Wararkii ugu dambeeyay ee ay soo saareen hawl wadeenada Caafimaadka ayaa xaqiijiyey in ilaa 21-qof ay ku geeriyoodeen Qaraxyadii xidhiidhka ahaa ee lala beegsaday Xafiiska UNDP, Safaaradda Itoobiya iyo Xarunta Madaxtooyada Maamulka Somaliland. Isla markaana waxa la sheegay in afartameeyo kale ay gaadheen dhaawacyo kala duwani, kuwaas oo qaarkood isla shalayba loo duuliyay dalka Jabuuti.
Xogaha laga helayo goobaha Caafimaadku waxay tibaaxeen in aan la wada aqoonsan Magacyada dadka dhintay, balse qaar badan oo ka mid ah la aqoonsaday, qaarkoodna aan ilaa iyo hada la aqoonsan . Sidaa daraadeed, sidaanu ka soo xiganay Hawl-wadeeno Caafimaad Magacyada dadka dhintay ee la aqoonsaday waxa ka mid ah;
Ibraahim Cabdirisaaq Cabdilaahi Sool oo dhalasho Finland ah haystay oo dhawaan dalka yimi, islamarkaana isaga iyo Xaaskiisu ay ka mid ahaayeen dadka Qaraxu ku haleelay Safaaradda Itoobiya ee Hargeysa, halkaas oo la sheegay in ay Fiise ka doonayeen, balse uu ku geeriyooday Marwadiisuna ay ku dhaawacantay. Sidoo kale Magacyada aanu ka helnay dhinaca hawl-wadeenada Caafimaadka waxa ka mid ah;
1. Xildhibaan Maxamed Cismaan Libaaxo (Golaha Guurtida)
2. Daahir Cali Ciid, (Xoghayihii Madaxtooyada)
3. Xuseen Maxamed Faarax (Af-gaab) (La taliyihii Madaxweynaha ee dhinaca Hay’addaha)
4. Maxamed Cilmi Geelle, (madaxii amniga UNDP)
5. Xusseen Aadan Cabdi
6. Maxamuud Maxamed Yuusuf (Fool)
7. Maxamuud Cabdiraxmaan Sugule
8. Maxamed Axmed Cumar (Madaxtooyada)
9. Ibraahin Cabdirisaaq Cabdilaahi
10. Layla Xaaji Cabdi Rooble (Madaxtooyada)
11. Siciid (Darawal UNDP).
12.Caaqil Dugsi Cabdi Xassan Deyl.
13.Caaqil Caaqil Maxamuud Cabdi Sugulle Boqore.
14.Cabdilaahi Xaaji Saleebaan.
Magacyada dhaawaca ayaa iyana kala ah:
1. Sulub Cabdi Saleebaan
2. Maxamed Cabdilaahi Guulleed
3. Xiis Mahdi Sugaal
4. Barre Yaasiin Geelle
5. Maxamed Cabdi Cismaan
6. Maxamed Axmed Cismaan
7. Ibraahin Cabdilaahi (Huutuu) (Sarkaal sare oo ka tirsan Sirdoonka)
8. Cali Cabdilaahi Xaashi
9. Cabdicasiis Maxamed Faarax (Sarkaal UNDP – waxa isla shalay loo duuliyay Jabuti)
10. Xuseen Faarax
11. Xusseen Xasan (Makaanik UNDP)
12. Khadar Cabdilaahi Muxumed
13. Jamaal Cabdi Maxamuud
14. Abokor Sulub, (Taliyaha ciidanka ilaalada Madaxtooyada)
15. Cabdirisaaq Xaamud Caydiid, (Weriye ka tirsan Telefishanka Space Channel)
16. Maxamed Aadan Ismaaciil (Adiino) (Sarkaal UNDP – waxa isla shalay loo duuliyay Jabuti)
17. Maxamed Ismaaciil (xafiiska xisaabaadka Madaxtooyada).
Magacyada dhimashada iyo dhaawacuba intaas waa ka badan yihiin,jirta tiro dad ah oo isugu jira dhimasho dhaawaacba oo aan ilaa iyo hada la aqoonsan, iyagoo yaala Xarumaha caafimaadka, Maamulka Cusbatalka guud ee Hargeysa si rasmi ah umuu shaacinin Magacyada oo dhammaystiran, balse waxaanu ka soo xiganay Saraakiil Caafimaad oo goobaha daawaynta ku sugnaa.waxayna saraakiishaasi noo sheegeen in qaar ka mida dadka dhaawaca ah oo xaaladoodu ay liidato loo qaaday Dalka Jabuuti.
qaybaha ka dhiman magacyada dhimashada iyo dhaawaca dib ayaanu idin kala socodsiin doonaa hadii Eebe idmo.

Related posts:
Tags: Add new tag
Inti dhimatay oo muslima Alle h au naxariisto, dhawacana caafimaad, yaa k adanbeeya laakin shabaab waa aamusan yihiin maxkamadihii waa aamusan yihin , Alqacida wa amusan tahay, dadkii reer xamarka ahaana xarigaa lagu boobaa ayadoon loo kal aaba yeelin,
wixii jira waa so abxayaan
(XIGASHO).
Al-shabaab oo Sheegtay Masuuliyadda Qaraxyadii Dadka Badan ku Dhinteen
Magaca hoggaamiyaha kooxdii fulisay weerarradii argagixiso
Hargeysa (Jam – W/Wararka)- Kooxda Al-shabaab ee ka dagaallanta koonfurta Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen weeraradii argagixiso ee Arbacadii lala beegsaday xurmo muhiim ah oo ku yaal caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxayna sidaa ku sheegeen cajalad fiidow 30 daqiiqo socotay oo ay ku baahiyeen boggaga ay ku leeyihiin internet-ka.
Sida ay goor dambe oo xalay ah baahiyeen telefiishannada Al-jazeera, Al-arabiya iyo SBC waxay kooxda Al-shabaab ku sheegeen cajalada in kooxda weerarkaa fulisay uu hoggaaminayey nin lagu magacaabo Cabdicasiis, looguna yeedho Sacad, isla markaana ay ka koobnaayeen toddoba qof oo dhallinyaro ah.
Iyada oo cajalada fiidowga ah laga arkayey muuqaalo dhallinyaro baabuur iyo qoryo ku tababaraysa, kuwaas oo ku dhawaaqayey erayo diini ah, isla markaana u digay waxay ugu yeedheen daba-dhilifka cadow islaamka ee gaalada, iyaga oo ku hanjabay inay weeraro is qarxin ah si isdaba joog ah ku qaadi doonaan waxay ugu yeedheen gaalada.
Canjaladan oo laga maqlayey codka qaar ka mid ah dadka is qarxiyey oo ku dhawaaqaya erayo dardaaran iyo guubaabo isugu jira oo ay u jeedinayaan muslimiinta. Waxa si gaar ah codkiisa loo maqlayey ninka ka muuqday muuqaalka cajalada ay Al-shabaab soo bandhigtay oo lagu magacaabo Cabdicaasiis (Sacad), kaas oo erayadiisa ka mid ahaayeen; “Magacaygu waa Sacad, waxaan ahay argagixiso, maxaad iga qaadi kartaa? Waxaannu doonaynaa in aannu u tagno oo aannu weeraro ku soo qaadno dad gaalo ah.”
Waxaannu ninkani ugu dambeyntii eraygiisii ugu dambeeyey ku jeediyey af Ingiriisi, isaga oo si guud uu cambaareeyey ciidammada Itoobiya iyo kuwa nabad-illaalinta ee ku sugan Soomaaliya iyo waxay ku sheegeen daba-dhilifyada la socda, waxaannu digay in ay weeraro is qarxin doonaan ilaa iyo inta cadowgu ka baxayo dhulka islaamka.
Cajaladan fiidiyowga ah ee Al-shabaab soo bandhigtay ayaa ka dambeeyey qaraxyo dad badani ku dhinteen oo ka dhacay oo Arbacadii Madaxtooyada Somaliland, safaaradda Itoobiya iyo xarunta hay’adda UNDP.
Source: Jamhuuriya Online
Waa ceeb ah in urur sheeganaya in uu yahay islaami oo diinta islaamka u dagaalmaya in uu shacab aan danbi lahayn qarxiyo, waa arin aad iyo aad u fool xun, taasina waxay muujinaysa in al-shabaab uu yahay urur argagaxiso ah oo lagu aamini karin in uu dalka hogaankiisa qabto, waa in ururkaa lala dagaalamaa oo la cidhi tiraa ilaahay ha cidhib tiree .
Ahmed Adam
Riyadh – Saudi Arbia