Liiska Magacyada Dadkii wax ku noqday Qaraxyadii ka dhacay Hargeysa.

Published on October 31, 2008 by   ·   2 Comments   ·   print

Wararkii ugu dambeeyay ee ay soo saareen hawl wadeenada Caafimaadka ayaa xaqiijiyey  in ilaa 21-qof ay ku geeriyoodeen Qaraxyadii xidhiidhka ahaa ee lala beegsaday Xafiiska UNDP, Safaaradda Itoobiya iyo Xarunta Madaxtooyada Maamulka  Somaliland. Isla markaana waxa la sheegay in afartameeyo  kale ay gaadheen dhaawacyo kala duwani, kuwaas oo qaarkood isla shalayba loo duuliyay dalka Jabuuti.

 Xogaha laga helayo goobaha Caafimaadku waxay tibaaxeen in aan la wada aqoonsan Magacyada dadka dhintay, balse qaar badan oo ka mid ah la aqoonsaday, qaarkoodna aan ilaa iyo hada la aqoonsan . Sidaa daraadeed, sidaanu ka soo xiganay Hawl-wadeeno Caafimaad Magacyada dadka dhintay ee la aqoonsaday waxa ka mid ah;

 Ibraahim Cabdirisaaq Cabdilaahi Sool oo dhalasho Finland ah haystay oo dhawaan dalka yimi, islamarkaana isaga iyo Xaaskiisu ay ka mid ahaayeen dadka Qaraxu ku haleelay Safaaradda Itoobiya ee Hargeysa, halkaas oo la sheegay in ay Fiise ka doonayeen, balse uu ku geeriyooday Marwadiisuna ay ku dhaawacantay. Sidoo kale Magacyada aanu ka helnay dhinaca hawl-wadeenada Caafimaadka waxa ka mid ah;

 1. Xildhibaan Maxamed Cismaan Libaaxo (Golaha Guurtida)
2. Daahir Cali Ciid, (Xoghayihii Madaxtooyada)
3. Xuseen Maxamed Faarax (Af-gaab) (La taliyihii Madaxweynaha ee dhinaca Hay’addaha)
4. Maxamed Cilmi Geelle, (madaxii amniga UNDP)
5. Xusseen Aadan Cabdi
6. Maxamuud Maxamed Yuusuf (Fool)
7. Maxamuud Cabdiraxmaan Sugule
8. Maxamed Axmed Cumar (Madaxtooyada)
9. Ibraahin Cabdirisaaq Cabdilaahi
10. Layla Xaaji Cabdi Rooble (Madaxtooyada)
11. Siciid (Darawal UNDP).
12.Caaqil Dugsi Cabdi Xassan Deyl.
13.Caaqil Caaqil Maxamuud Cabdi Sugulle Boqore.
14.Cabdilaahi Xaaji Saleebaan.
 
Magacyada dhaawaca ayaa iyana kala ah:
 
1. Sulub Cabdi Saleebaan
2. Maxamed Cabdilaahi Guulleed
3. Xiis Mahdi Sugaal
4. Barre Yaasiin Geelle
5. Maxamed Cabdi Cismaan
6. Maxamed Axmed Cismaan
7. Ibraahin Cabdilaahi (Huutuu) (Sarkaal sare oo ka tirsan Sirdoonka)
8.
Cali Cabdilaahi Xaashi
9. Cabdicasiis Maxamed Faarax (Sarkaal UNDP – waxa isla shalay loo duuliyay Jabuti)
10. Xuseen Faarax
11. Xusseen Xasan (Makaanik UNDP)
12. Khadar Cabdilaahi Muxumed
13. Jamaal Cabdi Maxamuud
14. Abokor Sulub, (Taliyaha ciidanka ilaalada Madaxtooyada)
15. Cabdirisaaq Xaamud Caydiid, (Weriye ka tirsan Telefishanka Space Channel)
16. Maxamed Aadan Ismaaciil (Adiino) (Sarkaal UNDP – waxa isla shalay loo duuliyay Jabuti)
17. Maxamed Ismaaciil (xafiiska xisaabaadka Madaxtooyada).
 
Magacyada dhimashada iyo dhaawacuba intaas waa ka badan yihiin,jirta tiro dad ah oo isugu jira dhimasho dhaawaacba oo aan ilaa iyo hada la aqoonsan, iyagoo yaala  Xarumaha caafimaadka, Maamulka Cusbatalka guud ee Hargeysa si rasmi ah umuu shaacinin Magacyada oo dhammaystiran, balse waxaanu ka soo xiganay Saraakiil Caafimaad oo goobaha daawaynta ku sugnaa.waxayna saraakiishaasi noo sheegeen  in qaar ka mida dadka dhaawaca ah oo xaaladoodu ay liidato loo qaaday Dalka Jabuuti.
 
qaybaha ka dhiman magacyada dhimashada iyo dhaawaca dib ayaanu idin kala  socodsiin doonaa hadii Eebe idmo.
 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Maraykanka oo ku eedeeyay Qaraxyadii Hargeysa & Boosaaso Ururka Al-Qaacida
  2. Mas’uuliyiin Qaraxyadii Hargeysa ku dhimatey
  3. Qaraxyo Waaweyn oo ka dhacay Hargeysa
  4. Golaha Amaanka oo Canbaareeyay Qaraxyadii Hargeysa & Boosaaso
  5. Kulan 5 geesood ah oo ka dhacay Hargeysa

Readers Comments (2)

  1. axmed daahir moxamuud says:

    waxaa magaalooyinka Hargeysa iyo Boosaaso ka dhacay waa wax aad iyo aad looga naxo dhaqanna aanu u lahayn, waa fal murugo leh, waana fal fuleynimo, ciddii arrintaas ka danbeysay ujeedda ay ka lahayd waa in dad la!aayo, hantina la baaba!sho oo kaliya, waayo ma jirto sababo loo weeraro meelo dagan oo xasiloon.

    Waxaan tacsi usoo jeedinayaa dadkii soomaaliyeed ee halkaas lagu xasuuqay,
    Inta nool oo ku nool gobolada dhibka laga geystay waxaan u sheegayaa Nin ku sigay wax kuu sheeg, waxaa la idin ka doonayaa taxadar dheeri ah iyo feejignaan, dagaalka la idinku soo qaaday ma ahan mid qabiil ee waa mid AYDH

  2. axmed daahir moxamuud says:

    waxaa magaalooyinka Hargeysa iyo Boosaaso ka dhacay waa wax aad iyo aad looga naxo dhaqanna aanu u lahayn, waa fal murugo leh, waana fal fuleynimo, ciddii arrintaas ka danbeysay ujeedda ay ka lahayd waa in dad la!aayo, hantina la baaba!sho oo kaliya, waayo ma jirto sababo loo weeraro meelo dagan oo xasiloon.

    Waxaan tacsi usoo jeedinayaa dadkii soomaaliyeed ee halkaas lagu xasuuqay,
    Inta nool oo ku nool gobolada dhibka laga geystay waxaan u sheegayaa Nin ku sigay wax kuu sheeg, waxaa la idin ka doonayaa taxadar dheeri ah iyo feejignaan, dagaalka la idinku soo qaaday ma ahan mid qabiil ee waa mid AYDHIYOOLIGI AH.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Maraykanka oo ku eedeeyay Qaraxyadii Hargeysa & Boosaaso Ururka Al-Qaacida
  2. Mas’uuliyiin Qaraxyadii Hargeysa ku dhimatey
  3. Qaraxyo Waaweyn oo ka dhacay Hargeysa
  4. Golaha Amaanka oo Canbaareeyay Qaraxyadii Hargeysa & Boosaaso
  5. Kulan 5 geesood ah oo ka dhacay Hargeysa

Latest Headlines