Markab Turki oo la Afduubtay

Published on October 31, 2008 by   ·   No Comments   ·   print

Mas’uul ka mid ah Ciidamada Badda ee Turkiya ayaa shaaca ka qaaday Khamiistii shalay in Burcad Badeed ay afduubteen Markab Xamuul oo laga leeyahay Dalka Turkiya, isla markaana wadatay Calanka Jasiirada Marshall,taas oo laga afduubtay xili ay maraysay xeebaha Soomaaliya ee ku yaala Gacanka Cadmeed.

Mas’uul codsaday in aan la shaacin Magaciisa ayaa sheegay in Burcadu ay qafaasheen Markab lagu magacaabo Nsleyhan escape isla markaana ay saarnaayeen 77 Tan oo Biro ah kuwaas oo uu ka soo qaaday Dalka Canada kuna socotay Dalka shiinaha, waxaana markabkaasi la afduubtay Maalinimadii Arbacadda ee aynu soo dhaafnay, waxaana uu sheegay Mas’uulkaasi in ay socdaan dadaalo lagu soo daynayo Markabkaasi.

Fahmi Olginer oo ah Mas’uul ka mid ah shirkada iska leh Markabka ayaa u sheegay Kanaalka NT in Kabtankii Markabka waday uu u soo diray Duhurnimadii Arbacada Codsi gar gaar, balse mar kale uma aysan suuro galin in uu la soo xiriiro shirkada.

Wuxuu kaloo intaa ku daray “waxa aan ognahay waa in Markabku hadda uu taaganyahay meel Soomaaliya u dhaw oo gacanka Cadmeed ka mid ah” waxayna ilo wareedyo sheegayaan in rakaabka saaran markabkaasi ay tiradooda gaarayoso 20 bad maaxiin, waxaana uu xaqiijiyay Fahmi Olginer in Wasiirka Arimaha Dibada ee Turkiya uu u xilsaaranyahay dabo galka Qadiyada Markabkan.

Burcada Badeeda Soomaalida ayaa sanadkan gudihiisa weeraray isla markaana Afduubtay in ka badan 63 Markab oo shisheeye ah kuwaas oo ay ka Afduubteen Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed, waxayna yihiin Burcada Badeedu kuwo ku hubaysan Hubka Cul-Culus iyo Doomaha Dheereeya, waxayna ka qaataan Maraakiibta iyo doomaha ay afduubtaanba Madaxfurasho Qaali ah.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Markab laga Leeyahay Masar oo la Afduubtay
  2. Markab la Afduubtay
  3. Markab ay saaranyihiin Qalab Milatari oo la afduubtay
  4. Markab la Afduubtay
  5. Hindiya oo Markab Dagaal u soo diraysa Soomaaliya

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Markab laga Leeyahay Masar oo la Afduubtay
  2. Markab la Afduubtay
  3. Markab ay saaranyihiin Qalab Milatari oo la afduubtay
  4. Markab la Afduubtay
  5. Hindiya oo Markab Dagaal u soo diraysa Soomaaliya

Latest Headlines