Golaha Amaanka ee Q.M ayaa maalinimadii Khamiista Canbaareeyay Falalkii Istish-haadiga ahaa ee lala beegsaday Dhismayaal ay ku jirto hay’adaha UNDP kuwaas oo keenay khasaarooyin naf iyo maalba leh.
Golaha amaanka ayaa soo saaray Bayaan uu ku canbaareynayo Qaraxyadaasi waxaana lagu yiri Bayaanka “waxaan si aad ah u canbaareynaynaa Falalka Argagixisada ah ee Arbacadii ka dhacay Dhismayaal ku yaala Hargeysa Somaliland iyo Magaalada Boosaaso Puntland”.
Sidoo kale Bayaanka Golaha ayaa lagu sheegay in ay lagama maar maan tahay “in la soo qab-qabto cidii fulisay iyo ururada ka shaqeeyay iyo kuwa maal-galiyay falalkan argagixisada ah si loo dabar gooyo, waxaana ku boorinaynaa Dowladaha Caalamka in ay in si dhab ah uga taageeraan Maamulada soomaalida ah ee Somaliland iyo Puntland arimahan”.
Waxaa kale oo uu Golaha Amaanka ku sheegay Bayaankiisa in dib loo Cusboonaysiyay lana adkeeyo la dagaalanka Argagixisada nooc kasta oo uu yahay taas oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah waxyaabaha halista ku ah Amaanka iyo Nabadgalyada Dowladaha.
“ Fal kasta oo Argagixiso waa Fal Danbiyeed oo aan loo dul-qaadan Karin” ayaa lagu yir Bayaanka ka soo baxay Golaha Amaanka.
Arintani ayaa ku soo beegmaysa iyada oo sidoo kale uu Maraykanku ku eedeeyay qaraxyadani in uu ka danbeeyo Ururka Al-Qaacida, mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay Mas’uuliyada Weerarkani.
Related posts:
Suaashu waxay tahay: Labadan maamul maxay sameeyeen oo keentay in la qarxiyo?????
There must be a cause. Tollow godobta ay galeyn wayneydaa? Yeyse ka galeen?
Waa in ay maskaxda fiyoow shaqeysaa oo xamaasadda meesha laga saaraa. War labadan mujrim ee Riyaale iyo Cadde godobta ay galeen maxaay tahay?
A/c
waa salaamayaa gollaha amaankaa kadanbeeyay falkan waayo Bush ayay u ogolaadeen inuu laayo umad muslima oo aan waxba galabsan waase nasib daree gollaha colaadu maaha amaana whay uu ugasoo saari waayay Argagaxisnimada yuhuuda iyo maraykanka ee dhacdadii ugu damaysay kadhacday Syria mise masaakiinta laga hadlaa oo dadka awooda leh sharciga gollaha colaadu maqabto. Waxaa argagixisonima kawayne waa maxay B52 inta lala dultago hawadda sare sida baraha roobka loosii daayo oo aan lagu kalasoocin qofwaayeela mid caruura mid curyaama mid waalan oo marfuucu qalima xayawaan iyo bahjaaim insect waxwalboo nool ladilo saw kaw kama gasho aduunka Argagaxisnimadaasi mise maaha?