Warbixin: Waxbarashada Galdogob oo waa cusub u baryay

ardey-lo-khudbadeynayo-copy.jpgMagaalada Galdogob waa magaalada labaad ee ugu baaxadda weyn magaalooyinka gobolka Mudug, waxaana hoos yimaada deegaan ballaaran oo maamul ahaan u raacsan. Waxay kaloo magaalo u tahay qayb ka mid ah dalweynaha S/galbeed oo la dariska ah.(Daawo Sawirada)

  ardey-fadhida-barxada-iskuulka.jpg

Magaalada oo ku caanbaxday nabadgalyo iyo xiriir wacan oo ay la leedahay deegaanada ku xeeran iyo gobolada dalka oo dhan ayaa muddaba ku tillaabsanaysay horumar dhinacyo badan leh oo dhinaca waxbarashadu ka mid yahay, ha ahaato waxbarashada diineed ama tan casriga ahe.

  

Magaalada waxaa ka furan labo iskool oo mid waliba leeyahay heerarka Hoose, Dhexe iyo Sare, iyo hal iskool oo Hoose/Dhexe ah. Waxaa kaloo ku yaal dhawr iskool gaar ah (barayvid) oo lagu barto Luqadaha, Kumbiyuutarka, Sayniska iyo Xisaabta. Waxaa kaloo laga furay Mac-had sharci ah oo heer dugsi sare ah oo si weyn wax uga badali doona heerka aqoonta iyo wacyiga bulshada deegaankaan iyo kuwa ku xeeranba.

  

Haddaba waxaan halkaan idiinku soo bandhigaynaaa warbixin ku saabsabsan dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee degmada Galdogob oo ah dugsiga ugu da’da weyn degmada.

 ardey-lo-khudbadeynayo-copy.jpg 

Dugsiga H/dhexe ee degmada Galdogob waxaa la dhisay sannadkii 1962kii, waxaana la furay 1963kii. Iskoolkaan oo heerar kala duwan soo maray waxaa wax ku bartay dad fara badan oo Rag iyo Dumarba leh, hoggaanka bulshadana kaga jira kaalimo kala duwan. Waxaa ka baxay dugsigaan dad hadda isugu jira Culimo, Siyaasiyiin, Saraakiil, Ganacsato iyo aqoonyahano kale oo ku takhasusay qeybaha aqoonta.

  

Dugsigaan wuxuu xirmay 1982kii, xilligaas oo magaalada ay qabsadeen ciidanka Itoobiya, waxaana dib loo furay 1993kii. Dugsigaan oo xilligii dawladdu dhisnayd ahaa heer dugsi dhexe ayaa hadda ay u dhammaystirmeen heerarka waxbarasho oo yeeshay dugsi sare.

 dhismaha-iskulka-copy.jpg 

Waxqabadka iyo horumarka dugsiga.

  

1.      Dugsigu wuxuu haystaa dhisme weyn iyo dhul ballaaran oo u bannaan.

 

2.      Waxaa hadda dhigta 417 arday oo 97 ka mid ahi dugsiga sare ku jiraan.

ardey-barada-iskuulka-fadhida-copy.jpg

3.      Dugsiga waxaa wax ka dhiga macallimiin tayo leh oo gaaraya 10 macallin oo 6 ka mid ah Jaamiciyiin yihiin, afarta kalena yihiin heer Diplome iyo dugsi sare. Macallimiinta dugsiga wax ka dhiga waa rag qaatay tababaro macallinimo, isla markaana leh khibrad iyo waaya-arganimo dheer. Arrintaa waxay keentay in dugsigu ka mid noqdo kuwa ugu tayada iyo sumcadda weyn deegaanada P/land.

 

4.      Waxaa dugsigu leeyahay qeyb ardaydu ku bartaan Kumbuyuutarada, waana arrin uu kaga duwan yahay, kagana horreeyo dugsiyada ku yaal P/land.

 arday-dhiganaysa-computer-gabdho-copy.jpg ardey-baraneysa-computer-ka.jpg 

Maamulaha dugsiga Ustaad C/salaam Yuusuf Xaaji Max’ud waxa uu yiri: “annaga oo kaashanayna guddiga waxbarashada deegaanka waxaan ku guulaysanay in aan keensano macallimiin aad u tayaysan, sare u qaadista aqoonta ka sokowna waxaan xoog saarnay wacyiga iyo akhlaaqda ardayda. Taas oo keentay in dugsigu noqdo mid ka mid ah dugsiyada ugu tayada wanaagsan, uguna sumcadda weyn deegaanka P/land. Waxaa kaloo aan si gaar ah ugu faraxsanahay hanweynida iyo kalsoonida ay isku qabaan ardaydayadu, taas oo ka muuqata xilkasnimadooda iyo meelaha sarsare ee ay hiigsanayaan”.

  

Dugsiu xaggee raacsan yahay?, yaase ictiraafsan?

  

Waxaa iyana xusid mudan in dugsigaani xubin ka yahay dalladda waxbarshada FPENS oo ah tan ugu ballaaran dalweynaha Soomaaliya, isla markaana haysata ictiraafka hay’adaha waxbarashada ee caalamiga ah iyo dawladaha deeqda waxbarasho siiya Soomaaliya, arrintaas oo qeyb weyn ka qaadanaysa sumcadda iyo kalsoonida dugsiga, iyo fursadaha waxbarsho ee u furan ardayda ka soo baxda.

ardey-galaas-ku-jirta-copy.jpg

  

Baahiyaha dugsiga:

 

1.      Qalab Sheybaar (Laboratory).

 

2.      Maktabad (library).

 

3.      Dugsigu wuxuu u baahan yahay in lagu wareejiyo darbi.

 

4.      In dadka aqoonta leh, sida ragga jaamacadaha wax ka dhiga ay soo booqdaan oo siiyaan maamulka iyo macallimiinta afkaar iyo talooyin lagu sii hormariyo dugsiga, waxaa kaloo suurtagal ah in qoraal ahaan loogu soo diro.

 

5.      In loo fidiyo taageero waxbarsho oo micneheedu yahay in ardayda ka soo baxda loo helo jaamacado deeq ah iyo qaar laga baxsho lacagta.

       

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

8 Comment(s)

  1. Mashaa allaah waxbarashada waa muhiim jihadka somalia waxa kaliya ee dhibka ku haya hada waa jahli marka in laga baxo waa arin wanaagsan reer galdogobna waa dad daacadnimo lagu bartay khiyaanada muslimkana aan aqoon sida dadka qaarkiis

    Warfaa | Oct 25, 2008 | Reply

  2. waxaa wax lagu farxo ah horumarka waxbarasho iyo tan ay higsanayaan maamulka dugsiga hoose, dhexe sare ee Goldogob, anoo si gaar ah ugu mahadcelinaya maamulaha Dugsigaas C/SALAAN YUSUF XAAJI, OO AAN ISKU ARDAY IYO SAAXIIBA AHEYN, WAXAN LEEYAHAY WELL DONE ABDISALAM

    muxyadiin | Oct 25, 2008 | Reply

  3. As/Al:
    Kaddib walaalayaal waa khsab qofkasta oo damiir islaannimo ku jirto inuu ka qaybqaato waxbarshada waddankeenna ka jirto manta sababtoo ah majirto dawlad dhexe oo aan ku hallaynayno annagoonan u eegaynin gobol iyo qabiil toona, sidaas darteed waxaan halkaan ku soo gudbinayaa, labo talo:
    A-Dadka Soomaaliyeed meelkasto oo ay joogaan inay caawiyaan carruurteenna aanan haysan cid ay baxasadaan maanta, waa inayna ogaadaan canug Somali ah hadduu waxbarto inuu adiga ku anfacayo,adoon u eegaynin gobolkiisa,sababtu waxaa weeye canugga joogo Hargeysa iyo midka Kismanyo joogo waa isku mid midkastana wuu ina anfacayaa hadduu waxbarto oo uu naftiisa anfaco:
    B-Waxaan talo kale u soo jeedinayaa dadka gacanta ku hayo goobaha waxbarashada ee gudaha ku yaalla, inay dadka baraan waxa oogu wanagsan in labarto oo waajibka ah wana diinta, Tawxiidka iyo Caqiidada ayagoo islamrkaasna baranayo maaddiga, laakiin sidaannu ku soo barbaarnay diinta yaanan laga dhigin halmaaddo oo aan walibo muhimad lasiinin halka aannu Sagaal maaddo oo dunawi aannu qaadan jirnay:

    Wali | Oct 25, 2008 | Reply

  4. waa mahadsan tahay somalimirror wax kasta oo dadka anafacaya ayay ka hadlaan ee hal wax kuma dhagana. goldogobna waxaan leehay sii dadaala oo naf iyo maal u hura diinta iyo waxbarashada iyagaa hoorumar kuguu gaaraa. waxaan kaloo u sheegayaa inay walaalohood wax la qabtaan una duceeyaan.

    Waa mahadsantahay somalimirror iyo goldogob

    guure | Oct 25, 2008 | Reply

  5. asalaamu calaykum wr wb
    salaan kadib waxaan ku faraxsanahay xusida SCHOOLKA degmada GALDOGOB oo taariikhdiisa naloo xusay waxaa ku mahadsan bahda somalimerror.com
    waxaa labana iswaydiinayn in wax barashadu tahay muhiin qofwalbana ubaahan yahay siiba dhanka diinteena islaamka oo ayadu baahideedu tahay sida biyaha iyo cuntada aan oogu baahano iyo sikasii baahi badan siiba wacyiga hada lamarayo oo gaalo rabto in ay cagta mariso diinta islaamka balse allaah yaa kudiiday oo ilaashanayo diintiisa islaamka

    nuuradiin m cabdi | Oct 25, 2008 | Reply

  6. asalamu alaikum
    waa muhiim in laga qayb qaataa taakulaynta macaahidaan oo kale waxaan uga mahadcelinaynaa beerdhiga war bixintaan wanaagsan ee ay nosoo ban dhigeen

    wasalamu alikum

    cali xaad | Oct 25, 2008 | Reply

  7. asc walaalayaal aad ayaad u mahadsantihin qaabka aa wax u qortan iyo sida wadaniyada leh aa meelaha aanan ka warheynin inoogu soo gudbisan webkan waxan ku jeclahay in uu u hadlo umada somaliyed oo dhan tan kale waxaan aad ugu faraxsanahay goldogob waxbarashada ka socoto iyo dadka dagan oo aan aad u jeclahay aniga waligey ma tagin lakin dadki ka yamid aaa isbaranay waa dad daacad ah somalinimada jecel walaltinimada qimeyo munaafaqnimadana neceb sida deganada qaarkod lagu yaqaano goldogob waxaa nabada iyo horumarka aa ugu sii talabsaneysan waa daacadnimadina ilahey ha idin siyaadiyo aa idin leyahay qeyr aa
    mahadsanidiin somallimirror

    ismail | Oct 25, 2008 | Reply

  8. Aqoon la aan waa iftiin la aan.
    Allah hala garab galo.

    Gelle Barre | Oct 29, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo