2 Askari ayaa ku geeriyootay Dagaal gaadmo ah oo ay Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed ku qaadeen Abaare 06:15 fiidnimo ee caawa Askar ka mid ah DKMG ah oo Jid-gooyo u taalay Suuqa lagu magacaabo “Suuq-weyne” iyo agagaarka halka lagu magacaabo Biyo Dageenka Degmada Dharkaynleey ee Magaalada Muqdisho.
Dagaalkan ayaa la sheegay in uu ku bilowday waxyaabaha Qarxa ka dibna la isweydaarsaday hubka fud-fud, waxaana la sheegay in rasaastii la isweydaarsanayay uu ku dhaawacmay 3 qof oo rayid ah kaas oo ka agdhawaa goobta uu dagaalku ka socday.
Askarta DKMG ah ayaa xiliga weerarkan lagu qaaday waxa ay ku gudo jireen falal ay lacago baad ahi uga qaadanayeen Gaadiidka Bl-ka ah ee isticmaalaya wadada lagu weeraray.
Waxa gabi ahaanba caawa istaagay dhaq-dhaqaaqa dadweynaha iyo isku socodkii gaadiidka, waxaana la sheegayaa in ay xaalada degmadaasi tahay mid kacsan.
Lama sheegi karo illaa iyo hadda cidda ka danbeysay Mas’uuliyada weerarkaasi, basle waxa uu qeyb ka yahay weerarada Joogtada ah ee ay xoogaga muqaawamada Soomaaliyeed ku qaadayaan Ciidamada Gumeysiga iyo kuwa DKMG ah intaba.

Related posts: