Qarax Bam oo Xaley ka dhacey Suuq Bacaad.

Published on October 23, 2008 by   ·   No Comments   ·   print

bam-gacmeed.jpgDeegaanka Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshiid, waxaa xaley Bam gacmeed la gula weerarey Ciidamo ka tirsan DKMG ah oo halkaa ku suganaa.

  

Weerarka Bam baano ee lala beegsadey Ciidamada DKMG ah, ayaan la ogeyn khasaaraha ka soo gaarey, waxa ayna ahaayeen xiligaas kuwo meel fadhiyey oo si kedis ah loola beegsadey qaraxa Bam.

  

Qaraxa Bam, ka dib ciidamadii lala beegsadey waxa ay fureen rasaas xoogan taas oo inta laga warqabo ay ku dhaawacmeen 3 Qof oo rayid ah oo ka mid ah dadka deegaanka Suuq Bacaad.

  

Sidoo kale waxaa is taagey dhamaan dhaq dhaqaaqyadii kala duwanaa ee ka jirey suuq labaad ee ugu weyn Magaalada Muqdisho, ee Suuq Bacaad, ka dib markii Ciidamada DKMG ah in muddo ah ridayeen raas xoogan.

  Balse saaka ayaa xaaladu sidii hore ku soo noqotey, oo dib uu furmey dhaq dhaqaaqii kala duwanaa ee ka jirey Suuqa.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. 2 Askari oo Suuq Bacaad Lagu Dilay
  2. Ganacsatada Suuq Bacaad oo Dhaca Ciidanka DKMG ah Ka Cabayana
  3. Asakri Lagu Diley Suuq Bacaad
  4. Qarax Ka Dhacey Suuqa Afisyooni
  5. Dad Rayid ah oo Lagu Dilay Suuq-bacaad

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. 2 Askari oo Suuq Bacaad Lagu Dilay
  2. Ganacsatada Suuq Bacaad oo Dhaca Ciidanka DKMG ah Ka Cabayana
  3. Asakri Lagu Diley Suuq Bacaad
  4. Qarax Ka Dhacey Suuqa Afisyooni
  5. Dad Rayid ah oo Lagu Dilay Suuq-bacaad

Latest Headlines