Wararka naga soo gaadhaya dhulka S/galbeed ee lagumaysto ayaa sheegay in 26 bishan oo dagaal culusi ku dhexmaray Xoogaga Midowga jabahadda S/galeed UWSLF, iyo ciidamadda gumaysiga Itoobiya duleedka tuuladda qarjajiibo oo ka tirsan Gobalka Nogbeed.
Dagaalkan ayaa ka dhacay tuuladda la yidhaa Qarjajiibo oo ka tirsan Dagamadda Dhuxun ee Gobalka Nogbeed, wuxuuna dahaa dagaalku mid dhaba gal ah, xoogagu UWSLF ayaa ka warhelay in kolonyo ciidanka cadowga ihi kusoo safrayaan waddo aan halkaa ka fogayn.
Kadibna wadadaas ayay ugaleen, sidaas ayuu dagaalku ku bilowday wuxuuna socday mudoo dheer, ciidanka gumaysiga waxaa halkaa lagaga gubay hal baabur oo ah nooca uuraalka looyaqaano, waxaana ciidankooda lagaga dilay dagaalkan 11 askari iyo tiro intaa ka badan oo dhaawaca.
Dhanka xoogaga UWSLF dagaalkaas waxaa kaga shihiiday laba wiil oo kala ah Axmed Cabdi Dhagay iyo Khaalid Maxamed Saxane, xoogaga s/galbeed ayaa bilihii ugu dambeeyay sii laba jibaaray dagaalka ay kula jiraan cadowga dhulkooda xooga ku haysta.

Related posts: