Gaari xaajiyad ah oo ay Miino kula kacday meel 20km u jirta Goldogob

Published on October 30, 2008 by   ·   1 Comment   ·   print

Abaaro 4:00 ayay  gaari noociisu yahay Xaajiyad waxa ay Miino kula kacday meel magaalada Goldgob koonfur Galbeed  kaga began 20km waxaana qaraxaa miino uu dhaliyay dhimashada hal qof iyo dhaawaca 2 kale.

 

Dadka ku dhawacmay qaraxaa miino ayaa waxaa loo soo qaaday dhanka magaalada Gaalkacyo halkaa oo lagu dabiibayo  waxaana laga dayrinayaa dhawaaca mid kamid ah 2 dhaawac kaasoo sida ay wararku sheegayaan in xaaladiisu ay tahay mid aad u daran.

Qaraxyada miinooyinka ah ee ka dhaca deegaanada u dhow magaalada Goldogob ayaa ah kuwo la aasay xiligii dagaaladii Soomaaliya iyo Itoobiya waxayna miinooyinka salfadeen noloshada dad badan kuwaas oo ay haleeleen miinooyinka marka lagu itaago qarax.

Meelo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku aasan miinooyin la aasay xiligii dagaaladii Soomaaliya iyo Itoobiya waxaana miinooyinkaa la sheegaa in ay ku badan yihiin gobolada xuduuda la leh Itoobiya qaar ahaan gobolada Baay , Bakool, Togdheer , iyo Mudug degmadiisa Goldogob iyo deegaano kale.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Gaari Cabdi Bile ah oo ay miino kula kacday inta u dhaxeysa KM4 iyo Hotelka Ambassador
  2. Booyad Itoobiyaan ah oo ay miino kula kacday agagaarka Isgoyska Fagax
  3. Gaari ay wateen ciidanka dowlada KMG ah oo Qarax Miino la gula beegsadey degmada X/Weyne
  4. Dagaal Ka Dhacey Meel 5km u Jirta Bardaale
  5. Qarax miino oo ciidanka gumeysiga Itoobiya lagula beegsadey caawa agagaarka Lafoole

Readers Comments (1)

  1. Abucabdurraxmaan says:

    ??? ????
    ????? ???
    ???? ???? ???? ??? ????? ????
    ??? ???

    *************************

    WAA IGA SU’AALE YAA LA XISAABTAMAYA KUWII MIINOOYINKAAS DUUGAY ? WAXAASE KALOO U BAAHAN IN LALA XISAABTAMO CABDULLAAHI YUUSUF HADDII ASAGU UU KA DANBEEYAY MIINOOYINKAAS WAQTIGII UU AHAA KULMIS OO UU UMMADDA AXMAARADA UGA DHIGAY IN AY YIHIIN DAD LAL HESHIIN KARO WAANA KA FAKARAYAA IN MIINOOYINKAAS CIIDAMADII SOOMAALIYA MARKII AY KA ADKAADEEN AXMAARADA IN AY DUUGEEN IYO IN MARKII AY LAGA HIILIYAY OO AY DAGAALKA JOOJIYEEN IN AY DUUGEEN !!! SI KASTA HA AHAATEE HADDII CIIDAMADII MARKAAS U TAAGNAA SOOMAALIYA AY DUUGEEN DAD BAA KA JOOGA EE MAXKAMAD HA LA SOO TAAGO !! HADDII CABDULLAAHI CIIDANKIISA IYO AXMAARADU AY DUUGEENNA WAA IN DACWAD LAGU SOO OOGAA KULLIGOOD !!
    WALLAAHU ACLAA WA ACLAM.

    QORE UBBAAHNAE ALLAAH WAXDAH

    binfaqiih@hotmail.com

    habayn jumco 03 shawaal /1429 hijri.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Gaari Cabdi Bile ah oo ay miino kula kacday inta u dhaxeysa KM4 iyo Hotelka Ambassador
  2. Booyad Itoobiyaan ah oo ay miino kula kacday agagaarka Isgoyska Fagax
  3. Gaari ay wateen ciidanka dowlada KMG ah oo Qarax Miino la gula beegsadey degmada X/Weyne
  4. Dagaal Ka Dhacey Meel 5km u Jirta Bardaale
  5. Qarax miino oo ciidanka gumeysiga Itoobiya lagula beegsadey caawa agagaarka Lafoole

Latest Headlines