Inta la ogyahay ilaa iyo 5 ruux ayaa ku geeryootay tira ka badan 15 kalana waa ay ku dhaawacmeen, ka dib markii qaraxyo 3 ah ay magaalada Baydhabo goor dhaweed ka kala dhaceen.
Qaraxyadan oo aan la garan wali nooca ay ahaayeen ayaa waxaa ay ahaayeen dhamaantooda kuwa lagu weeraray ciidamo ka tirsan Booliiska Dowadda KMG ah.
Mar qura ayaa laga war helay dhawaqyo kala gadisan oo qaraxyo ah, waxaana hal mar xirmay dhamaan goobihii Ganacsiga iyo waliba isku socodkii dadweynaha iyo Bl-ka.
Si dhab ah looma xaqiijin karo illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee Qaraxyadiisi waxaana Cusbitaalka magaalada Baydhabo lagu daad gureenayay dhaawacyo tiro badan kuwaas oo gawaarida BL-ka ee ka dhaxshaqeeya gudaha magaalada Baydhabo,lagu geenayay cubitaalka si loola tacaalo dhaawacyadooda.
Ilaalada Cusbitaalka dhexe ee magaalada Baydhabo ayaa diiday in gudaha loo galo goobaha lagu daawaynayo Dhibanayaasha.
Dhacdadani waa dhacdadii ugu horaysay oo maalin qura ama wax ka yar daqiiqad magaalada Baydhabo ay ka kala dhacaan ilaa iyo 3 Qarax oo is xig xiga.
Ciidamada Booliiska D KMG ayaa goobaha Qaraxyada ay ka dhaceen si deg deg ah ku soo gaaray, waxayna dadka ku fureen rasaas xoogan, rasaastaasi oo geestay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac, balse aan la sheegi Karin tirakoobka saxda ah.
Wixii warar ah ee ku soo kordha dib ayaan idinkaga soo gubinaynaa Insha allaah

Related posts:
yaa isgaaray waa in shahaado ladirirka la dabar jaraa lacnadi hakudhacdee maxaa yeelay ninkii yiraahda illaahay ayaan ladirirayaa waa malcuun u niximayno hadii boqolaal lagu dilo istishhaadnimo hada iyo wixii kadanbeeya waxaa siweyn loomaqli doonaa murtadiin badan oo lalaayay mujaahidiinta guul iyo midnimo
habraha suuqa caanaha ku iibsanayaayna goormay ashahaado la dirir noqdeen alaylehe waan idinka sugaayey caqli yaridii khawaarijta
iyo in aad berina hooyadaa bom u dhigtid
walee kuwaan hadaan umada laga soo gaarin in lagu murmi doono dhulkaan dad baa ku noolaa iyo inkale
waxaasi waa wixii ay ciraaq ka dhigeen
wsc