Kulankii labada maalmood uga socday Dalka Jibouti Guddiyadii ka wada jirka ah ee kala matalayay DKMG ah iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Garabka Jabuuti ayaa soo gebagaboobay ayada oo lagu saxixay Qodobo dhawr ah.
Hotelka Kempinski ee magaalada
In ay labada dhinac wada yagleelaan Dawlad Midnimo qaran oo ku dhisan is ixtiraam una furan cid kasta oo soomaali ah.
In dhinacyada Heshiiska ku gaaray Jabuuti oo kala ah DKMG ah iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Garabka Jabuuti ay joojiyaan abaabulidda colaadaha, iyagoo adeegsanaya warbaahinta noockasta oo warbaahineed Dal iyo dibadba, ayna dhowraan xabad-joojinta ay wada saxiixeen.
In ay taageerayaashooda ugu baaqaan in ay xabadda joojiyaan, lana dhaqangeliyaan heshiiska ay gaareen.
In ay ciidamada gumaysiga Itoobiya ka baxaan fariisimada ay ku leeyihiin gudaha Magaalada Muqdisho oo kala ah Warshadda Baastada, Xeyla Bariise, Towfiiq, Stadium Muqdisho iyo Wasaaraddii Gaashaandhigga.
In wejiga koobaad ee ka bixista Ciidamada Itoobiya uu bilowdo 21-ka November, wejiga labaad oo ay dalka ka wada baxayaan-na uu noqdo 120 maalmood gudahood oo ay hadda ka dhimantahay 54 maalmood sida uu sheegay Gudoomiyaha Isbahaysiga Garabka Jabuuti Sh. Shariif Sh.Axmed oo ka hadlay xafladda Saxiixa.
In goobaha ay faarujinayaan Ciidamada Gumaysiga Itoobiya la dejiyo Ciidamada Amisom iyo kuwo ka kala amar qaata FKMG ah iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Garabka Jabuuti.
In muddo 45 cisho gudahood ah lagu diyaariyo ciidamo la wareega ammaanka Magaalada Muqdisho kuwaas oo ay wada dhisayaan labada dhinac.
In Xabadda la joojiyo, iyadoo xabad-joojintaasna ay dhaqan-geleyso laga bilaabo 5-ta bisha November ee soo socota.
In Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya uu daboolo baahida ciidamadaas.
In Guddiyada labada dhinac ee amniga iyo siyaasadda ay ku shaqeeyaan Gudaha Soomaaliya, isla markaana ay ka shaqeeyaan sidii loo dhaqangelin lahaa heshiiska ay gaareen, sidoo kalena ay fududeeyaan sidii gargaar bani’aadannimo loo gaarsiin lahaa dadka ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya.
Heshiiskan waxaa qaybta siyaasadda labada dhinac u kala saxiixay Axmed C/salaan Xaaji Aadan iyo C/raxmaan C/shakuur Warsame, iyadoo guddiyada Ammaankana ay u kala saxiixeen Maxamed Maxamuud Xeyd iyo Col. Cumar Xaashi Aadan.
Dhinaca kale Saxiixa heshiiskan waxaa goob-joog ka ahaa Wakiillo ka kala socday Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, iyadoo sidoo kale ay joogeen safiirro Jibouti u fadhiya Dalal badan oo daneeya Arrimaha Soomaaliya.
Lama garanayo in uu Dalka gudihiisa ka dhaqan galayo heshiiska maanta ay qalinka ku wada duugeen Isbahaysiga Dib u xoraynta Garabka Jabuuti iyo DKMG ah iyo inkale, ayada oo ay dhamaan Xoogagga ka dagaalamaya Dalka Soomaaliya wada sheegeen inaysan xabbadda joojinayn inta ciida Soomaaliya ay ku sugan yihiin Ciidamada Gumaysiga Itoobiya waxayna intooda badan shirka jabuuti ku tilmaameen khiyaano lagu ragaadinayo Jihaadka ka socda Soomaaliya laguna dhiigjoojinayo gumaysiga ku riiqday Dalka Soomaaliya iyo xulufadiisa.

Related posts:
asc waa wax aan la qaada karin Heshiiskaas mana yeeli karaan Muqaawamada Soomaaliyeed.
Gaalada Itoobiya iyo kuwa Uganda Muuqaal ahaan waxaa quran Itoobiyaanka marka maxaa iyaga loo bedelayaa waan in labadoda Seefta lamarsiiyaa.
Asc wr wb.
Marka hore aadbaan ugu mahad celinayaa bahda Somali Mirror tan ii xigtaa.
Musiibaba musibaaa ka darane sidee loo sawiran karaa isku dhafka ciidamada copyga Itoobiya iyo kuwo sheeganaya jihaadiyiin oo la isku dhafay oo inta loo xiray dareeskii xabashida gaaf wareegaya goobaha la sheegayo in ciidamadaasi la geyn doono.
kaaga darane waa tiiyoo goobaha la sheegayo Itoobiya in laga saarayo in ay tahay goobo xabsi u ah oo lagu weeraro, bad baadinta Itoobiya iyo in sharaf loo yeelo insixaabkooda ama ka cararka somalia kadib Cadaabka iyo kuleylka maarta ee ay kala Kulmeen kuwa Allaah Balantey la galeen ka run sheegay ayaa hadana waxaa arintaasi ka dambeeya Rag sheegtay hadda ka hor iney Kalimadda Alle kor yeelayaan!!!
Illaahey baan weydiisaneynaa in uu nagu sugo xaqqa oo uusan ciribteena ka yeelin kuwaasoo kale.
walaalayaal ogaada oo yaanleydinku sirin waxa socda waashir qool ma,aha heshiis ee waxa ladoonayaa ina shansano oo halaag ah loogu daro duqa islamarkaana leysku dhafo ku jihaadkii baalmaray iyo daba dhilifyada gaalada kadibna waji cusub loo sameeyo oo inta kahartay soomaalida lagu laayo weybaadiyoobeen kuwa wax ku darsaday murtadiintii dalka gumeysiga gacanta u galiyey meel xun ayuuna makrigoodu ku danbeydoonaa inshaa Allah walaalayaal hala sabro oo hala adkeysto hada uyuuna bilowday jihaadkii dhabta ahaa ee walaalayaa hal meel halooga soowada jeesto cadawga alle gamco wada jirbey waxku qabtaan hana lasabro oo guntiga dhiisha haleysaga dhigo maxaayeelay waxa soo socda imtixaan kii hore ka adag yaana dhag jalaq loosiin hadala ku kanoqday oo wadi waayey jihaadka iyo kuwa dabada kariixaye oo ay ugu horeyso Fareyzer iyo xulufadeeda. guushana dhibka kuwa ku sabra ayaa iskaleh. ALLow sharta jibuuti baan kaa magan galnay.
Asc sh.shariif iyo shariifka labaduba waxay soo xamaartaan ama soo gurguurtaan ama is qarqariyaanba waa kursi iyo addunyo ujeedadoodu miyaanay caddaan iminka? suaashu hadaba waxa weeye makrigooda ay gaalada kula heshiiyeen illeen wax bilaash ahi majiraane intee ayuu gaadhsiisanyahay? aniga waxa ay iigu muuqataa inay kula heshiiyeen gaalada in wax mujaahid sheegta aan midna laga reebin wax kasta oo sir ah oo ay ogyihiin iyo xeelkasta oo ay garanayaana uga faaiideeyaan walaaladooda gaalada ee biilka ka bixinaysa ee ay u mahadnaqayaan hadh iyo habeen.
Xaqiiqadu waxa weeye shriifyada iyaga ayuu dhoorku daali doonaa waayo diinta Allah ayaa kor yeelaya nasrigiina waa cad yahay.
hadaba qofkastoo muminimadu ka dhabtahay xaqu waa cadyahaye ha taageero raga Allah ku kalsoonaaday cadawgii kibirka dhulkeena ku yimina jilbaha dhulka ugu dhuftay waa kaa muminka allah inoo sheegay maaha mid weli iyo gargaare ka dhigta gaalada.Arinta kale ee aynu iyadana sugaynaa xilli aan fogayn waxay tahay heerka u hoosaysa nolol oo ay gaadhaan kuwa markii hore allah ciziga ku siiyay magaca islaamka ee iminka u baydhay xaga gaalada waxaad arki doontaan labada shariif iyo raga lamidka ah hadii aanay toobad keenin iyaga oo ceebtoodu aduunyada gaadhay.
BISMILLAH.
ASC-W.WABARAKAATUHU.
Waxaa u malaynayaa in cadawgu sidaas daahir ku noqonayn, laakiin waxaan ka cabsanayaa inay nijaasoowdo cidii wax daahiri is lahayd.
bidaari sibiq bay kugu gashaaye, shirkii jabuuti sidii loo waday ma kulankii uu meles iclaamiyey ayuu ku biyo shubtay, ma meeshii soo dhashay kuwan hada nalagu imtixaamay, umulisadii kenyana meeshii bay ku sugaysaa in sideey doonayso wax u dhashaan, hadii ciday filayso ka waydo meeshaasay ku siqiir suujinaysaa, maba la filayo inay waydo`e, inay nooc cusub oo mushkilad nooga soo dhaliso shirkaas ayuunbaa sugaynaa, cida iclaamisay in walqalka wiilka u dhalandoona laga soo qayb galana waa itoobiya.
INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.
Arintani waa mid ka mida waxa sii murjina midowga iyo kulanka walaalada gudaha, waxay kaloo shaki ku sii beeraysaa ragii lagu dirqinayey iney la midoobaan MMI, waxbaan u jeednaa bay leeyihiin, xaqiiqatana garbay u yeelanayaa, markuu arko marba waxa soo baxaya ee isdaba jooga ninkii xogmooge ahaa.
waxaanse leeyahay hadana arinta meeshaas ka soo socota waxaan midoow ahayn lagagama gudbi karo, talo saarashada RABI (SWATACAALAA) ka sokow, hadii garabyadii maxaakiimta fari ku godayntay, inta fiyooobi haka midoobaan, mowqifna ha ka qaataan. waxaase ceeba inta diidana inay yidhaahdaan anana waan isdiidanahay, garan maayo haday hadana waxaanan arkaynin arkaan.
war la helaaba talo helee.
WABILLAHI TAWFIIQ.
WABILLAHI TAWFIIQ.
Wax yaab leh maaha heshiiskaan ee soomaalidaa waxaa ka buuxa dad aan ogoleyn inay diktoonaadaan ilaa ay darbiga madaxa ku soo dhuftaan imisaa laga digayay shirqoolada ay wadaan garabka jabuuti la baxay ee ragaadinta ku haya mujaahidiinta gudaha balse talo waa tan allaah .
heshiisyo khiyaanadooda ay caddahay baa la saxiixay balse waa xiligii la kala baxi lahaa.
waxaan insha allaah rajeynayaa in mujaahidiinta uu allaah ka dhigo kuwa quraanka lagu yiri waxaa lagu yiri innanaasa qadjamacuu lakum fakhshawhum fazaadahum iimaanan waqaaluu xasbunallaahu wanicmal wakiil.
Asalaamu calaykum
Warkuu waa noo caddaa laakiin soomalidu wasidii walaal warfaa sheegey waad ad aan wax garan taariikhdana aan ku cibra qaadan illaa ushu ku dhacdona aan wax fahmin.
laakiin insha allaah waxba ma yeelayaan mujaahidiinta iyagaa dulli doortay.
ASC
SOOMAALIDU 18 SANO WAXAY KU SOO JIRTAY DIIDAY IYO MA YEELAYO HESHIIS. HADANA SIDII BAAD RABTAAN. GAALO IYO MUSLINBA WAA LALA HASHIIN KARAA. HADDII XABASHI BAXDO, SOOMAALINA HASHIISO MAXAA KU JABAN. TAN KALE, SOOMAALI OO ISKA SOO HORJEEDA OO IS DISHA, XABASHI DAN BAA UGU JIRTA. RAGGA HASHIINKAN DIIDAN WAA RAGGII MAXKAMADAHA MEESHAA DHIGAY, WAAYO?
HALKII AY SIYAASAD FIICAN LA IMAN LAHAAYEEN OO BADBAADIN LAHAAYEEN KACDOONKII, WAXAY DOORTEEN INAY DAGAAL QAADAAN OO DABINKII ITOOBIYA KU DHACAAN. SHARIIFKU KUMA QANACSANAYN DAGAAL, LAAKIIN RAGGII JABKAA KEENAY CID WAX WAYDIINAYSAA MA JIRTO. MARKA DADKAN DEBEDA CAYDHA KU QAADANAYA OO LEH DAGAALKA HA LA WADO, ALLAH KA CABSADA. CULUMADA 90% WAA TAAGEEREEN, LAAKIIN HADDA SIDA CAAN KA NOQOTAY SOOMAALIYA, CULUMADA WAXA LA MAQLAA MARKA AY RABITAANKAAGA KA HADLAAN, HADDII KALE WAX KA SOO QAAD MA LEH. HADDII HASHIISKU HIR GALI WAAYONA WAA IS KU DAY FIICAN. LAAKIIN XABASHI IN DACAY LOO LULAYO MA AHAN. TAN KALE HASHIISKU WUXU KEENAYAA IN CAALAMKA IYO XABASHI LA KALA DHEX GALO. SIDAAD OGTIHIN CAALAMKU WUXU KELIYA OO DHEGEYSTAA ITOBIYA, LAAKIIN HADDA WAXA LA DHEGEYSTAA RSA-D.
TAN KALE, SHARIIFKA SHALAY WAA AMAANEYSEEN MARKUU SIDAY KULA TAHAY RABO, HADDII UU FEKER KALE LA YIMAADO, WAA LA CAAYAYAA. SIDAASNA WAA SIDII BUR BURISAY UMADDA. ISLAAMKANA KUMA FIICNA. QOFKA QALBIGIISA WAXA KU JIRA ALLAH BAA OG. MARKA HA LA DHAHO WANAAG BUU RABAA SHARIIFKU, HADDII U QALDAMO HAL AJRI BUU LEEYAHAY, HADDII KALENA LABO.
SOOMAALIYEEY GOORMAAD CAQLIYEYSANAYSAAN….
BISMILLAAAHI
ASSALAAMU CALAYKUM.
INNAALILLAAHI WA INNAAAA ILAYHI RAAJICUUUUUN , WAA MUSIIIBO SOO HABSATAY, WAA BALAAYO SOO KORORTAY , WAA CUDUR IYO QAAXO KUGU SOO BOODOO KALE , WAA XANUUN AAN DHAMMAAD LAHAYN HESHIISKAAS AY KALA SAXIIXDEEN DADAAN CULUMO U HAYSTAY IYO KUWO AAN CADOW U HAYSTAY , WALAX DHALLAA AAN IDIIIN IFTIIMAA MARKA HORE GAAL MA LA AAMINI KARAA ??? WALAX KALE GAAAL BALLAAN MA GALAAA ? WALAX KALE GAAL GURIGAYGA JOOGA GABDHAHAYGA HAYSTA HADDANA BUGTA KU HAYA XAAN KULA HESHIINAA ?? INTA UU GABADHAYDA HAYSTO 120 MAALMOOD XAA KU HARAY WAABA DHIMATAYE ?? KA SII DARAN ARYAA SHARIIF MAXAAKIM SOW MADAX UMAAD AYAA MOORYAAN SAARTEENE XAA AXMAARO ULA HESHIINEE MOORYAAN XAAD ULA HESHIIN WAYDAY MARKII HORE AYAGAA KUU DHAAMAY AXMAAREE ? XAAKU YAABA WALAX KALAA II HARAY KUWAAS LA DHAHAA URURKA QARAMAD URUKA AFRIKA URURKA IIGAAAAD KULLIGOOD WAXAA KA ADAG BUUSH , BUUSHNA AXMAARUU TAAGEERAA MARKA XAY TARAAYAAN AXMAARAY GARAB SIINAAYAAN SHARIIF XAA KUU YAAL MEESHA ??????? AR ASHAAATA WAA ADDUUN GADDOONE , AAWAY RAGGII RAG AHAA ?? WAXAY IDIIN FADHAAN GUDAHA WAXAAS LA ISKA RABAA SAAD UGU SHEEGI LAHAYDEEN MUJAAHIKA OO UGA DHAADHICIN LAHAYDEEN JAWAABAHA SU’AALAHAAS ? HADDII KALE QULQULA
asc salaantaa kadib runtii hadal igumajiro aad iyo aad baan uga murugooday waxa ka jira jabuuti ama kasoobaxay meeshaas waxaan orankarnaa nimankaa uu hogaaminayo shariifku waxaa usinaaday laba arimood oo kala ah inay raali geliyaan ilaahay ama ayraaligaliyaan waxa ay ku magacaabaan beesha caalamka oo ah indadka ama muslimiinta loo diido xukunka alle soodejiyay waxayna doorteen oo raaligeliyeen beesha caalamka mabaadidoodiin waa katanaasuleen oo waxay ku milmeen murtadiintii iyo munaafaqiintii baday dalka iyo diinta waxa aynu garanayno waxay ogolaadeen dasduurkii ay amxaaradu soo dajisay oo kusooxulatay kuwa aad aragteen hadaba maxa lagudboon umada islaamka ah waxa laguboon inay ilaahay talasaartaan aysana ku gadsoomin mu aamardaas aymaleegeyaan gaalad iyo cawaanteeda kana runsheegaan jihaadka in dalka lagu xukumo kittbka ilaahay ayna ogaadaan in waxaa loo samaynayo inlaga hortago si aysan dowlad islaam ahu udhalan
waan fahmay heshiiska waxaadna ogaataan markaad heshiis galayso inaadan ku tashan wax walbood rabtay inaaad hesho waad garanaysaan nabiga scw heshiiski uu ku galay xudeybiya waxaa ku jiray go,aammo aad uga qaraar midkaan waxaa ku jiray in ninkii ka soo muslimo kufaaru qureysh loo celiyo inuu nabigu ka noqdo sanadkaan xajka in la tiray magicii raxmaan in la tiray rsuulullaahi marka kee daran arrintaas iyo tan tan kale muqaawamada iyo alshabaab ayagaa u durbaan tumay amxaaro ayaga inay ku duulayan sheegay hadee haday naga bixin waayeen gaaladi ayaga eryanaysay oo dalkayagi qabsatay maxay u diidayaan heshiiska haba xumaado haduu rabee wuxuu dhaamaa amxaaro ha in haysato teeda kale kee roon c/laahi yuusuf kaligiis hana haysto iyo asaga iyo wadaado la socdo hana haysteen
???? ???? ???????? ?????? ??????? ??? ?????? ?????
asc dhammaan waan idin salaamay walaalaheyga muslimiinta ahow.
waxaan aad ugu faraxsanahay in dhammaan walaaluhu ay la socdaan dhagarta iyo shirqoolka Jabuuti lagu soo maleegay taana waa Allah mahaddii.
waxaan jeclaan lahaa inaan ra’yigeyga ku darsado arrinkan ku soo ziyaaday siyaasadda soomaaliya iyo weliba sida uu saameyn ugu yeelan karo jihaadka barakeysan ee ka socda waddanka.
runtii waxaan aaminsanahay nimankaas jabuuti ee isugu jira rag aan culumo u heysanay iyo calmaaniyiin in ay fulin karaan qorshayaasha gaalada America ay ka damacsan yihiin somalia-waa haddii aan hadda laga baaraan degin sidii loo wajihi lahaa- kuwaa-qorshayaashaas- oo ay ku guuldareysteen ciidamada Ethiopia sababtoo ah dadka caamada ah iyo dadka hadda dhibaatada dagaalladu ay sida tooska ah u saameynayaan waxaa laga yaabaa in ay ku kadsoomaan nimankan maleeyaanna in ay nabad ku soo dabbaali karaan wadanka sidaana ay ku helaan taageerada shacabka soomaaliyeed ee dhibaateysan kadibna uga faa’iideystaan
sidii ay mujaahidiinta ugu gumaadi lahaayeen (LAA QADDARA ALLAH).
hadaba sidee loo wajihi karaa musiibada baaxaddeedu ay intan la’eg tahay waxaan idin leeyahay sidii Nabi Muuse uu ku yiri tolkiisii iyada oo uu fircoon nooc walba oo cadaab ah uu kula kacay muxuu yiri Muuse? aayaddan bal ila aqriya adinka oo ku tadaburayay
Allah kaalmo ka dalba oo sabra dhulkan Allah uunbaa iska leh cidduu doono ayuuna dhaxalsiin oo addoomadiisa ka mid ah )
??? ???? ????? ???????? ????? ??????? ??? ????? ??? ?????? ?? ???? ?? ?????
wuxuu yiri
hadaba sabarkoodi cidhibtiisi maxay noqotay aan aqrinno markale aayaddan
??????? ????? ????? ????? ???????? ????? ????? ???????? ????? ?????? ????
(waxaan dhaxalsiinay kuwii la daciifsan jiray-waa Muuse iyo qowmkiisiye- dhulkii aan barakeynay mashriq iyo maqrib )
waxaan aayadahaa u soo naqliyay in arrinta imminka taagan looga bixi karo oo kaliya SABAR iyo isku duubni.
tan kale waxaan aaminsanahay imtixaankan socdaa ee Allah uu dadka ku kala soocayo inuu dan u yahay muslimiinta guud ahaan gaar ahaanna mujaahidiinta sababtoo ah ninka raba Marya calas iyo Amisom inuu dhufays la galo kaasi markiisi hore ayuuba jihaadka culays ku ahaa Allah wuxuu leeyahay:
?? ????? ???? ?? ?????? ???? ?????? ???????? ??????
(haddii ay idinla bixi lahaayeen -oo jihaadka ay idiin raaci lahaayeen munaafaqiintu- waxaan culays ahayn idinkuma soo kordhiyeen dhexdiina ayayna balaayo ka hurin lahaayeen)
marka kuwaasi mujaahidiinta in ay isaga haraan ayaa wanaagsan inta suntooda ku buufin lahaayeen ragga Allah dartii u jihaadaya.
waxaan ugu bishaareynayaa muslimiinta in jihaadka somalia insha Allah uu guuleysan doono oo ilaah u diyaarayay rag ka run sheegay ballantii ay ka qaadeen Allah kuwaasoo ku dhaartay in ay jihaadka wadi doonaan xattaa haddii ay is hortaagaan American iyo Russia
??? ?????? ????? ??? ?????? ????? ??? ???? ????? ?????
wa aakhiru dacwaanaa anil xamdu lillaahi rabil caalamiin
walaayaal wixii aan qalday hala saxo jzkmlaah
BY:ABU-MARWAN
Heshiis maa hane waa shirqool cad waxaana ka shaqeeyay reer galbeed. aan idin weydiiye sidee laysugu dhafayaa ragii mujaahidiinta sheeganayay iyo kuwii ay ku jihaadayeen.waa yaab. mase .ma ina kala xigaan Uganda iyi Itoobiya diin ahaan.qunyar socodnimadii masaas ayay dhashay in la tirtiro ayadihii jihaadka
asc walaalayaal marka hore waan idin salaamay dhamaan umada somaliyeed meelkasto ay joogto
marka xiga waxaan umalaynayaa somalidu waxayaabo badan in ay isaga qaldan yahiin waayo haddii heshiis la gaaro maxaa ku jaban walaale miyaadan ka naxayn umadda somaliyeed ee maalin waliba guryahooda ku dul dhacayo hoobiyayaal aanan awoodin waxay kooda dhaawaca ku daawaystan kii dhintay waaba dhintaye war ilaahay ha laga baqo oo ninkii keeno xeelad looga baaqsan karo dhimashadan tirada beeshay iyo barakacan ka siidaran ee aan kala go’alahayn waa in la taageeraa haddii aad tahiin kuwa ka naxayo dhibaatada haysata umada ku lee’anaydo magaalada muqdisho iyo meeela kaleba oo dalka ka mid ah iyo dadka ku barakacay ceelasha biyaha iyo ilaa shabeelada hose walaalow miyaadan ka danqanayn in dadkas si allaale iyo sidii lagu badbaadin lahaa loo sameeyo war ilaahay ka baqo oo kuwa isha daran ee aan haysan wax ay wax ku iibsadaan aana iska bixin karin qadadii ha loo turo haday nabad haysan la haayeena iska xamaalan lahaa
warkaygu waa intaas walaale yaal waana mahad santahiin
Wax kaloon sheegno ma naqaane xasbunllaahu minhum.
Inuusan hir geleyn way cadahay, laakiin waxaan ka xumahay in heshiiskaas loo isticmaali doono in dadkii dulmanaa lagu sii dulmiyo.
Ma dhici karto waana wax caqliga ka wayn in mujaahidkii nadiifka ahaa laga dhaadhiciyo la midow koobiga Itoobiya. Raga qurunkaas saxiixey hadeysan mustaxiilnimada arintaas garan karina waaba dad ahliyadooda caqliga wax u dhimanyihiin.
Laakiin midaan ka baqayo waxey tahay in ragaasi aysanba mujaahidiinta danba ka laheyne ay doonayaan iney ciidan cusub oo mooryaan ah qortaan oo kula shirkoobaan mujrimiinta Impagati.
Calaa kulli xaal ragaani mushkiladii Soomaaliyeed way sii murgiyeen. Eedii dadka dulman loo jeedin jirey oo aheyd ineysan soomaalidu nabad rabina iney hesho xujo cusub ayey saxiixa ku duugeen.
Isku soo duuboo wax faa,iido ah oo heshiiskaas ka muuqda ma jiraan. Khasaaradiisuna waa badantahay.
1. Kalsoonida madaxda soomaaliyeed oo ceel dheer lagu ridey.
2. Cadawga oo loo sameeyey qiil cusub oo uu ku baneysto dhiiga dadka soomaaliyeed.
3. Karaameynta koobigii Itoobiya oo mujaahidiinta lala simey!
Wax ceeb ah ayaad sameyseen laakiin ilaahey baan arinta u deyneynaa.
SALAMA CALAYKUM
AMXAAR CIYAALKAAGII DILAY XAASKAAGIINA KUFSADAY WAXAA JIRA KUWO ANIGU AAN AQAANO OO SOOMAALI SHAAGANAYEY MAXAY ISU KEEY DHAAMAAN WADAADKIISE IYIRAA HADDA WAAN HESHIINAYE CAANO U KEEN MA U MALAYNEYSAA IN AAN YEELI KARO .
AMXAAR IGA TAG OO LAGA YAABEE IN AANAN GAARI KARIN KAN ILA JOOGA EE AAN U JEEDO XAALKIISA KA WARAMA .
WAAN KA XUNAHAY WIXII DHACAY WAAN QALDANAY MALAGA HAYAA ?