Gudoomiyahay G/Sh.Dhexe oo ka hadlay Tagitaankiisii Djibouti

Published on October 31, 2008 by   ·   4 Comments   ·   print

 

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Dhexe Macallin Daahir Calasoow ayaa markii ugu horeysay Beeniyay in jabuti uu u tagay sidii uu uga qeyb gali lahaa shirka Jabuti ee u dhaxeeya Isbahaysiga Garabka Djibouti iyo DKMG ah.

 

Macallin Daahir oo u waramay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedada uu u tagay Dalka Djibouti ay ahayd sidii loo xalin lahaa khilaaf uu sheegay in uu ka dhex jiro maamulka Gobolka Shabeelada Dhexe.

 

Gudoomiyaha ayaa dhinaca kale sheegay in ay si dhakhso ah u sugayaan amaanka Gobolka isla markaana ka codsaday Bulshada ku dhaqan Gobolka in ay iska kaashadaan sugida amaanka Gobolka.

 

Macallin Daahir Calasow oo 2 maalin ka hor soo gaaray Magaalada Jowhar ayaa safar dhinaca dhulka ah ku soo gaaray magaaladaasi waxayna Diyaarad ka soo qaaday Magaalada Jabuuti taas oo ka soo dejisay Magaalada B/weyn xarunta Gobolka Hiiraan.

 

Tan iyo intii uu shirka Jabuti furmay ayaa waxaa sidoo kale kala jab uu ku yimid Saraakiisha Maxkamadaha ee gacanta ku haya Magaalada Jowhar xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe.

 

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Madaxweynaha Djibouti oo ka hadlay Heshiiskii Jibouti
  2. Saraakiisha Ciidamada MMIS ee Gobolada Dhexe oo Qaadacay Heshiiska Djibouti
  3. MMIS oo sheegay in ay Maamul u sameynayaan G/Sh.Dhexe
  4. Maraykanka oo Safiir u magacaabay Djibouti
  5. Kal Fadhi Golaha Dhexe ARS Jabuti Uga Furmi Lahaa oo Dib u Dhacey

Readers Comments (4)

  1. abu munsif says:

    ASC

    Macalim Daahirow way fiicnaan lahayd runta inaad ku hadashid oo hadalka siyaasadeysan iska fogeeysid. Waxaad tiri, waxaan Djibuuti u tagay sidii looga heshiin lahaa muranka ka dhextaagan maamulka sh.dhexe. Yaa idin dhexdhexaadinayey? Maxaa shirka heshiisinta ku beegay waqtiga shirka shirqoolka lagu qabanayey? Maxaa wadan kale loogu qaban waayey shirka oo markaa aan shubha meesha ka saari lahaa. Fadlan haddalka siyaasad xambaarsan ee madaxda is dhiibtay ay ku hadaaqaan kama gadmaayo umada islaamka. WSC

  2. haddan imid says:

    ku abu mansif
    walaal afkaaga inaad suubsato ayaa kuu wanaagsan waayo arinta laga hadlo waa maamulka gobolka sh.dhexe,aniga waxaad ka mid tahay dadka aan u dhalan gobolka marka inaad ka hadasho arimaheena maba ahan!!
    macalin dahir wiligii ayuu diinta faafin jiray macalin duqsi quraan ayuu ahaa waligii xumaanna kuma barin waa in jecel diinta iyo dalkaba,wuuna cadeeyay mowqifkiisa inuu reer gaalo la joog(casmara) iyo djibouti ka madax banaanyahay!
    waxaan kaloo umad somaliyyeyy uga tacsiyeynayaa wixii ka dhacay hargeysa iyo bosaso oo ah wax qalad weyn ku ah diinta islaamka iyo dhaqanka suuban ee somalida.

  3. Guuleed says:

    Haddaan Imid,

    Walaal shalay waxaan ku ogaa adigoo Puntland u hadlaya oo Puntland difaacaya oo leh waan u dhashay oo aan kaa waaninayay. Maantana waxaad muujinaysaa inaad ka soo jeeddo Gobolka Sh. Dhexe, oo aad leedahay arrimaheenna nimaan Gobolka u dhalan kama hadli karo.

    Sow walaal ma ogid in lagu cadaab muto beenta iyo qofka oo hadba midab iyo magac cusub la soo baxa. Sow walaal ma ogid in waxaad internetka ku soo qorto Ilaahay kugula xisaabtami doono maalinka qiyaamaha, oo ay qoraalkaagu camalkaaga ka mid yahay.

    Walaal Ilaahay ka cabso qabri ayaa la tagayaa. Si walaalnimo iyo islaannimo ah ayaanan kuula hadlayaa ee anigana hay dhibsan oo hadalkayga tixgeli, anigoo rajaynaya in wanaagga iyo waanadu ku anfaci doonto Ilaahay idankiis.

    Soomaalidu maanta waxay u baahan tahay inay walaalowdo oo Islaamka ku midowdo, uma baahna in la sii kala irdheeyo, khayr ayaan kuu rajaynayaa.

    Guuleed.

  4. haddan imid says:

    guled
    waa run aniga puntland ayaan ka soo jeeda laaki waxaan ku dhashay gobolkas waxaana daga abtiyaashey marka nin kaan warfa ee propogandad fidinayaa ayan rabay inaan la hadlo waayo asaga kama hadli karo gobol uusan u dhalan!!




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Madaxweynaha Djibouti oo ka hadlay Heshiiskii Jibouti
  2. Saraakiisha Ciidamada MMIS ee Gobolada Dhexe oo Qaadacay Heshiiska Djibouti
  3. MMIS oo sheegay in ay Maamul u sameynayaan G/Sh.Dhexe
  4. Maraykanka oo Safiir u magacaabay Djibouti
  5. Kal Fadhi Golaha Dhexe ARS Jabuti Uga Furmi Lahaa oo Dib u Dhacey

Latest Headlines