Wadada isku xirta Garoonka Muqdisho iyo Madaxtooyada oo xiran Saaka

Published on October 22, 2008 by   ·   1 Comment   ·   print

amisom1.jpgWaxaa saaka gebi ahaanba xiran wadada dheer ee isku xirta Madooxtoodayada iyo Garoonka Muqdisho ka dib markii halkaa ay isku fidiyeen Ciidamo ka kala tirsan DKMG ah, kuwa Gumeysiga Itoobiya iyo kuwa AMISOM. Waxa sidoo kale xirey dhamaan wadooyinka soo gala Isgoyska KM4.

  

Ciidamadan ayaa joojiyey dhamaan dhaq dhaqaaqyadii kala duwanaa ee halkaa ka jirey oo dad iyo gaadiidba leh, waxa sidoo kale laga joojiyey wadooyinkan in ay isticmaalaan Ardeydii kala duwaneyn ee wax ka baraneysay Goobaha Waxbarasho ee halkaa ku yaala.

  

Dadka iyo Gaadiidka Rayidka ah ayaa ku xayiran xaafadaha ka agdhow wadooyinka xiran, kuwaas oo sidoo kale ka cabsadey in ay isticmaalaan wadooyinka kale ee qardo jeexa ah ee xaafadaha dhex mara oo dhawaan ay dhex degeen Ciidamo ka tirsan kuwa DKMG ah.

  

Dhanka kale agagaarka xarunta Xanaano oo u dhow Isgoyska KM4 waxaa lagu waramayaa in uu yaalo Meydka Qof Rayid ah kaas oo ay dileen Ciidamada DKMG ah ee halkaa ku sugan.

  

Xirnaanshaha Maanta ee wadooyinkan ayaa sabab looga dhigey sida lagu helayo warar xog-ogaal ah, qaar ka mid ah madaxda sare ee DKMG ah oo lagu wada Maanta in ay ka dhoofaan Garoonka Magaalada Muqdisho.

  

Wararka ayaa intaa ku daraya in laga yaabo Maanta in wadanka dibadiisa uu u baxo C/laahi Yuusuf, sidaa daraadeedna loo xirey saaka wadooyinkan.

  

Arintan ayaa ku soo aadeysa iyada oo lagu wado in dhawan Magaalada Nairobi uu ka furmo shir ururka IGAD uu isugu yeeray inta badan hay’adaha kala duwan ee DKMG ah, in kastoo warar horey u soo baxey ay tibaaxayeen in C/laahi Yuusuf uu shirkan ka cago jiidayey.

  

Sida caadada ah marka sidan oo kale qaar ka mid ah madaxda sare ee DKMG ah ka amba baxayaan Magaalada Muqdisho ayaa muddo saacaado ah waxa u xirnaada inta badan wadooyinka degmooyinka qaar ee Gobolka Banaadir.

   



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho oo saaka xiran
  2. Wadooyina gala Garoonka Muqdisho oo xiran
  3. Wadooyinka Garoonka gala oo xiran
  4. Qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho oo Xiran
  5. Madaafiic Lagu Garaacey Madaxtooyada & Garoonka Baydhabo

Readers Comments (1)

  1. xasan cabaas says:

    Ciqaabtaas haku jiro asagaa dalbadaye,allow ma u shalaayey maalintii maxaakiimtu lahaayeen madaxweynanimadaada waan kuu ogol nahaye imow madaxtooyadi waakuu diyaare,inta kalee dawlada ahna aan qaybsano dagaalkana jooji dalku waa nabade.
    kuwii uu katala qaatayse markii dadkiisi dhamaaday oo godob islaam ay ku hubsadeen saw maanta mataagna inay caayaan oo waxii dhacoo dhan asaga dusha kasaaraan isla markaasna shaqada kacayriyaan.
    kuquusta ayaan leeyahay kuwa hadda raba inay shaqada ubilaabaan cadawga oo siminaarada kujirow halka maanta ina yeey taagan yahay unbaa idiin dambayn marka laydin isticmaalo,muslinkuna ilaahiis buu leeyahay wuuna idika soo hari adinka iyo kuwa aad u adeegaysaanba.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho oo saaka xiran
  2. Wadooyina gala Garoonka Muqdisho oo xiran
  3. Wadooyinka Garoonka gala oo xiran
  4. Qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho oo Xiran
  5. Madaafiic Lagu Garaacey Madaxtooyada & Garoonka Baydhabo

Latest Headlines