
Cadde Muuse
Cadde Muuse ayaa maanta shir jaraa’id oo uu uga hadlayo 2 qarax oo maanta barqadii ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa waxa uu ku qabtay Hotelka City Village kaasoo uu uga hadalay qaabka ay u dhaceen 2 qarax iyo saamaynta ay ku sheeyeen ka maamul ahaan.
Cadde ayaa shirkiisa Jaraa’id uga hadlay in qaraxyadii barqanimadiii maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ay ahaayeen kuwo ku cusub deegaanadan wuxuuna sidoo kale sheegay in qaabka loo soo abaabulay iyo sida ay u dhaceeba ay ahayd mid laga soo shaqeeyay waxaa sida uu hadalka u dhigaye .
Mar uu ka hadlayay Cadde cida geysatay falalkii lagu qarxiyay 2 xafiis ee ay magaalada Boosaaso ku leeyihiin ciidamada P.I.S ee loo yaqaano “Ashahaado la dirirka” ayaa waxa uu yiri mar uu ka hadlayay arintaas “labo nin ayay ahaayeen sida ay ahaayeen iyo qaabka ay ahaayeenba waxaa la yaqaanaa masawirkoodana waan heynaa” wuxuuna intaa sii raaciyay in sidoo kale ay hayaan Taarikada labada gaari.
Cadde ayaa dhinaca kale sheegay in qaraxayada lala beegsaday xafiisyada laamaha amaanka waa sida uu hadalka u dhigaye ay ilaaladu ka war heysay isla markaan ay heegan ku jireen wuxuuna yiri mar uu arintaa ka hadlayay “ ciidamada way ka war heleen waxayna dadkan rabeen in ay dhibaato geystaan ilahay mahadii sidii ay rabeen ma aysan noqon”.
Dhanka kale waxa uu Cadde Sheegay in qaraxyada lala bartilmaameedsaday 2 xafiis ee P.I.S-ta loo adeegsaday 2 gaari oo mooyadooda uu ku sheegay Surf “Runet” iyo Layla Calawi wuxuuna yiri mar uu arintaas ka hadlayay “ labo gaari oo kala ah Surf iyo layla Calawi ayaa lagu qarxiyay labada goobood dadkii saaraana way ku dhinteen oo hilbahoodi ayaa daadsan”.
Dhinaca kale Cade ayaa Taci u diray maamulka Somaliland iyo Shacabka ku dhaqanba kaasoo uu uga tacsiyeey qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Hargeysa wuxuna yiri “ aad ayaan ugu xunahay qaraxa ka dhacay magaalada Hargeysa waana u taciyaynaynaa shacabka ku dhaqan Somaliland” wuxuna intaa sii raaciyay Cadde “ ilaa shan qarax ayaa ka dhaday oo isku wakhti waana inaan korbarishin ka sameynaa aanan iska kaashanaa sidii aan uga wada hor tagi lahay”.
Cadde ayaa dhanka kale shirkiisa Jaraa’id aan cidna ku eedayn qaraxyaadii 2 ahaa ee lagu bartilmaameedsaday 2 goobood ee ay daganaayeen ciidamada P.I.S wuxuuna sheegay in 48 saacadood ee inagu soo fooda leh ay wax walba kala cadaan doonaan wuxuuna sidoo kale sheegay in ay hayaan raadad ayna dad u soo qab qaban doonaan.
Wasiirka Amninga Maamul Goboleedka Puntland C/laahi Saciid Samatar oo joogay goobta uu Cadde Muuse ayaa isna dhankiisa sheegay in ay bilaabeen baaritaano xoog leh ayna ku raad joogaan dadkii ka dambeeyay 2 Qarax.
Cadde ayaa shirkiisa Jaraa’id kadib waxa uu ka duulay madaarka Magaalada Boosaaso ilaa hadana lama oga meesha uu u socdaalay mar ay saxaafadda safarkiisa wax ka waydiisayna waxa uu sheegay in ilaa dhowr maalmood uu qaadan doono safarkiisa dibna uu u soo laaban doono.
Dhinaca kale khasaaraha ka dhacay qaraxyadii maanta ayaa ilaa iyo hadda inta la ogayay ah dhimashada hal gabadh oo sida la xaqiijiyay ay haleeshay bad ay fireen ciidamada taasoo maydkeedi lagu hadda lagu guda jiro sidoo loo Aasi lahaa iyo dhaawana 6 Askir oo ka tirsanaa ciidamada P.I.S “Ashahaado La Dirir”.
Ma jiraan ilaa iyo hadda cid uu maamulka Puntland uu ku dusha ka saaray qaraxyadii maanta maan jiraan in aan ka ahayn Cadde Muuse oo ka tirsan maamulka oo ka hadashay.
Isku soo wada duuboo qaraxyadan noocan oo kale aha ayaa bishii February waxa ayb ka dhacayeen meel goob ay maqaayad ah oo ay isku imaan jireen dadka Itoobiyaanka ah ee in ay Tahriibaan u yimid halkaa oo qarax lala beegsaday ay ku dhinteen ilaa 21 qof iyo dhaawaca in ka badan 60 qof , waxayna dhinaca kale qaraxyadan ku soo beegmayaan xili uu Cadde Muuse ku jiro Abaabulka doorashooyinka madaxtinimo ee la qaban doono sanada inagu soo foolka leh ee 2009.

Related posts:
As Wr.. imsiaa riwaayadahan la jilayo ay qaadan doonaan. imisa ayayse Soomaali nimankan u afduubnaan doonaan.. qaraxyadan isku marka dhacay, kuna beegnaa shirkii Nayroobi,, waan haynaa, gawaaridu noocaas bay ahaayeen.. walaalaheen Somaliland aan iskaashano .. waxaasoo dhami waa ereyo muujinaya sida cad ee ay uga danbeeyaan mujrimiintan Soomali horboodaysa… marka koleey qofkii caaqil ahi wuu garan, doqona haba u sheegin