac ah ma jiro. Marka soo ma aha dhiiga reer Hargeysa inuu ka qaalisan yahay kan Xamar lagu daadinayo? Illaaheyow ummada xaqa fahamsii.WSC
ku abuu munsif
walaal ilaahay ka cabso oo cadaalad samee wixii xamar ka dhacay wadaadadu way ka wada hadleen waana laga wada xumaaday gaar ahaan wadaadadii tabliiq ee la garowracay culimada aad adigu hada ku kacsan tahay bayaan kii ay ka soo saareen beerdhigaa xataa soo qortay anigaana akhriyey taasina waxay cadaynaysaa sida aad cadaalada uga fog tahay
waxaanse ku waydiiyey wax kale oo aad aflagaadeysid miyaad aduunka ka wayday wax gaalo iyo munaafiqiin buuxa maxaa dadka ilaahay ee culimada ah ee wax dhalinyaro dagaalamaysa iyagu soo saaray ku daba dhigay
waxaan u sheegayaa adigu nag nag layaasha kula mida culima kabahooda ayaa idinka fiican
ee intaan calaamad xumi idiin danbeyn culimada ka hara
wsc
ku abu munsif
waxaan ilaahay ka magan galay in aan fahmo xaqa aad adigu fahamsan tahay ee culimo caayga iyo indha la aanta ah
mar dhowna waa lagu arki doonaa adigoo culima xamar joogana saaran ilaayn waa calaamad lagu yaqaan hawa raacnimadee
wsc
waxaan u arkaa in ay tahay khaladdhaqanka culumadaan badan kood yahiin akhwaanul muslimiin (islaax iyo aala shiiq) culumada soomaaliyeedna ma matalaan mana ahan wax cadaalad ah waa afduub aan soconeeyn waa in umadana eey soo dhax galaan culumada dhax dhaxaadka ah sida sh,ummal ….sh.shariif cabdi nuur .. sh axmad daahir iwm
Asalaamu calaykum wraxmatulaah
waan salaamayaa dhamaan walaalaha fikirkooda kusoo bandhigay halkan waxaan rabaa marka hore inaan ka faaiidaysto inaad aamiin ii tiraahdan oo aan Mujaahidiin uduceeyo ilaahaw adigaa ah alle Caziizee Caziisnimaddaada gargaarkaaga kusii Mujaahidiinta Munaafiqiinta iyo gaaladdana hawtaagin raayo kanayeel kuwa lahoojiyo oo jabba. alaahuma aamin
waxaan Marka hore larabaa inay Cullimaddu dawrkooda qaataan hogaana unoqdaan jihaadka si khaladaadka saaxadda soo galay loo saxo laakiin haday noqdaan mutafarijiin wixii dhalinyaradu samayso oo khaladda ha ogaadeen inay denbigaas waxku yeelanayan,waayo haday intay dabkii shidaan oo shabaabkii ku akhriyaan jihaadkii iyo fadaaishiisaii hadana ninwalbaa hotel ama xaafad nabada iska fariisto arinkaasi saxmaaha.
Tan dhalinyaradana waxaa ka oronayaa ilaahay kabaqa Cullimadda daaya waayo waalidkii kudhalay xaqa ykugu leeyihiin ayay inagu leeyihiin hilibkooda lacunaana waa masmuum(hilibsumaysan adigoo cunayoo kale weeye, ibnu casaakir kitaabkiisa taariikhu dimishiq ayuu ubaabaystay in hilibka Cullumadda uu sunyahay qofka cunana ilaahay qalbi kadilo intaanu dhiman kahor.
Markaa daaya Cullimada unaseexeeya usheega xaqqa inay horkacaan cilmigooda ku ixtiraama.
wasalaamu calaykum
Calaamadaha munaafiqiinta waxaa ka mid ah in wixii yeeraba ay moodaan inay iyaga lid ku yihiin!!!
Aniga iima muuqadaan wax ku jaban dadaalka culimada (shakhsiyaadkoodu way gefi karaan).
Waxaa laga yaabaa dadka qaarkood in ay sii ogyihiin in dadaalka culimadu uu ka hor imaanaayo ujeeddadooda sidaa darteedna ay sii mucaaradaan.
Insha’llaah khilaafku wuu dhammaan, shuushkuna wuu bixi, munaafiq-na Ilaahaybaa cawradiisa feydi doona, kuna fadeexayn doona addun iyo aakhiro
Asc-wr-wb
War illeen, goormeey safaarada ethiopia noqotay meel eey muslimiin isugu imaadan, mise axmaarada madmadow ee safaarada ka shaqeeya ayaa loo yaqanaa muslim.
Runti hadii la eego meela la wareeray qof qalbi saalim ah leh wuu garanaya in madaxtooyada, iyo sirdoonka, in aysan ahayn meel qof mu’min ah uu ku sugnaado.
Marka illaahay aan ka wada cabsano, runtana ha la isku sheego.
Sh. boqolsoon (rx) ayaa si cad u sheegay in loo aasaasay gobolka somaliland si cilmaaniiyiinta eey ku faafan dalka muslimka ah. Waxa la ogyahay, macaasirta ka furan hargeysa ee waxa loo yaqaano UN development iyo EU eey lacag ku bixiyaan, si dadka s/land looga dhadhiciya fikirka cilmaaniyiinta.
Maxay culimada dulmiga intaa la eg u dhowrsadaan, kan intaas oo sano socday, iyo kan eey mujrimiinta eey ku hos nolyihiin wadaan?
Dadku in eey culimada fatwooyinkooda la su’aalo ma aha in eey neceb yihiin, ama ay khawarij yihiin.
wsc-wr-wb
asc,bayaanka aysoo qoreen culimada hargayso 2qodob oo ka mid ah ayaan doonayaa inaan wax ka iraahdo 1.waxay tacsi u direen dhamaan dadkii ku geeriyooday qaraxyadii hargayso waxaana dadkaasi ka mid ahaa 3axmaaro ah,hadaba xageey ka keenee kaafir axmaar ah in loo tacsiyeeyo? gaala raacyada lagu halaagay madaxtooyo ku sheega hargaysa hanoo cadeeyaan aayada sheegayso in loo tacsiyeen karo? 2.waxay culimadu sheegeen in qofka muslimka ah aan dhiigiisa la daadin karin sabab la,aan oo ay ula jeedaan dadkii muslimiinta hargayso ku dhimatay iyo murtadiintii madaxtooyada hargayra ku halaagsantay ee dhiiga muslimka maganta u ah ka ganacsan jiray,cajiib! murtid dhintayna in lagu sheego muslim dhiigiisu banaanayn muslim magan kuu ah oo axmaar loo dhiibayna laga hadlin,anigu sheekh waa garan waayey sheegadkiisuna waa batay ninka axmaarada safaarada hargaysa lagu halaagay u tacsiyeynaya keyfa sheekhu? kaas sidee sheekh ku yahay? kan murtadiinta madaxtooya hargayso lagu cadaabay u tacsiyeynayana sidee sheekh ku yahay?kan muslimiinta maganta u ah in axmaar loo gacan galiyo ku raali noqday kana hadlina sidee sheekh ku yahay? kan jihaadka dalka ka socda xatooyada ku sheegay mujaahidiintana tuugo ka dhigayna sidee sheekh ku yahay kan shirqoolka jabuuti in la raaco fatwoodayna sidee sheekh ku yahay bal culimada rabaaniyiinta ah ha u sharxaan sheekha dhabta ah caamadan wareersan.
Hargeysa iyo Boosaaso waxaa u qaxay Qaxootigii Muqdisho waxaana Dagan Muslimiin Amxaarna ma Heysato, waa sababtaas waxa Culimada ka hadshiiyay kuwaan Qarxinaya meel walboo Soomaali joogto maxey tahay ula jeedadooda? ma waxay dhib u arkaan in Muslimiinta qeyb meel nabad ah joogaan hadii qeyb Dagaal heesto?
Magaalda Hargeysa waxaaa lagu oo dhweeyay dhamaan Muslimiintii ka qaxday Koonfurta waxayna u balan qaadeen xataa in ay Xajka u fududeyan oo aan lagu dhibi doonin Eroboorka ,marka kuwaan aan dhaleeceynin Khwaarijta eeCulimadii afka ku haayo illaaah ka cabsad
KU DEEQ
waa mucjiso dadkii ku dhintay Madaxtooyo iyo wixii ku dhintay qaraxyadaba waa Danbi inaad gaalo ku sheegto Insaafna maaha , ee ku gaabso Qof Walba Camalkiisa ayaa lagu soo saarayaa Taasi waa iga nasteexo .
Tan kale Anaa Shaqsiyan u Aqaan Dad ku Dhintay Madaxtooyo iska dhaaf meel kale oo waxa socda walahi (naxsabahum walaahi xasiibahum )aan ku lahayn Bal u Socday Markay dhimanayeen Arimaha Dad wadaado ah oo xiran ka xaajoodkood ooo waliba meelo aad uga fog hargaysa uga yimid .
HowEver iska ilaali inaadan wax aadan hoos uga warqabin aad Tacmiimiso
to deeq
soo dahwoow waydaan warkaga waala wayay xoogaa waad soo nasataan u malen mise mise hurdaad ku jirtay oo qaraxyada hargeysa iyo boosaso ka dhacay baa kusoo kicyay .
culumadan aad heysataan e aad ledihiin mexey uga tacsiyenayaan dadka masaakiinta ee la qarxiyay baan la yaabsanhay .
adigi baa hadan ku shegaya in dadka meesha ku dhintay ey muslimiin ku jiraan hadana waaad baneneyeysaa dilkooda marka waxa aan ku kala duwanahay waa dilka dadka muslimiinta waa xaraan iyo mahee waanoo babnaan yahay .
hadii ay tahay cida aad rabtaan inaad leeysaan xabashida iyo kuwa la shaqeysta maad habenki weearartan ilen iyaga uunbaa mesha joogee marabtaan waxaad weeraraeysaan marka dadku meesha ku badan yahay oo aycidwalba joogto .
midakale haduu dagaalka aad wadaan uu ku ekaan lahaa xabashida iyo kuwa kensaday dhib ma lahateen bal markastoo aad xabashi dishaan ama kuwa kensaday waan idiin ducen leheyn lakiin dhibka waxuu ka dhacay markaa masaakiinti kusoo laabateen oo xabashida iyaga usii martaan .
waxaana fiicnaan leheyd inaa dib u aqriso tacliiqeygi ugu horeeyay ee kusaabsan arimanahan boosaso iyo hargeysa oo aan ku tacliiqiyay kii boosaso laga qoray.
mida caayda ah afcaaytama ninkiisuu ku yaal marka waxba ka oan maayo hadaad adigi tahay dadka caayda awooda ka raadiya .
qolyaha webkana waaba mahadsanihiin hadeey ka jareen hadalkaagi xumaa
asc
aad ayaan oogu faraxsanahay
dadaalka culumada waxaana u rajeynayaa
guul iyo midnamada umada dadka wadaada u gafaayana ilaahay ha ka cabsadeeno hana taageereeno wadaada wss
ku deeq & osmaan
walaalayaal waxaanan garan in ay aqoon xumo idinka tahay in aad mabda ahaan u aaminsan tihiin in umada soomaaliyeed la wada gaalaysiiyo waayo waayo waxaad leedihiin dadkii madaxtooyada hargeysa ku dhintay waa murtadiin (il;aahayoow adigaa hadalkaas marag aka ah ) (satuktabu shahaadatuhum wa yus aluun)
goormaad afti ka qaadeen oo aad ka fiiriseen in shuruudiina laga helay mawaanicdiina laga waayey.
waxaan kaloo iyadana aan la yaaban in 3amxaar dartood loo laayo 40 muslimiin ah diinta iyo caqliga keenaya
miyaaydaan quraanka akhrisan (walowlaa rijaalun mu,minuuna wa nisaaun………) suuratul fathi oo muslimiinta loogu sheegayo sababaha in ay maka galaan loogu diiday saaanadkaas in ay ka mid ahayd in intay dagaalaman ay laayaan dad muslimiin ah oo aysaan garanaayn islaanimadooda oo mustad cafiin ah, hadaba maxaad u malaynaysaa in adigoo garnaaaya qof muslimah in aad dili doontid ku marmarsiyoonaaya hal gaalaa ku dhex jirey
taasi walaahi waa fikradii khawaarijta iyo abuu lulu al majuusi eee ilaahay ha laga baqo
wsc
ku:samater dabkii munaafaq loo waday ayaa mumin ku gubtaa dadka waxba aan galabsan ee ku dhintay hargeysa ee muslimka ah alle ha u naxariisto kuwa madaxtooyada lagu halaagay ee marduufka jaadka ah ku iibsan jiray muslimiinta abaalkoodii ayaa fur loogu shubay ee ha dhadhamiyaan macaan iyo qaraar midkuu yahay, axmaarada safaarada lagu halaagayna waxaan leeyahay … faqudica daabiral qowmiladiina dalamuu walxamdu lilaahi rabil caalamiin… marka maalmihii doodu furnayd ayey kuu ekayd inaad nala niqaashto maanta oon joojinay inaad hada ha kooyi tiraahdo waa laga fiicnaa hadaan meesha ka maqnaadayna ragbaa ii jooga sida abu muosif ,u hiili xaqa warfaa iyo ragkaloo badan.
ku deeq
miskiin baad tahay muslimiinta aad hargeysa ku layseen alla ha u naxariisto kaa saarimayso
aakhirna waa la idiin soo taagayaa adiga iyo inta fikirka khaldan wata aduunkana la iskaga hari maayo hadaad mooday in dhiiga muslimiintu yahay xadiis waqtiga la isku dhaafiyo
ilaahay u toobad keen baan ku oran lahaa
wsc
asc,aaway culumadii ahlu sunna wal jamaaca?? kuwaani waa culumo somaliyeed waa run iney qeyb ka yihiin culumada haddaba suufiya ha hadasho.waan soo dhaweynayaa culumada dhamaan kuwa caynaya waa dad munaafiqiin iyo gaalo wadato waayo lama caayo culumada sida shiikh shariif iyo shiikh baaruuf gurxan.
ku:maskiin kan la baxayow nin yahow hadalka dalab looma yeelo hadaad doodaysidna xaqiiq ayaa laga hadlaa 1.waxa la weeraray waa xarumaha sharta iyo shaydaanka wayna mudan yihiin in la burburiyo sida xarunta ashahaado la dirirka ee riyaale safaarada xabashida,xarunta qilaafa masiixiya q.m.ee undp ee qof muslim ah ee gurigiisa ama dukaankiisa lagu weeraray ma jirin sidaad hadalka u qaloocinaysid hadaad rabto in xarumahaasi inla weeraro ay ahayd khalad inaad noo tustid lagaa ogolaan maayo diiniyan iyo caqliyan,masalada diiniga ah ee aad soo qaaday hadaan kaala doodo nimanka mooradan ashahaado la dirirka ah ee riyaale ku xaraysnaa ee la halaagay sida xoghayaha moorada,taliyaha ilaalada,sarkaalka sare ee jaajuuska ah bal inta nawaaqid ay ku jiraan tirso 1.waxay gobolka ku xukumaan qawaaniinul wadciyah al bashariyah,2. walaayatul kufri.3.muslim soo magan galay oo gaal u dhiibaan iwm. amma shuruuda iyo mawaanicda aad gaashaanka ka dhiganaysid waa kii muta,awil ah oo la shuhba bixiyo iyo kii jaahil ah oo la jahli bixiyo xujadana lagu oogo waana la sameeyey taas oo sheekhii ugu danbeeyey ee xujada ku oogay iidul fidrigi waa tay xireen,markoodii horana waa niman gaalo raacyo ah oo cadawga maanta nahaysta u adeegayey oo inta mingiste qore u soo dhiibay ka ogolaaday in dalka ay ku kala gooyaan taasoo dhaxalkeedii noqday in maanta axmaarku muqdisho taangi ku garaaco hargaysana ku raaxaysto khamrigana ku cabo khansiirkana ku cuno,mise waxaad ka mid tahay dadka snm mujaahidiinta u yaqaan? haday kuwaasi mujaahidiin noqdaan mingiste xayla maryana mujaahid ayuu noqon.