Qaraxyo Ciidamada Gumeysiga Itoobiya lala beegsdey

Published on October 27, 2008 by   ·   1 Comment   ·   print

qarax.jpgSaaka waabarigii hore, labo qarax oo xoogan ayaa Ciidamada Gumeysiga Itoobiya la gula beegsadey inta u dhaxeysa degmada Afgooye iyo Lafoole ee gobolka Shabeelada Hoose.

  

Qaraxyada Ciidamada Gumeysiga Itoobiya lala beegsadey oo ahaa kuwa is xigey aadna u weynaa ayaa ka dhashey Miinada nooca meelaha fog laga hago sida ay ku warameen Dadka deegaanku.

  

Qaraxydan ayaa laga maqley deeganada ka agdhow, waxa ayna Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ka dib fureen rasaas xoogan oo dadka deegaanka cabsi xoogan ku abuurtey.

  

Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee weerarka qaraxyadan lala beegsadey ayaa wali ku sugan goobtii la gula beegsadey, sida rami ahna looma oga inta uu leegayahey khasaaraha guud ee ka soo gaarey weerarka Miino.

  

Weerarkan waxaa sheegay xoogaga MMIS, sida uu saxaafada u sheegay afhayeenka ciidanka MMIS C/raxiim Ciise Cadow.

  

Ciidamada Gumeysiga ee weerarka miino lala beegsadey ayaa saaka ka soo baxey Degmada Afgooye waxa ayna ku soo jeedeen dhanka Magaalada Muqdisho.

  

Dhanka kale ciidamado iyaguna ka tirsan isla kuwa Gumeysiga Itoobiya oo saaka ka baxey xeradii hore ee Asluubta ayaa isku dhereriyey qeybo ka mid ah wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye si ay ugu googol xooraan Ciidamada dhanka Afgooye ka soo baxey.

  

Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee saaka weerarka Miino lala beegsadey oo watey gaadiid Dagaal, ayaa ahaa Ciidamo maalmihii ugu danbeeyay dagaalo xoogan ku qabsadeen inta u dhaxeysa Buurhakaba iyo Afgooye kuwaas oo khasaarooyin xoogan oo Naf iyo Maalba leh isugu jira.   

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Qarax lala beegsdey Ciidmada Gumeysiga Itoobiya ee ku sugan B/weyne
  2. Weeraro Kala Duwan oo Ciidanka Gumeysiga Itoobiya Lala Beegsadey
  3. Weeraro & Qarax lala beegsaday Ciidamada Gumeysiga
  4. Qarax miino oo ciidanka gumeysiga Itoobiya lagula beegsadey caawa agagaarka Lafoole
  5. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo lagu qarxiyey agagaarka Baar Ismaaciil

Readers Comments (1)

  1. Amiirah says:

    Alllaaah ha idin khasariyo oo idin duleeeyo KUFAARINTA & DABA DHILIFKOODII




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Qarax lala beegsdey Ciidmada Gumeysiga Itoobiya ee ku sugan B/weyne
  2. Weeraro Kala Duwan oo Ciidanka Gumeysiga Itoobiya Lala Beegsadey
  3. Weeraro & Qarax lala beegsaday Ciidamada Gumeysiga
  4. Qarax miino oo ciidanka gumeysiga Itoobiya lagula beegsadey caawa agagaarka Lafoole
  5. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo lagu qarxiyey agagaarka Baar Ismaaciil

Latest Headlines