Shirkii Nairobi oo soo gabo gaboobay & Qodobadii ka soo baxay

Published on October 30, 2008 by   ·   1 Comment   ·   print

 

Shirkii Nairobi ee ay wada lahaayeen Hay’adaha DKMG ah, iyo Madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa soo gabo gaboobay iyada oo ay ka soo baxeen qodobo xasaasi ah.

 

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb gablay Madax ka socotay Urur Goboleedka IGAD sida:-

 

1-     Madaxeynaha Dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geele

2-     Madaxweynaha Kenya Mwai KIbaki,

3-     Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi

4-     Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni,

5-     Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibada Dalka Sudan

 

Sidoo kale waxaa shirkani goob joog ka ahaa Wasiiro arimo dibadyeedyada Urur goboleedka IGAD, Wakiilka Q.M ee Soomaaliya Axmed Walad Cabdala, iyo Haweeneyda Jendayi Frazer u qaabilsanaha Xoghayaha Arrimaha Dibeda Mareykanka ee Arimaha Afrika, safiiro ka socda Midowga Yurub.

 

waxaa kaloo goobta fadhiyay Xubno uu  hogaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta Garabka Djibouti.

 

Ma jirin wax kalimad ah oo la siiyay Sheekh Shariif iyo wafdigii uu hogaaminayay iyaga oo xirnaa kaarka ay Xubnaha Baarlamaanka DKMG ah uga qeyb galayeen shirka.

 

Gabo gabadii shirkan ayaa waxaa ka soo baxay Qodobo uu Madasha shirka ka akhriyay Wasiirka Arimaha Itoobiya Seyum Mesfin waxaana ka mid ahaa Qodobadaasi:-

 

1-     In la isla qiray in DKMG ah ay Fashilantay.

2-     In Xukuumad Cusub lagu dhiso mudo 15 cisho gudahood, oo leh Wasiiro Cusub, taasoo ku saleysan bey yiraahdeen qaraarkii Baarlamaanka DKMG ah 11-kii October.

3-     In 10 illaa 25-ta  Bishan November la dhiso Gudi isku dhaf ah oo dhinaca Ammaanka oo ka kala socda DKMG ah iyo Isbaheysiga Dib u Xoreynta Garabka



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Shirkii 12-aad ee Ururka IGAD oo ka furmay Addis Ababa
  2. Shirkii Nairobi oo Maanta furmey
  3. Shirkii Nairobi oo Berri loo dib dhigey
  4. Shirkii Djibouti oo la soo gabo gabeeyay Natiijo la’aan.
  5. Isbahaysiga Garabka Jabuuti oo si rasmi ah u xaadiray Madasha Shirka Nairobi

Readers Comments (1)

  1. xaq-la-jir says:

    Bissmillaah.

    Assalamu calaykum waraxmatullah.

    waxa hubaal in markasta oo xaq iyo baadil iska hor yimaadaan uu xaqqu sarreynayo, markaa haddii ay gaaladu isla qirtay in ay fashilantay daaquutkii ay soo xawileen, waxaa nasiib darro ah ragg Magac ku lahaa Saaxada iyo xeyndaabka Islamnimadu in maanta karaamadoodi dhulka gashay, U fiirso, hadalkan ((Ma jirin wax kalimad ah oo la siiyay Sheekh Shariif iyo wafdigii uu hogaaminayay iyaga oo xirnaa kaarka ay Xubnaha Baarlamaanka DKMG ah uga qeyb galayeen shirka.)).
    Waxaase tani ay tusaysaa dadka inta Allah u naxariistay in Cizzigu ku jiro diinta, inta ehlul xaqqa ah oo lala safto….
    Allah haynnagu sugo xaqqa intaynu kala kulmayno

Comments are closed.

Related

  1. Shirkii 12-aad ee Ururka IGAD oo ka furmay Addis Ababa
  2. Shirkii Nairobi oo Maanta furmey
  3. Shirkii Nairobi oo Berri loo dib dhigey
  4. Shirkii Djibouti oo la soo gabo gabeeyay Natiijo la’aan.
  5. Isbahaysiga Garabka Jabuuti oo si rasmi ah u xaadiray Madasha Shirka Nairobi

Latest Headlines