Gudoomiyaha MMIS ee Gobolka Hiiraan ayaa maanta cambaareyay hadalkii ay jeediyeen qaar ka mida Saraakiisha Ciidamada MMIS ee ku sugan Gobolada Hiiraan.
C/ramaan Ibraahim Macow Gudoomiyaha Midowga Maxaakimta ee Gobolka Hiraan ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay Hotel Madina ku cambaareeyay hadalkii shalay ay ka jeediyeen Isla Hoteelkani qaar kamida Saraakiisha Ciidamada MMIS,isagoo sheegay iney ku khaldameen shirkaasi jaraa ,id oo uu ku timaamay mid aan Maamulka iyo Madaxda kaleba la socon islamarkaasina saraakiishu u xilsaarnayn la hadalka Saxaafada.
Macow ayaa intaa ku daray in Xoogaga Mujaahidintu horoy ugu heshiiyeen Shirkii Jalalaqsi lagu qabtay wixii khilaafaaad ah oo jiraana loo baahanyahay in lagu saxo habka maamulka ee leysku ogyahay.
Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay iney jiraan Gudi Culimo ah oo u xilsaaran xalinta wixii Khilaafaad ah, cidii aan marin habkaasna ay u arkaan cid wadata dana gaara.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Gobolka Hiiraan dadka dagani doorteen ku Dhaqanka Shareecada Islaamka taasina ay tahay mid ka mida hadafkii loo soo halgamay, tan 2-aad na ay ahayd in cadowga laga saaro Dalka ayna tahay mitd taagan oo u baahan in la sii wado.
Khilaafkan iyo kala Hadalka u dhaxeeya Madaxda iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa ku soo beegmayay xili ay halkaasi ku suganyihiin wafdi balaaran oo culima’owdina oo doonaya in aan la kala jibin awooda Xoogaga Muqaawamada, waxaana ka mid ah culimadaasi C/risaaq Macalin Aadan iyo Sh Nuur Macalin C/ramaan, Sh Maxamuud Ibraahin Suuley iyo xubno kalaba.

Related posts:
Si kasta oo xooggaagu u badan yahay hadii aad madaxa beesho, xooggaagu waa kii isbuurta oo is jebiya..
Muqaawamada ama mujaaihiinta xoog kuma yara (maasha’llaah) laakiin waxaa muuqata in ay madaxa la’yihiin lagana yaabo inaan xooggoodu waxba tarin.
allaahul- mustacaan.
aniga waxaan isleeyahay in la kala baxo waa dan waayo mujaahidiinta waxaa ka dhex buuxa niman dano kale wata oo bilaabay inay u hadlaan sidii hogaamiye kooxeedyadii isla markaana shacabka been u sheega .
hadalada nimankaas waxaa ka mid ah
dadka yaan diin loogu gaban.
beesha caalamkaa noo soo jeesatay.
ethopia hadeey baxdo yaa lala dagaalaa?.
nabad baan raadinaye maxaa nalagu galaa?
iyo kuwo kale hadaba in nimankaas ay naga dhex baxaan iyo inay fitno nagula jiraaan waxaa noo fiican inay banaanka naga tagaan xitaa hadeey doonaan dhinaca kale ha ka soo jeesteen saas baa noo wacan.
inta dhibka u dulqaadatay oo allaah talo saaratay ayaa guuleysan insha allaah.
mida kale qofka xun magacuu doono ayuu wadan karaa sheekh ,mufti, prof ama dr.