Fuuq-baxa Suuqyada Maaliyadeed ee Mareykanka (Q. 2aad).
By Somalimirror on 26 Oct, 2008 6:55 PM in Dhaqaalaha, Main, Maqaallo
Hanaanka world street*** hab maamulkooda qalooca
Dalka Mareykanka oo lagu tilmaamo inuu yahay wadanka ugu xooga badan aduunka marka la eego dhinacyada:
1- Dhaqaale - oo la tilmaamo inuu wax soo saarka aduunka oo dhan leeyahay 40%, iyo isagoo weliba ah wadanka ugu isticmaalka badan aduunku waxay soo saaraan, inta badan dhaqaalaha aduunkana xarun u ah, sidoo kale waa khasnada weyn ee dhamaan aduunku wax ku keydsado.
2- Dhinaca aqoonta casriga ah (information technology)- oo uu yahay wadanka ugu horeeya aduunka iyo:
Sababaha keenay burburkan dhaqaale ayey nu is kooban ugu soo ururineynaa qormadan inagoo is-dultaagi doona dhawr kan qodob oo ah sababka saameynta tooska ah ku leh burburka suuqyada maaliga ah:
- Dulsaarka (Interest) aan xadka lahayn ee uu ku saleysan yahay nidaamka maaliga ah ee mareykanku.
- Ka ganacsiga deymaha iyo xooleysiga faa’iidooyin dhalanteeda ah oo aan xad lahayn.
- Suuqa xorta ah ee uu leeyaha nidaamka ra’samaaliga ah oo aan awoodi karin inuu xakameeyo, dhaqan xumada maamulka shirkadaha ganacsi ee musiibadan ku lugta leh, kaasoo ugu danbeyntii ku hoobtey boholo hadoodilaa oo layska indho tirayey.
-ka akhri qeybtii koowaad linkigan:
http://bedercenter.net/beder8/content/blogsection/15/36/ .
Rooble oo guriga iibsadey bilowgii bisha March ayaa bishii August dhexdeedii waxa emailka ugu soo dhacday warqad ka timid shirkadda Farxad ku Seexo oo ay ugu sheegayso in lacagta bishan uu bixinayaa ay tahay 1350 dollar halkuu ka bixin jirey 1000 dollar, iyadoo arintana lagu sababeeyey in baanka dhexe uu kor u qaaday faa’iidada deyminta si uu u xakameeyo qiima dhaca sii kordhaya ee dollarka, isagoo raacaya siyaasada (Tight Money) si uu u yareeyo daymaha baananka ganacsigu bixiyaan, sidaa awgeedna shirkadu kor u qaaday dulsaarkii deynta Rooble lagu lahaa, taasina ay ku timi heshiiska u dhexeeya shirkadda Farxad ku Seexo & Rooble —. sida ku cad qodobka 25aad ee heshiiskan numberkiisu yahay 15235.
Rooble arintani waxa ay ku noqotey lama filaan waxaanu isla markiiba dib ugu laabtay heshiiskii, si uu u hubsado qodobkan la sheegayo ee aanu isagu weligiiba maqal, farta qodobadani ku qoran yahay oo aad u yaryar awgeed Rooble uma suuro gelin inuu si sahlan ku akhriyo, sidaa awgeed waxa uu kaashaday muraayad akhris oo xaaskiisu lahayd.
Rooble oo beryahan si fiican ula socday suuqa guryaha ee sida xad dhaafka ah sicirkoodu korka ugu socday aadna ugu faraxsanaa qiimaha guriisa ee sii kordhaya una arkayey faa’iido, ayey mar keliya talo ka qasantay, wuxuuna in badan ka fekeray siduu u dabooli lahaa kharashkaa soo kordhay ee ah 350 ka doolar, wada tashi dheer ka dib waxa ay isla qaateen isaga iyo xaaskiisu in ay masaariiftooda ka gooyaan 250 dollar sidoo kalena ka jaraan 100 dollar Rooble reerkooda oo ay u diri jireen $200 doolar, 100 keliyana u diraan.
Sidiibaanay bishaas u fuliyeen hawshii, hase-yeeshee Rooble waalidkii oo markii horeba ka cabanayey sicir bararka maciishada, marar badana u duruuf sheegtay wiilkooda keliya ee debeda ugu maqan, ayey lama filaan ku noqotey arintani.
Hase yeeshee Rooble markuu u adkeysan waayey qaylo dhaantii waalidkiisa waxa uu goostey inuu bishan waalidkii u diro 300 oo dollar shirkada Farxad ku Seexana akoonka ugu shubo 900 oo keliya, sidaasaanu yeelay.
Rooble hadii intaas lagaga hadhi lahaa waa fiicnaan lahayd, nasiib darrose, waxa dhacdadani ay saameyn ku yeelatey shirkadii uu ka shaqeynayey, oo ahayd shirkad soo saarta qalabka dhismaha, taasoo keentay in shirkadii wax soo saarkeedii yaraado kuna keliftay inay shaqaalaheedii dhinto (yareyso).
Rooble waxa uu ahaa shaqaalaha muruqmaalka ah ee gacanta ka shaqeeya si joogto ahna isu taaga khadka wax soo saarka (assembly line) ee wershada uu ka shaqeyn jirey, waxaanu ka mid noqday shaqaalihii ay saameysay shaqo dhimistu.
Rooble qisadiisii ma dhamaan oo raadad niyad jab ku keenay ayaa isu xig-xigay saameyn weyna ku yeeshay hab dhaqankiisa & caafimaadkiisaba, markoo awoodi waayey inuu la soo baxo masaariiftiisii gaar aheyd, iskaba dhaaf inuu waalidkii wax u diro e!!..
Qisadan oo kale waxa ay ku dhacday kumanaan qof oo Rooble la mid ah, shirkadaha guryuhuna waxa ay bilaabeen inay guri kasta oo ay soo ceshadaan xaraashaan, sidoo kale dad badan ayaa markay arkeen qiimihii guryaha oo kor u socda bilaabey inay guryahooda iibiyaan, taasi waxa ay dhalisay in qiimihii guryuhu hoos u dhaco, shirkadihiina khasaaraan malaayiin doolar oo ay faa’iido u xisaabsanayeen oo markii horeba si waali ah guryaha loo saarey.
Dhinaca kale dadkii gurayaha deynta ku iibsaday ee sida habsamida ah isaga bixinayey hadba waxa laga dalbado ayaa mar keliya is arkey iyagoo gurigii ay ku iibsadeen – tusaale ahaan- $300,000 uu marayo 180,000!!!, taasoo ay arkeen in lacagta laga doonayaa aanay u dhigmin guriga ay iibsadeen, taasina waxa ay keentay iney laba daran mid doortaan:
1) Inay iska wadaan lacag bixintaas oo ah lacag ka badan lacagta gurigu qiimihiisu marayo.
Dhibta kale ee arimahan ka dhalatey waxay ahayd in dadkii guraha iibsaday markay bixin waayeen lacagtii haftada ahayd ee lagu heshiiyey, iney shirkadihii guryuna bixin kari waayeen lacagtii daynta ahayd ee ay ka soo deynsadeen bangiyada maal-gelinta, taasoo dhalisay in baananka maal-gelinta oo markii ay daynta bixinayeen ama shirkadaha guryaha maal-gelinayeen ceymis (Insurance) geliyey deyntooda ay ku qamaamaan shirkadihii caymiska iyagoo doonaya in magdhaw laga siiyo khasaaraha soo gaadhay.
Dhinaca kale shirkadaha caymiska uma suuro gal ahayn inay markeliya wada daboolaan baahiyaha is daba jooga ah ee ku soo baxsaday ee ah baananka maal-gelint, shirkada guryaha iibiya iyo weliba qaar ka mid ah dadkii guryaha laga saarey oo dhamaantood wada doonaya in la siiyo magdhaw, sidoo kale arintan waxa ka dhashay kalsooni daro dadkii ku dhacay taasoo dhalisay in qofkastaa uu baanka ku aamini waayo keydkii u yaalay dabeedna uu codsadao in la siiyo, lacagtiisa dhigaalka ah ee baanka u taala.
Sababahan oo is biirsaday waxa ay keeneen inay soo baxdo ceebtii dahsoonayd ee ahayd KA GANACSIGA DEYMAHA iyo isa siinta faa’iidooyin dhalanteed ah oo aan jirin, waxaaney dhalisay in baananka ugu waaweyn aduunka, sida baanka Bearn Steams & Baanka Lehman Brothers oo in ka badan 150 sanadood ka dhex muuqday suuqyada maaliyadeed ee mareykanka, Shirkadaha guryaha iibiya sida Freddie Mac & Fannie Mae iyo Shirkadaha caymiska sida American International Group. Inc (AIG) oo dhamaantood Mareykanka ahi ay ku muusa-naabaan iney qarka u saran yihiin burbur hadaanay dawlada dhexe degdeg u badbaadin.
Iskusoo ururiyoo mar keliya ayaa la ogaadey in waraaqo cidla’ ah lakala iibsanayey tobanaan sanadood, iyadoon la hayn assets dhab ah oo ay metalayaan, sidoo kale waxa la waayey lacagtii cashka ahayd ee lagu dabooli lahaa withdrawalka ay sameeynayaan macmiishii keydku u yaalay, ee ay ka habowday kalsoonidii ay ku qabeen baananka iyo guud ahaan hay’adaha maaliga ahba.
Miidaamo Dhego Maleh
Isku yaaca ku yimi guud ahaan suuqyada maaliyadeed ee aduunka, dhirbaaxooyinka xanuunka kulul ee dhabnaaniyey dhaqaalaha, qeylo-dhaanta iska soo daba dhacaysa, dardaar-werinta xeel dheerayaasha dhaqaalaha, arimaha bulshada, caafimaadka intooda badani waxay moogan yihiin ama iska indho tirayaan waxa dheriga karka ka keenay oo ah xaqiiqada musiibadan oo ay 1400 (kun iyo afar boqol) oo sanadoon ka hor ka sii digtay aadada quraanka ah ee numberkeedu yahay 276 ee suurada al – baqarah.
Hadaan dhacdadan iyo kuwo badan oo ka horeeyey lagu waano-qaadanina - inkastoo aanay miidaamo dhego lahayn- waxa dhici doonta mid kuwii hore lagu ilaawo oo la yidhaahdo salaamulaahi calaa xajaaj.
Hanaanka Dhaqaalaha Islaamku ma buuxin karaa kaalinta Nidaamka Ra’samaaliga ah ee sii dhuun-yeedhinaya?.
Jawaabta kala soco qormadeena danbe
Waxa diyaariyey:
PhD (candidate) In Islamic Financial Engineering.
Daabaco
U dir saaxiib



illaah wanaag badan ha kuu jezeeyo illaahna adigoo kale muslimiinta ha ku badiyo waxaad noo faaiideysay wax aad u weyn, waxaanan illaah kaaga baryayaa inuu inta dhimana kuu fududeeyo, waa muhiim qof aqoon uleh arintan dhaqaalaha oo naga jaahil bixiya halka sartu ka quruntay
illaah ha kuu barakeeyo cilmigaaga muslimiintana allaha ku anfaco
asad | Oct 26, 2008 | Reply
Ass/c,
Waxa fuq-baxayaa dhammaan nidaamkii gumeysi ee Maraykanku hogaaminayey beryahan ede maaha nidaamka dhaqaale oo qudha.
Macalinka Ummadda | Nov 17, 2008 | Reply